SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Dibadbax Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee Yurub

Sawirada bannaanbaxa Halkan ka daawo...

Boqolaal ka tirsan xubnaha Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee qaarada Yurub ayaa si wada jir ah u qabtay Banaanbax weeyn si heer sare ah loo soo agaasimay shalay oo aay taariikhdu ahayd 07da bishan July todobaad 2008. Dibad baxan ayaa ka bilaambay 1dii duhurnimo ka soo horjeedka fadhiga xarunta Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Geneva, halkaa oo aay dibadbaxayaashu ku muujiyeen dareenkooda ku aadan xadgudabyada xad dhaaf ah oo uu gumeeysiga itoobiya sida joogtada ah uga geeysanayo Ogaadeenya. Inta uu banaanbaxani socday ayey xubnaha jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub ku qeeylinayeen erayo ka dhan ah gumeeysiga itoobiya iyagoo is la markaana muujinayay garab istaagida shacbiga dulman iyo taageerada eey u hayaan halganka xalaasha oo aay umada Ogaadeenya ugu jirto sidii uga hoos bixi lahayd gacanta gumeeysiga madoow.

Banaanbaxayaashu ayaa waxey ka dalbanayeen heeyadan Qaramada Midoobay u qaabilsan dhowrista xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha in aanay indhaha ka laaban gumaadka marag madoontada ah ee lagu hayo shacbiga dulman is la markaana cadaalada hor keenaan madaxda dowlada gumeeysiga itoobiya ee qorsheeysay is la markaana meel marisa tacadiyada ka dhanka ah umada gumeeysi diidka ah ee Ogaadeenya. Xubno is ku dhafan oo midowga jaaliyadaha ayaa ugu danbeeyntii si rasmi ah u gudbiyay qoraalkii rasmiga ahaa masuuliyiin ka socotay heeyada xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay iyagoo halkaana kula yeeshay wada hadal fool ka fool ah is la markaana ku adkeeyay in eey ka soo baxaan waajibka ka saaran samabixinta iyo ka difaacida shacabka waxashnimada ciidamada gumeeysiga itoobiya.

Banaanbaxayaasha ayaa socod dheer ku soo maray wadada dheer ee ka soo baxda xarunta Xuquuqul Insaanka ilaa aay ka soo gaaraan ka soo horjeedka xarunta Qaramada Midoobay halkaa oo uu ka furmay kalfadhigii wadamada xubnaha ka ah urarkan. Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa halkaa ka sii waday ku dhawaaqida iyo gaadhsiinta madaxda iyo warbaahinta caalamka ee goobta joogtay dhibaatada lagu hayo umada Ogaadeenya iyo waajibka saaran guud ahaan bulshada caalamka gaar ahaana Qaramada Midoobay soo fara galinta iyo xal u helida dhibaatada gumeeysigu abuuray ee ka taagan Ogaadeenya.

Intii lagu guda jiray xil gudashada hoowshan ayeey xubnaha jaaliyaduhu qeeybinayeen qoraalo ku suxan yihiin dhibaatada gumeeysigu ka geeysto Ogaadeenya iyo dalabyo laga dalbanayo dunida xorta ah ka soo bixida iyo fulinta shuruucyada caalamiga ah ee aay saxiixeen ee ku aadan garab istaagida umadaha dulman oo aay umada Ogaadeenya ugu horeeyso.

Xubnaha jaaliydaha Ogaadeenya oo isugu jiray haween, caruur, dhalinyaro iyo dad da’ah ayaa qaarkood soo galay safaro dhaadheer oo xaga dhulka ah iyagoo sheegay in CWXO guulo wax ku oola ka soo hoyeen hardanka lagaga soo horjeedo ciidanka gumeeysiga markaa iyaguna Eebe idankii guulo wax ku uul ah ka soo hoyin doonaan halganka qeeybtiisa dibada waxeyna ka kala yimaadeen wadamada: UK, Finland, Germany, Holland, Sweden, Norway, Denmark, Italy iyo Switzerland.

Banaanbaxan oo ahaa kii koowaad ee si wadajir ah loogu qabto ka soo horjeedka xarumaha Qaramaha Midoobay ee magaalada Geneva ayaa guul ku soo gaba gaboobay 5tii galabnimo iyadoo markaa ku balamay xubnaha jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee qaaradan Yurub in aanay ogolaan doonin kana dhaadhicic doonaan dowladaha eey ka tirsan yihiin in canshuurta laga qaado ee la siiyo taliska gumeeysiga ku gumaado umada soomaalida Ogaadeenya is la markaana gudashada waajibka Alle ka dib ka dhigi doonaan xaqiijinta xadafka umada oo ah ka hoos bixida gumeeysiga hadafka koowaad oo aay leeyihiin.

A.bdullaahi Mohamed
Email : communauteogaden@net2000.ch
Geneva, Switzerland

Faafin: SomaliTalk.com |  July 9, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS