SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

 
Faalo: Ma istaahishaa caasimadii Soomaaliya Mogadisho inay maamulaan Mohamed Dhere, Abdi Qaybdiid, Darwiish & Gabre?.

DAL:

Wadan walbo oo dunida ah,waxa uu ku fanaa waa jiritaankiisa qaranimo iyo taariikhda dadkiisa, dalkiisa,diintiisa iyo heerka uu ka taagan yahay ilbaxnimada iyo xadaarada maanta dunida ay ku kala hareyso, hadii ay ahaan lahayd dhaqanka, cilmiga,xadaarada, qayraadka iyo horumarka.
Caasimadaha:

Caasmid walbo waxay astaan u tahay jiritaanka qaranimada iyo madax banaanida dadka iyo dalka, marka aad wadan caasimadiis tagtana,waxaa halkaas ku arkaysaa waxyaabo badan oo muujinaya taariikhda dalka iyo ilbaxnimada dadkiisa,waxaa kale oo aad ku arkeysaa caasimadaha dalalka hodanka ah dadyoow kala duwan oo dunida dhan ka yimid oo ku nool,kuwaas oo dagan kuna leh ganacsiyo,qaar u soo raadsadey inay wax ka bartaan, kuwo u soo shaqo raadsaday oo raba inay ka xoogsadaan, waxaa kale oo aad ku arkaysaa xili kasto dad dalxiis u yimid oo danaya inay wax ka ogaadan nolasha iyo ilbaxnimada magaalada, inkastoo ay jiraan qaar u yimid inay ka soo adeegtaan.

Caasimad walbana waxaa ku yaal safaaradaha caalamka, waana magaalo ka duwan magaalooyin ka kale,wadan walbana waxa uu ku fanaa caasimadiisa.

Caasmid walbana waxaa kale oo aad ku arkaysaa meelo lagu caabudo diimaha ay kala haystaan dadyoowga ku nool dunida iyo dadka dagan magaalada iyo meelo ay iskugu yimadaan dadka isku isirka ah ama ay ku badan yihiin, iyagoo ku leh waxyaabo asal ahaan muujinaya dhaqankooda iyo dadnimadooda.

Caasimadaha aduunka ama magaalooyinka waaweyn sida Amsterdam, London, Newyork, iwm ah, waxaa ku nool dadyoow aad u kala duwan, run ahaantiina aad isleedahay mararka qaarkood aaway dadkii dhulkaan lahaa, sida ay dadyoow ka kala yimid dunida dacaladeeda ugu wada nool yihiin si nabadgalyo ah, iyagoo wax walbo ku kala duwan, hadii ay ahaan lahayd dhaqanka,fikirka, diinta, midabka iyo afka, hadana wada is fahmaayo isla markaana ixtiraamna ku wada nool, kuwaas oo ka wada shaqaynaayo dantooda iyo danta dalka ay ku nool yihiin, halka ummada Soomaaliyeed intaas un fahmi kari la yihiin xataa kuwa qurbaha ku nool ee arkaya xaqiiqd & sida ay u nool yihiin dadyoowga kale.

Dhamaan dadyoowgaa kala duwan hadana waxay bixiyaan canshuuraha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee looga baahan yahay, iyagoo u gudanaya si xilkasnimo ah, waxayna ka qayb qaatan horumarinta magaalada iyo maamulada kala duwan, iyagoo ka qayb qaata shaqooyinka noocyadiisa kala duwan.

Mogadisho 1991:

Hadaba magaalo madaxdii Soomaaliya Muqdisho oo aynu ku faani jirnay ayaa dhibaato baaxad weyni la soo daristey tan iyo markii ay burburtey dowladii Soomaaliyeed, magaaladiina waxay gacanta u gashay jabhado qabaa’il ah hadana iska soo wada horjeeda, kuwaas oo burburiyay dhamaan caasimadii Soomaaliya ee Mogadisho, Xamarna ka dhigay meel ay ka carareen 90% dadkii Soomaaliyeed ee kuwada noola daris wanaaga iyo walaalnimada qarniyo badan, waxayna Mogadisho xaruun u noqotey dagaal oogayaal iyo burcad ku hayb ah oo aan is leeyahay Xamarba waxay yimaadeen 1991 kadib, kuwaas oo magaaladii ka dhigay mid burburto kalana xirxiran oo dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo, quruxdii Xamarna u badalay xabaalo ama qabuuro wax aan ku tilmaami karo oo aad looga murugoodo, waayo Mogadisho 18 sano ka hor waxay ahayd caasimad taariikh fac weyn leh aduunka dhana laga yaqaan, Soomaalida dhana ay ku faanto.

Mogadisho iyo Maxkamadihii:


Hasayeeshee waxaa Mogadisho sumcadeedii iyo quruxdeeydii dib u soo celiyey maxkamadihii islaamka ee uu horkacaayey hogaamiye Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, mudo lix biloodna ka dhigay Xamar mid ay ummada Soomaaliyeed dib u soo xasuustaan mar sidii ay Xamar ahaan jirtey, kana dhigay nabadgalyo, dunida oo dhana tusiyey inay jiraan dad Soomaaliyeed oo daacad ah isla markaana ku soo celin kara dalkooda nabadgalyo, tusayna caalamka in ummada Soomaaliyeed si wadajir ah ugu wada noolaan karaan dalkooda, nasiib xumo gacan shisheeye ayaa u diiday in Mogadisho ay nabad sii ahaato.

