SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Tartanka koobka daahfurka wargeyska Xog-Maal oo Axadii (Dec 28) Cape Town ka furtey.

Sawirada Halkan ka daawo...

Wareegii ugu horeeyey ee kubbada cagta oo dhexmara kooxo Soomaaliyeed oo qabanqaabadiisu lahayd mid ka mid ah qalabka warbaahinta curdunka ah ee Soomaalida K/Afrika ayaa ka furmay magaalo xeebeedka loo tamashla taggo ee Cape Town.

Ciyaartii maanta waxaa usoo saftay labbada kooxood ee kala ah Banadir Stars iyo Jay United oo labbaduba ka mid ah kooxaha ugu firfircoon ee ka jirra Cape Town.

Ciyaarta waxay bilaabatay abaaro 5:30pm ee galabnimo goortaasoo firimbiga ciyaarta uu ku dhuftey garsoore Salaad Duwe, daqiiqadihii ugu horeeyey ee ciyaarta waxaa gool la yaqaano shabaqa kaga shanqariyey ciyaaryahanka qadka dhexe ka cayaara Xassan ee kooxda Jay United , balse waxbaddan kama soo wareegin markii kooxda Banadir Stars ay la timid goolkii bareejaha ahaa waxaana dhaliyey Maxamed Cabdullaahi, kadib Banaadir Stars waxay si isdaba joog ah ola timi labbo gool oo kale taasoo niyad jab ku abuurtey kooxda xooga baddan ee Jay United, balse daqiiqadihii ugu dambeeyey ayay kooxda United la timid goolkii labbaad kaasoo neefta kasoo saaray, waxaa u dhaliyey ciyaaryahanka caanka ah ee Kalaay oo sannooyin baddan kadib dib ugu soo laabtay fagaaraha ciyaaraha.
Ciyaartana waxay ku dhamaatay 3:2, jawi wanaagsan oo farxad leh ayaana lagu kala hoydey.

Waxaa goobta joogey qaar ka mid ah mas'uuliyiinta wargeyska Xog-Maal oo ugu horeeyo mudane Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo) oo ah tifaftiraha Xog-Maal, Maxamed Deeq oo hadlayay ciyaarta kadib ayaa si weyn ugu mahadceliyey kooxaha ciyaarayay habsami ciyaareedka ay muujiyeen, niyad wanaaga ay ku ciyaareen, iyo asluubta ay ku dhaqmeen.

Wareegani oo la dhigey koob qalin ah, ayaa waxa la ciyaarayaa 3 ciyaarood waxaana ka qeybgalaya 4 koox, ciyaarta tani xigta waxaa isugu imanaya 2 koox oo kale, kuwaasoo tan soo baxda ay wada ciyaari doonaan Banadir Stars oo maanta guusha raacday.

Waxaa xusid muddan in ciyaaraha ay maareynayaan gudiga fulinta ciyaaraha Western Cape oo uu gudoomiye ka yahay Ciyaaryahan hore oo u dheeli jirrey kooxihii qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdi Gaab, waxaa kale ka mid ah gudiga Axmed Faarax iyo Salaad Cabdiraxmaan (Salaad Duwe), Maxamed Cabdi iyo Yuusuf UK kuwaasoo dhamaantood ka mid ah ragga arrimaha isboortiga sida weyn ugu ololeyeeya islamarkaasina iyaga ah ciyaartooy, waxay balan qaadeen in gudigoodu uu wax weyn ka qaban doono hormarinta amuuraha ciyaaraha.
Waxaa la rajaynayaa in tartankani Xog-Maal uu noqon doono mid joogto ah sida uu ka shanqariyey Mudane Maxamed Deeq.

Wargeyska Xog-Maal oo taariikhda ku galay ahaanshaha wargeyskii ugu horeeyey ee Afsoomaali ku hadla ee madaxbanaan ee dalkani kasoo baxa ayaa arrintani waxa ay astaan u tahay waxtarka uu bulshada u leeyahay oo iminkaba si weyn looga dareemey qeybo baddan oo dalka ka mid ah.


Cabdinasir Saxansoxo.

saxansoxo114@gmail.com

Ururka saxafiyiinta SOJASA oo abaalmarino gudoonsiiyey saxafiyiin Soomaaliyeed.- Dec 29

Faafin: Somalitalk.com | Dec 29, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS