Carruurteenna iyo Af-Soomaaliga
Luuqad waxaa loo adeegsadaa in loogu yeedho
wax walba oo lagu wada xidhiidho lana isku fahmo taasoo aan ku
ekayn Dadka oo waxaad arki luuqadda computerka, tan xisaabaadka
IWM. Laakiin gaar ahaan markaan ka hadalno luuqadda Dabiiciga ah
waa tan Aadanuhu u adeegsado si uu ula xidhiidho (u fahmo loona
fahmo) dhiggiisa. Luuqad waa af Shacab ka dhexeeya kaasoo
dadkiisu ku hadlo, qoro, aqriyo waxna ku saxiixdo. Luuqaddu waa
hanti ma guuraan ah oo dhaqan ay u leeyihiin ummadi iskagana
soocaan ummadaha kale. Waa calaamad jiritaanka cidda ku hadasha.
Qoraalkan yar waxaan ku eegayaa dhibka carruurteenna ka haysta
Barashada Afkooda Hooyo iyo Saamaynta ay inagu keeni karto
dhammaanteen.
Waan ka wada dharagsannahay sida Soomaalidu
adduunka daafihiisa ugu baahday kadib dagaalkii ayaan-darrada
ahaa ee Soomaaliya. Kasokow faa’iidooyinka kooban ee qurbaha
laga helay, waxaa jira dhibaatooyin badan oo laga dhaxlay
kuwaasoo qaarkood in badan laga hadlay. Dhibaatooyinka qaar
waxaan la wadaagnaa dhamaan ajaanibta Galbeedka (iyo Barigaba)
ku cusub, qaar kale waa kuwo aan la wadaagno Muslimiinta guud
ahaan. Waxaase jira kuwo Soomaalida u gaar ah sida inaad waddamo
badan ku arkayso carruur Soomaali ah oon ku hadli Karin Af-kooda
Hooyo –Af-Soomaaliga. Waxaan tusaale usoo qaadan karaa inaan
arkay carruur illaa 10 waddan ka kala timid oo dhamaan ajinabi
ah Soomaalina ay ku jirto kulligoodna isku iskool dhigta inay
qariib igu noqotay in kuwa kale sidii iyagoo waddankoodii jooga
ugu hadlaan af-kooda halka kuwa Soomaalida ah ay ku adagtahay
iskadaa inay ku hadlaan Soomaali e ay xataa ku adagtahay inay
kuba fahmaan!!!
Dhibku intaas wuu ka weynyahay waxaanan aad
usii walbhaaray kadib markuu Sheekh ka mida Culimada
Soomaaliyeed nooga sheekeeyay nin darsin carruur ah oo uu dhalay
kuna kala baahsanaa wadamo badan oo kala duwan uu go’aansaday
inuu carruurtiisii kula wada kulmo Dalka Masar kadibna
carruurtii laga waayay laba is af garata!!! Waxay noqdeen wax
Swedish, German iyo Faransiis daldala iyo kuwo kale oo Af-Carabi
iyo Amxaari ku xanta kuwa kale!!! Maalin maalmaha ka mida ayuu
duqii carurta dhalay ka safray markaasay illeen awal isagaa ku
kala dhex jiraye madaxa isla wada galeen oo af-labadii hal mara
lagu dhawaaqay “war odaygii fiicnaa ee inoo kala turjumaani
jiray xagguu aaday?” Walaalo is af-garan waayay sow wareer iyo
wal-wal joogto ah kuma sugna!!!
Anigoo dhowr goor oo hore isku dayay bal
inaan fahmo dhibaatadu inta ay le’egtahay ayaan shalay isugu
yeedhay illaa dhowr iyo toban dhallinyaro ah kuwaasoo da’doodu u
dhaxayso 11 illaa 17. Waxay ka mid ahaayeen da’yar aan isku dayo
inaan si ay ka helayaan ugu faa’iideeyo. Sidii caadada noo ahayd
ayaan su’aalo iyo jawaabo u galnay. Aniga ayay tooggadaydii
noqotay inaan weydiimahayga soo bandhigo. Waxaan weydiiyay
waxyaabo laga yaabo aqristoow inaad fududaysato ood la yaabto!
Laakiin jawaabtii ay ka bixiyeen ayaa kugu filan inaad ii
garawdo. Waxaan luuqaddii ay fahmayeen ku weydiiyay waxa
af-Soomaaliga lagu dhaho Mahadsanid, Hambalyo, Nabadgalyo, Soo
Dhawow iyo ereyo kale oon ka fogayn. Tirada weydiimahayga saxda
uga jawaabay way ka yaraayeen 20%!!! Waliba waa marka aan
jawaabta ku daro kuwa ag-dhigay ee laakiin aanan isticmaalin
erayada kor ku qoran oo ulajeedkaygu ahaa. Qaar baa soo dhawow
baddalkeedii ku jawaabay “Soo gal!!”
Waa Maxay Sababtu
Iyadoo jaaliyaadka Soomaalida lagu dhalliilo
inayna xil badan iska saarin tayaynta dhallinta ay magacooda
xafiisyada ku furtaaan ayaa haddana inta aan fahamsanahay dhibka
ugu weyni wuxuu ka imaanayaa waalidka oo gabay kaalintii
barbaarineed ee carruurtooda. Heerka ay carruurtu kolba marayaan
ayaa ka sokow bay’ada ay ku noolyihiin, waxaa saamaynta ugu weyn
ee natiijadooda iska leh waalidka. Tusaale ahaan waxaan
aaminsanahay carruurta imtixaankaygii yaraa ku baastay inay
guryahooda kala yimaaddeen waxa ay kuwa kale ku dhaameen.
Waxaa niyad jab weyn aad kala kulmaysaa
markaad aragto ilmo jecel inu afkiisa hooyo barto laakiin kuwii
bari lahaa (waalidkii) ay kula hadlayaan af kale oo qalaad!!!
Marka ilmuhu 3-dii meelood e ugu muhiimsanaa ee uu wax ka baran
lahaa (kka. Guriga, Iskoolka iyo Goobaha ciyaarta) haddii aan
fursad loo siin inuu afkiisa meel uun kaga hadlo siduu ku baran?
Waa arrin mustaxiil ah. Waxaa intaa dheer iyadoo muddo kadib
ilmuhu ay la qabsadaan inay ka maarmaan afkooda oo ay gaadhaan
meel aan kasoo noqosho lahayn taasoo dhaxalsiisa inay ku
sifoobaan Soomaali aan Af-Soomaali aqoon (waaba haddii dadka
laga dhaadhicin karo inuu Soomaali yahay qof aanan Soomaali
aqoon!!!) Nin adduun ku nooloow maxaa aragti kuu laaban!
Waxaa kale oo jira waddamada dhibkaasi ka
jiro qaar oggol in iskoolada dadweynaha lagu baro carruurta
af-kooda inay haddana nasiib darro tahay inayna jirin dad xirfad
u leh barista Af-soomaaliga. Taasna eeddeeda dhamaanteen ayaa
iska leh!! Kuwa fara ku tiriska ah ee barayaasha af-ka hooyo ka
ah waddamada shisheeye dhab ahaantii iyagaaba u baahan in la
baro af-Soomaaliga. Waxaan arkay macallin ardaygiisa
halkuu/halkay ka bari lahaa/lahayd inay jiraan dhowr erey oo
isku micne ah (kulligoodna af-Soomaali ah) uu/ay ka barayo/so in
hal ray uun sax yahay (waa erayga gobolkiisa laga isticmaalo e)
kuwa kalena khalad yihiin oo aynaba af-Soomaali ahayn. Kulligeen
Soomaali baan nahay hal luuqad ayaana ku wada hadalnaa oo ah
Af-Soomaali, laakiin lahjad iyo eray meelna ku badan meelna ku
yar waa iska caadi oo addunkoo dhan bay ka jirtaa.
Ugu dambayntiina afkeennu inkastoo uu hodan
yahay haddana ma wada naqaan oo miyigii uu asalku yaallayna waa
laga yimid dugsiyadii lagu dhigan lahaana ma hayno! Waana
sababta keentay in dad badan oo wariyeyaal sheeganaya ay sida
joogtada ah ugu qoraan af-Soomaali khaldan oo aanba barasho
dheeri ah u baahdeen sixiddiisu. Laakiinse qofku meesha ugu
muhiimsan ee uu kusoo barbaaraa noloshiisa waa guriga. Marka
waalidiinta xil gaar ah baa ka saran inay carruurtooda baraan
afkooda hooyo. Danteenna ayaa ku jirta inaan ilmaheenna
luuqaddooda barno, waxaana taas taageeraysa daraasad lagu
sameeyay Sweden oo sheegtay ilmaha ugu fiican waxbarashada
iskoolada inay yihiin isla kuwa ugu fiican ku hadalka
luuqaddooda hooyo. Waana sababtaas tan keentay inay Sweden
balaayiin koroner ku bixiso barista carruurta luuqaddooda hooyo
(iyadoo sidoo kale balaayiin kale sannadkiiba ku bixisa barista
Swedishka la baro ajaanibta waddanka kucusub inkastoo ay Dadka
reer Sweden 100% ku hadlaan luuqadda English-ka!!!). Kulligen
waxaa inala gudboon inaan afkeenna ilaalino sababtoo ah
jiritaankeenna ayaa ku xidhan.
By: Abdulfatah Sheikh (bihiabdul@yahoo.com)