SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Midowga Yurub oo sharci mideysan kasoo saaray Qaxootiga

Dalalka ku bahoobay Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey in ay Sharci ay ku mideysan yihiin kasoo saaran dadka Qaxootiga ah iyo kuwa kale ee magan gelyada weydiista dalalka Yurub.

Shir ay shalay ku yeesheen magaalada Cannes ee koonfurta dalka Faransiiska 27 wadan oo kamid ah dalalka Midowga Yurub ayaa lagu saxiixay heshiis ah in sharci mideysan kuwada dhaqaan dalalkaasi dadka Qaxootiga ah ee iska dhiiba gudaha Midowga Yurub.

Dhamaan mas’uuliyiinta ka wada socday Wasaarada qaabilsan qaxootiga iyo magangelyada ee 27 dal ayaa waxay ku heshiiyeen in aan wax Sharci ah ama Cafis ah loo fidin dadka Sida sharci la’aanta ah ku jooga gudaha dalalka Midowga Yurub.

Qorshahan waxaa soo bandhigay oo u ololeenaya Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy oo hada ah Guddoomiyaha Midowga Yurub, wuxuuna Mr.Sarkozy ku dadaalayaan in sharcigan ka dhaqan galaya dhamaan dalalka Midowga Yurub in la ansixiyo inta uu hayo jegada Guddoomiyenimo ee EU-da.

Dalalka kamid ah Midowga Yurub ayaa cabsi ka muujiyey Cafiska guud ay fidinayaan qaar kamid ah Wadamada Midowga Yurub oo sharciyo u qeybiyey kumanaan dad ah oo si sharci daro ah kusoo galay dalalkooda kuwaasi oo ay ku jiraan qaxootiga ka yimaada Qaarada Afrika.

Dalka Spain ayaa sadex sano kahor sharci u qeybiyey 700.000 oo qofood oo qaxooti ahaa arrintaasi oo ay walaac weyn ka muujiyeen dalalka kale ee kamid ah Midowga Yurub oo u arkay in go’aan noocaan oo kale ah inuusan dal kamid ah Midowga Yurub uusan si gaar ah u gaarin balse marka hore soo hordhigo Golaha Midowga Yurub si go’aan wadajir ah looga gaaro.

Dalka Holland ayaa sidoo kale dhawr sano kahor hal mar cafis u fidiyey 26.000 oo ahaa dad si sharci daro ah ku joogay dalkaasi kuwaasi oo dhamaantood helay sharciga dal kujooga dalkaasi.

Arrintan ayey ka cabsi qabaan Wadamada Midowga Yurub in ay dhiiri geliso in Qaxooti badan oo yimaada dalalkooda ayagoo sharci doon ah.

Heshiiskan shalay lagu gaaray magaalada Cannes ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowlada Midowga Yurub ka shaqeeyaan sidii ay dalalkooda uga saari lahaayeen dad lagu qiyaasay isu geyn 8 Million oo hada si sharci daro ah ku jooga dalalka kamid ah Midowga Yurub.

Dadkaasi waxaa kamid ah Soomaali badan oo sanadihii lasoo dhaafay kasoo galay dhinaca wadamada Giriiga iyo Talyaaniga oo hada kusugan dalal kamid ah Midowga Yurub, kuwaasi oo intooda badan usii guba dalalka Waqooyiga Yurub.

Dowlada Holland ayaa celisay 27 ruux todobaadkii tagay kuwaasi oo dhamaantood lagu celiyey dalka Nigeria sida laga sheegey shirka, kuwaasi oo si sharci daro ah ku tagay dalkaasi. Waxayna hada dowlada Midowga Yurub bilaabeen in ay si wada jir ah u kireystaan diyaaradaha lagu qaado dadkan lagu celinayo wadamadii ay ka yimaadeen.

Qaxootiga Soomaalida ayaa ayagu hada kamid ah dadka aan lagu celin karin wadamadii ay ka yimaadeen maadaama ay dagaalo weli ka jiraan dalka Soomaaliya oo xaaladiisu kasii dareyso.

Balse go’aanka shalay kasoo baxay Midowga Yurub ayaa ah mid cabsi ku abuuraya dad badan oo ku sugan gudaha Midowga Yurub oo aan weli wax sharci ah lasiin.

Heshiiskan ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowlada Midowga Yurub ay aad u adkeeyaan amaanka iyo illaalinta xuduudaha Midowga Yurub.

Dhinaca kale waxay wadamada Midowga Yurub isku raaceen in lasoo dhaweeyo dadka sida sharciga ah raba in ay kusoo degaan midowga Yurub oo ka shaqeesanaya dalalkaasi hadii ay yihiin kuwo tacliintooda ay sareyso, taasi oo u wanaagsan dhaqaalaha midowga Yurub.

Si kastaba Ha ahaatee heshiiskan ayaan ahayn mid ku khasbaya dalalka Midowga Yurub inaysan sharci siin cidii ay doonaan, ayadoo uu dal walba uu u madax banaan yahay in ay bixiyaan sharciyo sida ay sheegeen qaar kamid ah dalalka Yurub, balse heshiiskan uu yahay mid lagu doonayo in lagu muujiyo in wadamada Midowga Yurub kasii wada shaqeeyaan dhinaca Qaxootiga iyo Magangelyada dadka isku dhiiba.

Shirkii wadamada G8 oo diirada lagu Saarey Afrika

Magaalada Tokiyo ee xarunta dalka Japan ayaa shir sanadeedkoodii uga furmay shirkii wadamada warshadaha ku hormaray.

Shirkan ayaa waxaa looga hadley arimo ay ka mid yihiin sicirka Patrol ka ee Caalamka iyo waliba Cunada sii qaaliyoobaysa oo saamayn balaaran ku yeelatay wadamada saboolka ah ee waxsoo saarkoodu yar yahay.

Shirkan oo ay madax faro badan ay ka qayb galeen ayaa afrika ay noqotey cinwaanka ugu weyn ee looga hadlaayey shirka wadamada aduunka ugu qanisan uga socdo dalka Japan, Shidaalka iyo cunada cirka isku shareeray ayaa saamaeyn weyn ku yeeshay wadamada Afrika.

Cod wada jira oo ka soo baxay wadamada Hodanka ah ee G8 ayey ku sheegeen in ascaarta kor u kacdey iyo sicirbabarkuba uu yahay khatar weyn oo dunida ku soo wajahay.

Sidoo kale shirkan ayaa lagu soo qaadey qadiyadadalka Zimbabwe oo cakiran taas oo ay wadamadan hodanka ah ay doonayaan qaarkood in cuno qabatayn lagu soo rogo maamulka Robert Mugabe ee dalkaas ka talinaayey tan iyo mudadii uu xornimada qaatey.

Waxaa si weyn loogu canbaareeyay Dawlada uu hogaamiyo Madaxwayne Robert Mugabe iyadoo canbaarayntan ay la xiriirto rabshadaha dalkaasi ka soconaya iyo waliba xasilooni la’aanta ka taagan,horey ayaa dawladaha Maraykanka iyo Ingiriirsku waxa ay Canbaareeyeen Doorashadii dalkaasi ka dhacdey bishii ina dhaafey ee June , doorashaas oo ahayd mid u tartamay oo kaliya MAdaxwayne Robert Mugabe kadib markii uu isaga haray loolankii doorashada Hogaamiyaha Mucaaradka Isbadal doonka ah Morgan Tsvengirai oo sheegay in aysan doorasho macquul ahayn iyadoo dalka Zimbabwe ay rabshado ka soconayaan kuna eedeeyay rabshadaha inuu ka danbeeyo Robert Mugabe.

G8 na waxa ay sheegeen in Madaxwayne Mugabe uu yahay kaligii talis aan naxariis lahayn kaas oo aan u danaynayn dadka shacabka ah ee Reer Zimbabwe.

Shirkan ayaa ah mid diirada lagu saari doonaa ascaarta aadka u kacdey, cimilada adduunka ee sii kululaanaysa iyo arimo kale ee la xiriira Dhaqaalaha.

Dhanka kale shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Dalka Ruushka Dmitri Medvedevs waxayna markii ugu horeysey ay halkaas ku kulmaayaan Madaxweynaha dalka Maraykanka George W. Bush.

Wadamada Adduunka ugu hodansan ama ka hormaray dhanka wershadaha ayaa marka la soo gaabiyo loo yaqaanaa Kooxda Sideeda G8, waxaana ka mid ah dalalka; Maraykanka, Kanada, Jarmalka, Japan, Talyaaniga, Faraniiska Ingiriiska iyo Ruushka.

Si kastaba Ha ahaatee xilligan la joogo aduunka waxa uu marayaa meeshii ugu sareeysay dhanka horumarka cilmiga iyo Technologyda intaba. si looga fogaado isku dhac iyo muran waxaa ay wadamadan la baxay G8 ku heshiiyeen in sanad walba ay ka hadlaan wixii danahooda ah, waxay ku heshiiyeen in sanad walba bartamihiisa ay yeeshaan shir soconaya mudo 3 maalmood ah wadan walbana uu sanad martagaliyo.

Mohamed Ismail

mismacil@Live.co.za

Faafin: SomaliTalk.com |  July 9, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS