Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya, Sheekh Shariif
Sheekh Axmed oo Asmara ku qaabilay wafdi ka socoda Hay’adda Takhaatiirta
aan xuduudda lahayn (MSF)
Gud. Isbahaysiga Dib-U Xoraynta Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga
fulinta Mudane, Sh. Shariif Sh. Axmed aya ku qaabilay Xafiiskiisa
magaalada Asmara ee xarunta u ah Isbahaysiga, laba wafdi uu
hogaaminayey Madaxa hay’dda MSF France Dr. Jean-Herva Bradol uuna ka
mid ahaa Mr.Bruno Jochum, oo isna ah madaxa howlgalada MSF.
Kulankaas oo saacado qaatay ayaa labada dhinac ka wada hadleen
adeegyada bini - aadamnimo ee dalka looga baahan yahay iyo sidii loo
horumarin lahaa. Hadal gaaban oo Sh. Shariif Gud. Isbahaysiga halkaasi
ka jeediyey waxa uu uga mahadceliyey xubnaha wafdiga booqashada ay ugu
yimaadeen isagoo ku ammaanay hay’adooda hawlaha ay ka hayaan meelo ka
mid ah Soomaaliya, waxa uuna ku booryey inay wax qabadooda sii
labablaabaan.
‘‘Waan ka xunnahay falkii dilka ahaa ee lala beegsaday qaar ka mid ah
shaqaalaha hay’addiina ka hawlgali jiray G.J.Hoose, xalligeediina waxa
aan ka soo saarnay bayaan arrintaasi khuseeya’’ ayuu yiri Sh.Shariif.
Sh. Shariif ayaa intaa ku daray ‘‘ Isbahaysigu waxa uu soo
dhaweynayaa gacanna siinayaa ciddii shacabka Soomaaliyeed waxtareysa oo
ay ugu horeeyaan hay;adaha samafalka kuwooda wadaniga ah iyo kuwa
dibadeedba, waxa uuna la dagaalamayaa gumeysiga dalka qabsaday iyo
dabadhilifyadooda’’.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay madaxa Hay’adda MSF ee saldhigiisu
yahay France Dr. Jean-Herva Bradol , oo ugu horeyntii ka mahadceliyey
qaabilaadda iyo sida loo dhaweeyey waxa uuna ka warbixiyey waxqabadka
ha’addiisa iyo qorshaheeda mustaqbalka waxa uuna tilmaamay argtidiisa ku
aadan Isbahaysiga iyo waxa uu ka filaayo , waxaa kale oo uu ku
dheeraaday sidii wanaagsanayd ee maamulkii maxaakimta Islaamiga ah u
soo wada shaqeeyeen iyo gacantii ay ka heleen xilligii ay maamulka
hayeen. Maanta waxa ay hay’adeydu u baahan tahay in gacan siiyo
gudashada hawlaheeda samafaleed ayuu ku daray hadalkiisa.
Dr. Jean-Herva Bradol, iyo madaxa howlgalada MSF Mr.Bruno, ayaa
dareen iskumid ah ka muujiyay falkii Kismaayo ka dhacay ee Hay’adha
Samafalka lagu kacay iyaga oo sheegay in aysan garanayn ilaa iyo hadda
sababta loo beegsaday shaqaalahooda.
Kulankaas ayaan ahayn kii ugu horeeyay ee Madaxda Isbahaysigu la
kulmaan wufuud ka socota hay’adaha samafalka, balse ay jireen kulamo kan
ka horeeyay oo dhamaan ku saabsanaa xaalada cakiran ee hadda Dalka
Soomaaliya ka jirta.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Asmara, 25/02/2008