Mogadisho iyo maanta:

Xamar maanta waxaa ka taliya Gabre iyo dagaal oogayaal uu ku adeegto, dadkii daganaa magaalada ku haya dil, kufsi, barakicin, afduubid, gadasho, handadaad, kuwaas ah burcad sheeganaysa inay dowlad yihiin iyo gumaysi Tangi ku jooga ciida Soomaaliya, burcadaas oo ka dhigay magaaladii meel maanta ay ka jirto xaalad bini aadanimo daro iyo amni xumo, sababta ay sidaas u samaynayaana waxaa weeye iyagoo u adeegaya gumaysiga madow ee Muqdisho ku keenay kaaraha, danta uu ka leeyahay waxaa weeye in uu dalka iyo caasimadaba ku haysto raga Soomaaliya baday maanta magac xumada iyo gunimada haysata.

Magaalooyinka dunida ugu caansan:

Amsterdam, London iyo Newyork tusaale ahaan waxaa duqoow magaalo ka ah,mudanayaasha kala ah:

  • Cohen Amsterdam.
  • Boris Johnson London .
  • Bloomberg Newyork .

Ragaas dhalasho ahaan waxay ka soo jeedaan dalka Isreal, isla markaana waxaa ku xigeeno u ah rag ajanabi kale, dadkii dhulka loogu yimidna raali ayay ka yihiin, madaama ay ku yimaadeen nidaam xor oo doorasho loo soo doortey ah, ayaa u saamaxaysa inay magaalada ka noqdaan madaxdii xukumi lahayd, halka dalka Soomaaliya caasimadeedii Mogadisho ay xoog ku haystaan qoom xag walba hadaa ka miisaanta ka xun sida aqoonta, aqlaaqda iyo bini aadanimada, taasna ay u sii dheer tahay dabadhilifnimo raqiis ah, arinkaas waa mid nasiib xumo ah loona baahan yahay in aan la ogolaan in ay Muqdisho sidaasi si ahaato oo aan anagana indhaha ka fiirsano ama aynan ka hadlin sharaf daradaas.
Soomaaliya waxaa la rabaa in wax aan jirin waqtiga looga lumiyo si loo kala qaybiyo oo madaxa la iskugu galiyo waayo wadajirka shacabkeena waa guuldarada cadawgeena, kala qaybinta dadka Soomaaliyeedna waa baraaraha cadawgeena iyo kuwa dabadhilifka ah ee uu ku adeegto, marka waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegi lahaa in Mogadisho iyo magaalooyinka oo dhan ay maamulaan dad wax ka qaban kara dhibaatada haysata dadka iyo dalka, isla markaana horumarin kara dalkeena iyo caasimadeena.

Aniga waxaan qabaa in Mogadisho caasimadeenii iyo quruxdii dalkeena inaysan istaahilin inaa ku fiirsano dhibaatada ay ku hayaan damiirlawayaasha, waana in arinkaasi si wadajir ah loogu soo jeesan lahaa sidii aan dhibatadaas 20 sanadood ku socoto wax uga qaban lahayn, anagoo u tanaasulayno dadkeena, si aan dhibka uga baxaan shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo hadii Mogadisho aan xal loo helin lagama yaabo in Soomaaliya dagto, isla markaana noqonana qaran qiimo leh oo sumcad iyo xushmad ku leh aduunka maanta aynu ku nool nahay.

Maqaalkeygiina waxaan ku soo gunaanadayaa Mogadisho waa caasimadii Soomaaliweyn, xiligii xornimadoonka waxaa Xamar duq ka ahaa nin Talyaani ah oo la dhihi jirey Ansalooti, laakinse dadka Soomaaliyeed way ku midaysnaayeen inay gumaystaha ka xoreeyaan Mogadisho, gacan saar weyna wax la lahaa aad bay u tira yaraayeen oo la shaqaynaayay Ansalooti,waayo SYL oo gobanimo doon ah baa hormood u ahaa shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeday gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka, marka maanta oo aynu mareyno 2008 iyo Gabre oo tigree xun ah kana yimid baadiyaha Makale inuu kaare ku maamulo Mogadisho, dadkii daganaa uu ku laayo ma ahan wax la aqbali karo, ka samaysto madaxtooyo cusub Villa Somalia, xoog ku qabsado xaruumihii ciidamada qalabka sida Soomaaliya, garoonkii Mogadisho Stadium, warshadii Baastada, iskooladii waxbarashada, goobihii caafimaadka ka dhigto xeryo ciidan waa nasiib xumo iyo taariikh xumo loogu qori doono buuga guusha taariikhda Ethopia, laguna niyad jabin doono Soomaalidii qabkii wayneyd. Murugadaas ceebta ah ayaa qarniyaasha soo socda dabasocon doonta dadka Soomaaliyeed.

In Mogadisho Maxamed Dheere duq magaalo ka noqdo, Abdi Qaybdiid Taliye ciidan nabadgalyo ka noqdo, Darwiishna ka noqdo nabadsugid, Abdulaahi Yusuf-na Soomaaliya gobalka lixaad Ethopia ka dhigo, isla markaana Villa Somalia darin dhigto, halka Nuur Cade-na yiraahdo Ethopia way is difaacaysaa iyadoo Mogadisho joogta, waa nasiib xumo.

Wariyihii Chanel 4 ayaa ku tilmaamay Gabre most powerfulman in Mogadisho waayo calankii Xabashida ayaa ka babanaayo Villa Somalia, “Mogadisho Iam Sorry!” Ma istaahishid foolxumadaas Mogadisho

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Columnist of Somali political
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com |  July 11, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.