SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

HAA SHAREECADA WAA ISKU DHIQI KARNAA.


Bismilaah.

Asalaamu calaykum.

Caqligu mucjisooyinka ALLAH waynaantiisa lagu garanayuu ka mid yahay marka hal arin oo yar intaas oo nooc loo dhiraandhirinayo illaa aduunka buugaag ka buuxsamay wax dadka anfaca iyo wax dadka dhibaba, dadkaasi dhamaantood waxay dhasheen iyagoon waxba garanayn, sadex shay uunbaan la dhalanay oo ALLAH ina siiyey ahna furaha cilmigan oo dhan MAQAL, ARAG, QALBI.

Qofku markuu wax qiimaynayo dhowr asbaabood ayaa ku kalifaya in sidan wax u arko.

1-aqoonta uu u leeyahay arinta uu taxliilinayo.
2-taxliilku waxa uu ku saleeynayo ee ama muuqaal ah ama iimaaniyaad ah.
3-meesha uu cilmiga ka qaatay ama cida macalinka u ahayd.
4-cida uu warka uu wax ku salaynayo ka qaatay.
5-qalbigiisu meesha uu u iilanayo ama rajaxayo.
6- inay ka kala eegeen labada dhinac quus ama rajo oo dadkuna u qaybsamo.
7-xogta dhabta ah ee u ka hayo dhinacyada uu taxliilinayo sida shucuubta gadoodsan iyo beesha caalamka daaqadeeda cabudhin inta ay le,ekaan karto ama wadi karaan.
8-caadifada oo ah taxliilka nooc isagu indho la,a.

Qodobadaasi oo dhami waa waxa kalifa in ibnu aadamku isku haldhacdo kala si u arko, kaliftana in la is ku khilaafo.

Isla qodobadaasi waa waxa siraacaadka aduunku utaagnaayeen una taagnaan doonaan.

Hadaan anigu isku dayo aana ku eego labo indhood.
IIMAANIYAADKA IYO TAXLIILKAYGA DHACDADAN TAAGAN.

KOOBAAD iimaaniyaad.

Waa wax qarson oo ALLAH (SWC) ina faray arag la,aan inaan aamino.
ALLAHaas awooda leh isagaa ina faray shareecadiisa isla markaana inoo sheegay cida diidan, marka laga yimaado awoodiisa wuxuu ina faray asbaabaha hadaan la nimaadno guulaha keena, halagaa cadad iyo cudo badnaadee sida isku duubnida, tawakalka, iwm xataa markii malaa,igta uu ku saaciday RASUULKEENII wuxuu yidhi qalbigiina uun baan ku sugayaaye nasrigu iyaga xataa kuma xidhna ee aniga ayaa bixiya, taas micnaheedu waxaa weeye xataa 5000 oo Malaga haday dagaalka soo gasho waxba cadawga inaga iyo iyagu ka tari mayno hadii uunan ALLAH (SWC) kafada dagaalka dhinac u rajixin. Markaa nin ALLAHhaas lihi laga adkaan mayo haduu isagu doono.

Ku kalsoonaantaas aan ALLAH ku kalsoonahay iyo tawakalka aan kaga hortagayno awood muuqaal ahaan hadii aan ku qiimayn lahayn aduunka oo dhan isku waa faqi lahaa tahluko (biimaa moorto), wuxuu sidaas inoogu xujeeyey oo laga yaababa uu cadawga intaas oo awood ah oo muuqda ugu sahlay si uu ALLAH u kala saaro iimaanka oo ah inaad aaminto, qawlkiisa, shareecadiisa,wacdigiisa iwm.
IIMAANa waa wax aynaan arkayn oo ALLAH inaga qariyey oo lagu yidhi waa jiraaye aamin.

LABAAD taxliilka aduunka
Hadaanba kaas ka nimaadno “iimaaniyaadka” taxliilka aduunku ma aha wax go,an oo sida indhahaaga kuugu muuqda mid mar walba u dhaca tusaale xisaabta oo ah sunanta koowniga ah hadii 1+1=2 cid waliba waa ogtahay inay sidaas u dhacayso laakiin taxliilka iyo natiijada aduunku ka duwan waayo? Nimankan indhaheena la wayn awoodoodu, ayaa intay asbaabtii koowniga oo dhan qaataan oo ay sugayaa natiijada ayey caksi ku noqotaa tusaaale.
1+1= -2 siday taxliilkii ay sameeyeen uga filayeen inuu soo baxo 2 ayuu ku noqdaa
-2 caksi wixii ay filayeen oo natiija ah.
Taasi waxay ian tusaysaa mar walba ma noqoto sidaan wax u taxliilinay iyo asbaabta aan raacnay. Isla taasina waa ta ku dhiiri gelisa dulmanahu inuu isku dayo inuu heeryada cadaw iska dul qaado isagoo rajeeynaya sidan loo kala adagyahay inay wax iska bedeli karaan, wayna dhacdaa taasi.

