SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


GABADH SOOMAALIYEED OO KUNOOL WADANKA NEWZLAND OO AFDUUBTAY DIYAARAD.....

New Zealand: Gabadhan ayaa ka soo raacday diyaarada magaalada Blenheim ayada oo kusocotay magaalada Christchurch. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gabadhan oo magaceeda la yiraahdo Asha Ali Abdille, oo 33-jir ah, oo ah Soomaali, in ay biloowday in ay afduubto diyaarada kabacdi 10 daqiiqo markii ay diyaarada hawada kujirtay. Gabdhan ayaa ugeeystay dhaawac labo kamid ah duuliyaashii diyaarada iyo qof kale oo rakaab ah, ayada oo labada duuliye uu mid dhaawiciisu halis yahay.

Booliiska magaalada Christchurch ayaa tilmaamay in gabadhan ay ka dalbatay duuliyaha in uu diyaarada kudajiyo wadanka Australia oo ay daris yihiin wadanka Newzland ayada oo isla markiiba gabadhu ay biloowday in ay mindi ay wadatay gaadh siiso mid ka mid ah duuliyaashii. Magaalada ay kasoo duushay gabadhan ayaa ah magaalo yar oo garoonka kuyaalo uu yahay garoon aan wayneen oo baadhitaan saas ah aan lamarsiinin dadka kaduulayo ama gasoo dagayo diyaaradaha ku soo caga dhigto garoonka magaalada Blenheim.


Booliska oo diyaaradda ka soo dejiyey Asha Ali Abdille
Sawirka:
http://www.stuff.co.nz/

Arintan ayaa fajac iyo ama kaag kunoqotay dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee kunool wadanka
Newzland. Wararka qaar ayaa wax ay sheegayaan in gabadhan ay xanuunsanayd oo ay maskaxda wax kaqabtay. Sidoo kale waxa ay sheegayaan dad aqoon uleh gabadha in ayna Soomaalida ku dhaxnoolaan jirin ee ay lasocon jirtay dadka (Kiwis) oo ah dadka asal ahaan ka soo jeeda Newzland.


Sawirka diyaarada: http://www.stuff.co.nz/

Xubnaha jaaliayada soomaaliyeed ee kunool Newzland ayaa markii aan kala xadhiidhnay arintan ayaa waxa ay noo sheegeen " In gabadhan ay soo gashay wadanka Newzland 1994 wax ehelkeeda ahna ayada kaliye kajoogto wadankan Newzland. Booliiska ayaa tilmaamay danbiga ay gabdhu gahsay in sharciga Newzland uu dhigayo in qofka danbigaas oo kale geeysto uu mudanayo xabsi daaim ah.

Arintan ayaa ah mid ay warbaahinta Newzland iyo wadanka Australia ay hadal hayeen 24 saacdii udan beeysay. Dad badan ayaa qaaday xanuun xaga maskaxda ah kabacdi markii ay lasoo daristay xaalado ay waxka qaban waayeen, taa soo keentay qaar kood in ay is dilaan, qaarna ay kudanbeeyeen in ay waashaan. Gabadhan ayaa laga yaabaa in maskaxda dhibkii kagaadhay in uu ku abuuray ee waa qof waali in ay geeysato falka noocaas oo kale.

Mudooyinkan danbe ayaa tiro badan oo kamid jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool wadanka Newzland ay bilaabeen in ay u soo guuraan wadanka ay dariska yihiin ee Australia.

Wararka (Newzland Press).

Mohamed Wali (xiish)
Australia.
xiish3@hotmail.com

http://www.stuff.co.nz/thepress/4393118a6009.html

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com