SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Feb 6, 2008:

  • Laba Qarax oo Ka Dhacay Boosaaso:
  • Gen. Cadde Muuse oo u Dhoofay Addis Ababa
  • Guddomiyihii Maxkamada Beledweyne oo la Diley
  • GANACSIYO SOOMAALI LEEDAHAY OO LAGU BOOBEY K/AFRIKA.
  • Qarax Lala Beegsaday Hoyga Gudoomiyihii Degmada Baydhabo Ee Xilka Laga Qaaday.
  • Hayada cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD oo siminaar ku qabatey Baardheere

Warar GoosGoos ah:

Laba Qarax oo Ka Dhacay Boosaaso: Laba qarax oo ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso feb 5 (habeeninadii Talaadad ee Arbaca soo geleysey), kuwaas oo geystey khasaare weyn, waxaana ku dhintay ugu yaraan 14 qof, waxaana ku dhaawacmay dad kor u dhaafay 90 qof. Qaraxan ayaa ka dhacay xaafad u dhow dekeda Boosaaso.

Gen. Cadde Muuse oo u Dhoofay Addis Ababa: Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa Talaadadii (Feb 5) waxa uu u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Markii uu dhoofayey waxa uu sheegay in uu Itoobiya kula soo kulmi doono madaxweynaah DFKMG, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf, oo halkaas ku sugan. Gen. Cadde Muuse waxaa safarka ku weheliya wasiirka amniga DGPL, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Saciid Samatar.

Guddomiyihii Maxkamada Beledweyne oo la Diley: Ibraahim Goonle Maxamed oo ahaa guddoomiyaha Maxkamadda degmada Beledweyne ayaa Feb 5 (habeenimadii Talaadada oo Arbaco soo geleysey) lagu diley magaalada Bedeledweyne.

Dagaal ka dhacay Jidka Wershedaha ee Muqdisho: Galabnimadii Talaadada (Feb 5) waxaa dagaal xooggan ka dhacay jidka Wershedaha ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah. Lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi geystey.


GANACSIYO SOOMAALI LEEDAHAY OO LAGU BOOBEY K/AFRIKA.

UGU YARAAN 9 OO EEY DAD SOOMAALI LEEYIHIIN AYAA LAGU BOOBEY MAGAALADA KROOGSTAD EE K/AFRIKA,HALKA LAGU BARAKICIYEY ILLAA 15 SOOMAALI AH, MARKII EEY DAD CARAYSAN CAGTA MARIYEEN.

Dhacdadani oo dhacday maalinimadii axada oo eey taariikhdu ku beegnayd (03/02/08). ayaa waxa eey ka dhacday tuulo ku taala magaalo lagu magacaabo Kroogstad oo qiyaastii 200km u jirta Bloemfontain oo ah caasimada gobolka Freestate ee dalka K/afrika, sida uu ii xaqiijiyey C/rixiin Axmed Xusein oo ka mid ah dadkii dukaamadaa laga boobey, arrintani ayaa sabab u aheyd markii dhalinyaro rabshoolayaal oo dadka deegaanka eey rabshad ka sameeyen tukaan wiilal soomaali eey lahaayeen, kadibna uu dagaal gacan kaa hadal ah dhexmaray wiilaashii soomaalida iyo dhalinyaradii rabshada waday, dagaalkaasi oo kalifey in xaafadaa dhexdeeda la'isku tuuryeeyo, taasina eey ka dhalatay in ilmo yar oo aaga ka dhawaa eey haleesho dhallo la'isku halgaadayay oo uu ku daqramay. daqarkaasi oo kaa caraysiiyey dadkii tuulada oo markii dambe iyagoo kumanaan ah markaliyaa cagtaa mariyey wixii ganacsi ahaa oo eey lahaayeen dadka ajaaaniibta ee tuulada deganaa oo xittaa eey kaa mid ahaayeen dadyow u kala dhasahay Ethiopia iyo Bangaladesh.

C/rixiin ayaa intaaasi ku daray in wiilashii soomaalidaa oo tiro ahaaan 15 gaaraya eey ku hoydaaan guriiisa oo magaaalada ku yaala oo uu xaas iyo caruur ku leeyahay, iminkana eey wadahadalo kula jiraan dadkii deegaanka iyo ciidamada nabad sugida, wuxuu intaasi ku daray in tukaamada soomaalidaa laga boobey 2 kamid ah dab la qabadsiiyey, dhamaaan wixii hanti yiileyna laga boobey iyo qaar la burburiyey.

Waa dhacdadii labbaad oo ceykeeda oo kale ah oo oo sanadkani gudiihaa dhacda waliba bilo gudahood ee soomaalida ku qaaska ah, bishii hore bartamaheeda ayay aheyd markii illaaa 40 ganacsi oo eey soomaalida leedahay lagu boobey magaalada Jeffrey's bay, iyadoo maalmo uun ka hor lagu guuleystey in qaar yar oo ka mid ah tukaamadaasi dib soomaalidii laagu celiyey, halka intii kalane eey ku hanti waayeen. tani waxay calaamad u tahay shisheeye naceeybka kusoo kordhaya dadka dalkani, gaar ahaan bulshooyinka tuulooyinka degan, sidoo kale falalka noocan ah ayaa waxaa gacan ka geysanaya heerka dambiyada dalkani oo ah kuwo aduunka u sareeya oo wali sanooyinkaan dambe eey kusoo korodhay arrinta ku saaabsan in dadka eey sharciga gacantooda ku qaataan (mob justice), kadib markii sidaa la sheegey eey dadkaa police-ka oga caaalwaayeen in dambiilayaasha eey wax ka qabtaan, arrintani oo maararka qaarkood jaho qaldan u weecata sida haddaba dhacday (waa sida laga yaabo in madaxdaa dowlada eey ku andacoodaane). ma jirto illaa hadda cid loo qabtey falkani, dhibanayaashana maba filayaan in wax laga qabto, oo waxa eey asxaanba ku qabaan haddii lafooha eey u badbaadeen.

C/nasir Axmed saxansoxo. Email:saxansoxo1@hotmail.com, Tell:+27767059384. Johansburg South Africa.


Qarax Lala Beegsaday Hoyga Gudoomiyihii Degmada Baydhabo Ee Xilka Laga Qaaday.

Gudoomiyaha weli ku adkaysanyey inuu yahay gudoomiyaha degmada baydhabo axmed maadeey Isaaq ayaa xalay Fiid Horaadkii Hoygiisa uu ka degan yahay magaalada baydhabo lagu weeraray bam gacmeed xili uu ku sugnaa gudaha gurigiisa.

Sida uu saxaafada u xaqiijiyey Axmed maadeey Isaaq isagoo tibaaxay inuu qaraxiisa ka dambeeyeen Xubno Ka tirsan maamulka cusub ee degmada iyo kan gobolka Baay, isagoo intaasi raaciyey inuu khasaare dhaawac ah kasoo gaaray sadex ka tirsan Ilaaladiisa islamrkaana uu farta ku Fiiqay inay masuul ka yihiin waa siduu hadalka u dhigaye xubnahan cusub ee gobolka Baay.

Axmed Maadeey isaaaq ayaa xilka laga qaaday Horaantii Bishan aynu soo dhaafnay ee januery isaga iyo gudoomiyii gobol;ka baay xaaji maxamuud Barbaar .

Waa markii ugu Horaysay oo weerar noocan ah lagu eedeeyo maamulka cusub ee ka arimiya gobolka Baay taasoo durba abuurtay Khilaaf siyasadeed oo kala dhex galay maamulkii hore iyo kan cusub

Daba Geed Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Hay,adaha Ajnabiga Iyo Ururada Bulshada Rayidka Ah.

Kulan ay ku yeesheen xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada beledweyne Gudoomiyaha gobolka Hiiraan yuusuf axmed hagar dabageed iyo xubno isugu jira masuuliyiinta hay,adaha ajnabiga ah iyo ururada bulshada rayidka ah ee gobolkaas ayaa lagu falan qeeyey sidii ay dhinacyadani isaga kaashan lahaayeen Dhinaca amniga degmada beledweyne oo dhowaanahan noqotay meel aan xasiloonayn.

Kulanka dabadeed ayaa waxaa saxafada la hadlay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan yuusuf axmed hagar (dabageed ) oo sheegay inay jiraan kooxo nabad diid ah islamrkana aan rabin xasiloonida gobolka waa siduu hadalka u dhigaye iyagoo carqaladaynaya guud ahaan amniga gobolka hiiraan.

Dhinaca kale gudoomiyaha ururada bulshada raydika ah mr-Timo Jilic ayaa dhiniciisa Qiray inay gacan ka geysan doonaan xaalada amni ee gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada xarunta ah ee beldeweyne ,Timo Jilic oo saxaafada la hadlayey ayaa intaasi ku daray inay Doorkooda Bulsho Rayid ahaan Kaalin Mug leh ka qaadan doonaan xasilinta amaanka Gobolka .

Sidoo kale Daba geed ayaa usoo jeediyey masuuliyiinta hay,adaha ajnabiga ah inay Bixiyaan Tansilaad lagaga Hortegeyo sida uu sheegay Burcada Hubaysan ee caadaystay inay khal khal Geliyaan Amniga Gobolka

Isku Soo wada duuboo kulankan ayaa ku dhamaaday Jawi is afgarad islamrkaana ay dhinacyadii shirsanaa ay isku afgarteen inay meel uga soo wada jeestaan xasilinta Amaanka gobolka Hiiraan.

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com


Hayada cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD oo siminaar ku qabatey Baardheere

Heyada cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD oo maalmahan wadey siminaaro iyo Kulamo la xiriira Nabadda kaasoo ka kala dhacayey dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa barnaamij ku saabsan nabadda iyo xalinta khilaafyada ku qabatey degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo waxaana ka soo qayb galey Haweenka waxaana qaybgalayaasha ay halkaa isku dhaafsadeen doodo la xiriira nabada iyo dib u dhiska dalka iyo Xalinta khilaafaadka ma aha markii ugu horeesey oo hayada CRD ay goboladda ku qabato siminaaro la xiriira wacyi gelinta nabadda

waxaa halkaa ka hadley madaxa CRD ee gobolada Gedo iyo Jubbooyinka Faarax Cabdi Xasan oo sheegay in siminaarada noocan oo kale ay hayada ugu talagashey sidii kor loogu qaadi lahaa Wacyiga haweenka ee nabada iyo xalinta Khilaafaadyada

sidoo kale hayada waxay barnaamijyo la xiriira dib u dhiska ka wadaa dalka dibadiisa kaasoo hayadda uga dan leedahay sidii soomaalidda qurba jooga uga qayb qaadan la haayeen dib u dhiska dalkooda.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


CRD oo markii ugu horeysay la hadashay aqoonyahada Soomaaliyeed ee dalka Malaysia.

Siminaar ay soo qaban qaabiyeen heyada cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD iyo ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia ayaa lagu qabtay International Islamic University Malaysia ee magaalada Kuwalampur.

Siminaarkan oo socday muddo lix saacadood ah ayaa bilaabmay afartii galabnimo ee xilliga kuwalampur isagoo soo gabagaboobay 10:00 kii fiidnimo, waxaana siminaarkaas loogaga hadlay kaalinta ardayga kaga aadan rajo soo celinta iyo horumarka dalka Soomaaliya iyadoo ay halkaasi ka jeediyeen warbixino ku aadan xaaladda uu dalka soo maray iyo midda uu ku jiro hadda directorka heyadda CRD Mr. Jabriil Ibraahim Cabdule iyo Chairmanka Prof. Dr. Maxamed Ibraahim Aadan.

Mr. Jabriil Ibraahim Cabdule oo warbixin dheer ardayda ka siiyay xaaladda dalka uu maraayo ayaa ardayda aad ugu faahfaahiyay xaqiiqda ka jirta maanta dalka iyo sida wax looga qaban karo, wuxuuna Mr. Jabriil Ibraahim Cabdule u soo bandhigay ardayda cilmi baaris ay heyadda CRD ku sameysay dalka oo isugu jirta muuqaal iyo qoraal taas oo ku dhiirogelisay ka soo qeybgalayaashii siminaarkaa inay wax badxan ka kororsadaan xaalka uu maanta maraayo iyo sida wax looga qaban karo dalka Soomaaliya.

Prof. Dr. Maxmed Ibraahim Aadan oo isna ka hadlay furitaankii siminaarkaa ayaa ku dheeraday qaabka ugu haboon ee dalka wax loogu qaban karo.

Ugu dambeyntii siminaarkaasi waxay ardaydii ka soo qeybgashay oo isugu jiray Undergraduates, Masters iyo PHD doctors ku weydiiyeen su'aalo ay wax kaga ogaanayaan hadafka iyo wax qabadka heyadda CRD iyadoo mas'uuliyiinta heyadda ay aad u faahfaahiyeen jawaabaha su'aalahaasi.

Siminaarkaasi waxaa xiritaankiisa ka hadlay guddoomiyaha ururka ardyada Somaaliyeed ee dalka Malaysia Mr, C/raxmaan Axmed Muudey oo uga mahadceliyay CRD sida qiimaha leh ay cilmi baaristooda ugu soo bandhigeen arday.

amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Mowqifka Isbahaysiga ee ku Aadan Siyaasadda Suubaan Salaaxa ee Kooxda Mbagathi

Xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa ah mid weli aad u murugsan, taasoo billaabatay ka dib markii ay ciidamada cadowga Itoobiya duulaan qaawan ku qaadeen dalkeena, khilaafsan shuruucda caalamiga iyo qaraarada Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee 1725 iyo 1744, kuwaasoo si cad u qeexayey in aanay ciidamada waddamada safka hore ka mid noqon karin ciidamada Afrikaanka ah ee nabad ilaalineyd ee ay qorsheyneysay Midowga Afrika. [Warkan oo dhan halkan ka akhri.....]


Caawi Walaallkaaga Soomaaliyeed ee dhibaateysan

Sida ka muuqata sawirkaan waa Xuseen Keerow Mursal oo 23 jir ah aragiisuna in muda ah aad uu ugu liito, waxaa uuna la soo xiriirey Somalitalk Baydhabo , waxaa uuna sheegey Xenseen Keeroow in aragiiso uu isa soo bedelayey in mudo ah, kadib markii uu ogaadeyna waxaa uu u tagey Dr Cali Baashi oo ah dhaktar indhaha oo markaa ka howlgalayey Magaalada Muqdhisho, markii uu u sheegey dhibaatada heysata ayaa dhakatarkii baaris ku sameeyey “Dr cali baashi wuxuu sheegey in indhihiisa gudaha dalka Soomaaliya aan waxba looga qaban Karin islamarkaana uu ka jiran yahay neerfaha, qoraalkii dhakhtarka uu soo siiyey iyo alaab kale uu oo ku watey shandadiisana looga dhacey inta u dhaxeysa Buur Hakaba iyo Leego”.

Xuseen Keerow waxaa uu ka dhashey qoys dhaqaalihiisu uu liito islamarkaan uusan awoodin in dalka dibadiisa lagu soo daweeyo, isaguna uu yahay wiill dhalinyaro ah oo da,a yar, sidaas darteed waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool dhamaan daafaha dunida ka codsadey in arimihiisa caafimaad wax laga qabto, iyagoo ay ku eegayaan il naxariis oo ay ku dheehantahay Islaanimo iyo Soomaalinimo.

Cidii ilaahey dartiis wax ugu qabaneysa ha kala soo xiriirto telefoon number +25215572219 Baydhabo- somalia


Barnaamijkii Radio Xoriyo
05 February 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga.
Qorraxey: Ciidammada gumaysiga oo xoolo badan xareeyay
Dil iyo xidhay dadwaynaha loo gaystay
Shir wayn oo lagu qabtay gobolka California
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee jwxo N/hure Caddaani oo waraysi dheer siiyey wargayska Al-Sharq ee wadanka Qatar.
Barnaamij (Xusuus qorka bisha Febraayo ).
======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo aad loogu jabiyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladan, oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxay u dheceen sidatan;

03/02/08 waxaa weerar lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysigu oo marayay Kabtii-naag, waxaana ciidammada gumaysiga laga dilay inta la ogyahay 1 askari, 2 kalana waa laga dhaawacay.

02/02/08 Codonley, oo degmada Dhanaan ka tirsan, waxaa ka dhacay dagaal aad u qallafsan. Wararka aan dagaalkaas ka helayno ayaa tilmaamaya in ciidammada gumaysig khasaare ba’an lagu gaadhsiiyay, waxaanan faahfaahintiisa idiinku soo gudbin doonaan barnaamijyada denbe.

Sidoo kale 02/02/08 waxaa weerar si fiican loo qorsheeyay oo mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Karin-bilcille, waxaana loo gaystay khasaare aad u ballaadhan oo aan faahfaahintiisa wali la helin. Aroornimadii waxay ciidammada gumaysigu diyaarado ku rusheeyeen meelo deegaankaas ka mid ah. Khasaaraha ay rushayntaasi gaysatay wali iyadahana faahfaahin kama hayno.

01/02/08 ciidammada gumaysiga ayaa baabuur Uuraal ah lagaga gubay meel u dhaxaysa Yucub iyo La-helow, waxaa halkaas ku dhintay wixii askar ahaa ee baabuurkaas saarnaa.

30/01/08 waxaa ciidammada gumaysiga baabuur Uuraal ah lagaga gubay meel u dhaxaysa Balli-dhuurre iyo Ceel-xaar, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkaas iyo wixii saarnaa.

29/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga e fadhiya magaalada La-helow, waxayna weerarkaas kaga dileen inta la ogyahay 7 askari, 13 kalana way kaga dhaawaceen.

28/01/08 dagaal ka dhacy Booda-dheere, oo La-helow u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

24/01/08 dagaal ka dhacay Barraajisaale, oo Caado u dhaw, waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 11 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

17/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Dig, waxayna ka dileen inta la ogyahay 3 askari.

18/01/08 waxaa seddex mar oo kala duwan weerarro lagu qaaday ciidmmo gumaysigu leeyahay oo Hawlgal u tegay meesha lagu magacaa Baarta, waxaana isu gayn laga dilay 7 askari, 2 kalana waa laga dhaawacay.

09 iyo 18/01/08 waxaa weerarro mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Gunagado, waxaana weerarradaas lagaga dilay 8 askari inta la ogyahay, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 1 askari.

Qorraxey: Ciidammada gumaysiga oo xoolo badan xareeyay

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waji hor-leh u furay cadaadiska iyo macaluulinta ay xilligan ku hayaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

Ciidammada gumaysigu waxay toddobaadkii tegay xoolo aad u badan ku xareeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Qorraxey, iyagoo dadkii xoolahaas lahaa ku qasbay inay xoolohooda lacag ka dhiibaan, haddii kale lagala wareegayo.

Ciidammada gumaysiga ayaa sheegay inay Geela neefkii walba 20 Bir ku sii daynayaan. Adhigana 5 Bir neef walba ku sii daynayaan. Dadwayanahan, oo markii horaba dhibaato qallafsan ka haysatay xayiraada iyo cunqabataynta gumaysigu ku hayo, ayaa haddana dhibaato dhaqaale oo wayn ka soo gaadhay fal-denbiyeedkan ay kula kaceen ciidammada qawlaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya, oo markii ay dhaqaale u baahdaanba dadwaynaha rayadka ah dib ugu foofa.

Dhinaca kale meesha lagu magacaabo Wabi-yar, oo Maraacaato u dhaw, waxay ciidammada gumaysigu ku gubeen 11 Aqal oo dadwaynuhu lahaa. Ciidammada gumaysigu waxay Aqalladan ku gubeen Wiil yar.

Dil iyo xidhay dadwaynaha loo gaystay

Ciidammada gumaysiga ayaa dil iyo xidhay iyo dhibaatooyin kale u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

01/02/08 Ceel-ogaadeen waxay ciidammada gumaysigu ku dileen seddex nin oo rayad ah oo kala ah;
1- Maxamed Cali Baqe
2- Carab C/llaahi iyo
3- Nin kale oo magaciisa aanaan helin.

02/02/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Qabridaharre ku xidheen gabdhaha kala ah;
1- Farax Cabdi Cumar iyo
2- Gabadh kale oo magaceeda aanaan haynin.

Isla 02/02/08 waxay ciidammada gumaysigu Garasley ka soo qaqabteen oo ku xidhxidheen magaalada Dhuxun dadka kala ah;
1- Saxardiid Sh Cumar
2- Cabdi Sokor Aaden
3- Qorane Yusuf Kaahin
4- Maxamed Cali Xarbi
5- Haybe oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
6- Xaaji Raabi Kaahin
7- Xaaji Ibraahim Barkhadle
8- Xaaji Qorane Xuuble
9- Saynab C/raxmaan
10- Cumar Sh Cabdi
11- C/llaahi Muxumed Tulux (Warcad)
12- Maxamed Cumar Sahal
13- Daahir Dhagajuun iyo
14- C/raxmaan Maxamed Kaahin

Sidoo kale 02/02/08 Abaa-qorrow waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen wiil iyo aabihii oo lagu kala magacaabo;
1- Cabdi Jawaab iyo
2- Hire Cabdi Jawaab

31/01/08 Magaalada Dhuxun waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad badan oo rayad ah, waxaanan ilaa iyo hadda magacyadooda helnay;
1- Aqbal Yuusuf
2- Sh Axmed Wali Cali
3- Cabdi Kaamil
4- Bishaar Xuseen
5- Aaqil Bayr iyo
6- C/qaadir Maxamed

30/01/08 ciidammada gumaysigu waxay magaalada Qamuuda ku xidheen Sh Qorane Aaden Xirsi.

27/01/08 Galaalshe waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen Nuur Jawhar Sh Cabdi.

Dhinaca kale magaalada Jigjiga waxaa labadii habayn ee u denbeeyay guryohooda lagala baxay dad badan oo aan la ogayn meesha la geeyay. Dadkan waxaa guryohooda kala baxay ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Shir wayn oo lagu qabtay gobolka California

Shir wayn oo si wayn looga soo qayb galay ayaa lagu qabtay magaalada Sanjose ee gobolka Clifornia e dalka Maraykanka. Shirkan waxaa soo qabansaabisay Jaalyada Ogaadeenya ee gobolka California, waxaana ka soo qayb galay wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayo Isu duwaha Jaaliyadaha Ogaadeenya Maxamed Macalin Axmed.

Shirkan waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii Jaaliyada ee sannadkii tagay iyo kaalintii horuudnimada ahaydee ay ka gashay hawlaha lagu kaabayo halganka Ogaadeenya.

Shirkan waxaa warbixin dheer oo meelo badan taabatay ka soo jeediyay Isu Duwaha Jaaliyadaha Ogaadeenya Mudane Maxamed Macalin oo ka xogwarramay geeddi socodka halganka iyo duruufaha cusub ee ka jira gobolka Geeska Afrika iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in lala jaan-qaado is-badallada ka dhacaya gobolka.

Waxaa iyaguna shirkan hadallo qiimo leh ka jeediyay wakiilka JWXO ee gobollada Westcost e dalka Maraykanka Mudane Axmed Cali Yuusuf iyo Marwo Canbaro Dheer, oo ah gabadh taariikh gooni ah ku leh halganka ay JWXO hormuudka ka tahay ee Ogaadeenya.

Shirkan waxaa ka soo baxay go’aamo dhaxal-gal ah oo lagu sii kobcinayo dadaalka Jaaliyada ee la xidhiidha halganka Ogaadeenya.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee jwxo N/hure Caddaani oo waraysi dheer siiyey wargayska Al-Sharq ee wadanka Qatar.

G/kuxigeenka 2aad ee jwxo Mudane C/qaadir Sh. Xassan Biixi Hirmooge(Caddaani) ayaa waraysi dheer oo meelo badan taabanaya siiyey wargayska Al-Sharq ee wadanka Qatar kuna soo baxa afka carabiga.

Waraysigaas ayuu G/kuxigeenka 2aad ee jwxo mudane Caddaani ku sheegay in cwxo ay bilaabeen weeraro ka dhan ah cgi e ku sugan bariga Ogadenya ayna cagta mariyeen guutooyin iyo gaasas badan oo kamid ah cgi guud ahaanba wadanka Ogadenya gaar ahaana bariga Ogadenya, laguna dilay saraakiil ka badan 15 sargaal oo uu kamid yahay sargaalkii ugu sareeyey Ogadenya.

Gobolada Bari ee Ogadenya ayay ahayd halkay cgi ka bilaabeen xasuuqa shacab rayid ah kuna gubeen magaalooyin iyo tuulooyin aad utira badan,kuna aaseen ceelashii ay ka cabayeen reer guuraaga iyo xooluhu ayuu hadalkiisi sii raaciyey.

Hawlgaladan ay cwxo ku hayaan cgi ayaa loogu magac daran(Aargoosi) sida uu cadeeyey G/KX 2aad ee jwxo,iyadoo ay weli socdaan ayuu yidhi halgalo ad adag oo lagu hayo cgi,halwgaladaas oo loogu talagay sidii looga hortagi lahaa xasuuqa waxshiga ah ee ay ciidamada gumaysigu ku hayaan shacabka looguna wiiqi lahaa awooda milatari ee cgi ila alaga caydhiyo ciida Ogadenya.

Mar uu G/KX 2aad ee jwxo ka hadlayay hawlgaladii ugu dambeeyey ayuu sheegay in dharbaaxooyin xun xun lagu dhuftay cgi ee waqooyiga Ogadenya halkaasna lagaga dilay inta u dhaxaysa 1500-2000 oo askari sadexdii biloow ee u dambaysay,sidoo waxaa cgi laga furtay ayuu yidhi G/KX 2aad e jwxo saanad milatari oo dhan 1500 oo qoryaha fudfudud ah iyo qalabka isgaadhsiinta oo noocyo casri ahi kujiraan..

Dhanka maxaabiista ayuu G/KX 2aad sheegay in maxaabiis badan laga qabtay cgi,kadibna lasii daayay qaar badan oo kamid ah,lakaiin ay weli gacanta cwxo kujiraan qaar kamid ah maxaabiistaas oo loo arkay sii hayntoodu inay lama huraan tahay.

Waraysigan oo aad udheraa ayuu G/KX 2aad ku sheegay in ay maanta cwxo haystaan fursad ay kaga faaiidaystaan cgi ee naflacaariga ah,iaydoo ay xukuumada gumaysigu sadex meelood kaga furan yihiin dagaalo,Somaliya,Eretariya iyo Ogadenya,cgi aya ah ayuu yidhi Caddaani kuwo isu keen keen ah oo aan niyad uhaynin inay kasii mid ahaadaan ciidanka itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa diidan inay somaliya nabadi ka dhalato amaba la helo somaliweyn ayuu hadalkiisii sii raaciyey mudane Caddaani.

Mudane Caddaani oo waraysigii sii wada ayaa yidhi:duulaanka itoobiya ee ay somaliya ku qabsatay waa mid aan sharci ahayn,waxayna kaga aargoosanaysaa dagaaladii dhex maray somaliya iyo itoobiya lixdameeyadii iyo todobaatameeyadii iyadoo ay waqtigaas dowladii somaliya caawinaysay jabhadihii u dagaalmayay xornimada Ogadenya,laga soo bilaabo waqtigaa ilaa iyo maanta oo ay itoobiya somaliya qabsatay waxay ku taamaysay inay somaliya mar uun gacanta ku dhigto,maantana waa la arkaa halka uu xaalmarayo oo caasimadii somaliya ayay burburisay shacabkii ayay ka dhigtay mid ay disho mid ay xidho iyo mid ay caydhiso.

Ugu dambayntiina G/KX 2aad ee jwxo mudane Caddaani aya cadeeyey in ujeedada jwxo ay tahay xornimo ay gaadhsiiso shacabka s/ogadenya,wuxuu kaloo mudane Caddaani qaylo dhaan u kala diray ururka islaamka,ururka jaamacada carabta iyo dowlado badan kamid ah caalamka carabta isagoo ka dalbay inay qadiyada Ogadenya ku darsadaan xisaabaadka umaddaha dulan sida ree falastiin,shiishaan,Kishmiir iwm.

05 February 2008

Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari


Dagaal Aad u Culus Oo Isniintii Ka Dhacay Xeradii Guulwadayasha Iyo Ex- Gaashaandhigii Hore.

Dagaal laysku adeesaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa abaaro 12-kii maqribnimo ee shalay oo daqiiqado dhiman ka dhacay xerada guulwadayasha oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada FKMG ah iyo ex- gashaandhigii oo ay ku sugan yihiin ciidamo Ethiopian ah .

Dhawaqa rasasta iyo madaafiicda laysu adeegsanayo ayaa laga wada maqlayey daafaha caasimada muqdisho ,dagaalkan oo socdey mudo ku dhowaad nusa saac ayaa ayaa sida uu saxaafada u sheegay goob jooge ka ag dhowaa deeganka dagaalku ka dhacayo oo magaciisa ka gaabsaday in la shaaciyo ayaa xusay inuu arkayey ciidamo Ethiopian ah oo ku sugan Afaafka hore ee xaruntii hore ee gashaandhiga oo ay soo gareen dhaawacyo iyo khasare isugu jira waxyeelooyin fara badan.

Dhinaca kale xerada guulwadayaasha oo ay ku sugfan yihiin ciidamada Dowlada KMG ah ayaa lala beegsaday madaafiic dhowr ah kadibna ay rasaas afarta jiho u kala fureen taasoo la sheegay inay dad rayid ah oo aan tiro ahaan loo shaacin ay waxyeelo kasoo gaartay .

Macada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan iyadoo wararka tibaaxayaan inay jiran khasaare dhimasho iyo dhaawacyo leh oo ka dhashay dagaalkan balse aan la ogayn tirada dhabta ah ee ay tahay .

Maaha markii ugu horaysay ee weeraro lagu qaado xerooyinka ciidamada isku dhafka ah ee Ethiopianka iyo weliba kuwa dowlada KMG ah iyadoo tiro dhowr jeer hore weeraro hubaysan lagu qaaday .

yaasiin maxamed faytin

yaasiinfaytin@hotmail.com

faytin@live.com

002521-5580916

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2008

 

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com