Waxaan halkan ku soo bandhigi doonaa maqaalo is xigxiga oo ka hadlaya shareecada manta ma isku xukumi karnaa.

Afar qodob ayaan u kala qaadayaa maqaalkan.

1)- Haa shareecada waa isku dhiqi karnaa iyo Beesha caalamka ee diidan.

2)- Haa shareecada waa isku dhiqi karnaa iyo Qalcadaha ay saaranyihiin beesha caalamku.

3)- Haa shareecada waa isku dhiqi karnaa iyo Waxa ay waardiyeeynayaan.

4)- Haa shareecada iyo meeshaan taaganahay inaga soomaali .

Kani waa kan ugu horeeya.

HAA SHAREECADA WAA ISKU DHIQI KARNAA IYO BEESHA CAALAMKA EE DIIDAN.

Intaan ka gaadho ayaan maqaalka ku soo koobayaa inta kalena maqaalada soo socda ayaan insha ALLAHu ku qaadaa dhigi doonaa.

BEESHA CAALAMKA EE DIIDAN.
Waa awooda ugu sareeysa ee manta jirta aduunkan dushiisa inkir la,aan.
markaan beesha caalamka leeyahay waa dowlahada bahwadaagta ah ee manta beesha caalamka isku magacaabay.

Waxaan ku masali karaa jamaaco gangis ah oo isku xidhan oo midoobay oo mid horboodo sida qabqablaha, aduunka inta kalena way kala daadsan tahay markaa qof u diidikaraa majiro isticmaalka magaca beesha caalamka.

Intaa bah wadaagta ahi waxay kulmisteen inta awood jirta ee umadi u baahan tahay.

1- waa quwad caskari.
2- Waa quwad qaanuun marka inta badan QM qaramada midoobay uu fuliyo danahooda.
3- Waa quwad dhaqaale oo iska daa dowladaha iyo gobolada ay ka kooban yihiine xataa ashkaastoodaa dhaqaale ahaan ka dhicin dawladaha qaar badan.
4- Waa quwad Iclaan ama warbaahin.
5- Waa quwad cilmi oo isagu silaaxa ugu qaalisa ee umadi hesho ah.


Waxaa intaa u weheliya waxay noqdeen dhextaalka aduunka oo aduunku isku afgarto sida
A)- Afka uu aduunku isku afgarto LUQADA oo noqotay ENGLISH. aadan ka maarmay hadaad u qasado inaad dalkaaga cag ka qaado.
B)- CUMLADA (lacagta)doolarka oo noqotay afka ay aduunku wax ku kala bedeshaan kuligoodna wada af garanaayaan.


Intaas oo dhan markay gacanta ku dhigeen meel iskama fadhiisan ee waxay u istaageen fidinta haymanadooda (saldanadooda) iyo difaaceeda. Waa laba qodob.

Labada matoor ee wax dhaqaajiya ee ay leeyihiin waa.
1- DAMAC (kororsi).
2- KHAWF.(ilaalin inay nuqsaanto)

1- DAMAC (kororsi). Waa hamiga galay inay balaadhiyaan cid ka hoosbaxdaana aysan jirin. Waana khaslooyinka ALLAH aadana ku sheegay markuu waadi dahaba helo inuu mid kale u hanqal taago. Waana meeshii shaydaan AABEHEEN NEBI AADAM ka soo galay damac gelin (KHULDI IYO MULKI).

2- KHAWF (cabsida ilaalinta nuqsaanteeda) khowf waa cabsida kaga jirtay inay burburto iyo halaca ka haysta. Waana khaslo kale oo aadanaha ku jirta oo ALLAH yidhi ibnu aadamku waa (DALUUM HADA JAHUUL AH) waxay ka dhasheen kana mid yihiin dulmi badanayaashaas ama iyagaa wax dulminaya ama waa la dulminayaa marka laga reebo adoomada ALLAH oo weliba iyaguna aad u yar.

Waxay ku ilaashee haymanadooda taxaalufaad midba mid ku xeen daaban yahay, mid waliba keligiis ayaadan loodin karayn.


Waxayna kala yihiin.

1- TAXAALUF umami ah QM (qaramada midoobay) oo ay awoodaheeda intiisa badan gacanta ku hayaan iyo shuruucdiisa.

2- TAXAALUF difaac mushtarak ah oo la yidhaado NATO.

3- TAXAALUF WEST la yidhaahdo oo inta bah wadaagta ah ee diin iyo mabda,a mideeyey sida (dimoqraadiyada) meel ka soo wada jeedaan.

4- TAXAALUF macrifo shakhsi ah oo ay madaxda aduunka is wada yaqaanaan iyo masaalix ay inta badan aduunka la leeyihiin oo aduunku mid kastaa goonidiisa u ilaalinayo inaysan maslaxadaasi burburin cida uu la leeyahay taasoo ilaalinaysa dhamaantood maadaam maslaxada inteeda badan iyaga lala leeyahay.

BILOWGII NUSQAANTOODII.
Waxaa soo dhan iyadoo ay halkaas marayso ayaa hadana waxaa inyar inyar u soo baxaya dulmi, diktatooriyada, iyo manfaco markii hore dhacdhac laga heli jiray oo iminka isu sii bedelaysa boob iyaga keliyihi manaafacaad sadaan ilaa ay iyaga xitaa hada usoo gudbayso.

Waxay galeen dagaalo saameeyey thiqadii lagu qabay iyo sumcadoodii lagu yaqiinay dad nabdeed, masaalix ka shaqeeya iyo dad raxmo iyo gargaar.

Waxay sidoo kale dagaaladaasi saameeyeen dhaqaalahoodii.

Waxay ay lumiyeen oo uu saameeyey sidoo kale Dabacsanaan iyo dumida quluubta aadamah lagu yiqiinay kaa soo guulo waaweeyn usoo hooyey (ilaa ay dagaal la,aan shuuciyadii ka takhaluseen kadib markii caalamka intii badnaa ay ka kasbadeen) khaasatan Madaxda & indheer garadka.

Waxaa lumay thiqadii lagu qabay warbaahintooda iyadoo aad moodo in shucuubta aduunku uu ka qaatay talaal uunan wax saamayn ah ku reebay warbaahinta galbeedku.

Waxa lumay aaminaadii lagu qabay oo dowlad waliba iminka lafaheeda isaga ilaalinayso ugana baqayso.

Waxaa si tartiib ah u bilaabanaya taxaalufaad kale ama mid dhaqaale ama mid ciidan iwm.

Waxaa soo baxay raxmadii iyo hay,adihii gargaarku inay sixun u isticmaaleen oo ay diintooda ku fidiyaan ama ay yihiin kuwo u jaajuusa ama ay yihiin kuwo ka shaqeeya talo siin ku salaysan marib habaabinta iyo khilaaf dhexdhigida umada ay la joogaan, waxaan yaraaday iminka taageerada ay bixiyaan marka loo barbardhigo dhibkooda.

Waxaa dib isu dhigay dowladihii meeshay u diraan isku qaadi jiray taasoo iminka ku noqotay dhabarjab way, marka mudo yar ka hor meel walba oo uu isku qaado dhamaan la isku soo qaadi jiray, iminka waxaa la odhanayaa waa kugu keligaa, maslaxadaadaad u gashay.

Waxay waayeen thiqadii shucuubta caalamku ku qabtay iyadoo waagii hore inta daafacaysaa ka badnay inta weeraraysa iminkana cagsi.

Waxay lumiyeen xitaa thiqadii shucuubtoodu ku qabtay inay yihiin dawlado cadaalada iyo dimuqraadiyada fidinaya iminkase waxaa u soo baxday dawlado jujuubaya oo boobaya khayraad dawlado iyo shucuubkale leeyihiin sida dagaalkaas maraykanku wuxuu u galay batrool iwm.

AKHRI QAYBTA 2aad.


Waxaa qoray adoon ALLAH
C/raxmaan binu Cabdallah.
buloxubey@hotmail.com
WabiALLAHI tawfiiq.

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS