Waxaa dhawaan la filayaa in 10 caruur ah oo qaba cuduro kale duwan kuwaasoo
lagu daaweyn waayey dalka gudihiisa ayaa waxaa Feb 20, 2008 ahayd lacag deeq
ah soo gaarsiiyey C/qaadir Cali Salaad oo ku nool dalka Ingiriiska gaar
ahaan Magaalada London wuxuu lacagtaas usoo marsiiyey Hay’add SSWC
xafiiskeeda magaalada muqdisho waxayna lacagtaas gaareysay $550 doolar.
Hindi Axmed Faarax oo ah
Kusimaha Gudoomiyaha Hay’adda SSWC ayaa lacagtaas waxaa ka gudoomay Sahro
Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Hay’ada COGWO munaasabad ka dhacday xarunta
SSWC ayaa waxaa ugu horeyn halkaas ka hadlay Hindi Axmed Faarax oo ah
kusimaha gudoomiyaha SSWC oo iyada umahadcelisay C/qaadir Cali Salaad
waxayna usoo jeedisay dadka soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ineey ku
dayadaan gacana ka geestaan taakulaynta caruurtaas oo aan waalidkood awood
ulahayn ineey dibadda geeyaan caafimaad ahaan, Sahra Axmed Maxamed oo ka
socotay ayaa iyadana ka mahadcelisay deeqda lacageed, sidoo kale
munaasabadaas waxaa ka hadlay Muxubo Aaden Cali oo ku umahcelisay intii
gacan ka geesatay deeqdaas lacageed iyadoo gaar ahaan mahad balaaran
ucelisay hindi Axmed Faarax oo soo abaabushay munaasabada deeqda lacgeed
lagu wareejiyey.
Ugu dambeyntii munaasabada deeqda lacgeed lagu gudoonsiinaayey caruurtii
loo qaadayey Kenya iyo Ugaandha waxaa baaq ka soo jeedisay kusimaha
Gudoomiyaha Hay’adda SSWC Hindi Axmed Faarax iyadoo ugu baaqday dhamaan
jaaliyadaha ku nool wadamada dibadda iyo dadka ka shaqeeya samafalka in ay
isku xilqaamaan in ay gacana ka geestaan boqaal caruur kale oo hayaan
xanuuno aan dalka gudighiisa aan wax looqgu qaban Karin.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro