SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Duqeyda Kaamka Abyan ee KM12 oo walaac ka muujiyay xaaladda dadka ku jira kaamkaas ee ka soo qaxay guryahooda magaalada Muqdisho

Sawirada Halkan ka daawo...

Kaamka Abyan waxaa uu ku yaalaa duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka KM12 Garas-baalley inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoi. Xeradaasi waxaa la aasaasay 20 bishii March ee sanadkan iyadoona dadka haatan ku nool ay yihiin dadkii iyagu ka barakacay magaalada Muqdisho

dadka dagan Kaamka Abyan ayaa muddo 4 bilood ka hor ah ka soo hayaameen guryahoodii ka dib markii ay dagaalo ku qabsadeen waxayna tiradoodu gaareyso 650 qoys mana jiraan wax gar gaar ah oo waxyaabaha daruuriyaadka ah ee nolosha qofka banii’aadanka ah lagama maarmaanka u ah sida cuntada,biyaha iyo caafimaadka oo soo gaaray tan iyo markii ay xeradaasi degeen sidaa darteed dadkan saboolka ah oo fara maran isla markaana aan haysanin wax ay quutaan ahna qoysas dan yar ah oo isugu jira waayeel,curyaamiin iyo dad kale oo taag daran una badan caruur iyo haween xiran Asay oo saygoodii ku geeriyooday dagaalada ka socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Kaamka Abyan oo ay markii hore ku soo barakaceen dad asalkoodii hore uu ahaa Reer Waqooyi (Isaaq), markii dambena ay marti qaad u fidiyeen reeraha kale oo ay Soomaalidu ka kooban tahay ayaa wuxuu hoy u noqday 650 qoys oo ay ka maqan tahay dhammaan waxyaabihii nolosha kaabayay.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee ka jira gudaha Camka Abyan waxaa ka mida dumar halkaa ku umulay oo aan haysanin daryeel caafimaad iyo qalabka ay u baahanyihiin sida: - daawooyin,marooyinka caruurta lagu qabto iyo bacaha loo dhigo, taana ay u dheertahay dhiig-bax iyo nafaqo daro mana jirto ilaa iyo hadda cid isu taagtay wax u qabashooda, sidaa darteed waxay dadkan dan yarta ah ee ku nool Camka Abyan ka codsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda inay la soo gaaraan gar gaar aadaminimo oo deg deg ah si loo badbaadiyo noloshooda maadaama ay halis ku jirto

Odayaasha Kaamka ayaa sheegay inay dadka deggan kaamkan ay hayso duruufo dhaqaale iyo kuwo caafimaad, mana jiraan wax hay’ad ah oo kaalmo u fidisay, waxayna ka codsanayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed ee dibadaha, hay’adaha caalamiga ah, kuwa deeqda bixiya inay samafal la soo gaaraan, waxayna intaa ku dareen in deegaankan uu siiyay Xuseen Faarax Yuusuf isla markaana uu ka qodan yahay ceel 128 mitir ah oo u baahan dayactir, matoor iyo bambada biyaha.

Ceelkan oo hore uga qodnaa dhulkaa ayna baahi wayn u qabaan dadka campak ku nool wuxuu u baahanyahay motor biyaha soo saara , Dinimo iyo tubada biyaha soo saarta iyo waxyaabo kale oo la xiriira farsamadiisa,

Guddoomiyaha Camp-ka Abyan Siciid Abyan Xaad ayaa wakiil uga ah milkiilaha dhulka u hibeeyay dadkaasi ka barakacay Muqdisho haatana ku sugan Camp-kan waxaa uu ka hadlay baahida ka jirta xeradaasi oo ay ka mid tahay cuntada,bacaha roobka laga galo,dawooyin iyo dayactirka ceelka Riigga ah ee ku dhexyaala xeradaasi kaasoo u baahan dib-u-habeyn in lagu sameeyo
Barakacayaasha kaamka deggan ayaa waxay ka kooban yihiin dad da’ ah, haween, caruur agoon ah, kuwo asay wada, kuwo qaba dhaawacyo kala duwan, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deggan xerada Abyan ayaa saxaafadda u sheegay in umulaha aan waxba haysan iyo dadka cuuryaamiinta ah kuwooda da’da ah looga dhex cararo marka ay dagaalladu ka dhacaan agagaarka xerada ay deggan yihiin, waana dhibaatooyinka ka taagan dhammaan dalka Soomaaliya.

Odayaasha beesha Isaaq oo martigeliyay dadka deggan kaamkan ayaa ka warbixiyay xaaladda ay ku sugan yihin qoysaska ku dhaqan halkaas, waxaana ka mid ahaa:

1- 1- Siciid Abyan Xayd Guddoomiyaha Kaamka.
2- Sheekh Cumar Cali Xasan
3- Sheekh Siciid Xaad Cabdalla
4- Max’ed Haaruun Xasan
5- Xasan Muuse Faarax oo isagu dhaawac ka ahaa gacan kaddib markii irridda kaamkaasi uu dagaal ku qabsaday ciidamo iska soo horjeeda, sidaasina ay kaga jabtay gacanta.


Hadaba cid Allaale iyo cidii dadkaasi wax u tari karta oo eebbe wax siiyay waxaa laga codsanayaa inay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan una fidiyaan wixii ay awoodi karaan hadii ay ahaan lahayd qalab taageero lacageed waxaana loogu soo hagaajin karaa Guddoomiyha Cam—ka Siciid Abyan Xaad oo laga heli karo cinwaanka +2521-5564354-Mogadihu-Somalia


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  July 11, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS