SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wargalin jaaliyadda Soomaaliyeed : Manchester City Football Club oo fursad xulasho ciyaartooy tayo leh siinaysa Soomaalida ku nool Yurub.

Manchester 22.12.2008 . Waxaa dhamaan jaaliyadaha Sport-iga Soomaalida ee ku nool dalalka Yurub lagu wargalinayaa in kooxda kubadda cagta ee Manchester City Football Club ay danaynayso inay fursad ay ku tijaabinayaan ama ku xulanayaan ciyaar tayo iyo mustaqbalba leh siinayaan caruurta Soomaaliyeed ee da'doodu ka yar tahay 13 sano jirka, tartan lagu qabanaayo magaalada Manchester 03.01.2009 maalinimo sabti ah garoonka Manchester Youth Academy oo ku yaal magaalada Manchester.
Tartankaan qiimaha u leh ubadka Soomaaliyeed ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay kooxda Whiteworth Park Sports Club iyo xiriiriyaha Soomaalida ee Manchester City Football Club Garsoore hore C/qaadir Caddaay.

Tartankaankaan kii ka horeeyay oo noocisa ah ee loo qabtey isla jaaliyada Soomaalida caruurtooda kuwa da'doodu ka hoosaysa 11 sano jirada ayaa ay kooxda Manchester City Football Club uu qaadatey 3 wiil Soomaaliyeed inay ka mid noqdaan caruurta lagu tababaro mustaqbalka Manchester City Youth Academy.

Ciyaarahan lagu tijaabinaayo da'yarta Soomaaliyeed waxaa ka soo qayb gali doono oo ilaa hada soo codsaday kooxo ka imaan doono magaalooyinka kala ah:

Bermingham, Bolton, Bury, Cardiff, Manchester, Liecester, London iyo Sweden.

Tartanka waxaa ka soo qayb gali doono qaar ka mid ah ciyaartooydii hore Soomaaliya, Maamuladii hore Sport-iga Soomaaliya ka shaqayn jirey, saxaafada Soomaalida, Television-ka Universal iyo Wargayka Kasmonewspeper oo ka soo baxa magaalada London iyo marti sharaf kale.

Dadka Soomaaliyeed waxaa mar labaad la ogaysiinayaa in weli furan tahay iska diiwan galinta tartanka, balse waxaa muhiim ah in la fahmo in ay wanaagsan tahay in koox walbo ay soo wadato caruur la qaadan karo oo u diyaarsan ama mustaqbal u leh ciyaarta kubadda cagta si fursadaan ay uga faaidaystaan cunugii ka faaidaysan kara, waayo dadka caruurta kor ka fiirsanaya isla markaana xulan doono waa dad aqoon wanaagsan u leh shaqadooda oo aan Soomaali ahayn, marka walaalayaal waxaa muhiim ah inaa ka fekerto caruurta aad rabto inay fursadaan ka faaidaystaan adigoo eegaya dhan walba marka isku day xataa inaa raadiso wiil Soomaaliyeed oo aan wiilkaada ahayn oo ka faaidaysan kara fursadaan.

Waxba ma soo kordhin doonto hadii aadan soo wadin wiil laacib (fanaan) ku ahayn kubada cagta ah isla markaana u diyaarsanayn in la tijaabiyo, madaama Manchester City qubarada ka socoto aysan ku qanci doonin, marka waa iga dardaaran oo aan kula dardarmaayo waalidiinta iyo macalimiinta caruurta inay ka fekeraan caruurta ay ka soo qayb galin doonaan tartankaan qiimaha leh, sababta aan sidaan u leeyahay waxaa weeye qubarada Manchester City ka socda waxay warbixin ka samayn doonaan caruurta Soomaaliyeed ee tartanka ka qayb galaysa iyo kuwa wanaagsan ay ka qaadan karaan.

Hadii aan loo soo diyaar garoobin isla markaana lala imaan wax gadmi kara oo mustaqbalka Soomaalida oo dhan suuq gayn u noqon kara waa foolxumo, marka dardaarankayga si fiican ha loo qaato, madaama aan joogay isla markaana aan ka shaqaynayay tartankii hore waxay ila tahay in aqlaaqda caruurta la keenaya xataa ay wanaagsan tahay, sababtoo ah waxaa ay fiirinayaan waxaa ka mid ah aqlaaqda wiilka ciyaaraya hadii uu laacib yahay laakinse aan xushmaynin ciyaartooyda la ciyaareysa iyo garsooraha waxba ma anfacayso.

Marka waa muhiim diyaargaroow adag loo soo gala isla markaana la soo xulaa ciyaaryahanada mustaqbalka leh si ay mustaqbal u helaan anagana magaceena Soomaaliyeed kor ugu qadaan.

Wixii ku saabsan barnaamijkaan waxaa kala soo xiriiri kartaan Mudane C/qaadir Caddaay telefoonka numberkiisu yahay 00447949149933 ama E-mailka garoonka@yahoo.com

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: Somalitalk.com | Dec 23, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS