B A S 18
[Qaybtii II-d]
Q:1aad | 2aad
Cabdiwali
Sh. Maxamed
Ifaqoon@hotmail.com
Ilaahay amarki saaka waxaan ka soo toosay hoteel ku yaal xaafadaha Xamar
mid ka mid ah. Waaddadii Maka Almukarrama la oran jiray oo boholo iyo
bacaad u rogantay siigana ka duulayso ayaan dhinac istaagay. Intii
ishaydu gabatay kuma arag hal dhisme oo dhaqan. Basaasta magaalada ka
muuqata waxaad mooddaa qaab cusub oo quruxinta magaalooyinka ay ku soo
kordhiyeen qabqable yaashii muddada dheer ka doobinayay.
Dhisme kasta ama dhinac baa dunsan, ama xabbado shaandho looga dhigay
raadkood ayaa ku yaal. Waxaad mooddaa god Dawoco oo dhan walba u furan.
Hadday caasimadaha dunidu ku tartamaan qashinka magaalo kasta dhex yaal,
Muqdishow waxaan lagula murmeen kaalinta koowaad iyo ammaan dheeraad ah.
Baldoosar codki wax aan markii hore u qaatay ayaa dhanka bidix oo
aanan ka sugeyn gaadiid in uu ka iman karo ka soo yeertay. Halhaleel
ayaan u eegay, mise meel xoogaa durugsan waxaa ka soo socota uuro madow
oo samada isku shareertay. Jidka intaan gadaal uga gurtay ayaan aad u
bidhaansaday balada soo qablamaysa.
Bas wax u eg oo wajiga hore ay kaga xiran tahay haraaq catirowday oo
ay ku qoran tahahay tirada ah 18 oo Kol dambe aan ogaaday micnaha
tiradaasi ku fadhido ayaa meel durugsan ka soo qab-qab leh.
Bas ku sheeggu dhinac ayuu u janjeeraa, marbaan is iri, “Alleylehe,
geddoon”. Summadda ah SOOMAALIYA ayaa ka lulata, inkastoo xarfihii qaar
go’een qarraa daldalan yihiin haddana raadkii xarafka ayaa meeshi ka sii
muuqda. Qalfoofku isuma dheellitirra ismana haysto. Taayarrada hore kuwa
dambe waa ka gaaban yihiin ku caynna ma aha. Buudigu waa jiingad iyo
laamayeeri dhaxalaystay oo ay isu hayaan silig iyo masaamiir, qaar
daateen. Muraayado iyo nalal ma dhaqna.
Matoorku waa Baldoosar matoorki dibadda ayuuna yaal, markiiba fuusto
biyo ah ayaa lagu shubaa, shidaalka uu ku socdo wax uu yahay cidina ma
taqaan, ma diesel baa?!, ma biyaa?!, ma dhiig dad baa?!. Kan dambe u
daa!. Batarigu ma dhaco. Gudihiisa kuraasi kuma xirra, rakaabku sidii
jawaanno cusbo ah ayay sagxadda isdul raseysan yihiin. Labad dheeg iyo
dusha sare waxaa ku xir-xiran dad carruur, haween iyo waayeel u badan.
Ragga baska soo afduubay iyo shaqaalahooda oo kaliya ayaa hub sita.
Meeshii aan ka durkay intuusan soo gaarin dhowr bohol ayuu ku dhacay,
ha yeeshee, rakaabka oo kuwii basku u qafaallaa qoryo dhinacyada kala
taagan yihiin ayaa mar walba ka saara. Qaar rakaabka ka mid ah taayarka
dambe ayaa cardaaduqaha ka dhigay, looma hakan la ismana waydiin in ay
dhinteen iyo in ay noolyihiin. Ragga baska wata iyo kuwa u shaqeeya
wadne naxa, beer qoyan iyo dareen danqada kuma beerra, waa dhagax dixeed
taabasho iyo tuujin ay isku too u tahay.
Bas caynkan oo kale ah kama shaqeeyo waddo dunida guudkeeda ku taal
oo aan ahayn waddooyinka Soomaaliya, maxaa yeelay MOT (Ministry of
Transportation test) waxa loo yaqaan muddo carradan kama shaqayn. MOT
waa fasax Wasaaradda Gaadiidku bixiso oo sanadle ah oo ay qaataan
gaadiidkii la sharribo. Waraaqdaa oo caddayn u ah gaadiidkaasi inuusa
dadka iyo hantida halis u ahayn.
Bas 18 markuu ila simanyahay ayaa waxaa hor istaagay dad fara badan
oo waddada kaga soo dhacay meel wajigayga ku qumman. Dadkaa waxaan ka
garatay; rag culimo ah, rag iyo haween Barlamaankii Baydhabo ka soo
goostay, rag iyo haween qurbaha ka yimid, rag iyo haween bulshada raydka
ah ka tirsan, dhallinyaro wadani ah iyo akhyaar kale.
Markaan ogaaday ulajeedada kicisay raggaa iyo haweenkaa gurmadka ah,
waxaan goostay in aan ku biro, una hiilliyo rakaabka muddada dheer baska
ku xanniban oo, ay curaar u heysteen horor dadqaad ah oo ku mamay
dhiigga dad maato ah oo muddo 18 ah sano u jujuubnaa.
Xoogaggaa baska hor istaagay waxay khasab ka dhigeen in baska la
joojiyo oo la wada hadllo, muddo dabadeedna kuwii basku u afdoobnaa waa
la maquuniyay lagana awood roonaaday, iyagoo ku gunuunucay; “ma
annagaaba weli rakaabka quuburahageyney?!, tolbeelaye, ma annagaaba weli
rakaabka qubuuriha geyney?!”.
Afduube yaashii waa kala yaaceen, halkaa ayay afka saareen!. Lagama
harin waana lagu dabajoogaa. Waa dambiile yaal gacmaha dhiig ku leh,
magac yadooda kol dhaw ayaa la naadin. Liiska ay soo saari doonto
maxkamadda gabood falkii ka dhacay Soomaaliyo ayaa mid mid looga
akhrisan doonaa. Ruuxaan ka hor tii Alle aan ku bixin, dhiigga
gacmihiisa ka gobo’ gobo’ waa la soo raaci! (HEI).
Raggii iyo haweenkii libinta keenay waxay ku tashadeen, hor iyo
horraan in ay wax ka qabtaan labada qodob oo kala ah:
Kow: Baska in rakaabka laga soo rogo daryeel degdeg ahna lala gaaro
kala sooc la’aan.
Laba: Baska in dayactir iyo dib u habayn degdeg ah loo qaado si uu u
noqdo gaadiid la siman kuwa caalamka ka hawl gala oo aqoonsi leh, isla
markaana buuxiya shuruudaha u dhigan daryeelka iyo badbaadada rakaabka
iyo hantidooda.
Ushii samada loo tuuro dhul dhicimayso, ilyartaa isqabatay. Dad
gurmad ah oo aan hayb kala lahayn, dan gaar ah aan xeerinayn, isu calool
xaaran, niyada fiyow oo badbaadinta rakaabka dhab ay ka tahay ayaa dhan
walba ka soo borqaday. Mid biyo la ordaya, mid raashin la ordaya, mid
daawo la ordaya, mid dhar la ordaya. ‘Walaal maxaan kuu qabtaa?. ‘Walall
waxaan u baahnayy, waxaa iyo waxaa’. Maanta cidina shiidaad uma hayso
tororog iyo hadal aan milgo lahayn. Gormad heer sare ah oo qorshe iyo
nidaam u degsan lagu agaasimayo ayaa si niyad sami ah loo gudo galay.
Rakaabkii oo baska laga soo rogay dhulkana daadsan ayaa lala dhex
cararay wax kasta oo ay u baahdeen oo gargaar degdeg ah. Dariishadaha
baska mid ka mid aha ayaa nin gudaha ku xanibmay ka soo tuuray laba qori
oo kuwa naafadu ku booddo ah, isagiina isa soo laalaadiyay isagoo
damacsan in uu isa soo tuuro. Degdeg inta ugu orday ayaan garbaha qabtay
dibaddana u soo saaray.
Waa nin aan da’diisu ka yarayn lixdan iyo meelahaa, miisaankiisuna ka
badnayn 45kg. Wuxuu ku labisanyahay macawis duruf ah, shaar madoobaaday
oo jeexjeexan iyo cimaamad faraqyo leh.Timaha madaxa iyo garkuba waa ku
bexeen waana caddaadeen. Waxaa ka muuqda rafaad dabo-dheeraaday, nafaqa
darro iyo daal fara badan.
Runtii wuxuu tilmaan dhab ah u yahay rakaabka baska laga soo
dhaadhiciyay. Ninkaa dibnihiisa (Alxamdu Lillaah) wax dhaafsan kama soo
bixin, intaan ku maqnaa labadii qori oo uu ku boodayay. Lugta midig ayaa
ka go’an ilaa sinta.
Kolkii rakaabkii ruux walba gurigiisi ama meeshii uu ku hoyan jiray
la gaar siiyay, baskiina hooso lagu dayactiro loo riixay ayaan ninkii
odaga ahaa ku soo laabtay. Waxaan soo dul istaagay isaga oo dhulka
fadhiya, cantoobo ciid ahna labada sacab marba mid ku shubaya, ku
celcelinaya: “Alaxamdu Lillah”. Waa nin iimaanku qanjaha joogo dulqaad u
leh rafaadka dheer oo soo maray, rajana aysan ka dhammaan.
Labada garab inta qabtay ayaan sare u joojiyay labadii qorina
kilkilaha u galiyay. Si aad ah ayuu wajigayga ugu dheygagay. Indhaha
inta marmaray ayuu mar kale i soo eegay. Laba ilaa saddex jeer kolkuu
sidaa sameeyay ayuu yiri: ‘walaaloow hebel, hebel, hebel ma tahay?!’.
‘Haah’ markaan iri, hadal kalana aanan raacin ayuu mar labaad qoryihii
tuurtay oo luqunta isaga key maray.
Muddo kolkuu luquntayda ka lushay ayaan dareemay illin kulul oo
indhiisa godmay ka soo butaacday in ay garabkayga qoysey. Dhabarka
intaan u salaaxay ayaan aniga oo murugaysan, iri; ‘waa dhammaatay, waa
dhammaatay’. Isaga oo weli luqunta iiga maran ayaan hoos inta isu
gaabiyay labadii qori mar labaad u soo qaaday. Makhaayad noo dhowna ku
luudiyay.
Kursi markaan fariisiyay ayaan ku iri; ‘qadee oo si fiican u qadee’.
Wiilkii makhaayadda ka adeegayay markuu na soo dul istaagay ayuu ku
yiri: “koob shah ah, xabbad bur ah iyo xabbad sanbuus ah ii keen”. ‘War
mayee si fiican u qadee’: ayaan ku iri. ‘Wax intaa ka badan igama dagi
karaan, cunno xiisaheed waa hore ayaan ka tegey, raashinku iima
dhadhamo’ ayuu iigu jawaabay isaga oo madaxa lulaya.
‘Wadaayoow, wajigaagu waa igu yaal, waana soo dhufan kari la’ahay ee
magacaaga maad ii xusuusisid’: ayaan ku iri aniga oo dhoollo cadaynaya.
Durba wuxuu la soo booday: ‘waa gar in aan isu kaa sheego mooyee lagama
yaabo in aad i garatid, waxaan ahay hebel, hebel, hebel”.
‘Heedhe, ma Majabe ayaad tahay?!’. ‘Haah’ markay dhibnihiisa soo
dhaaftay ayaan madaxa hoos u rogey, gacantana afka saaray. Durba ilmaa i
soo waydaaratay. ‘Ninkan ma Majabaa?!’ Wallee adduunyaan naallo
lahayn!’, hoos ayaan intaa isugu sheegay.
Haddiiba waxaa ii sawirmay muuqaalkiisi 20 sano ka hor. Wuxuu ahaa
nin karti iyo hufnaan ku can baxay, aad u firfircoo, jir dhisan oo
dheerar iyo lixaad Eebbe ku manneystay. Maad, kaftan iyo qosol badan oo
la kulan kiisa loo xiiso. Aqoon sare leh, curin badan, saaxiibadi
xiriirka uu la lee yahay aad u ilaaliya, isku xiraantooda iyo wada
jooggoodana maskaxda ka dambeysa ah. Ruux caro ay ku kala dheelmadeen
lama sheegin. Labo saaxiibadi ka mid ah oo isdiidan abid iskuma eegan,
qaab uu u heshiiyaba waa kii qalbigooda burcad isu mariya. Xan, been,
kala sooc, eex iyo isku dir weligi laguma soo oogin. Lama arag isaga oo
xanaaqsan ama dagaal u tafoxaydan. Nabad, nabadayn iyo horumar wax
dhaafsan waqti iyo karti toona kuma lumin.
[la soco qaybta III-aad]
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan