SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Canaan Iyo Waano Ku Socota Dadkeena Sharafta Leh ee Soomaali-Galbeed (Ogadeniya)!!
 
War miyaad iloowdeen in Gobollada Soomaaliyeed ee Itobiya xoreyntoodi 1976-78 cid kasta oo Soomaaliyeed, qabiil kasta iyo qoys kasta min Lowyo Caddo tan iyo Buula Xaawo  min Burco tan iyo Muqdisho ummadda Soomaaliyeed ee degta ay u daadiyeen dhiigoodi qaaliga ahaa ee waliba udgoonka ahaa?     Sidee baad maanta u oran kartaan Tigreyga yaa dadkan dalkayaga soo dejinaya?     Ma Tigree oo raali ka ah yaad idinku sidii Amxaarki maanta Soomaali diid noqoteen?     Yaase idinka idin ka xigay Jamhuuriyadu shalay markay dhisnayd wax ala wax ay wanaag iyo macaanba lahayd.   Dawladan hadda ka jirta Somaliya, hadii aad wax la qaybsan lahayd, ma cid ku diidaysa ayaa jirto oo sanka kaa qabsanaysa.
 
Waxaa aad iyo aad fool xumo idinku ah inaad meel Soomaali oo dhan ay degto sanado farabadan isku hawsheen in magaciina qabiil ee Ogaadeen loogu yeero.     Haddaba qabiiladii Soomaaliyeed ee kale waxay leeyihiin war anagu magacan Ogaden wax naga khuseeya iyo wax shaqa ah oo aanu ku leenahay ma ay jirto.     Waa xaq, oo adigu miyaad ogolaan lahayd in laguugu yeero magac qabiil kale?   Midda kale Ogaaden magaca ah miyuusan magac ka weyn oo Soomaali ah hoos iman.    Maad hirgalisaan oo ad ku dadaashaan hirgalinta magacan weyn ee Soomaaliga ah ee maanta qolfoofka ah ee qashinka iyo bulaacada dhex dabaalanaya.    Magacii Soomaaliga ahaa ee aad u dhalateenyaaban maanta goyn koob shaah ah, marka Ogadeen muxuu goynaya?
 
Inta aad maalin walba ku khasaaraynayso hadal hayn magaca qabiilkaaga, hadaad nabi amaan iyo wardi u jeesan lahayd waa la hubaa inaad karaamo awgeed siraadan lahayd mugdiga soo gala Goboladiina oo aadan nalba u baahan lahay.
 
Midda kale, Ogaadeenku waa niman dhinac uga dhaw Majeerteenka,  oo waxay is yiraahdeen (War goŽanahayne ee hadeynu sidii Majeerteenka nidhaahno inta madax madow iyo Ogaadeen baa siman Ilaahay baa inoo caroon oo waynu dabar goŽi sidoodi,  walee qofi naga soo hari maayo ee maxaynu alifnaa inagu?  Bal arrinta aynu tiro ka dhigno oo tiro aad loo naaxiyay ha la sheegto)  Marka inay yidhaahdaan inta madax madaw iyo Ogaadeen baa siman waa ay ka baydheen, oo waxa ay sheegteen inay yihiin dad gaadhaya sideed Malyan!   Hadda Soomaalo dhan baa ah sideed malyan,  marka Soomaalo dhani ma wada Ogaadeen baa?

Dhamaan magacyadii foosha xumaa ee aad la bixi jirtay waa kuwa maanta kuu horseeday inay Soomaalidu ku dhibsato, sababtoo ah magac kasta oo aad isku magacawdaan waxaad raacisaan magaca qabiilkiina ee Ogadeniya mitaal, JWXO (Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya) iyo ONLF (Ogaden National Liberation Fornt), marka goormaad joojinaysa dhaqan xumadan aad ku sifawday ee ah magacan aad isdaba wado sidii ilmo yar oo la koolkoolinayo, mase ogtahay in magac qabiil aanu meel ku gaadhsiinayn inuu god kugu sii rido mooye? Malaha maba ogid taas!
 
Sida aad ku socotaan waxaad waayi doontaan kuwa dad idinku dhow.   Waxaadna ku kalifi doontaan dhamaan qabiilada kala duwan ee Soomaaliyeed ee Itobiya daga iney iska kiin gaashaan buureystaan oo geed la idinku xiro.
Arrintaasna arrin ay ummada Soomaaliyeed faaido ugu jirto ma ay aha oo kala tafaraaruqiina waxay dan u tahay oo kaliyah cadowgiina oo ay Oromadu ka kow tahay.
 
Waxaa arrin aad iyo aad loola yaabo ah qof walba oo Soomaaliyeed waxa jira magac qabiil uu ka dhashay, laakin dadku lamana wayna magaca qabiilkooda, weyna ka foofeen oo wa ay ka shaqo tageen.   Sababtoo ah dadku waxay ogsoon yihiin wad-wadista magacooda qabiil ineysan wax ka faa,ideynin.   Laakin magac qabiil oo hadii maanta la sarifo aan koob shaaha goynayn qofka meel walba wad wada waa qof waalan ama waali soo wata.
 
Bal Ilaahay amarkiis maad wad-wadid magaca weyn ee sharafta leh ee Soomaaliga ah ee dadku u wada dhashay ee aad adiguba u dhalatay inta aad ku habsaantay magacan Ogaadeen ee aan melna gaadhsiisnayn.    Sababto ah midka in maanta loo hiiliyo u baahan waa magac-weynihii guud ee aynu u wada dhalanay ee Soomaaliga ahaa oo maanta xaaxaabaya heerka ugu hooseeya ee dunida. 

Waxaad wali ku jirtaan heerkii Majeerteenku ku jiri jiray sanadihii kontanaadki iyo lixdanaadkii oo ay ka heli jireen magacii la oran jiray Majeerteniya oo waata aad idinkuna hawl ka dhigateen Ogaadeeniya.  Waliba marka idinka iyo Majeerteen la fiiriyo waa uu yar yahay cidda  Majeerteen la wehelisa Goboladodaas.   Adigase Soomaali oo dhan yaa Gobolladi dagan oo aad ka mid tahay.  Wax aan waxba ku tarayn ee aad wax waliba ku waayeyso waa laga waantooba ee laguma ordo.
 
Shalay waxaa jiray kuwo ka mid ahaa madaxdii sare ee dawladii burburtay ee Maxamed Siyaad, ninkaasi maamulka xumaa kula jirtay heshiis xaaraan ah.   Heshiiskaasi wuxuu ahaa inuusan hal qof oo ka mid ah qabiilada kale ee aad la dagto gobolladaas inuusan soo dhawaysan,  xitaa hadey yihiin kuwa aad dad idinku isugu xigtaan ee Absamaha aad isla tihiin ee sida Jidwaaq, Weyteen, Baalacadda iyo xitaa Galimeyska adeerkiin ah.   Arrintaasina arrin loo bahna ma aysan ahan.  Xitaa waxaa jirtay inaad ugaarsan jirteen mid midka feer iyo fara laab ku soo baxa.  
 
Maxamed Cumar Jees & Maxamed Cumar Cusmaan
 
Maxamed Cumar Jees wuxuu ka mid ahaa dhawrkii qof ee ugu qiimaha badnaa madaxdii ku jiri jiray maamulkii dawladii Siyaad Barre.  Wuxuu ahaa nin odaytinimo iyo garasho dheeraad ah sheegtay. Waa nin sheegtay dawladnimo hadey qaayo iyo qiimaba leedahay. Intuusan xanuun awgiis u geeriyoon Maxamed Cumar Jees wuxuu ahaa wasiirka warfaafinta.
 
Maxamed Cumar Cusmaan wuxuu ka mid yahay inta Soomaalida ugu cadcad ee nadiifta ka ah waxyaalaha qudhunka ah,  ninkaasi wuxuu kaloo iska ilaaliyay wax ala waxa eed iyo xag xagasho ay leedahay siyaasada Soomaaliyeed.   Waa nin ay Soomaalinimadiisu aad u wayn tahay.    Muddadii dheereed ee uu taliyaha ciidamada badda ahaa, wuxuu Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ciidankaasi ku maamulayay hufnaan, cadaalad, qabyaalad la,aan iyo maamul toosan.   Maantana sida uu wax u maamulayo, taariikhda qori doonta.
 
Ogaadeen waxaa kaloo ka dhashay abwaaniintii Soomaaliyeed sida Qamaan Bulxan, Raage Ugaas iyo kuwa kale oo qiimo iyo qaayaba leh. Ogaadeen waxaa kaloo ka dhashay Halgamaagi xoriyada iyo qaranimada ummada Soomaaliyeed Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.   Sayidku wuxuu ahaa ninkii boqol sano ka hor Soomali oo dhan oo huruda ninkii hurdada intuu ka kacay ee u halgamay inuu ummadda Soomaaliyeed min qorax ka soo bax tan iyo qorax u dhac ka kiciyo wax ala wixii isticmaar ahaa mid madaw iyo mid cadba.  Sayidku wuxuu ahaa ninkii la dagaalamay dawladii aduunka ugu waawaynaa ee Talyani iyo Ingiriis.

Waano Iyo Talo.
 
Waxaan anigu kugula talin lahaa cid wax ka helaysa ama ay faaido ugu jirto adiga dhibaatada iyo xumaadtadada ma ay jirto.  Ummadda Soomaaliyeed waxaa wax u ah adiga wanaagaaga, sharaftaada iyo quruxdaada.    Laakin dhibaatadu waxay tahay cadaw kaleba ma aad lihid oo cadawga ugu wayn ee aad leedahay waa adiga qof ahaantaa. Anugu waxaan kugula talinayaa:-
 
 
1. Bal waxaad is waydiisa adigu Somali iyo Ogaden midka aad tahay.  Sababtoo ah waxaa la hubaa inaad ilowsan tahay inaad adigu tahay Soomaali oo qabiilkan aad dabada haysato yaabad mooda inuu yahay jinsiyad ka baxsan Soomaaliga oo magacani inuu qabiil Soomaaliyeedba yahay ma aad moodid.
 
2. Kor (grow up) oo waa inaad ka waynaato boombaladan aad ku ciyaariyso ee ah magaca qabiilkaaga oo hadaad maanta sarifto aan kuu gooynayn bakeeri biya ah.  Ingiriskii dunidan oo dhan soo xukumay oo marka dhinac walba dunidan loo dhaqaaqo isagu khaanada koowaad ku jira oo afkiisu noqday afkii dunida ayaanba magaciisa wad-wadin oo uu isaga xareeyay matfaxyada iyo makaatiibta.   Bal adigaagan is caashaqay magacan aad la suuxsantahay maad miisantid qiiradiisu inta ay tahay.
 
3.Iska dhaaf anaaniyadan ee meel ummad dhan aad la wadaagto sheegashadeeda.    Baro waxa la dhaho dulqaadka iyo wanaag aaminka.   Ciidamadan aad ku hayso Jubooyinka, soo dareeri oo kusoo jihee cadawga aad la dagaalamayso, sababtoo ah Jubooyinka Soomaala dagan, ma dad Soomaaliyeed baad la dagaalami?
 
4. Inta wax si uun ka noqonayaan wax la qabso kuwa maanta Itoobiya maamulaya oo horey u mari Gobollada aad degto oo wax qaybsada dhamaantiin kuwa maanta talada haya oo iyaguba aad iyo aad ugu hawlan horumarinta Gobollkooda Tigrey.
 
5. Yeelo tayo hogaamin aad wax ku hogaamin karto.   Kuwa adiga dhexdaada ah ee ku qasaya ee qayru-masuulka ahna iska qabo oo dhinac isaga leexi.   Kuwaasi waa kuwa maanta dan kasta ku seejiyay kana masuul ah meesha xun ee aad maanta xooran tahay.
 
6 Wax la hormariyo waxa ugu fiican magacaad u dhalatay ee Somali. Maanta isagaa hiil kaaga baahan ee isaga horumari una hiili, kana hadh wad-wadista magaca qabiilkaaga.
Midda kale is waydii cida aad u halagamayso ee aad qoriga u sidato, sababtoo ah TV-yada caalamka waxaanu ka aragnaa dhalinyaro timo weyn aad moodid oo leh cadaw baanu xoraynaynaa.   Hogaamiye wanaagsana yeelo, mid kuu jihaynaya cadaabna iska ilaali oo is waydaari.
 
7. Waxaan kaloo kugula talinaya anugu, jooji anaaniyadan faraha badan leh, jooji xisbiyadan qawmiyadaha kale ah ee aad la wadaagayso magaca Itobiya, oo bal is waydii Itobiyaan iyo Soomali midka aad tahay.
Waxaad kaloo ka digtoonaata, sheegashada dhul aanad lahayn ee lagula wadaago, midda kale, waxaad tahay qabiil ka mid ah qabiilada is-maamulka Soomaali Galbeed, qabiiladii kula degenaa meesha ma cabanayaan oo jabhado hubaysan malaha, bal adigan kadeedan maad is daba qabatid oo naftaadan aad kadeeday maad jihayaysid.  Markaan ku leeyahay naftaada jihee waxaan ula jeeda gacani wada jir ayeey wax ku goysaa ee bal midooba, ileen waxaynu ognahay in maanta aad tahay laba jabhadood oo lakala yidhaah ONLF & JWXO, anugu waxaan kugula talinaya meel isku raac oo meel uga soo wada jeetsa cadawgiina.
 
8. Taarikhdu markay ahayd 22/5/2006, wadanka Holland waxaa lagaga dhawaaqay Isbahaysi la magac baxay Alliance for Freedom and Democracy. Isbahaysigaas waxaa ka mid ahaa Jabhada ONLF,  isbahaysigaasi wuxuu ka koobna qabiilo iyo quruumo kala gadisan oo mid kastaaba wuxuu horumarinayay deegaankooda iyo dhulkooda, aduguna heshiiski aad la gashay waxaad mooday inay dan kuu tahay, laakin runtu waxay tahay heshiiskaasi wuxuu ahaa in midnimada Itobiya la ilaaliyo, laakin adugu bilaash ayaad u daba nuhnuh lahayd dadkaas qalaad,  waxaan kugula talinaya ka feejignaw dabinada noocaas ah ee laguu dhigayo ee lagugu sirayo, ka feejignaw
 
9. Waxaad barataa dadaalka iyo shaqadu iney yihiin waxa aad wax walba ku heli kartid oo aad heer kasta ku gaari karto.   Dhaqamadii hore ee ninkii Xayle iyo Maxamed Siyaad waxay ahaayeen kuwo ku haleynayay oo waa dhaqamadaasi siloon oo aad moodi jirtay inay dan kuu yihiin.   Midda kale, waxaa jirta in dad Soomaaliyeed oo Ogedeen ahi ay xabsiyada Itobiya ku jiraan oo lacag madax furasho ah lagu soo dayn karo oo kaliyah, oo badankoodu ay xabsiyada ku dhex geeriyoodaan, iyo boqolaalka reer miiga ah ee xoolahooda lagu dhaco Dhagaxbuur iyo Qabri-Dahare, maanta dadkaas ayaa kaaga baahan gargaar,  dhalinyaradan jabhadaynaya ee cumaamada iyo khamiiska ku ganbanaya waa inaad iska qabato iyagana. 
 
10. Dhamaan qawmiyadaha Itobiyanka ahi waxay isku raacsanyihiin in Ogaadeenku yahay cadawgooda koowaad, isla markaana waxay kaloo diidan yihiin inaad ka mid noqoto qawmiyad ka tirsan Itobiya, marka is waydii haddi aad Itobiyaan ka mid noqoto faa,idada aad ka helayso, mitaal hadii aad yeelanayso xuquuda uu leeyahay shakhsiga Itobiyanka ahi way wacan tahay, laakin haddi aanad gobolkaaga soo dhaafayn oo halkaa lagugu ilaaliyo sidii daanyeer lasoo qabtay, anugu ma garanayo ilaa iyo maanta meesha lagaa haysto ee aad ka nuuxsan la,dahay.
Intaad noqon lahayd Amxaar uray oo aad xuquuda uu helayo qofka Amxaarka ahi aad hesho,  waxaa kaaga wanaagsan adoo midooba oo iskadaaya takoorka aad takoorayso dadka kula deegaanka ah ee aan Ogaadeenka ahayn, waxaa kuu dhibyar inaad iska xorayso cadawga ku gumaysanaya ee Amxaarka afka qadhmuun ah.   
 

Anigu magaranayo wax kale oo aan ku oran lahaa. Laakin adiga ayey ku jirtaa hadaad dhaliishaada iyo wixii waano ah aad qaadanayso.   Anigu waxan qabaa inaan kuu hiiliyay, hadaan kuu tilmaamay dhibaatadaada waxa ay tahay, wanaagaagu meesha uu ku jiro iyo waxa kula gudboon.   Xigmad afka Ingiriisiga ah ayaa tiraah: Faras waad geyn kartaa webi, laakin isaga ayey jirta inuu biyaha cabo iyo inkale (You may take a horse to the river, but it is up to the horse to drink the water).  Adlee waaye!!   Marka adiga ayey ku jirtaa hadaad qaadanayso waanadan iyo haddi kale.  Anigu waajibkaygi Soomaalinimo iyo wada dhalashadeeni waan gutay oo waxa aan doonayo waa inaad kasoo fogaato qarkan aad mudaba ka laalaaday ee aad isku ilowday. 
 
Waana inaad jaheyso naftaadan aad kadeeday. Calaacalka faraha badana daa! Midda kale wax ala wax aad raadinayso Soomaalinimada ayaad ku helaysaa oo taas ayaad ku liibaanaysa ee iyada dabada qabso wixii maanta laga bilaabo.   Hadi laa doonayo in aasaas fiican oo adag loo sameeyo Soomaalinimada iyo dawladnimada Soomaaliyeed ee mustaqbalka waxaa mar walba haboon maanta wixii ka danbeeya inaan qof Soomaaliyeed il qaloocan cidina ku fiirin adiga walaa cid kaler toona.  Waxaa marka adiga kuu haboon inad ka tanaasusho dhaqamadan qaloocan ee ay cid walba kugu nacayso.
 
 
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 22, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS