SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Sawir Barack Obama oo Ku Lebisan Dharka Soomaalida oo Muran Weyn ka dhilyey Siyaasadda tartanka Madaxweynanimada Maraykanka....

  • Sen. Barack Obama oo ku lebisan dharka hiddaha u ah Soomaalida isagoo ag taagnaa Sheikh Mahmed Hassan, mar uu booqday Wajir, Gobolka Woqooyi Bari Kenya oo u dhaw xadka Soomaaliya. Sawirka waxaa la qaaday Aug. 27, 2006. Dharkaas waxaa Obama siiyey odayaasha dhaqanka ee reer Wajeer. Obama aabahiis waxa uu ka soo jeedaa Kenya. Waxana uu Barack Obama booqday Kenya sannadkii 2006 markaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey...

Musharaxa madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, oo ah nin madow, aabihiisna uu ka soo jeedo Kenya, aaya xiin ku dhaafay musharaxiintii kula tartamayey isreeb-reebka doorashada ee musharraxa Xisbiga Dimoqraadiga u matali doona doorashada weyn ee November 2008.

Guulaha doorashada ee Obama waxaa ugu dambeeyey 10 gobol oo xiriir ah oo uu kaga guulaystey Hillary Clinton. Waxaana hadda arrintu isugu soo biyo shubatey haddii uu Obama ku guulaysto doorashada la qaban doono March 4, 2008 ee ka dhici doonta Gobolada Ohio iyo Texas [labadaba ama mid ka mid ah labadaas gobol] markaas habaaska ayuu ku reebi doona Clinton.


Isha sawirka: www.barackobama.com

Guulaha xiriirka ah ee Obama, oo dad badan oo Maraykan ah ku noqday filanwaa, ayaa dhaliyay in taageerayaaasha u ololeeya Clinton ay bilaabaan dacaayado ka dhan ah Obama, waa sida in badan oo ay saxaafada caalamku ay warka u dhigeene'e. Waxaana dacaayadahaas ugu dambeeyey sawirka hoose:


Sen. Barack Obama, dhanka midig oo kulebisan dhar Soomaali
oo agtaagay oday Soomaaliyeed, Sheikh Mahmed Hassan,
markii uu booqashada ku tegey Wajir, northeastern Kenya,
Aug. 27, 2006.  Sawirka: AP

Obama oo ku sawir dharka hiddaha Soomaalida....

Dacaayaadda laga faafinayo Obama ayaa waxaa ugu dambeeyey sawir internetka lagu faafiyey [Feb 28, 2008] oo ah Sen. Barack Obama oo ku lebisan yahay dharka hiddaha iyo dhaqanka u ah Soomaalida [Macawis, qayd garbaha ugu xiran iyo Cimaamad ama madax duub oo dhammaantood midabkoodu caddaan yahay iyo ul ah matoobi la xardhay oo uu gacanta ku haysto].

Arrintaas waxaa ka dhashay muran weyn, kaddib markii lagu eedeeyey sawirkaas in ay faaiyeen shaqaalaha Hillary Clinton, oo tartanka madaxweynanimada Maraykanka kula jirta Obama, sidaas waxaa qortay in badan oo ka mid ah warbaahinta Woqooyiag Ameerika.


Sen. Barack Obama, dhanka midig oo kulebisan dhar Soomaali oo agtaagay oday Soomaaliyeed  Sheikh Mahmed Hassan, markii uu booqashada ku tegey Wajir, northeastern Kenya, Aug. 27, 2006.  Sawirka: AP

Agaasime ka mid ah ololaha madaxweynanimada Obama ayaa isla markiiba ololaha Clinton waxa uu ku eedeeyey in ay dadka cabsi gelin ku abuurayaan.

Nin ka mid ah dadkii Obama u raacay safarkii kenya laba sano ka hor oo magaciisa la yiraahdo Gen. Scott Gration, ahna sarkaal ka tirsanaan jirey ciidamada cirka Maraykanka, oo hadda ah lataliye Obama waxa uu yiri xilligaas Obama waxa uu baraneyey qaabka ay u agaasiman yihiin qabaa'ilku.

"Obama waxaa la siiyey dharkan, maadaama uu ahaa marti, oo weliba ahaa marti sharaf qiimo badan, waa uu qaatay, markaas ayey ku dhiiri geliyeen in uu gashado oo isku fiiriyo" ayuu yiri  Gen. Scott Gration oo intaas ku daray "taasi waa arrin aan dhammaanteen samayno." waa Sida uu weriyey TV-ga Canada ee CTV.

