SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Magaalada Bu,aale Ee Xarunta Jubada Hoose Oo Gacanta U Gashay Xoogaga Maxaakiimta islaamka

Magaalada Bu,aale ee xarunta Gobolka Jubada Dhexe ayaa waxaa Si aan dhiig ku daadan ula wareegay Xoogaga Golaha Maxaakiimta Islaamka soomaaliyeed iyadoo aysan wax Dagaal ahi meeshaasi ka dhicin islamrkaana goob fagaare ah kala hadlay dadka deegaankaasi .

Afhayeenka Golaha Maxaakiimta Islaamka soomaaliyeed C/raxiin ciise cadoow ayaa saxaafada u xaqiijiyey inay Xoogaga Maxaakiimtu la wareegeen gacan Ku haynta Magaalada Bu,aale islamrkaana ay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladaasi ku Booriyeen inay shareecada islaamka Taageeraan si loo helo nabad iyo Barweaaqo .

Sidoo Kale Af Hayeenka ayaa Intaasi ku daray in xoogaga Golaha maxaakiimtu wax weyn durba ka bedeleen amaankja magaaladaasi iyo deegaanada Ku xeeran iyadoo uu Xusay inay qaadeen Jidgooyooyin ay dhigteen milayshiyo ka amar qaadan jiray Dowlada KMG ah iyo weliba Kuwo beeleed ah.

Dhinaca Kale C/rixiin ciise cadoow ayaa Xusay inay Kulamo wada Leeyihiin masuuliyiinta Golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ee Iminka Bu,aale Ku sugan iyo waxgaradka iyo Odayaasha deegaankaasi iyadoo Uu Carabka Ku adkeeyey Inay ka wada Hadli doonaan sidii Amaanka magaalada iyo Gobolkaba Loo sugi lahaa islamrkaana Loogu wareejin lahaa Maxaakiimta islaamka soomaaliyeed .

Si kastaba Ha ahaatee Maaha markii Ugu Horaysay ee ay Xoogaga Dowlada kasoo Horjeedaa ay la wareegaan Magaalooyin ay hore ugu sugnaayd Dowlada KMG ah iyadoo ay dhowaanahanba ay Si tartiib tartiib ah Ula wareegayeen Magaalooyin caan ka Ah Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya

Raysal-wasaaraha Dowlada KMG ah Oo Ugu Baaqay Ururka Al-shabaab Inay Taageeraan Shirkii Jabuuti

Raysal wasaaraha Dowlada KMG ah Nuur xasan Xuseen (nuur cadde ) ayaa Ugu Baaqay Ururka Al-shabaab inay Kasoo Qayb galaan shirka Dib U Heshiisiinta ee Lagaga wada Xoojoonayo arimaha Nabada Gudaha soomaaliya si xal loogu helo Dhibaatada dabo dheeraatay ee ka taagan wadanka soomaaliya .

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde )oo shior jaraa,id Ku qabtay xaruntiisa ayaa Soo hadal qaaday Booqasho sadex maalmood ah Oo Uu Ku Tegey Magaalda Adi-ababa Ee xarunta ethiopia islamrkaana sheegay Inay dadaalo nabadeed Ugu Jiraan sidii Looga Miro dhalin lahaa Dib U Heshiisiinta waa siduu hadalka U dhigaye

Sidoo kale Raysal wasaare Nuur cadde ayaa Ugu Baaqay Ururka Al-shabaab inay Ka Qayb Qataan Dib U Heshiisiinta Laga Dhex wado dhinacayada soomaaliyeed islamrkaana Ugu baaqay Ururkaasi Al-shabaab inay Fursada Qaaliga ah waa siduu sheegaye ee ay Abuurtay Qaramada Midoobay ay ka Faa,iidaystaan oo ay taageeraan Heshiiskii Jabuuti

"Wada Hadalkii Jabuuti Ee Heshiiskii lagu kala saxiixday Waxa Uu Aahaa mid muhiim ah Oo Iridaha U Furaya Urur kasta Oo Mucaarad ah Oo kusoo Biiraya Dowlada iyagoo sheeganaya waxa ay tabanayaan Iminkana waxaana Fursadaa Ugu yeeraynaa Ururka Al-shabaab ''' ayuu Yiri Nuur cadde .

Col-ka ayaa baaqiisa Ku xusay inuu aaminsan yahay Hadii si wada Jir ah Nabada Loo wada Taageero in laga baxayo dhibaatada Labaatan Jirsatay ee wadanka soomaaliya la daala dhacayo iyadoo uu meesha ka saaray in aysan Jirin Cid ka mamnuuc ah wax kasta Oo looga wada hadlayo arin soomaaliyeed waa siduu Hadalka U dhigaye .

Dhinaca kale Raysal-wasaare Nuur cadde ayaa cambaareeyey Dilkii dhowaan Loo gaystay Madaxii hay,ada UNDP Cismaan cali axmed ee lagu diley Magaalada Muqdisho islamarkaana Ku tilmaamay Mid caqabad Ku ah dadaalada nabadeed ee ay wadaan .

Si Kastaba Ha ahaatee Hadalka Nuur Xasan Xuseen (nuur Cadde ) ayaa Kusoo Beegmaya Xili ay Hore Uga Dhawaajiyeen Qarmada Midoobay Dhowaan In Xasaradaha Ka Jira dalka soomaaliya ee Dilalka Loo gaysanayo saraakiisha Qaramada Midoobay ay xanibayaan gar gaarka la Geeyo wadanka soomaaliya

Sh,Muqtaar Roobow Abu-mansuur Oo Sheegay Inay Magaalada Baydhabo Qaybo Muhiim ah Ka Qabsadeen

Xoogaga Ururka Al- shabaab ayaa Shaaca Ka qaaday Inay dagaal Xoogan oo duqayn ah ay U gaysteen habeenkii xalay ahaa Magaalada xarunta u ah Gobolka bay ee baydhabo iyadoo ay Intaas Ku dareen inay Guulo wax Ku ool ah kasoo hooyeen wa siday hadalka U dhigeene .

Afhayeenka Ururka Al -shabaab Sh, Mukhtaar Roobow Abu-mansuur oo saxaafada kala hadalayey Dhinaca telefoonaadka ayaa Xaqiijiyey Inay Habeenkii xalay ahaa Duqeeyeen magaalada baydhabo islamrkaana Qabsadeen Qaar ka Tirsan magaalada baydhabo islamrkaana ka Eryadeen Ciidamada Dowlada KMG ah .

Sidoo kale Roobow abu-Mansuur ayaa intaasi Siii raaciyey inay duqeeyeen goobo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo xarunta maddax tooyada oo fariisinka u ah dowlada KMG iyo Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia oo ku yaala badhtamaha Magalada Baydhabo iyo Meelo kale Oo Muhiim ah .

Dhinaca Kale Afhayeenka Ururka Al shabaab ayaa Gaashaanka Ku dhufatay hadalka Sheegaya xabad Joojinta islamrkaana Shaaca Ka qaaday Inaysan Ciidamada Ethiopia marnaba wax xabad Joojin ah La gelayn ilaa iyo inta ay wadanka soomaaliya Ka baxayaan iyo Inta ay kooxda dowlada sheenaysaa ay ka tanaasusho magaca dowlada soomaaliya .

Iskusoo Wada Duuboo Magaalada baydhabo oo kamid ah magaalooyinka fara ku Tiriska ah Ee ay Dowlada KMG ah gacanta Ku hayso ayaa Iminka U Muuqda Mid ay Gil Gilayaan dagaalo Hor Leh oo u dhexeeya Ciidamada isku Jirka ah Ee dowlada KMG ah Iyo Ethiopia oo isku dhinac ah iyo weliba Xoogaga Diidan Joogitaanka Ciidamada shisheeye iyo siyaasada dowlada

Yaasiin Maxamed Faytin

Yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 9, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS