"Maamulka Puntland ee sii dhacayaa Wax Badan oo Amaanka ah ayuu
Lumiyay"Musharax Muxiyadiin Cali Yuusuf.
Garoowe:- Musharax Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ka mid ah Musharaxiinta u
Taagan xilka Madaxtinimo ee Pl ayaa shir Jaraaid oo uu ku qabtay Gudaha
Magaalada Garoowe waxa uu kaga hadlay sida ugu Haboon ee loo qaban qaabin karo
inay Puntland ka dhacdo Doorasho Xalaal ah isla markaana loo wada dhanyahay.
Musharax Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa xusay in hadii la helo doorasho Loo
dhan yahayah isla markaana dhamaan ay shacabka Puntland Kalsooni Buuxda ka
Qabaan la gaadho barwaaqo iyo Is Bedel dhab ah oo dhaama Kii Laga soo Gudbay ee
Afrta sano ahaa.
Musharax Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa Kulan wareedkaasi uu ku qabtay Guriga uu ka
deganyahay caasimada Garoowe waxa kaloo uu ku sheegay inay dadku doonayaan is
Bedel si loo Helo Buu Yiri Amaan iyo Kala danbayn buuxda.
"Puntland Meesha Ugu Muhiimsan ee u baahan in wax laga qabto waa dhanka Amaanka
iyada oo Maamulka haatan wakhtigiisii sii dhamanaayo uu wax badan oo Amaanka ah
Lumiyay taasi waxa kaliya ee lagu Heli karaa waa iyada oo helo Maamulka dhaama
Kii Hore" Ayuu Yiri Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf.
"Hadii la helo Amaan fiican oo sida haatan dhaama waa la Hubaa in la heli lahaa
dhaqaale fiican oo ay dalka iman lahaayeen SHirikaad Ajaanib ah oo Kaba Kobaca
dhaqaale ee Gobolka Laakiin hadii Amaanku Lumo sii Laysugu Aaminiyaa Ayuu Yiri
Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf"
Dhanka kale Muxiyadiin Cali Yuusuf waxa uu soo Qaatay hadii la doorto waxa ugu
wayn ee uu wax ka qabano waxa uu sheegay in Budhcad Badeeda Curyaamisay Puntland
Ku samaynayo dhaqan Cilin isla markaana uu shaqooyin u Abuurayo.
Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa safka Hore kaga Jira raga laga Baqayo inay ku
soo baxaan Hogaaminta Puntland Marka La gaadho sanadka 2009- Horaantiisa oo
doorashada Puntland ay ka dhacayso Gudaha Caasimada PL ee Garoowe.
Sidoo Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa ah Ninkii Ugu horeeyay ee ku dhawaaq inuu
yahay Musharax iyada oo haatan Musharaxiinta Puntland ay gaadhayaan 32-
Musharax.
AWOODDA MADAXWEYNAHA DFKMG:
QODOBKA 39
- 1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waa :
- a) Madaxa Dowladda
- b) Taliyaha Guud ee Cidamada Qalabka Sida
- c) Astaanta Midnimada qaranka
QODOBKA 44
- 2. Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa xilkana ka qaadayaa Wasiirka Koowaad ama kala diraa xukuumadda haddii ay waydo codka kalsoonidda Golaha Shacabka.
QODOBKA 46
- 5. Wasiirka Koowaad ayaa u jeedin doonaa Madaxweynaha magacyada dadka ku habboon in loo magacaabo Wasiirro iyo Wasiirro ku xigeenno iyadoo aan lagu xirin inuu xubin ka yahay Golaha Shacabka.
QODOBKA 51
- 1. Haddii in ka badan boqolkiiba konton(50%) Golaha Shacabku ka soo jeediyo go'aan kalsooni daro ah Wasiirka Koowaad, Madaxweynuhu waxaa uu xilka ka qaadayaa Wasiirka Kowaad iyo Golihiisa Wasiirada.
- 2. Madaxmeyhaha xilka kama qaadi karo Wasiirka Kowaad ama ku Xigeenada Wasiirka Koowaad inta uu jiro Golaha Shacabka, si kasta ha ahaatee, aan ka ahayn siyaabaha ku cad Qodobka 51 (1).
EEG DASTUURKA DFKMG:
http://www.somalitalk.com/dastuur/tfg.pdf
(draft)
OGEYSIIS: SOOMAALIDA CANADA

Dec 21, 2008: Warbixin iyo Sawiro Heshiiskii Dhexmaray Mushariixinta iyo
Maamulka Puntland
Sawirada Halkan ka daawo....
Heshiis Dhexmaray Musharixiinta Shacabka Putnland iyo Maamulka Puntland
lagana soo saaray Qodobo Muhiima heshiiskaas oo ay ku guuleysatay in uu dhaco
Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Wasiir Caasho Geele Diiriye.
Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska
ee Magaalada Garowe ayaa laga soo saaray Qodobo ay ku heshiiyeen Mushariinta
Shacabka Puntland iyo Maamulka Puntland isla markaasna aan loo ogalayn in ay
goob joog ka ahaato saxaafada ayaa gabagabadii loo soo bandhigay saxaafada
Qodobadii ka soo baxay iyo heshiiskii dhexmaray Musharixiinta iyo Maamulka
Puntland.
Waxaa isla markiiba ka hadlay Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde
Muuse) oo soo bandhigay in ay heshiis wada gaareen Musharixiinta Shacabka iyo
Maamulka Puntlnad soona sooreen qodobo muhiima waxaa sido kale cadeeyey in
heshiis dhexmaray Gudoomiyaha Musharixiinta Cabdiraxman Maxamed Faroole oo isna
cadeeyey in heshiis ay wada gareen Musharixiinta iyo Maamulka Dowlad Goboleedka
Puntland.
Intaas kadib waxaa Qodobadii heshiiska ay isla gareen ku dhawaaqday Wasiirka
Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Wasiir Caasho Geele Diiriye oo fidisay
gogasha khilaafka lagu soo afjarayey sidoo kale Wasiirka ayaa soo qaban qaabisay
doodii mushariixinta oo gogol dhig u ahayd in uu dhaco shirka wada heshiisiinta
Musharixiinta iyo Maamulka,
Qodobadii ay soo saareen iskuna afgarteen Musharixiinta iyo Maamulka Puntland oo
ahaa sitada tan:-
1. In la magacaabo Gudi ka kooban 8da Isin oo ka kala socda Dodobada Gobol ee
Deegaaka Puntland.
2. In Nabadgelyada iyo Sugida Amaanka inta laga gaarayo waqtiga doorashada ay
masuul ka tahay Dowladda
3.In dhamaan daaqada laga saaro wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya musharixiinta iyo
Maamulka Puntland
4. In wixii khilaaf ah oo ka yimaada baarlamaanka ay go'aan ka gaarayaan
Isimadda la isku afgartay hadii ay xalin waayaan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta
Khilaafaadka.
5. In Musharixii la yimaada burburin iyo amaan darro ay wax ka qabtaan
Musharixiinta iyo Maamulka Puntland si wada jir ah.
Waxaa halkaas lagu soo gaba gabeeyey heshiis dhexmaray musharixiinta iyo
maamulka puntland kaas oo la filaayo in uu hirgalo waxaana laga saaray meesha
walaacii ay dadweynaha reer puntland ka qabeen in doorashada dhici waydo iyadoo
la soo bandhigay isafgarad iyo cadeyn xoogleh.
Suxufi: Farxaan Yaasiin Mire (isqootax)
isqootax@hotmail.com isqootax1@gmail.com
Garowe:- Puntland
Dec 21, 2008: Gacmo dheere Oo Sheegay Inuu Mudo Bil Ka Yar Soo Magacaabi
Doono Xukuumad Xili Khilaaf Hadheeyey Dowlada KMG ah.
Raysal wasaaraha dhowaan uu magacaabay madaxweynaha xukuumada FKMG ah Max'ed
Max'ud Guuleed Gacma Dheere ayaa sheegay xili aan weli la ansixin inuu
baarlamaanka hor tegi doono islamrkaana soo dhisi dono xukuumad cusub iyadoo ay
baarlamaanka ka dhex jiraan kala qaybsan siyaasadeed oo nuur cadde iyo
madaxweyne yuusuf ah .
Gacma dheere oo Shir Jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada Baydhabo ayaa tibaaxay
sida ay uga go,an tahay inuu la wareego xilka jagada Raysal wasaaranimo iyadoo
uu ka hadlay dhowr arimood oo ay kamid tahay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha
iyo nuur cadde .
Sidoo kale raysal wasaaraha cusub ee Gacma Dheere ayaa sheegay in bil gudaheeda
uu xukuumad cusub ku soo dhisi doono islamarkaana uu Barlamanka hor keeni doono
isaga oo baaralmaanka weydiisan doona inay ansixiyaan taaso uu tilmaamay inuu
rajo weyn ka qabo in kalsoonida la siin doono .
Dhinaca kale Max’ed Max’uud Guuleed Gacma Dheere ayaa waxaa uu ku gacan saydhay
xukuumadda uu hogaamiyo Raysalwasaaare Nuur Cadde isagoo ku tilmaamay in ay
tahay mid aan sharci ahayn islamarkaana carabka ku adkeeyey in uu waqtigeedii
dhamaaday .
Si kastaba ha ahaatee hadalka gacma dheere ayaa sii xoojinaya khilaafkii
siyaasadeed ee ka dhex aloosan nuur cadde iyo madaxweyne yuusuf xili ay ku kala
qaybsan xoogani ka dhex jiro baarlamaanka gudahiisa oo kala taageersan labada
oday .
Yaasiin Maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: Somalitalk.com | Dec 24, 2008