Jack Cafferty oo ka mid ah weriayaasha CNN oo arrinta dharka Soomaalida ee uu xiran yahay Obama ayaa muujiyey in aan waxba ku jabnayn in uu xirtay dhar hiddo u ah dad ama qabaa'il Afrikaan ah.

Qaar kamid ah dadka ka faallooda wararka ee TV-ga FoxNews ayaa sheegay in faafinta sawirkaas loola jeedey in lagu faquuqo Obama oo loo muujiyo in uu yahay Afrikaan, taas oo keeni karta, ayey yiraahdeen, in Clinton ay ku lumiso qaar kamid ah codbixiyayaasha loo yaqaan 'Duper Delegates' oo ah masuuliyiinta xisbiga Dimoqraadiga oo doorashada kala saara haddii ay barbar ka dhac noqoto.

Mid ka mid dadka ka faallooda siyaasadda Maraykanka oo ka hadlayey TV-ga MSNBC ayaa yiri: maxaa ku jaban haddii la xirto dhar uu kuu xiray caaqil Soomaaliyeed. Wax ku jaban ma jiraan.. markasta ayaa la sameeyaa.. ayuu hadalka ku daray.

Soomaalida oo isla qabweynaan jirtey....

Dharkan lagu dacaayadaynayo Obama waa dharka ay xiran jireen Soomaalida ilaa ka-fac ka-fac (jiilal), sida go' cad oo qayd ah iyo cimaamad madax lagu duubto, oo ay weli xirtaan Soomaalida hiddo ahaan, kuna xarragoodaan iyagoo adduunka weligoodba isula qab weynaan jirey. Waxaana cajaa'ib noqotay sida haddda dadka Maraykanka loogu xuuxinayo dharkaas hiddaha u ahaa Soomaalida.

Gobolka Ohio waxay ka mid yahay gobolada uu ka dhici doona tartanka loo malaynayo kala baxa ee Obama iyo Clinton. Gobolkaas waxa uu ka mid yahay gobolada ay ku nool yihiin Soomaali aad u tiro badan (Somali-Americans), kuwaas oo inta sharciga dhalashada maraykanka qaadtay ay codayn karaan. Waxaa su'aashu tahay ma la arki doonaa Soomaali ku lebisan dhar la mid ah kan uu ku lebisan yahay Obama oo safka ugu jira codbixinta ee Gobolak Ohio, Texas, iyo gobolada kale ee doorashadu ka dhacayso? Mase lagu arki doonaa tabeelayaal ay ku astaysan yihiin "Somali-Americans for Obama"?



Barack Obama ayaa waxaa uu sanadkii 2006 ayaa booqashu ku tegey Wadanka Kenya isagoo tagay Gobolka Waqooyi Bari gaar ahaana magalada Wajir halkaasi oo uu dadka reer Guuraaga u tagay isagoo u balan qaaday in uu ceelal iyo daawooyin lagu daaweeyo xoolaha uu siin doono gobolkaasi waa gobolka ay dagaan Soomaalida Dalka Kenya degan.

Sidoo kale Magaalada Nairobi,gaar ahaana Obosiibadda (Slums)Kabira oo ay dagan yihiin in ka babadan (1 million) oo qof oo kenyan ah ayaa uu kula hala hadlay goobtaasi.



Barack Obama ayaa waxaaa uu tagay deegaanka Nyongoma Kogelo halkaasi oo uu kula kulmay Aayayadiis dhashay Abihiis,Sarah Hussein Obama oo 87 sano jir ah,iyadoo deegaankasi ay si wayn ugu soo dhaweeyeen beesha uu ka soo jeedo asal ahaan ee Kenyanka ah waxaana uu markii danbe dagay Qabriga uu ku aasan yahay Aabihiis Xuseen Obama, isagoo sheegtay in wakhti kasta oo ay ku qaadato dhalaanka ay mar tagaan asalkooda meesha ay ka soo jeedaan. Akhri: Waa Kuma Maxaase ka taqaanaa, Barack Obama?.

:::Codkeena waxaa iskaleh Barack Hussein Obama, YES, WE CAN!...

:::Goortii iigu Horeysay Sen. Barack Obama

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com