Meydkii Dr Xuseen Xaaji Bood oo lagu aasay
Magaalada Muqdisho
Sawirada Halkan ka daawo..... Alaha U Naxariistee Marxuum Ex Dr.Xuseen Xaaji Bood oo galabta lagu Aasay
Qabuurha Janeraal Daa’uud ee degmadda Wardhiigleey Diyaarad qaas ah ayaa Meydka Dr Bood ka soo dejisay Garoonka Diyaaradaha ee
Magaalada Muqdisho iyadoo boqolaal dad ah meydka kaga hortageen Garoonka, kuwaas
oo ay kamid ahaayeen Culimaa’udiin can ah oo uu ka mid yahay Macalin Nuur,
Siyaasiiyin hore iyo xubnaha Labada Gole. Aaska marxuumka oo ahaa mid Heer Qaran ah ayaa waxaa ka qeyb galay Siyaasiyiin
uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali dhagaxTuur ,
Culumaa’u diin, waxgarad iyo Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid 16-ka degmo
ee Gobolka Banaadir, si ay aaskaasi uga qeyb qaataan. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Sida Cumar Finish, C/llaahi Axmed Afrax, Jen
Cabdi Qeybdiid, iyo xubno kale ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay aaska,
iyadoo Ismaaciil Macalin Muuse uu ahaa hogaamiyaha Guddiga Aaska. Marxuum Xuseen Xaaji Bood ayaa sidoo kale waxaa isla markiiba Janaasadda kadib
loo galbiyay Gurigiisii Aakhiro, iyadoo ay galbinaayeen Boqolaal ruux oo iskugu
soo baxay Aaska meydka, waxaana si xushmad leh loogu aasay Qabuuraha Qaranka ee
Jeneraal Daa’uud ee degmadda Wardhiigleey ee magaaladda Muqdisho. Marxuumka ayaa aaska kadib waxaa tacsi guud u diraaya dhamaan siyaasiyiinta,
Culumaa’udiinka iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, Qoyskiisa waxaana Ilaah
loogaga baryay in uu Janadii Fardowsa aheyd Ilaah ka waraabiyo Qoyskii iyo
Eheladii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan ka siiyo . inaa li laaah wa inaa ileyhi
raajicuun. Taariikh Nololeedka Marxuum Dr.Xuseen Xaaji Bood oo kooban INAA LILAAHI WA INAA
ILEYHI RAAJICUUN MA DHINTE WAA ILAAH TAARIIKH NOLOLEEDKII Dr XUSEEN XAAJI M BOOD (1933-2008) A) Caruurnimadiisii 1) Dr. Xuseen Xaaji M Bood oo saaka 4tii aroornimo ku geeriyooday Cisbitaalka
Aga Khaan ee Magaalada Nayroobi, dalkaa Kenya, wuxuu ku dhashay Magaalad Mareeg
ee Degmada Ceel Dheer, ee Goballada Dhexe Somalia. 2) Dr Bood wuxuu ka bartay Qu’aanka kariimka ah dugsigi allaha u naxariistee
Macallinm Abukar ee Mareeg, sannaddadi 1939-43 B) Waxbarashadiisi 3) Ka dibna wuxuu marxuumku usoo wareegay magaalada xamar oo markaas xarun u
ahayd Taliskii Gumeysiga, halkaas oo uu ka billaabay waxbarashadiisii
Hoose/Dhexeé sare . Halkaa wuxuu Ka galay wax barashada dadka waaweyn ( Adult
Education) oo uu ka gaaray heerka shahaaddada dugsiga sare 4) Makuu marxuumku gacanta ku dhigay Shahaaddada Dugsiga Hoose ee Wax Warashada
Dadka waaweyn wuxuu ku biiray Booliska Illaalada Dakhliga ( Guardia di
Finanaza), halkaas oo uu maallintina shaqeysan jiray, habeenkina wax baran
jiray. 5) Sannadki 1956 wuxuu marxuumku ka mid noqday xisbigii Liibaraalle ee Xaaji
buraako hoggamin jiray, halkaas oo muddo ka dib xisbigoodi waxbarasho ugu diray
isaga iyo koox kale oo uu ka mid ahaa xaaji xassanley Maxaad Joqof iyo 16 kale
dalka Itoobiya.
6) Bishii Sebtember 27di, 1958, Marxuumka waxaa loo qaaday dalka Itoobiya,
7) W Axyna Magaalada Muqdishu ka raaceen diyaarad ingiriss ah oo la dhihi jiray
Mijir Koos oo laga lahaa Magaalada Cadan ee dalkaa yemen. Waxay diyaarad kale ka
raaceen Magaalada cadan, taasoo geysay magaalad Addis Ababa ee Dalkaa Itoobiya. Waxay halkaa ka galeen dugsiga la yiraahdo Tefarre Tmirtu Beyt oo macnaheedu
yahay Hoyga Wax Barashada. 8) Sannadki 1960 waxaa dowladda itoobia diyaarad qaas ah soo siisay arddadii 18
ka ahaa ee dalkooda wax ku baranaayay si ay uga qaybgalaan dabball deggyada iyo
damaashaadka loo sameynayay gobannima dalka Sommaliaya oo ku beegneyd, 1dii
bisha Lulyo, 1960ki. Waxay ka soo qeyb galeen damaashaadyadki xurriyadda, iyagoo
la soo siiyay muddo laba bilood oo fasax ah. Marki fasaxi dhammaaday waxaa arddadi loo soo diray diyaar kale oo qaas ah, hase
ahaate Dr Bood waa uu ka haray diyaaraddi, wuxuuna u baqoolay dalka talyaaniga
oo uu wax barasho Jaamacadeed ka helay. 9) Dr. Bood wuxuu halkaas ka billaabay wax barashiidi wuxuuna galay Jaamacadda
Jaamacadda Roma sannadki 1960ki, isagoo baranay cilmiga siyaasadda. 10) Wuxuu soo dhameystay waxbarashadiisi Jaamacadda sannadkii 1964ti, wuxuuna
dalka soo noqday isla sanaadkii. C) Xilalki uu soo qabtay Marki uu Dr bood ka soo noqday wax barashadi dibedda ilaa burburkii Dowladdi
Somaaliyedd, Dr bood wuxuu xilal kale duwan ka soo qabtay wasaaradaha iyo
hayàdaha soo socda. Sano Xill a)1952-54 - Wuxuu ka ruqseystay Guardia finanzadi wuxuuna imtixaan u galay karaaniyaal loo
qaadanaayaya was. Gaadiidka, kaasoo uu ku guuleystay, kana shaqeynayayb ilaa uu
wax barasho dibedda uga aado. b)1965-67 -Ku xigeenka Agaasime, Was. Gaadiidka c)1967-68 -Regional Director, North Western,was. Gaadiidka d)1968-70 -g. Gaadiidka ee was gaadiidka e)1971-72 -D. G, W/Isgaarssinta iyo Gaadiidka f) 1972-73 -D. G, W/xanaanada Xoolaha, Daaqa iyo Hoeumarinta miyiga g) 1974-76 -D.G, w/Qorsheynta Qaranka h)1976-77 -D.G, w/dalxiiska i)1977-81 -D.G, w/Qorsheynta qaranka j)1981-86 -D.G Dan wadaagta Qaranka k)2002-2004
-Ku Xigeenka ra’iisul wassaaraha Xukuumadi TNG
D) Wax qabadkiisi ganacsi Sida la ogyahay Dr Bood wuxaa isagoo da`yar la geliyay howl gab, wuxuuna noqday
ganacsade xur ah. Dr Bood wuxuu mar danbe asxaabtiisi ku qarsaday inuu faaìida
ka badan mushaarki uu 18 sano dowladda ka qaadanaayay ka helay hal safar oo
ganacsi ah. -Wuxuu ku billaabay ganacsiga dhoofinta iyo soo dejinta( Export/import) -Wuxuu maareeye ka noqday warshaddii Saabuunta ee cad Ceed-1986-1988 - Wuxuu marreye ka noqday Shirkaddii TAI- 1986-90 - Wuxuu noqday guddoomiyaha Shirkadda LEETCO- 2006. E) Halgankiisi siyaasadeed Ka dib marki khal khal galay siyaasaddii dalkadr Bood wuxuu noqday nin
siyaasadda dalka indhaha ku haaya, taas oo uu la socday isbadellada siyaasadeed
ee Dowladdi Madaxweyne Siyaad Barre ee xakunka dalka markaa gacanta ku heysay.
Taa waxaa loo sababeyn karaa Dr Boo d oo taqasus gaar ah u lahaa culuunta
siyaasadda( Political Science) isla markaana ka dhiidhinayay arima badan oo
siyaasadeed oo xilligaa dalka kataagnaa. Dr. Bood waxa uu ahaa ninka kaliya ee ladhihi karo waxaa uu ahaa muwaadiniinta
soomaaliyeed waa ugu horeeyey taana waxaa laga dheehan karaa xilligii burburku
ku soo fool lahaa waddanka oo uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah sida; 1-BAYAANKII MAANA FAYSTO : - DR. Bood waxaa uu ahaa ninkii ugu cadcadaa odayaashii bayaankaas soo saaray oo
doonayay in shacabka soomaaliyeed looga badbaadiyo dagaal sokeeye iyo bur bur
qaran. - Dr. Bood waxaa uu ahaa ninkii ugu horeeyay oo madaxweynuhu u yeero asagoo
weydiinaaya arimaha kusaabsan bayaabkii Maana Faysto . Wuxuu Dr Bood madaxweyne
Siyaad barre la socod siiyaya in isaga oo Dr Boodka oo ka mid ahaa hoggaanka
sare ee Maanifeesto, waqtigaa oo aad looga cabsan Jiray Dowladdi Madaxweyne
Siyaad Barre. - Mudda yar ka dib, Geeridii naxdinta leheed ee Dr Iamaaciil Jimcaale Cosoble,
Dr Bood wuxuu la wareegay hoggaankii ururki USC iyo Maanifeest oo bur buriyeen
nidaamkii dalka ka jiray. F) Kacdoonkii Xamar - Muddadii lala dagaallamayay Xukunkii Madaxweyne Siiyaad barre, Dr Bood wuxuu
ahaa hoggaamiyihii Kacdoonka iyo Gudoomiyihii USC-da Xamar - Shirkii ururka USC Villa Somalia kula yeesheen dowladdii Madaxweyne Siyaad
barre, Dr Bood wuxuu ka qeyb galkii shirka shardi uga dhigay in dowladdii Siad
barre marka hore qirato in aan Mooryaan la dirireen ee Urur USC la yiraahdo
dagaalka kula jiraan G) Halgankiisi nabadda Muddadii uu guddomiyha ka ahaa dalladda Nabadeynta Somaliyeed, wuxuu Dr Bood
hoggaanka u qabtay halgankii nabadeynta Somaaliyeed, iyadoo dalladdiisana ay ka
mid ahaayeen Golaha Gurtida Somaaliyeed Golaha ururada siyaasadda Somaaliyeed - Aqoon yahanno Somaaliyeed Ururo Bulsho Ururo haweeneed Muqdisho-Soomaaliya Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin: Somalitalk.com | Dec 23, 2008
|