Waala Doogiyee, yaan la Dacaroon
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib
dhammaan akhristayaasha sharafta iyo maamuuskaba iska lahow iga gudooma
salaanta Islaamka ( A.C.W.W).
Kadib markii ay daba dheeraatay dhibaatooyinka ka
aloosan dalkeena, oo maalin walba akhbaarta ka imanaysaa ay noqotay mid
aan u wanaagsan qul;uubta dadka, ayaa waxaa soo badatay dadka ka niyad
jabay dalkooda, oo qaarkoodba ay gaarsiisan yihiin heer ay yiraahdaan
magaceyga ayaan badalayaa, si aan la ii garan inaan Soomaali ahay.
Waxaad arkeysaa kuwo oranaya waligay kuma noqonayo Soomaaliya, sidoo
kale kuwo ka dhaadhiciya caruurtooda inay yihiin British Muslim, uuna
halkan yahay dalkoodii. Waxaa kaloo jira kuwa mar walba ku dooda ama
aaminsan inaanay Soomaalidu wax wanaag ahba ayan laheyn.
Waxaad arkeysaa dad had iyo jeer tirsanaya
dhibaatooyinka ay geystaan Shaqsiyaadka damiirka xun, oo ku oranay fiiri
waa Soomaaliyee. Qof baa wuxuu arkayaa qof wax dhacaya, ama been ku
qaraabanaya, ama dad lugoonaya, waxey ku oranayaan la yaab malaha waa
Soomaali. Waxa isweydiin leh kuwa had iyo jeer wanaaga sameynayaa iyagu
miyaanay Soomaali aheyn. Maxaa ku tusa kaliya kuwa xun, oo maad aragto
kuwa wanaaga u ehelka ah.
Waxaa muhiim ah in qofka Soomaaliga ah ogaado, in
adduunka oo dhan lasoo wada maray dhibaatooyinka, oo weliba qaarkood ay
aad iyo aad nooga darnaayeen, haddana ka gudbay oo runtii isugu yimid.
Ogow dhibtu annaga kaliya nalama ayan dhalan oo maalin uun ayaa laga
bixi doonaa. Runtii Soomaaliya oo idil marka la isku daro inta
dhibaatada ka waddaa waa nisbo aad iyo aad u yar, oo waqtigooda ayaa
dhiman inta la fahmi doono. Ogow waxa baddan inta wanaagsan, laakiin
waxey la’ yihiin fursaddii ay isku arki lahaayeen. Waxaan aaminsanahay
maalin uun inay waddanka u hari doonaan inta wanaagsan, ee yaan la
quusan.
Wallaalka iyo walaashaa Muslimadda ahey ogow in laga
wanaagsan yahay in uu quusto qofka muslinka ah. Allaah talada saaro oo
dhibta ku samar. Isku day inaad dhankaaga wax ka hagaajiso, oo aad
dhankaaga dadka xun u caqli celiso, oo aad saxdo. Haddii qof walbaa uu
dhibaatasda ku fiirsado waddanka, yaa laga doonayaa inuu wax saxo.
Waxaan xasuustaa : - { waa aan arday ka aheyn waddanka India, ayaa waxaa
aad noogu badnaa, in ardeygii waxbarashada dhameystaba uu Qaxootinimo u
soo aadayey ama Kanada ama Yurub. Sidoo kale dad iyaguna dhoofitaan u
soo maray India ayaa halkaa ka bixi jiray. Ardayad Nigeria u dhalatay
ayaa aad ula yaabatay, ardeydii soomaaliyeed ee la rabay inay dalkooda
ku noqdaan, oo gebi ahaan u sii safraya waddamo kale., kolkaa waa
sanadihii 88 – 89ki, intay nala yaabtay ayeey na weydiisay war yaad
waddankiin ku haleynaysaan inay saxan haddii, kii wax bartaba uu
Qaxootinimo sii aadayo }. Arintaas illaa iyo haddeer markaan soo
xasuusto waa weli mid taagan
Ogow had iyo jeer waa sunanka rabbaaniyanka, in wax
walboo xun ay wanaag ka danbeeyaan, Abaar waxa ka danbeysa Barwaaqo,
jiro waxa ka danbeysa caafimaad, faqri waxa ka danbeeya hodantinimo.
Ogow maalin uun ayeey iska tagi doonaan inta waddankeena lugeynaysa, oo
waxa waddanka u hari doona inta Allaah ka baqeysa, oo xalaal quudatada
ah. Wey iska tegi doonaan dhammaan Jirri, Mooryaan, Dayday, Qabqable
dagaal, Mujrim, Gacan ku dhiigle, Daneyste, Qabyaaladiiste.
Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa war yaan la
quusan, oo guusha Allaah wey dhowdahayee. Haddii la nool yahay waan arki
doonaa Soomaaliya oo uu u kaco Hogaamiye isku darsaday Alle ka cabsi,
waddanimo, diyaarna u ah inuu waddanka kasaaro heerka fakhriga iyo
dhibaatada, gaarsiiyana horumar la taaban karo. Soomaaliya inshaa’allaah
wuu soo mari doonaa sida hogaamiyihii Maleysiya ( Mahatir Maxamed ) oo
1980ki Maleysiya u jeexay dhabbihii horumarka ee “Maleysia in 20 years”,
kaasoo maleysia kasoo qaaday heerkii la ogaa maantana gaarsiiyay heer ay
adduunka horumaray la tartanto.
Soomaaliyeey waa la doogiyee yaan la dacaroon.
Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac Jooje.
saicentadv@yahoo.com