Mowqifka Isbahaysiga ee ku Aadan Siyaasadda Suubaan
Salaaxa ee Kooxda Mbagathi
Xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa ah mid
weli aad u murugsan, taasoo billaabatay ka dib markii ay ciidamada
cadowga Itoobiya duulaan qaawan ku qaadeen dalkeena, khilaafsan
shuruucda caalamiga iyo qaraarada Golaha Amaanka ee Qaramada
Midoobay ee 1725 iyo 1744, kuwaasoo si cad u qeexayey in aanay
ciidamada waddamada safka hore ka mid noqon karin ciidamada
Afrikaanka ah ee nabad ilaalineyd ee ay qorsheyneysay Midowga
Afrika.
Joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa waxay abuurtay xaalad
colaadeed oo keentay burbur baaxad weyn iyo barakicin ballaaran oo
ay ku barakaceen dad ka badan 1.5 malyan. Ciidamada Itoobiya oo ku
fashilmay in ay dadka Soomaaliyeed xoog ku muquuniyaan oo ay
xoriyadooda, qarannimadooda, jiritaankooda iyo karaamadooda
baabi’iyaan kuna khasbaan dowlad aanay dadka Soomaaliyeed soo
dooran, kalsooni iyo sharciyadna aan ka heysan, ayaa waxay hadda
maleegayaan sidii ummadda Soomaaliyed ay u kala qoqobi lahayd
ama ay ugu qeybin lahayd maamul goboleydyo ku saleysan qabiil oo
iyada ka ammar qaata.
Haddaba, Isbahaysiga Dib-u-Xoreynta Soomaaliyeed isagoo ka
foojigan dibin daabyada cadowga iyo kalkaaliyaashiisa, fahmayna
shirqoolka cadowga iyo kuwa uu ku dhuunto, ayaa wuxuu qaadatay
istaraatijiyad siyaasadeed oo cusub oo lagaga hortago khiyaanooyinka
iyo beenta ay doonayaan in ay shacabka kaga indha saabaan dibin
daabyooyinka ay maleegayaan oo ay doonayaan in ay ku mijo
xaabiyaan halganka xaqa ah ee shacabka dalka kaga xoreynayo
cadowga sida naxariis darrada ah u xasuuqaya shacabkeena.
Isbahaysiga wuxuu rumeysanyahay in nidaamka lagu soo dhisay
Imbagathi aanu sharciyad ku dhisneyn, aqoonsi iyo kalsoonina ka
haysan shacabka Soomaaliyeed, maadaama aanay dadka soo dooran.
Balse ay tahay mid dusha lagaga keenay oo ay ku bahoobeen dagaal
oogayaashii ummadda 17 sano ee la soo dhaafay afduubka ku
haystay.
Sida la wada ogsoonyahay, kooxda Imbagathi aqoonsi kama helin
caalamka 20 bilood ee ugu horeyey, waayo caalamka wuxuu ku
qanacsanaa in aanay ahayn wax la taageeri karo. Balse aqoonsiga
degdegga ah ee lagu la soo booday ka dib markii ay Maxaakiimta
Islaamiga ahaa shacabka ka xoreeyeen bishii Juun 2006 dagaal
oogayaashii u diiday nabadda iyo dowladnimo. Sababaha aqoonsiga
loo siiyey waxay ahaayeen in:
1- Kooxda Imbagathi la aqoonsado si lagu burburiyo Maxaakiimta
Islaamiga oo ku guuleystay in ay kasbadaan kalsoonida
shacabka ka dib markii ay ka xoreeyeen dagaal oogayaashii
joojiyeenna dhiigii shacabka ee muddada dheer daadanayey.
2- In aqoonsigaasi loo adeegsado in ay ciidamada cadowga Itoobiya
guluf colaadeed ku qaadaan Maxaakiimta Islaamka oo cadowga
u arkayey in ay dhisi karaan dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh
oo awoodda Geeska Afrika dheeli tiri karta.
3- In dadka Soomaaliyeed laga hor istaago fursad ay ku dhistaan
dowlad ay iyagu leeyihiin oo rabitaankooda ka tarjumeysa.
4- In aan haymanadda Geeska Afrika aan lagula tartamin Itoobiya
oo iyadu isu aragta in ay tahay saaxiibka waddamada reer
Galbeedka.
Isbahaysigu wuxuu rumeysanyahay:
i- In dalka Soomaaliya uu ku jiro gacan gumeysi loona
baahanyahay in ummadda Soomaaliyeed ay u midowdo sidii
dalka looga xoreyn lahaa cadowga ku soo duulay iyo daba
dhilifyadooda.
ii- In laga wada shaqeeyo sidii ciidamada shisheeye looga saari
lahaa dalka, ka dibna dib u heshiisiin dhab ah loo gaari lahaa.
iii- In ummadda Soomaaliyeed aayaheeda ka tashato iyadoo
qaadaneysa jidka nabadda ka dib marka dalka laga xoreeyo
cadowga ku soo duulay.
iv- Waxaa Isbahaysiga ka go’an in uu ummadda u horseedo
xoreynta iyo soo nooleynta qarankii Soomaaliyeed ee burburay.
Kooxda Imbagathi ayaa beryahan dambe la soo baxday siyaasad
cusub oo SUUBAAN SALAAX AH oo loogu golleeyahay in lagu
jahawareeriyo ummadda Soomaaliyeed. Kooxdu waxay billowday
dacaayado la doonayo in shacabka lagu kasbado xilli uu weli
soconayaan gumaadkii, barkicintii iyo dhacii iyo kusigii loo geysanayey
shacabka Soomaaliyeed. Haddaba, haddii waxa ay sheegayaan ay
dhab ka tahay kooxdu, waxaan hordhigeynaa saddexdan qodob in ay
ummadda horteeda ka caddeeyaan:
1. In ay caddeeyaan goorta ay ciidamada cadowga Itoobiya ka
baxayaan gebi ahaan dalka Soomaaliya.
2. In ay caddeyaan mowqifkooda ku aadan xasuuqii ka dhacay
Soomaaliya, iyagoo weliba cambaareynaya.
3. In ay ogolaadaan in la magacaabo guudi caalami ah oo madax
banaan oo soo baara xasuuqii ka dhacay dalka.
Haddii ay kooxdu dhab ka tahay waxyaabaha ay idaacadaha ka
sheegaan, waa in marka hore caddeeyaan mowqifkooda ku aadan
arrimaha kor ku xusan.
Waxay dadka Soomaaliyeed ku baraarugeen nidaamka Addis Ababa ka
dhisan oo soo cusbooneysiiyey qorshihii Menilik iyo Hayle Selaase ee
ahaa in ay ummadaha ku dhaqan Geeska Afrika oo ay ku jirto
Soomaalida gumeystaan xuquuqdoodana duudsiyaan, sida ay hadda
ka horba u boobeen gobollo ka mid ah geyiga Soomaaliyed. Duulaanka
Itoobiya ayaa salka ku hayo qorshahaasi faca weyn ee ay Itoobiya
weligeedba daba joogtay.
Haddaba, Isbahaysiga wuxuu ummadda uga digayaa in aanay ku
dhicin dabinnada cadowga kana foojignaadaan siyaasadahiisa lagu
doonayo in ummadda lagu kala qeybiyo ka dibna la qabso. Waxaan
dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay midoobaan
oo khilaafaadkooda meel iska dhigaan oo ay si wada jir ah u
difaacdaan ciidooda. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa waxay
doonaysaa in ay xeebaha Soomaaliya boobto oo gebi ahaanba qaato.
Qorshan oo ay la ogyihiin waddamo badan oo weliba kaalmo dhaqaale
iyo mid siyaasadeed ku siiya sidii ay u xaqiijin lahaayeen ayaa u
baahan in si wada jir ah looga hortago. Qorshahan waxaan lagu
fulinayaa Kooxda Imbagathi oo iyadu noqotay nidaam ay Addis Ababa
ku adeegato una abuurtay in ay Soomaaliya ku qabsato. Haddaba,
waa in la iska jiraan khiyaanooyinka Itoobiya loona midoobo sidii loo
fashilin lahaa qorshaheeda.
Waxaa kale oo ay Itoobiyaanka ka faa’ideysanayaan mashruuca
waalan ee Mareykan ee loogu magac daray “La dagaalanka
Argagixisada” iyagoo ku qaata malaayiin doolar. Haddii Soomaaliya
dowlad noqoto, waxay ku waayi doontaa lacagaha ay ku qaataan
mashruucaasi. Waayo, dowladda Soomaaliyed ayaa mas’uul ka noqon
doonta xuduudkeeda lagalana xisaabtami doonaa wixii ku saabsan
amniga gobolka Geeska Afrika.
Isbahaysiga wuxuu oggolyahay ay beesha caalamka kala shaqeyso
sidii Soomaaliya looga saari lahaa ciidamada shisheeye ee ku soo
duulay xal waarana loogu heli lahaa colaadda daba dheeraatay. Waxaa
kaloo uu soo dhoweynayaa mubaadara kasta oo nabad lagu soo
dabaalayo sidii Soomaaliya dowlad midnimo qaran loogu dhisi lahaa.
Hase ahaatee, Isbahaysiga wuxuu uga digayaa beesha caalamka in ay
ciidamada Itoobiya ku bedesho ciidamo kale oo dagaalama oo aan
lagala tashan shacabka Soomaaliyeed.
Isbahaysigu wuxuu beesha caalamka u digayaa in aysan beeshu ku
khasbin shacabka dowlad aanay soo dooran oo aan sharciyad iyo
kalsooni toona ka haysan. Shacabka Soomaaliyed waxay
rumeysanyihiin in Kooxda Imbagathi ay gashay dambiyo dagaal oo
aanay noqon karin dowlad matali karta rabitaankooda. Taasina ay
tahay mid khilaafsan caddaaladda, xoriyadda qofka, madax bannanida
ummadda iyo nidaamka dimoqraadiga iyo bani’aadannimada in dadka
nidaam aanay rabin lagu qasbo.
Beesha caalamka waxaa la xusuusinayaa in ay gudato waajibaadkeeda
ku aadan oo ay fuliso arrimaha soo socda:
1- In maxkamad la soo taago dhammaan dadkii galay dambiyada
dagaalka ee ka tirsan maamulka Addis Ababa, ciidamada
Itoobiya iyo kooxda Imbagathi.
2- In ay cambaareyso falalkii dambiyada dagaal ee ay galeen
ciidamada Itoobiya iyo Yugaandha iyo milishiyaadka kooxda
Imbagathi.
3- In ay la gaaraan gargaar degdeg ah dadka ay barakiciyeen
madaafiicda Itoobiyaaanka, mag dhawna la siinayo si ay u
dhistaan guryahooda iyo noqoshooda.
4- In dadka barakacay loo oggolaado in ay guryahooda ku
noqdaan.
5- In ay isbahaysiga kala shaqeeyaan sidii loo saari lahaa
ciidamada shisheeye ee ku soo duulay Soomaaliya.
6- In ay oggolaadaan in ummadda Soomaaliyeed ay xaq u leedahay
in ay dhistaan dowlad ay iyagu rabaan.
Qormadan oo ah PDF... Eeg
halkan...