BAYAAN DHAN KA AH USTAAD ABDIWALI BASHIR DALBOON ADEER PLEASE IS CASIL
Adeer anaga oo ah aqoon yahanadii ka qayb galay qada sharaftii aad u samaysay
Wax garadka puntland rag iyo haween iyo waliba xubnaha gudiga gudoomiye ku
xigeenka Afhayeenka iyo xubnaha joogtadaa ee 14 kaa ka dib markii aan aragnay saan
saantaada Iyo waliba wadada aad nagu wado kulana badana aan kula yeelanay oo aad eeda iyo
dhaliisha Aan kuu jeedinay aad ku qanciweyday waxaan go,aansanay in aan qaylino oo cod
keena la Maqlo waxii ceebana adigaa qaadanaya waxaan jecel nahay in aan soo ban
dhigno
Khalaadka aad ka gashay dad ka aad magacooda ku hadasho adiga oo u afduuba dad
yowga kale cadaystayna in gacal kaaga iyo dad kla ku xigaa ay yihiin kuwa gaara
adiga oo diin ka Duulaya sida ku cad qoraaladaada marka hoos ayaan ku faah faahinaynaa qodabada
mudan In la sheego in aadan u qalmin magacn ugugaa ee Puntland ee jeebka ku ridatay
sii Cridet card Khaladaadka aad ka gashay Jaaliyadii kugu Hanweynayd
(1) Waxaad gaashaan ka ku dhufatay in aad ka qayb gashid shirkii gabdhaha
puntland Kaas oo aad ku tilmaantay in aysan kuu qalmin in aan dumar dhinac fariisato iyo
hadalo Aan munaasib ahayn in aan sheegno
(2) Waxaan ka xunahay in aad aadan waalidiintii ilmahooda waayey aadan u tagin
Si Buuxdana aad u cadaysay in ay khatar ku yihiin Mushtamaca gaar ahaan kuwa aad
Xaggooda u xaglisay
(3) Kama aadan qayb galin shirkii Nuuradiin Diiriye oo lagugu marti qaaday
sabaab la,aan
(4) Waxaad go,aan ku gaartay in aad badashid urur kii U.I.P IFTIINKA PUNTLAND
ee astaanta Quruxda badan la,haa ka dib markii ay rag kuu quuri waayey ay kugu qanciyeen in
aad u Badasho Somali Youth Program adiga oo og in lagaa diiday ayaad go,aanka
kaligaa gaartay Waxaadna halmaantay in aan marti qaadnay oo qadao sharaf u samaynay ilaa 45
iskugu JiraAqoonyahano Siyaasiyiin Haween balantii aan ka qaadnay oo ahayd in aan u
shaqaynayno Jaaliyada
(5) Nasiibdaro waxaad ku qanacday in aad suxufi noqoto magaaca badasho waxaa is
khilaafay Khudbadaadii laabla kaca ahayd iyo ficilkaaga weerarka ku ah dad kiisii
dareenkagii shalay Waxaa ka xoog batay saamaynta seef laboodyada aan u adeegayn danaha Umadda ee
dana gaara leh iyo halagaa sheego

SAWIR GUDIGA IYO USTAAD DABOON Hadaba anaga oo kula kulan nay telephone kugula hadalnay waxaan kugula
Talinaynaa In aad is casisho oo aad tanaasul samayso fadlan codsigaana ayaa wanaagu ku
jiraa Is casil oo fursadna sii dhalinta dadaal ka wada haddii aan wax sharaf dhaca kuu
gaysanay naga raali ahow adigaa codsigu kaa yimid in aan faah faahino khaladaad
kaaga oo aan soo qorno mana jeclin in aad jawaab ka bixiso aan ahayn waan is
casilay
Waxaa qoraal kaan isku soo dubariday Xubnaha Gudiga ururka U.I.P iyo Qaybo ka
mida Aqoon yahadii ka qayb galay caleema saarkii ururka Feb 17 2008
Gudiga ururka U.I.P IFTIINKA PUNTLAND
iftiinkapuntlan2007@gmail.com
JAWAABTI DALBOON EE IS CASILAADDA HOOS KA AKHRI.....
ANIGU TAGAYE YAA TALIN
Waxaan maqli jiray niman talin jirin haduu taliyo niman tagi jirin ayaa taga
Waxaan cadaynayaa in aan is casilay laakiin ma qaadan eedda waxaana jeclahay in
aan ka jawaabo ayada oo aysan ahay reaction
Waxaanse ka hor marin lahaa waa Dream Riyo wanaagsanayd oo aan wadadeedii Haynay
hase yeeshee in aan wax bur burino aad ayaan ugu dheeraynaa waxaana la oran
karaa intii aan hayey masuuliyadaan in aan wax badan qabanay oo ay maantay mira
dhal ahayd anaga oo shirar badan ka qayb galnay oo Caalamiya sugaynay Garaari
ambulanceyo ah gar gaar caafimaad aqoonsi iyo Waliba madax badan oo aan la kulan
sida Senotor Norman iyo Mr Keith oo aan gacanta ku dhagay Ciidii dhaweyd iskuna
dayey in aan ka dhaadhiciyo In ay jiraan dhalin wanaagsan oo dalkoodii wax u
qabanaya rabana Change ga Obama oo kale
Hase yeeshii Geela ayaa waxaa loogu hiisaa CAKOW DARBI CAGA WEYN DARKII LOO
DHIGO WAA ISKA DUMISAAYOO WAA KU DUR DURISAA!! Waxaa kaloo Muhiima ah in aan
sheego in khilaafkeenu uu ahaa mid markiiba bilowday ka dib markii aan kala
boodnay afhayeenkii hore Caynashe Ahmed Gayre oo is Casilay ka dib markii uu ka
biya diiday aragtida qaarkeed waxaanse rabaa in aan Aniga oo fursadaan ka
faaidaysanaya taas oo sharqantaytu ku yaraan doonto In aan u Hanbalyeeyo Mudane
CaynashE iyo raggii la mid ka ahaa oo Talooyin kooda lagu gacan sayray
Sidoo
kale waxaan u mahad celinayaa Dhammaan Dad kii nataageeray iyo gaar ahaan kuwii
ka soo qayb galay Qadasharftii aanu ku qabanay 17 Feb 2008 East Villige si
gooniya waxaan mahad balaaran hawada u Marinayaa Siyaasiyiintii iyo Aqoon
yahanadii goobtaas ka hadlay Talo iyo
Taageerana aan ka helnay waxayna kala yihiin
Sh Abdirashid oo qur,aan halkaas ka akhriyey
(2) Professor Mohamed Hassan
(3)Dr Warsame Mohamud Hassan Warsame dhere
(4) Sh Bile Sugule
(5) Engineer Nuradin Haji Elmi
(6) Mohamud Nur Wardere oo ka socday Xafiiska Senotor Norm Coleman
(7) Abdi Yusuf oo ka socday Dowladda Federalkaa
(8) Nabadoon Hussien Sheikh Ahmed Odayaasha dhanka ayuu ka socday
(9) Marwo Halima Farah Cadde Gabadhaha Puntland ayey ka socotay
(10) Marwo Hawo Jamaludin ka Gabadhaha Puntland ayey ka socotay
(11) Hassan Dhooye Gudoomiyaha Urur ka Qurba jooga Somalida
Waxaan kaloo u hanbalyeynayaa ka soo qayb galayaashii qada sharafta dhammaantood
iyo intii na taageertay waxaana ka xumaya in khilaafkaan
Dhaco waxaanse qaatay aniga oo intaas oo masuul qadarinaya in aan qaato
Talada walaaluhu soo jiidiyeen iyo Dad weynaha qaar kood
Waanse qaadacay War xuma tashiilka taladayduna waa midnimada umadda somaliyeed
waana tan
la igu tilmaamay in ay khalad tahay midnimadu waxaana aad iyo aad oga xumahay
In siyaasadu ay saamayn ku yeelatu culudama iyo masaajida taas oo dhibaato iyo
Khatar laga digo ay ku sugan tahay
waxaanse codsan lahaa in la difaaco Damiirka
Diinta iyo Culumada ayada oo loo marayo wado sharci ah oo waa faqsan Sharciga
Wadan kaan aan ku nool nahay oo mudan in la tix galiyo oo la dhowro sida ay
Culumadu noosheegeen waxaa kaloo meesha ku jira in Culumada la ixtiraamo lana
ogaado in ay yihiin dhaxalkii nabiga sws waxay ila tahay qof iimaan leh in uu
san ku fakareen in uu dilo ama xumaan la raadsho Nabi Mohamud sws waayo boos
kiisa waxaa jooga maantay waa Culumada hadu culumo la waayo diintii waa la
waayey intaas ka dib
Mar labaad waan is casilay
Jawaabta aan Ka bixinayo
(1) Waa war xuma tashiil iyo been abuurasho shirkii gabdhaha Puntland La guma
casumin urur keena mana aanan ogayn waxaanse cadaynayaa In aniga iyo gabdhaha
puntland aan wax dhiba naga dhaxayn waana u hanbalyeynayaa waxaana leeyahay howl
teena ka wanaagsan ayaad haysaan
(2) Shirkii Mudane Nuradin waan ka qayb galnay Gudoomiye ku Xigeenka ayaa Nooga
qayb galay waana u hanbalyeynay waana taageersan nahay
(3) Waaridiinta ilmahu ka maqan yihiin in aan la kulmo howl dheer ayaan u maray
Mase dhicin waana ka xumahay dhibka la soo darsay
(4) Anigu hadii aan madax u ahaa anigaa badalay magaca ururka ka dib markii la
Fahmi waayey macnaha U.I.P wada tashina waan ka sameeyey waxaanse hubaa in aan
badalaadiisa sameeyey ayada oo aan la isku raacin Somali in wax lala qaybsadana
ma ahan khalad waxaanse islahaa dhalinta somaliyeed ayaad hormood u noqon
doontaan nin kiise hanyaraa oo ku qancay Mandaqad hada ayuu wakhti fiican
haystaa hadaba xaqiiqadu hadii ay saas tahay soo kuuma muuqato ANIGU TAGAYE YAA
TALIN DOONA

Dec 31, 2007:
Minneapolis: Shirkii dhalin yarada Gobalada Waqooyi Bari
Qoraaladii hore ee URURKA:
Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
cdalboon@hotmail.com
Faafin: Somalitalk.com | Dec 22, 2008
|