XUKUUMADDA DHAAR-UJOOG."waxaan ku dhaaranayaa magaca
Ilaahay".
"waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay" Ma'aha eray dhayal loo oran
karo, ma'aha eray beec iyo gorgortan gala, mana'aha eray loollan
siyaasadeed gala, hebel ku xumee ina hebelna ku sharaf eray gala ma'a,
waa eray weyn, Allaah agtiisa ku weyn, sharciga Islaamka ku weyn,
qofkasta oo muslim ah qalbigiisana ku weyn. Waa kalmad markaad maqasho
mudan khushuuc iyo qaddarin, waa kalmad u baahan qofka ku dhaaranayaa
inuu wax badan ka fakaro intayan afkiisa kasoo bixin, buugga hadalkiisa
lagu qorayo ee maalinta qiyaame labada gacmood mid looga dhiibayana aan
lagu qorin.
Haddaad u fiirsato dhibaatooyinka dunida ka taagan, gaar ahaan kuwa
muslimiinta ku habsaday waxaa kuu muuqanaya musiibooyin mid markaad
aragtaba tii hore kula yaraanayso, dhibaatooyinka dadkeenna soomaalida
lagu imtixaamayna waxaa ka mid ah, dhaar badnida, gaar ahaan dhanka
siyaasadda iyo ganacsiga, haddiise dhaarta ganacsatadu inta badan ku
koobantahay mucaamalo laba ama saddex qof dhex marta waxaad mooddaa
dhaarta dadka siyaasadda u gala soomaalida ama isku haysta inay siyaasad
galeen in ay xargaha goosatay, waxaa yar inay nasoo marto bil ama labo
aan qof soomaali ah jago loo dhaarin, isagoo si baraad la' ugu celceliya
"waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay". Inta badanna wuxuu raaciyaa inuu
dalka, dadka iyo diinta si daacad ah ugu shaqayn doono.
Xilligii dawladdii carta lagusoo dhisay wixii ka dambeeyey waxaa aad
u kordhayay buufiska dadku u qabaan in xil loo dhaariyo, xilkaas oo
mas'uuliyadda ka dhalataa ku koobantahay inuu magaca ilaahay si been ah
ugu dhaarto, inuu dalka iyo dadka daacadnimo ugu shaqeyn doono,
maalmahan dambana waxaad mooddaa inay arrintaasi sii korortay, dadkii ku
dhaartay inay dalka iyo dadka u shaqayn doonaan waa kuwa gacanta
shisheeye geliyay, welina dhaarta is-daba joogga ah wada.
Xubnaha dawladda soomaalidu maxay ka midaysan yihiin haddii la'is
weydiiyo waxaan filayaa, dhaar badnida iyo mid walba inuu u heellan
yahay wax walba iyo goob walba inuu ku dhaarto waxaan ahayn inaan la
helayn, mar walba oo ama qof la xumaynayo ama midkale xeer loo dhiganayo
waxaad mooddaa dhaartu inay noqotay arrin dareenkaas un lagu cabbiro.
Qofka muslimka ah ee garanaya qiimaha iyo qaddarinta uu mudanyahay
magaca ilaahay, qalbigiisana nuurka islaamku galay; wuxuu dareemayaa
murugo iyo qalbi-jab marka uu arko sida magaca ilaahay looga dhigtay
halku-dhig siyaasadeed oo qof walba asagoo baraad la' uu iskaga
dhaaranayo magaca Allaha weyn oo waaxidka ah, allaha nimcooyinka uu
nasiiyay aan dhex dabaalanayno.
Dhaarta waayahan moodada noqotay ee qof walba u heellan yahay in mar
un la yiraahdo hebel waxaa loo dhaariyay jaga hebla waxay
xambaarsantahay dambiyo waaweyn oo qofku hadduusan ka toobad keenin uu
gaalo iyo munaafiqiin naarta kula darsayo, waxaana kamid ah:
MAGACA ALLAAH OO AAN XURMADUU MUDNAA LASIIN. Dhaarta laga
dhigtay qodob loo cuskado qofkii la'is qabto, eray lagusoo dhaweysto kii
taageero loo hayo laguna xumeeyo midkii laga horyimaado, eray manfaco
dhaqaale iyo mid siyaasadeed lagu raadiyo, arrimahaas oo dhani waxay
tusayaan dhaqan-xumo iyo xurmad darro magaca allaah loo isticmaalayo,
iyadoo qofka muslimka ah lagu yaqaan markuu magaca Alle maqlo inuu
dareemo qaddarin iyo xurmayn, Iimaan iyo cabsina kororsado.
WAA TILMAAN MUNAAFAQ: Tilmaamaha lagu garto munaafiqiinta
(uur-ka-gaallada) - oo ah dadka inay muslim yihiin sheegta, qalbigana
gaalada ka ah – waxaa ka mid ah dhaar badnida iyo magaca Allaah oo ay ku
dhaartaani inayan agtooda waxba ka ahayn. Taas oo ay sababtay iyaga oo
huba inaan warkooda sahal loo rumaysanayn, waxay sheegaanna laga hoos
qaadayn, ayay waxay garab ka dhigtaan dhaarta, run iyo been midkay ku
dhaartaanina waa u simanyihiin.
Dhaarta munaafiqiinta qur'aamku ka sheegay way noocyo badan tahay,
mar waxay ku dhaarteen inay mu'miniinta ka midyihiin, Allaahna wuxuu
sheegay inay beentood tahay (Al-Tawbah 56), Mar waxay ka dhaarteen ereyo
gaalnimo ah oo inay ku hadleen rasuulka sallalaahu caleyhi wassallam
loosoo gudbiyay (Al-Tawbah 74). Dhaarta munaafiqiintu waxay kasimantahay
dhammaanteed inay u marayaan inay dad ku raalli geliyaan, xuma ay
sameeyeenna ku inkiraan, magaca Allaha wax walba og ee ay ku
dhaaranayaan ayagoon meesha soo dhigan, ayay dad qancinti ku
mashquulsanyihiin, waajibkuna wuxuu ahaa marka hore inay Allaah raalli
geliyaan, oo ay beenta iyo khiyaanada iska dayaan (Al-Tawbah 62, 96),
tilaamahaasna waxaa la wadaaga dad badan oo dhaar-ujoog ah oo an maanta
arkayno iyagoo dhaaranaya ama la dhaarinayo intay kitaabka Qur'aanka
kariimka ah gacanta saaraan ama ku qabtaan , marar badanna gacanta bidix
–!!. Qof walabana cidduu la dhaqan yahay adduunka ayuu la hoy yahay
aakhiro.
DHAARTA BEENTA AH OO LAGU NAAR GALO.
Sababaha dhaar badnida keena waxaa ka mid ah beenta oo aad u faaftay,
qofna markuu qof rumaysan waayay, nin walba hadalkuu sheegana calaamad
su'aal la saaray, kalsoonidii dhimatay, ayaa ruux walba isku dayay inuu
hadalkiisa dhaar ku kabo, bal inuu qof rumaysta helo, beentii markay
nolosha ka mid noqotayna dhaartii lagu kabayayna sidoo kale ayay
noqotay, qofku inuu dhaarto iyo inuusan dhaaranna isku mid ayay noqdeen.
Beentu waxay ka mid tahay dambiyada ugu waaweyn ee naarta lagu galo,
rasuulkuna sallalaahu calayhi wasallam wuxuu tilmaamay qof mu'min ah
inuusan been sheegin, qur'aankuna waliid ibnu muqiira oo gaaladii
qureysheed kuwa ugu gaalsan ku jiray ku tilmaamay inuu yahay beenlow
xaqiran.
Haddaba ayada oo beentu sidaas u khatar badantahay ayaa haddii dhaar
lagu daro dembigu noqonayaa laba laab, rasuulkuna sallalaahu calayhi
wasallam wuxuu cadeeyey dembiyada ugu waaweyn ee lagu naar galo inay
yihiin Shirkiga, caasi waalidnimada, qof xaqdaro loo dilo iyo dhaarta
naarta tiimbisa. Dhaarta naarta moolkeeda gelisa ruuxa mara waa midda
beenta ah ee xil iyo xoolo midkood lagu raadinayo, waa midda badeecada
suuq gelisa barakadana ka baab'isa sida uu rasuulku sallalaahu calayhi
wasallam tilmaamay. Waa midda ay dad badani si dhiirran mar walba cod
heer ugu yiraahdaan "waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay", si'ay qof
ama beel ay markaas is hayaan culays ugu saaraan, waxayna dhab ahaan u
ogyihiin dhaartaasi inay tahay waxa kaliya ee tusinaya in la magacaabay,
Magaca Allaha weyni ma mudanyahay in halkaas la dhigo?, rabbigii
abuurtay dadka ka sariigan waayay ee magaciisa qaddarinta mudan been iyo
halagaa sheego ugu dhaartay?, anaga maxay noo hayaan?.
GUNAANAD.
Dadka aan tilmaamahooda soo sheegnay ee dhaartu sidaa ula
sahlantahay, wax ay u dhaarteen iyo waxay ka dhaarteena ayan u kala
soocnayn; waxaa inta badan ku kalifaya arintaas hami adduun iyo mid
aakhiro midna ma xambaarsana, rabi agtiisa dan kama laha, shacabka ay
dhex joogaanna sumcad kama rabaan, magaca Allaah waxaa kala weyn qadada
iyo qaadka ay markaas ka cadaysanayaan qofka ama ururka ay taageereen ee
ay dartood u dhaarteen, haddii dad rogmado iyo haddii dal baaba'o iyaga
waa isugu hal, mood iyo nool wax ay kanaxaana ma jraan, aragtidooduna
waxay ku koobantahay xoogaaga ay markaas dhalaashanayaan. Waa qoloduu
gabyaagu ka yiri:
Wax bogliyo wax beerliyo nimaan beeso dacas haysan
Oo boqol ka jecel wiilka curad biimona u jooga
Inuu dunida boob ugu tashaa waw bannaan tahaye !!.
Laakiin qofka muslimka ah ee xaga Allaah rajada ka qaba, umaddiisana
ka xishoonaya waxaa laga rabaa inuu dhaarta iska ilaaliyo magaca Allaah
xurmeeyo, sharciguna wuxuu na amrayaa inaan dhaarta iska ilaalino,
sidaas darteed ayaa Iamaamu Shaafici Allaha u naxariistee laga weriyay
inuu yiri: weligey magaca ilaahay kuma dhaaran, run iyo been toona.
Bal hadalkaas iyo waxa hadda taagan isku fiiri, si'aad u ogaato
qofkasta meesha magaca ALLAAH ka joogo.
W.Q. C/nuur F. Cali
email: cabdi2067@hotmail.com
ama Nur.ali99@Gmail.com
Faafin: Somalitalk.com | Dec 24, 2008
|