Shirka Yemen uga soconaya hogaanka sare ee Isbaheysiga oo qarka u saaran in
dhammaan qodobadii khilaafka labada dhinac saldhigga u ahaa heshiis laga gaaro
Tan iyo todobaadkii la soo dhaafey waxaa dalka Yemen, magaalo madaxdiisa Sanca
kulan saddex geesood ah uga socdaa garabyada isbaheysiga ee ku kala sugan
Jabuuti iyo Asmara iyo wafdi balaaran oo gudaha ka yimid ayna ku jiraan qaar ka
mid ah hogaanka muqaawamada. Sidoo kale waxaa goob joogayaal ka ah ganacsato
waaweyn oo uu ka mid yahey Xaaji Abukar Caddaan iyo xubno ka mid ah jaaliyada
dibadda oo uu hogaaminayo guddoomiyahoodu mudane Tarsan,kuwaasoo ah guddi culeys
saar, xoogana saaraya in natiijo wax ku ool ah ay kulankaas ka soo baxdo.
Inkastoo sida wararka lagu helayo ay si aad ah u soo daaheen wafdigii Asmara ka
imaanayey, hadana dhinacyada kale waxey muujiyeen dhabar adeyg weyn iyo in ay
dhab ka tahey dhameynta iyo xal u helidda khilaafka jira.
Sadexdii maalmood ee la soo dhaafey ayaa u aheyd guddiga dhexdhexaadinta maalmo
shaqo oo aad u adag, ayadoo mid ka mid ah guddigaas oo aan la xiriirney uu noo
sheegey in xubnaha Asmara ka yimid ay diideen in ay gogosha wadahadalka
fariistaan, ayagoo ku adkeystey in ay halkaas u tageen caddeynta mawqifkooda oo
kaliya ee aysan u imaan iney wadahadal la galaan cid kale, arinkaanoo u cuntami
waayey guddigii waanwaanta ee u badnaa xubno ka mid ah hogaanka muqaawamada
gudaha, waxaana halkaas ku dhex marey gudiga waanwaanta iyo xubnaha Asmara doodo
aad u kulul oo soconayey saddexdii maalmood ee la soo dhaafey (sabti illaa
isniin), taasoo ugu danbeyn ku soo gabagabowdey iney soo qoor dhiibtaan,
ogolaadaana iney gogosha wadahadalka horteeda ay ka sheegtaan waxa ay
tabanayaan, ka dibna ay ku qanci doonaan go’aanada guddiga waanwaanta ay ka
gaari doonaan arimaha la isku heysto marka ay dhegeystaan ka dib.
Si kastaba ha ahaatee maanta oo Talaado ah ayey kulankoodii koowaad oo fool ka
fool ah yeelanayeen labada dhinac ee isbaheysiga, isla xilliga danbe ee maanta
ayaa la filayaa in go’aano wax ku ool ahi ka soo bixi doonaan kulankaas sida uu
ku waramey xubin ka tirsan guddiga waanwaanta, asagoo sii raaciyey in
go’aanadooda ay ku saleyn doonaan maslaxadda shacabka Soomaaliyeed ee dhibban ee
u baahan gargaar dhinac kasta ah.
Isku soo duub, kulanka Yemen ayaa ka soo gudbey caqabadihii ugu balaarnaa ee ku
dhoweeyey kulankaas inuu fashilmo laakin dulqaadka iyo sabirka ay muujiyeen
hogaanka isbaheysiga ee uu Sheekh Shariif hogaaminayo iyo xubnaha muqaawamada
ayaa nafta ku soo celiyey kulankaas, ayadoo ugu danbeyn xubnihii Asamara ay
qoorta u dhiibteen guddiga waanwaanta, arinkaanoo shirka u bedeley in rajo
fiican oo degdeg ah ay ka soo bixi doonto , halkaasna ay ku dhamaan doonto
isqabqabsigii iyo murunkii dhaliyey in isbaheysiga dib-u-xoreyntu uu kala
qeybsamo.
Shacabka Soomaaliyeed meel uu joogaba waxey indhihiisu ku sii jeedaan magaalada
Sanca waxa ka soo yeeri doono ayagoo ku farxi doona hal natiijo ah oo kaliya oo
ah waa la iswaafaqey ama eedda dusha ka saari doona cid kasta oo ka hortimaada
in la heshiiyo
Xafiiska gaarka ah ee isbaheysiga dib u xoreynta Somalia ee Jabuuti
Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2008