Jaaliyadda somaliyeed ee Atlanta georgia oo kaalmo soo gaarsiiyey xerada
agoonta ee al xarameyn
Jaaliyada Somaliyeed ee ku dhaqan dalka maraykanka gar ahaan qaar ka mid ah kuwa
ku dhaqan Atlanta Georgia oo ugu deqay kaalmo lacageed gaareysa $400 gabdho
agoonta gaaraya 350 ee ay xanaaneyn jirtay hey.addii maraykanku ku daray liiska
argagixisada ee al xarameyn al kheyriya
Deeqda maanta la geeyey xarunta gabdha agoonta ah ee umul muuminn caaisha bint
abuubakar oo gareysay 13.440. 000 oo u dhiganta $400 taas oo ku taal xaafada
xamar weyne ee magaalda Muqdisho,
Xaruntaan oo lagu xanaaneeyo 350 gabdhood oo agoomo ah kuwaas oo ku waayey mid
ama labadoodii waalid dagaalada dalka ka aloosan ,
Maamulaha xerada Saynab Sheikh Cabdi Yarrow oo sheegtay in gabdhaahi ay daryeel
ka helaan qaar ka mid ah jaaliyadaha somaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo
xubno ka mid ah ganacsatada Magaalada Muqdisho waana gabdhihii ay xanaaneyn
jirtay hay.addii al xarameyn al kheyriya uu dalka maraykanku ku daray liiska
argagixisada ,
Saynab Sheikh Cabdi Yarrow oo ah madaxa xerada ayaa ka warbixisay habka ay wax
ku bartaan iyo sida ay u socoto howlaha waxbarida caruurta agoonta ah waxayna
intaa ku dadhay in ay casharadu ku saabsan yihiin diinta islaamka iyo tarbiyada
wanaagsan iyo qeybaha kala duwan ee tacliinta aasaasiga ah qoraalka iyo farta
carabiga iyo ingiriiska waxayna xerada ku heystaan nolol dheeli tiran ,
xeradaan ay ku jiraan 350 gabdhood ayaa maanta la gaarsiiyey kaalmo lacageed
gaarayso $400 oo ay iska soo uruuriyeen qaar ka mid ah jaaliyada ku nol dalka
maraykanka waxayna soo wakiisheen Hidaayo Cumar Xasan iyo Cabdullaahi Sheekh
taas oo suurta galisay in uu manta gudoonsiiyo Muuse Maxamuud Jisow, Saynab
Sheikh Cabdi Yarrow oo ah Madaxa xarunta agoonta ah ee umul Muumino Caaisha Bint
Abuubakar oo ku taal xaafada xamar weyne ee Magaalda Muqdisho ,
gabagabadii munaasibada wareejinta kaalmadaa ayaa waxey u mahadcelisay jaaliyada
dalka maraykanka gar ahaan deeqdaan kuwa na soo gaarsiiyey ee ku dhaqan Atlanta
Georgia waxana u diraynaa farxad aan la soo koobi Karin ayey tiri Saynab Sheikh
Cabdi Yarrow oo ka hadlaysan munasibada kaalmada lagu gudoonsiinayey oo ka
dhacday xarunta gabdhaha lagu xananeeyo gudaheeda waxsayna ugu duceysay in sida
ay u so xasuusteen gabdhaha agoonta ah uu illahey u xasusto ,
xarunta gabdhaha agoonta ah ee Umul Muuminn Caaisha Bint Abuubakar waxay
sheegtay in gabdhaha xeredaan ay da.doodu u dhaxayso 6 jir una weynyihiin 13
sano jir ,
sidoo kale waxay shegtay in gabdhahaasi ay ku jiraan dadaal weyn waxaana ku
faraxsanahay mar labaad gurmadka ay la garabtaagan yihiin gabdhaha agoonta ah ee
aan heli Karin wax kasta oo waalidkood u qaban lahaa oo daryeel iyo xanaano ah
waxayna ugu danbeyntii kula dardarantay gabdhahaa in ay laba jibaraan dadaalka
ay wadaan oo ah mid samafal
...
Waxaa qaylo dhaan ay ka soo yeereysaa odayaasha dhaqanka ee deegaanka
dayniile kadib markii loo baahday in isbitaalka dayniile xilligaan uu u baahan
yahay dayactir xagga dhismaha isbitaalkaas ah.
Dhamaan jaaliyadaha dibadaha iyo hay.addaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah oo loo
soo bandhigay in ay ka qeyb qaataan dhismaha qabyada ah iyo daynta lagu leeyahay
ispitaalka dayniile si alle dartii ah
Tan iyo wixii ka danbeeyey 1990 kii markii ay dowladii dhexe ee somaliya daaqada
ka baxday waxaa la waayey wax kasta oo bulshada dan u aheyd sida waxbarashadii ,
amnigii, caafimaadkii bulshada , shaqadii , daryeelkii iyo kuwo kale oo la mid
ah arintiina waxay iskuugu soo biyo shubatay madaxaa ha ku furto iyo in la isu
qaylo dhaansado ,

Waxaa yaraaday goobihii laga maamuli jiray arimaha bulshada waxaa yaraday
gobihii daryeelka guud ee bulshada sida iskuuladii ,jaamacadihii, ceelashii ,
iyo goobihii cadaalada waxayna intaa oo dhan u baahan yihiin in la dayactiro ama
dib loo yagleelo ,
Hadaba si looga baxo baahida loo qabo adeega guud ee bulshada oo raacay dhicidii
dowladii dhexe ee somaliya maxaa inala gud boon ?
Arintaan oo in badan oo bulshada ka mid ah ku noqotay utun ku taagan iyada oo
aanay jirin cid u maqan dalka somaliya marka laga reebo jaaliyada ku nool dalka
dibadiisa iyo shaqsi yaad ka danqanaya dhibatada heysata shacabka walaalahooda
ah ,
Ispitaalka dagmada dayniile waxaa la aasaasay ka dib burburkii dalka wuxuuna
qabtay howlo aan laga fileyn in uu qaban karo waxaana taa keentay dhalinyaro isu
geysay maankoda muruqooda iyo maxkasdooda iskaan soo uruurisay hanti fara badan
si dhibaatada uu uga baxo dalkooda hooyo oo an dowlada laheyn mudo badan

Ispitaalkaan ayaa hadda waxaa ka howl galo dhaqaatiir ajnabi ah oo qaarkood ka
tirsan dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee France iyo kuwo kale oo Somali ah
waana ispitaal ay lacag la.aan yihiin howlaha caafimaad ee ka jira sida qaliinka
, kabida , daaweynta, jiifka, raashinka , halka korontadiisu ay thaay mid 24 sac
ah waxaana dadka dhaawacyada qaba ayaa ka kala yimaada dhamaan 16 ka dagmo ee
Magaalada Muqdishi iyo goobaha u dhow dhow waana ispitaal aan lakala xigin oo
bulshada u dhaxeeyo ,
Ispitaalka dagmada dayniile hada waxaa qabyo ka ah guri weyn oo loogu tala galay
in lagu qabto howlo isugu jiro indho fiiqid , daweyn ,jifka bukaanada qaarkood ,
waxaana taa u dheer qeyb u gaar ah agaasimaha ispitaalak dagmada dayniile iyo
dhaqaatirta indhaha marka ay yimaadaan jiifkooda arintaan waxaa ka hadlay qaar
ka mid ah waxgaradka Magaalada Muqdisho ,
Odayaasha kala ah Xaaji Axmed Jaran Waasuge,C/llaahi Maxamuud Culusoow, Xasan
Cali Boor iyo waliba Ismaaciil Cabdi Nuur ayaa dhamaantood ka wada hadlay sida
isbitaalka dayniile xilligaan uu ugu baahan yahay in dadka soomaaliyeed ee qurba
joogta ah in ay u guntadaan oo ay u huraan dhaqaalahooda, mar haddii uu
isbitaalka uu yahay goob lagu daweeyo ama lagu dabiibo dadka ay halakeeyeen
madaafiicda iyo kuwa ay soo rideen cudurada ay ka midka yihiin shubanka,
shilalaka gadiidka iyo qeybaha umulaha
Xaaji Axmed Jaran Waasuge ayaa ka hadlay baahida isbitaalka waxaa uu sheegay in
ay u baahan yihiin in isbitaalka dayniile ay u helaan dayactir iyo dhameystir
guri weyn oo dhismihiisu qabyo yahay , halkaasoo sida uu sheegay ay tahay meel
ay ku sugan yihiin dad dulman oo xabadi ay halakeysay ama cuduro kale ay soo
rideen, waxaana uu walaalaha soomaaliyed ee ku dhaqan dalka dibadiisa uu ka
dalbay ineey kala qayb qaataan dayactirka isbitaalka dayniile si bukaanka loogu
helo
Guryo lagu daaweeyo dadkaas bukaanka ah si ay gabaad uga dhigtaan qabooga
habeenimo iyo qoraxda maalmeed, sida ku cad isbitaalka ,
Ispitaalka dagmada dayniile oo hada shaqeynaya iyada oo dayn ahaan loogu
leeyahay $ 27440 taas oo ah lacag dhisme ayaan loogu yeeshay sida ay sheegayaan
mas.uuliyinta ispitaalka , arintu si kastaba ha ahaatee gacan jabtay gunteeda
ayey dhextaalaa !!!!!!
Cidii gacan ka geysanaysa kaalmada iyo deeqda lagu saacidayo ispitaalka dagmada
dayniile oo lagu sheegay in ay tahay sadaqo jariyo ah oo socon doonto inta lagu
manaafacaadasanyo dhismaha guud ee ispitaalka ayaa waxay kala soo xiriiri karaan
magacyadaan iyo taleefanadooda
Xaaji Axmed Jaran Waasuge 002525960312
Cabdulaahi Sh Maxamuud Culusow 00252162270363
Muuse Maxamuud Jisow 0025215576666
Xasan Cali Boor 002525962411
Ismaaciil Cabdi Nuur 0025215962301
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2008