SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maalmo kale ma Xulannaa marka Gumeysiga Madoow Baxo (sida 26-ka Juun iyo1-da Luuliyo)

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Maxaa dadkeenna muslimiinta ahi ciyaarta ugu jirnaa? Xusku sidiisaba waa cibaado. Cibaado oo dhanna Ilaah baa leh. Qofkii dadka madadaalinayaa wuu dhihi karaa sidii riwaayaddii Xuskii Jacaylka. Qofkii waalidkiis iyo ehelkii weyneynayaa inta maalmo ay qabsadaan bey xus iska sameystaan. Ummaddii Soomaaliyeedna maalmo bey inta iska qabsadeen baa yar iyo weyn waxaa la tuntaa walasaqo, heesho, gabayo iyo caways! Markaan dadka weydiiyo maxaan sidaan u yeeleynaa waxay dhahaan: waa markii gumeysigu waddanka ka baxay! Sidii horay loo sheegay gumeysigu wuxuu waddanka ku dhaafay ardadiisii oo iyaga ka sii liitay. Markaan dhahno yaa mahaddaas gumeysigu uga baxay Soomaaliya leh waxay leeyihiin Ilaah. Ka warran hadduusan Ilaah raalli ka ahayn xuska 1-da Luuliyo iyo 26-ka Juun? Waxay rabto culumo ha idiin sheegto laakiin waa shirki cad oon geed loogu soo gabban. Maxay culumada Soomaaliyeed u sahladaan arrintaas oo uga hadlaan waxyaalo ka sokeeya? Sanadkii horana maqaal noocaan ah baan soo qoray. 

Faallo: 1da luuliyo Waa Tee??!!!!

Xasan Cali Barre: waxaan ka tacsiyadeynayaa 1da Lulyo munaasibadeedii oo la waayey, iyo xuriyadii aan lixdankii qadanay oo god gashay oo cadow ku soo duulay Akhri Jul 1

Ka warran qofkii inta Ilaah cadow ka soo fekiyo maalin ay bisha Diseember tahay 25 dabadeedna sanad kasta taariikhdaas xus sameeya? Xusba ha sameeyee wuxuu ku caweeyaa muusik iyo qoob-ka-ciyaar. Haddii aan gumeysi ka baxnay; kamaba aynan bixine waxay ku fiinceyd qofkii mahadcelinaya ooy run ka tahay inuu inta meel fariisto Ilaahay u mahadnoqo isagoo leh SUBXAANALLAAH WALXAMDULILLAAH WALLAA ILAAHA ILLALLAAHU WALLAAHU AKHBAR. Geerarkii C/hi Suldaan Timo-cadde Allaha u naxariistee waa ammaan Eebbe iyo duco: 

  • saq dhexaannu ahayne
  • kii soo saaray cadceeddoow
  • Sarreeyoow ma nusqaamoow
  • aan siduu yahay eegnee
  • kaana siib kanna saar

Ma 26-ka Juun baa cadceedda soo saarta? Ma 1-da Luuliyaan nusqaamin? Geeraarku waa duco iyo weyneynta Ilaah laakiin haddii geeraarka Curuuba iyo Jubba laga qaado micno ma sameyneyo ileyn Ilaahay meelahaas laguma xuso e - meelaha qoob-ka-ciyaarka Ilaah baa lagu caasiyaa. Marka nimcada waa laga shukriyaa ee ma aha in Axadkii ku siiyey aad ku caasiyoowdo. Ka warran qof qubraha jooga oo inta tusbax iska qaata yiraahda waxaan ku dhex wardinayaa meelaha khamriga lagu cabbo? 

Maaddaama aan horay u iri xuska labadaas maalmood iyo wixii la mid ahaa sida 21-ka Oktoobar inkastoo dadka qaarkiisba haddeer Oktoobartii Mbagathi xusaan waa shirki. Laakiin ma oranayo mushrikiin baan nahay. Sabab? Waxaynu nahay ummad reer baaddiye ah. Ogaada, anigu reer baadiye waxaan u aqaan inta caqliga xun ee reer miyiga iyo xitaa weliba reer magaalka caqliga xun. Sidoo kale Af-Carabiga baadiyuhu ka yimid kama hadlayo. Waagii miyigu miyi ahaa waxaad arkeysaa qaraabo wada degen oo inta awoowgood oo dhintay xusta haddana barbaartii markey hilib iyo bariis feeraha iska saareen inta bannaanka u baxaan sacab iyo salaqle tuntay! Hadde ogaada waxa la xusayey mowti, weliba waxaa halkaas jooga culumadii miyiga. Waxaan arkay gabar barbaar ku tiri dhaanto ahaan mar Alle-bari iyo xus halkaas ka jiray: 

  • maxaa kuray caano geel dhamayoo
  • bariis kulul caawa soo cunay

Marka la yaab ma leh in inta Soomaalidu tiraahdo Ilaah baa na xorreey hadana ay la yimaadaan ficil shirki ah –weynaanta maalmo aan Ilaahay agtiisa ka weyneyn. Ogaada dad badan oo taga meelaha lagu xusayo maalmahaas ayaan jecleyn xuskaas laakiin dano kale u taga. Qaar iney dadka wacyigeliyaan u taga, qaar baa ganacsi iyo buug-iibsasho u taga iyo kuwo dano kale leh laakiin xuska noocaas ah ma aha dhaqan Islaam. 

Sidaan sanadkii hore u sheegay labadeennii maalmood waxaa ceebeystay Meles Zenawi! Maalmaas Zenawi wuxuu dadkii Soomaaliyeed ku leynayaa Muqdisho iyo meelo kale. Maatadii buu masaajiddii ku dhexlaayey saasooy tahay weli waxaa nagu weyn weyneynta maalmahaas. Dadka Soomaaliyeed waxaa fiican iney darsi ka dhigtaan arrintan: 

Labo saxaabi oo da’ yaraa baa muslimay markii Muscab Binu Cumeyr (RC) loo diray Madiina. Mid ka mid ah aabbayaashood baa la haa sanam uu caabudo. Si odeygu caqligiisa uga shaqeysiiyo baa wiilashii inta eey bakhti ah soo qaateen ku xireen sanamkii. Odeygii oo cibaado ugu socda sanamkii baa arkay mashaqada dhacday. Wuu fekeray oo haddana feker oo yiri: hadduu sanamku ixtiraam iyo awood leeyahay wuxuu iska fogeyn lahaa eeyga bakhtiga ah. Saacaddaas buu inta wiilashii yaryaraa iyo Muscab (RC) u noqday muslimay. WALLAAHI haddii 1-da Luuliyo iyo 26-ka Juun wax qaban karaan ma jirto maalin aan maanta uga baahi badanahay - waa maalin cadowgeennii koowaad ee Tigreegu heystaan Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Soomaali Galbeed. Maalmaha Ingiriis iyo Talyaagin naga xoreeyey waxaan filayaa iney Tigree naga xoreynkaraan haddaysan na hagraneyn! Marka sida odeygaas, labadaas maalmood waxba nooma qaban karaane aan Ilaah u noqonno. 

Haddii dadku dhaho waxaa loo baahanyahay maalmo shaqada laga nasto maaddaama aysan ciidaha muslimku nagu filneyn aan maalmo kale iska qabsanno innagoon weyneyneyn. Sida bilowga Muxaram, Caashura iyo maalmo kale. Maalmaha cibaabada la sameeyo waxaan raaceynaa sunadii nabiga (SCW) ee lagama wado maalmaha laftoodaa wax noo tari kara. Waxaa kaloo dadku sameynkaraa inta tashadaan ooy dhahaan tusaale ahaan: ka warrama haddii maalinta u dambeysa bil helba aan fasax qaadanno. Haddaan dambeynta bishaas aan wax cibaado ah laga wadan dhib ma leh maxaa yeelay waxay u badantahay iney ku aaddo maalmo kala duwan. 

Fiirsha dhibaatada ka dhalata marka Ilaah iyo cid kale wax la isku dhexgasho. Sangub buu ahaa ninkii halabuuray hees ay ku jirtay: 

  • onkod hillaaca Allahayoow
  • ilo biyooba Allahayoow
  • oo oonka reeba Allahayoow
  • ummad hagaagsan Allahayoow
  • Islaanimada Allahayoow
  • ehulu kheyrka Allahayoow

Laakiin dhibtu waxay ka timid waxaa heesta lagu soo hoorinayey 

  • bisha Oktoobar labaatameeyo alifku (kowda) dheeryahay
  • iyo Abriil baa Alle ina siiyee aqoonsanaada
  • waa aroor ku faan, aroor ku faan ila ogoow

Xaggee 21 Oktoobar ku dambeysay? Xaruntii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee 12-ka Abriil caan ku ahayd soow saacaddan Tigree ma degenna? Af xumadaas marka lala yimaado ciqaabka Ilaah waa soo degdegaa. Soow sidoo kale meelihii lagu xusi jiray 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo Tigree ma xukumaan? Haddeynaan shirki iyo maalmo la weyneeyo deyneyn haddee labadaas maalmood Zenawi baa faddareeyey ee aan diyaarsanno maalmo kale oon xusno marka Tigreegu waddanka ka baxaan! Mise gumeysiga cad ka-bixitaankiisa kaliya ayaa la qiimeeyaa? Xuska maalmuhu ma istaagayo. Waad maqleyseen in Hargeysa laga xusayey maalinta muusika adduunka! Ardeydii diidday kheyr Ilaahay ha siiyo. Daahir Riyaale iyo maamulkiisu waa diideen in la isku xukumo diinta Islaamka sidaasooy tahayna waxay xusayaan maalinta muusikada adduunka! Soomaaliya suugaanteedu waa hodan ee goormaa la maqlay isagoo xusaya gabayadii iyo suugaantii Soomaaliyeed? Meyse maalin kale xusaan? Hadday cid xusayaan mey xusaan Barkhad Cas iyo Maxamed Mooge? Keliya waa reer Galbeed baa sidaas sameeyee aan sameynno! Haddaan dadku ka waantoobin maalmahaas la iska weyneynayo waxaa la maqli doonaa iyadoo maalmo la xuso loo sameeyo waxyaalo aan Soomaaliya laga aqoon ama aan ku badneyn! Marka ma joojinnaa afxumada ileyn Ilaahay diid inuu dulleeyo maalmahaas aan iskeen u weyneynay mooye wax kale?

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS