SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
Dib u heshiinta Soomaliya wali dheh. (1-2) 

Fariimo badan ayaa ka yimi Heshiiskii Jabuuti ee dhexmaray Dawalada Kumeelgaarka & Mucaaradkeeda Garabka Labada shariif, badanaa Taagerayaasha heshiisku weey afgaabnaayen , marka laga reebo Shariifka oo muujiyay Bayaanin aan in badan qancin, laakin tiro badan oo Somali ah waxey la jahreen Diidmada shirka, waxeyna Muujiyeen dadaal dheer oo eey ku gaarsiinayaa Moogayaal badan oo bulshada ah si,aanu u noqon miraha shirku mid ka taaba gala bulshada dhexdeeda, waxaa I soo jiitay bur burinta taaba galka Afkaaraha shirkaa, ha ugu badnaadeen fatwooyinka Culumada & Qoraalada Qoraayaasha. 

Dib u heshiisnta Soomaliya waxaa la orankaraa waa Macnaha kali ah ee dhamaan garbaha somaliya Isku haya eeysan isku diidaneyn , marna ma dhicin in laga dooda ma haboon tahay in aan heshiino..??? xataa su,aal ka ma iman ma xiligan baa dib u heshiisiin la qaban karaaaaaaaa..??? ogoow markaa waa arin dhaw in dhibaatada soomaliya la isla ogol yahay xalinteeda & ka doodideeda….??? Maxaa qaldan…??? 

  Kol hore waxaa Caan baxay Fariinta ah  (Shimbirayahow Heesa….oo Hees wanaagsan ..) waxey jawaab u noqon jirtey badanaa natiijooyinka dibu heshiisinta somaliya ka soo baxa waxaana ku can baxay oraahda Aqoonayahan ka mid ah Aqoonyahanada Somaliyeed, anigu ima dhicin Fikrad ahaan waxa uu ku diidijirey aqoonyahan kaa Heshiisiinta Somaliya waxaana ka mid ahaa dadka u arkayay in diidmadaa eeysan ku dhisneyn fikrad cad oo leh aaladeeda oo dhmeystiran, maxaa yeelay waxa Somaliya ka dhaxeeyay oo eey u dagaalameen ma aheyn fikrad la isku diidan yahay ee waxey aheyd Cadaalad dari ku dhisneyd nin tooxsi & kala fogeyn bulshada dhexdeeda ah, sidaa darted ayeey suuro gal u tahay in  lawada hadlo uu  wax wada  qeybsi yimaado si Dastuuri ah oo  la isku wada og yahay. 

Ma rumoobin malahaa ..!!!! Sabab ….?????   ma waxuu ahaa mid Aasaas ahaan u qaldanaa oo ka fog xaqiiqda wax lagu dhiso….???? mase waxaa jiray Sir hoose oo uu ogaa Saxiibka shimbarayahow Heesa..?? waxaa se suuro gal in labaduba wadaag yihiin , oo shimabarayahoww heesa eey ku timi xaqiiq Aqrin sax ah oo uu lahaa Saxiibkeeda, taa oo eey ku Caawisey Macluumaad naga dheer oo eey Gaari Karin  in Badan oo Somalida ka mid ah.  

Dib u heshisiinta Jabuuti waxey noqotay midda ugu dooda dheer uguna tixgalinta badan Somalida dhexdeeda sababo badan Awgeed, ha ugu muhiimsanaato Xaalada Cakiran ee uu ku soo aaday oo ah mid dheeh gal ku yimi Qaranimadii Soomaliya, sidoo kale is qab qabsigii dhawaa ee U dhaxeeyey Beelaha  Soomaliya ayaa mar qura isu badelay  Baadi goob Qaranimadii Somaliya, Dagaalkiina waxuu Noqday mid Ajande leh oo waliba ku sii Tiirsan Caqiido, waxaan ka dhashay in  Soomalidu u qeybsamaan laba garab oo aan dheeri laheyn, waa Mudnaa Taaba galka shirka Jabuuti laakiin maxaaa ka jaban oo la taaban karaaaaaaa….???? 

  Muqaawamadu weey Sugnaadeen, Dhiig Rag ayaa arintaa Gaarsiiyey, waxaa Xusid & Raxmo weydiin Muudan Ragii Goobo badan naftooda ku biimayay, waa halyeeyo aan hiil laheyn, kama Liitaan Magacyo waaraya Kumanaan sano oo Alxan Qaabeedkoodu Suran yahay in badan oo caasimadaha aduunka kamid ah, uma tiiraanyoonayo arintaa laakin waxaa Muhiim ah in qalbigeenu ku tagaando  cidii diinta & dalka wax u gasha.. 

  Waxaa muuqatay Guul dhaw oo u soo hoyatay inta jecel xornimada dalka, waa jiraa dareen yar oo suuro galin kara in uu daba dheerado dagaalka hada jira, hog fogna uu galiyo Qaranimadii Soomaliya, laakin ma,ahan mid dhibaya  qorshaha Xornimo ee la taaba qaaday. (Waxii la doono waa la gaaraa) 

  La soco Qeybta labaad. 

   Mahdi Muse   
hagar132@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  July 9, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS