SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Barnaamijkii Radio Xoriyo
08 July 2008.


Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga.
Dil iyo xidhay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha
Jigjiga: Maxaabiis ciidammada gumaysigu ku waxyeelleeyeen Jeel Ogaadeen
Kulanka G8 oo lagaga hadlayo sicir bararka iyo kaalmada Afrika
Jaaliyada Ogadenya ee Yurub oo banaanbax weyn ku hor qabtay xarunta Qm iyo xarunta
Hay,adda xuquuul insaanka ee magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.
======================
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga.
Maalimihii u denbeeyay dagaallo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysigu Itoobiya waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 33 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 36 askari, sida uu noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhecee sidatan;

04 iyo 05/07/08 ciidammo gumaysigu leeyahay ayaa afar mar oo kala duwan lagu weeraray meesha lagu magacaabo Malqaqa, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxaana lagaga dilay 13 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/07/08 dagaal ka dhacay Samu, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 03/07/08 dagaal isaguna ka dhacay duleedka magaalada Yucub waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 03/07/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Malayko, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

02/07/08 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Dix-dheer, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, waxaa lagaga dilay 7 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/06/08 weerar gaadmo ah oo loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Kalyal, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dil iyo xidhay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha


Ciidammada gumaysiga ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah, kuwa kalana ku xidhxidhay, waxayna kala yihiin;

04/07/08 Malqaqa, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen afar nin oo midna la mirrijiyay, seddexda kalana Dhagax lagu dilay, waxaanan magaciisa helnay; Cabdi Muxumed Axmed.

Waxay kaloo ciidammada gumaysigu halkaas dhaawac xun ugu gaysteen nin lagu magacaabo Dhuux Shukri Xirsi.

Dhinaca kale 27/06/08 waxay ciidammada gumaysigu Dudumo-Cadka ku xidheen dhawr qof, oo kala ah;
1- Maxamuud Xuseen, oo ahaa guddoomiye ku sheeggii Dudumo-Cadka
2- Maxamed Cabdi Shafad
3- Aaden Shariif Cali iyo
4- Casanye Xaaji

04/07/08 magaalada Galadiid waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen nin shacab ah oo lagu magacaabo Aanas Xaaji Yuusuf Xayle.

Jigjiga: Maxaabiis ciidammada gumaysigu ku waxyeelleeyeen Jeel Ogaadeen


Ciidammada gumaysiga Itoobiy ayaa hawlgallo qorshaysan ka fuliyay Xabsiga way nee lagu magacaabo Jeel Ogaadeen ee magaalada Jigjiga maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 05/07/08, waxayna hawlgalkaas dhaawacyo kala duwan ku gaadhsiiyeen in ka badan afar ka mid ah maxaabiista halkaas ku xidhan. Waxaa sidoo kale la filayaa in jiraan maxaabiis hawlgalkaas lagy laayay.

Ciidammada millatariga ee gumaysiga Itoobiya ayaa hadda la wareegay gacan ky haynta Jeel Ogaadeen, waxaana laga mamnuucay in Jeelkaas iyo maxaabiista ku jirta midna la booqdo, iyadoo wali ay halkaas ka socdaan dhibaatooyin maxaabiista loo gaysanayo.

Ciidammada gumaysiga ayaa rasaas ku furay maxaabiista, waxayna halkaas dhaawac ugu gaysteen in ka badan afar qof oo maxaabiista ka mid ah. Waxaa iyaguna jira maxaabiis kale oo badan oo dhaawacyo ka soo gaadheen Budhadh iyo Biro ay ciidammada gumaysigu ku garaaceen.

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale sedqii dhexe ee talaadadi xiibsiga kala baxeen Suldaan Fawsi, oo halkaas ku xidhnaa, iyadoo aan ilaa iyo hadda laga warhaynin meesha ay geeyeen iyo tallaabada ay ka qaadeen.

Weerarkan maxaabiista loo gaystay wuxuu ka denbeeyay, ka dib markii habaynkii Sabtida Xrunta Booliska ee Jigjiga la keenay maydka labo nin oo ka mid ahaa maxaabiista ku xidhan Jeel Ogaadeen, kuwaasoo ciidammada gumaysigu Jeelka dhexdiisa ku dileen. Labadan nin, oo ka soo jeeda degmada Galaalshe, waxay kala yihiin Irshaad Maxamed Cabdi iyo Xamdi C/llaahi.

Dadwaynaha iyo ururrada maxalliga ah ee bulshada ayaa walwal ballaadhan ka muujiyay xaaladda maxaabiista ku xidhxidhan Jeel Ogaadeen, isla markaan ururrada caalamiga ah iyo beesha caalamkaba ugu baaqay inay gargaar degdeg ah u fidiyaan dadkaas oo loo diiday in cidi booqato.

Kulanka G8 oo lagaga hadlayo sicir bararka iyo kaalmada Afrika


Kulanka dalalka dhinaca Warshadaha ka horumaray ee G8 uga soconaya dalka Japan ayaa arrimaha sida wayn loogaga hadlayo waxaa mid ah kaalmooyinka la siiyo wadammada Afrika iyo sicir bararka adduunka ka jira. Warmurtiyeedka laga soo saaray kulanka dalalka G8 ayaa lagu xusay sidii wax looga qaban lahaa dhaqaalaha adduunka ee liicliicaya iyo sicir bararka naafeeyay wadammo badan oo adduunka ka mid ah.

Hoggaamiyayaasha dalalka G8 ayaa isla qiray dhibaatada ay adduunka ku haysa saliidda sida wayn u qaaliyowday, taasoo saamaynta ugu wayn ku yeelan doonta wadammada saboolka ah ee adduunka. Foostada saliidda ah ayaa toddobaadkii hore gaadhay in ka badan 145 Doollarka Maraykanka ah, waxaana laga cabsi qabaa in qiimaheedu uu 200 oo Doollar gaadho.

Daraasad uu toddobaadkii hore soo saaray Banigaga Adduunka ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha adduunka ee heehaabaya, sicir bararka iyo shidaalka qaaliyoobay ay horseedi doonaan in qiyaastii 105 milyan oo qof uu dakhligoodu ka hoos mari doono heerka saboolnimada loo xadeeyay. Ugu yaraan 30 milyan oo dadkaas ka mid ah ayaa ku nool Qaaradda Afrika.

Hoggaamiyayaasha dalalka G8 ayaa warmurtiyeedkooda ku sheegay inay dejin doonaan qorshayaal dhawr ah oo ay ku caawinayaan Qaaradda Afrika, gaar ahaan dadka Beeralayda ah, isla markaana ay kor u qaadi doonaan kaalmada ay siiyaan Qaaradda Afrika oo sannadka 2010 gaadhsiin doonaan 25 bilyan oo Doollar sannadkiiba

08 July 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada BariFaafin: SomaliTalk.com |  July 9, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS