SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Bangiga dhexe ee Dalkani Kenya ayaa ku adkaystay in aay sharciga lagu tuman xiligii la iibinayay Hotelka grand regency,

gudoomiyaha bangiga dhaxe Professor Njuguna Ndung'u ayaa waxa uu asaga difaacay wasiirka maaliyada eedaynta ku saabsan in uu si qarsoodi ah u iibiyay isla markana uu ku iibiyay qimo ka hooseeya qiimaha uu hada ee suuqa,

Ndung'u ayaa waxa uu intaa ku daray in dhamaan hayadaha ay qusayso la ogaysiiyay isla markana loo sharxay ka hor inta aan hotelka la iibin,

arinta iibinta hotelkani grand regency ayaa waxa ay sababtay muran badan oo ka dhax aloosmay saraakiisha sarsare ee dowlada is bahaysiga salka balaaran ayada oo loogu baaqayay wasiirka maaliyada amos kimunya in uu is casilo,

hasa yeeshee wasiirka maaliyada Amos Kimunya ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu ku adkaystay in uu is casilayo oo kali ah hadii uu is casilaan raisul wasaare Raila Odinga, wasiirka maaliyada James Orengo, xeer ilaaliyaha guud Amos Wako iyo agaasimaha KACC Aaron Ringera.

si kastaba ha ahaatee raisul wasaare raila odinga ayaa la filayaa in maanta uu soo saaro bayaan ku saabsan iibinta hotelkani

Macalimiinta iyo bulshada rayidka ah ee Dalka Kiinya ayaa lagu eedeeyay inaay yihiin kuwo aan hada ka dib loo shaqaaleyn Karin saraakiil gudiga doorashada ka tirsan .

Kooxda madaxa banaan ee baareysa qaabka ay doorashada u dhacday Doorashadii ka dhacday Dalka Kenya Desember 2007 oo uu hogaamiyo sharci yaqaanka reer koofur Afrika Johann Kireigler ayaa iyagu loo sheegay sidaa xilli ay booqasho ku tageen deegaanka Isiolo. oo ka tirsan Gobalka East.

Hogaamiyayaasha iyo dadka deegaanka Isiolo ayaa u sheegay gudiga in macalimiinta iyo xubnaha bulshada rayidka ah aan loo shaqaaleyn presiding officer ahaan.

Gudiga ayaa ka dhageystay dadka Isiolo in midowga macalimiinta dalka ee Knut ay ka qeyb qaateen ololihii doorashada.

Gudiga ayaa iyagu weli ku jira ururinta warbixinno ku saabsan qaabkii ay doorashada u dhacday taasoo ay xigsadeen qalalaaso galaaftay nolosha dad gaaraya 1000 qof.


Eng. Mohamed Isse (Malaysia) Garissa

Faafin: SomaliTalk.com |  July 9, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS