Canaan Iyo Waano Ku Socota Dadkeena Sharafta Leh ee Soomaali-Galbeed
(Ogadeniya)!!
War miyaad iloowdeen in Gobollada Soomaaliyeed ee Itobiya xoreyntoodi
1976-78 cid kasta oo Soomaaliyeed, qabiil kasta iyo qoys kasta min Lowyo
Caddo tan iyo Buula Xaawo min Burco tan iyo Muqdisho ummadda
Soomaaliyeed ee degta ay u daadiyeen dhiigoodi qaaliga ahaa ee waliba
udgoonka ahaa? Sidee baad maanta u oran kartaan Tigreyga yaa dadkan
dalkayaga soo dejinaya? Ma Tigree oo raali ka ah yaad idinku sidii
Amxaarki maanta Soomaali diid noqoteen? Yaase idinka idin ka xigay
Jamhuuriyadu shalay markay dhisnayd wax ala wax ay wanaag iyo macaanba
lahayd. Dawladan hadda ka jirta Somaliya, hadii aad wax la qaybsan
lahayd, ma cid ku diidaysa ayaa jirto oo sanka kaa qabsanaysa.
Waxaa aad iyo aad fool xumo idinku ah inaad meel Soomaali oo dhan ay
degto sanado farabadan isku hawsheen in magaciina qabiil ee Ogaadeen
loogu yeero. Haddaba qabiiladii Soomaaliyeed ee kale waxay leeyihiin
war anagu magacan Ogaden wax naga khuseeya iyo wax shaqa ah oo aanu ku
leenahay ma ay jirto. Waa xaq, oo adigu miyaad ogolaan lahayd in
laguugu yeero magac qabiil kale? Midda kale Ogaaden magaca ah miyuusan
magac ka weyn oo Soomaali ah hoos iman. Maad hirgalisaan oo ad ku
dadaashaan hirgalinta magacan weyn ee Soomaaliga ah ee maanta qolfoofka
ah ee qashinka iyo bulaacada dhex dabaalanaya. Magacii Soomaaliga
ahaa ee aad u dhalateenyaaban maanta goyn koob shaah ah, marka Ogadeen
muxuu goynaya?
Inta aad maalin walba ku khasaaraynayso hadal hayn magaca qabiilkaaga,
hadaad nabi amaan iyo wardi u jeesan lahayd waa la hubaa inaad karaamo
awgeed siraadan lahayd mugdiga soo gala Goboladiina oo aadan nalba u
baahan lahay.
Midda kale, Ogaadeenku waa niman dhinac uga dhaw Majeerteenka, oo waxay
is yiraahdeen (War go徨nahayne ee hadeynu sidii Majeerteenka nidhaahno
inta madax madow iyo Ogaadeen baa siman Ilaahay baa inoo caroon oo waynu
dabar go惺 sidoodi, walee qofi naga soo hari maayo ee maxaynu alifnaa
inagu? Bal arrinta aynu tiro ka dhigno oo tiro aad loo naaxiyay ha la
sheegto) Marka inay yidhaahdaan inta madax madaw iyo Ogaadeen baa siman
waa ay ka baydheen, oo waxa ay sheegteen inay yihiin dad gaadhaya sideed
Malyan! Hadda Soomaalo dhan baa ah sideed malyan, marka Soomaalo
dhani ma wada Ogaadeen baa?
Dhamaan magacyadii foosha xumaa ee aad la bixi jirtay waa kuwa maanta
kuu horseeday inay Soomaalidu ku dhibsato, sababtoo ah magac kasta oo
aad isku magacawdaan waxaad raacisaan magaca qabiilkiina ee Ogadeniya
mitaal, JWXO (Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya) iyo ONLF (Ogaden
National Liberation Fornt), marka goormaad joojinaysa dhaqan xumadan aad
ku sifawday ee ah magacan aad isdaba wado sidii ilmo yar oo la
koolkoolinayo, mase ogtahay in magac qabiil aanu meel ku gaadhsiinayn
inuu god kugu sii rido mooye? Malaha maba ogid taas!
Sida aad ku socotaan waxaad waayi doontaan kuwa dad idinku dhow.
Waxaadna ku kalifi doontaan dhamaan qabiilada kala duwan ee Soomaaliyeed
ee Itobiya daga iney iska kiin gaashaan buureystaan oo geed la idinku
xiro.
Arrintaasna arrin ay ummada Soomaaliyeed faaido ugu jirto ma ay aha oo
kala tafaraaruqiina waxay dan u tahay oo kaliyah cadowgiina oo ay
Oromadu ka kow tahay.
Waxaa arrin aad iyo aad loola yaabo ah qof walba oo Soomaaliyeed waxa
jira magac qabiil uu ka dhashay, laakin dadku lamana wayna magaca
qabiilkooda, weyna ka foofeen oo wa ay ka shaqo tageen. Sababtoo ah
dadku waxay ogsoon yihiin wad-wadista magacooda qabiil ineysan wax ka
faa,ideynin. Laakin magac qabiil oo hadii maanta la sarifo aan koob
shaaha goynayn qofka meel walba wad wada waa qof waalan ama waali soo
wata.
Bal Ilaahay amarkiis maad wad-wadid magaca weyn ee sharafta leh ee
Soomaaliga ah ee dadku u wada dhashay ee aad adiguba u dhalatay inta aad
ku habsaantay magacan Ogaadeen ee aan melna gaadhsiisnayn. Sababto ah
midka in maanta loo hiiliyo u baahan waa magac-weynihii guud ee aynu u
wada dhalanay ee Soomaaliga ahaa oo maanta xaaxaabaya heerka ugu
hooseeya ee dunida.
Waxaad wali ku jirtaan heerkii Majeerteenku ku jiri jiray sanadihii
kontanaadki iyo lixdanaadkii oo ay ka heli jireen magacii la oran jiray
Majeerteniya oo waata aad idinkuna hawl ka dhigateen Ogaadeeniya.
Waliba marka idinka iyo Majeerteen la fiiriyo waa uu yar yahay cidda
Majeerteen la wehelisa Goboladodaas. Adigase Soomaali oo dhan yaa
Gobolladi dagan oo aad ka mid tahay. Wax aan waxba ku tarayn ee aad wax
waliba ku waayeyso waa laga waantooba ee laguma ordo.
Shalay waxaa jiray kuwo ka mid ahaa madaxdii sare ee dawladii burburtay
ee Maxamed Siyaad, ninkaasi maamulka xumaa kula jirtay heshiis xaaraan
ah. Heshiiskaasi wuxuu ahaa inuusan hal qof oo ka mid ah qabiilada
kale ee aad la dagto gobolladaas inuusan soo dhawaysan, xitaa hadey
yihiin kuwa aad dad idinku isugu xigtaan ee Absamaha aad isla tihiin ee
sida Jidwaaq, Weyteen, Baalacadda iyo xitaa Galimeyska adeerkiin ah.
Arrintaasina arrin loo bahna ma aysan ahan. Xitaa waxaa jirtay inaad
ugaarsan jirteen mid midka feer iyo fara laab ku soo baxa.
Maxamed Cumar Jees & Maxamed Cumar Cusmaan
Maxamed Cumar Jees wuxuu ka mid ahaa dhawrkii qof ee ugu qiimaha badnaa
madaxdii ku jiri jiray maamulkii dawladii Siyaad Barre. Wuxuu ahaa nin
odaytinimo iyo garasho dheeraad ah sheegtay. Waa nin sheegtay dawladnimo
hadey qaayo iyo qiimaba leedahay. Intuusan xanuun awgiis u geeriyoon
Maxamed Cumar Jees wuxuu ahaa wasiirka warfaafinta.
Maxamed Cumar Cusmaan wuxuu ka mid yahay inta Soomaalida ugu cadcad ee
nadiifta ka ah waxyaalaha qudhunka ah, ninkaasi wuxuu kaloo iska
ilaaliyay wax ala waxa eed iyo xag xagasho ay leedahay siyaasada
Soomaaliyeed. Waa nin ay Soomaalinimadiisu aad u wayn tahay.
Muddadii dheereed ee uu taliyaha ciidamada badda ahaa, wuxuu Admiral
Maxamed Cumar Cusmaan ciidankaasi ku maamulayay hufnaan, cadaalad,
qabyaalad la,aan iyo maamul toosan. Maantana sida uu wax u maamulayo,
taariikhda qori doonta.
Ogaadeen waxaa kaloo ka dhashay abwaaniintii Soomaaliyeed sida Qamaan
Bulxan, Raage Ugaas iyo kuwa kale oo qiimo iyo qaayaba leh. Ogaadeen
waxaa kaloo ka dhashay Halgamaagi xoriyada iyo qaranimada ummada
Soomaaliyeed Sayid Maxamed Cabdalle Xasan. Sayidku wuxuu ahaa ninkii
boqol sano ka hor Soomali oo dhan oo huruda ninkii hurdada intuu ka
kacay ee u halgamay inuu ummadda Soomaaliyeed min qorax ka soo bax tan
iyo qorax u dhac ka kiciyo wax ala wixii isticmaar ahaa mid madaw iyo
mid cadba. Sayidku wuxuu ahaa ninkii la dagaalamay dawladii aduunka ugu
waawaynaa ee Talyani iyo Ingiriis.
Waano Iyo Talo.
Waxaan anigu kugula talin lahaa cid wax ka helaysa ama ay faaido ugu
jirto adiga dhibaatada iyo xumaadtadada ma ay jirto. Ummadda
Soomaaliyeed waxaa wax u ah adiga wanaagaaga, sharaftaada iyo
quruxdaada. Laakin dhibaatadu waxay tahay cadaw kaleba ma aad lihid
oo cadawga ugu wayn ee aad leedahay waa adiga qof ahaantaa. Anugu waxaan
kugula talinayaa:-
1. Bal waxaad is waydiisa adigu Somali iyo Ogaden midka aad tahay.
Sababtoo ah waxaa la hubaa inaad ilowsan tahay inaad adigu tahay
Soomaali oo qabiilkan aad dabada haysato yaabad mooda inuu yahay
jinsiyad ka baxsan Soomaaliga oo magacani inuu qabiil Soomaaliyeedba
yahay ma aad moodid.
2. Kor (grow up) oo waa inaad ka waynaato boombaladan aad ku ciyaariyso
ee ah magaca qabiilkaaga oo hadaad maanta sarifto aan kuu gooynayn
bakeeri biya ah. Ingiriskii dunidan oo dhan soo xukumay oo marka dhinac
walba dunidan loo dhaqaaqo isagu khaanada koowaad ku jira oo afkiisu
noqday afkii dunida ayaanba magaciisa wad-wadin oo uu isaga xareeyay
matfaxyada iyo makaatiibta. Bal adigaagan is caashaqay magacan aad la
suuxsantahay maad miisantid qiiradiisu inta ay tahay.
3.Iska dhaaf anaaniyadan ee meel ummad dhan aad la wadaagto
sheegashadeeda. Baro waxa la dhaho dulqaadka iyo wanaag aaminka.
Ciidamadan aad ku hayso Jubooyinka, soo dareeri oo kusoo jihee cadawga
aad la dagaalamayso, sababtoo ah Jubooyinka Soomaala dagan, ma dad
Soomaaliyeed baad la dagaalami?
4. Inta wax si uun ka noqonayaan wax la qabso kuwa maanta Itoobiya
maamulaya oo horey u mari Gobollada aad degto oo wax qaybsada
dhamaantiin kuwa maanta talada haya oo iyaguba aad iyo aad ugu hawlan
horumarinta Gobollkooda Tigrey.
5. Yeelo tayo hogaamin aad wax ku hogaamin karto. Kuwa adiga dhexdaada
ah ee ku qasaya ee qayru-masuulka ahna iska qabo oo dhinac isaga
leexi. Kuwaasi waa kuwa maanta dan kasta ku seejiyay kana masuul ah
meesha xun ee aad maanta xooran tahay.
6 Wax la hormariyo waxa ugu fiican magacaad u dhalatay ee Somali. Maanta
isagaa hiil kaaga baahan ee isaga horumari una hiili, kana hadh
wad-wadista magaca qabiilkaaga.
Midda kale is waydii cida aad u halagamayso ee aad qoriga u sidato,
sababtoo ah TV-yada caalamka waxaanu ka aragnaa dhalinyaro timo weyn aad
moodid oo leh cadaw baanu xoraynaynaa. Hogaamiye wanaagsana yeelo, mid
kuu jihaynaya cadaabna iska ilaali oo is waydaari.
7. Waxaan kaloo kugula talinaya anugu, jooji anaaniyadan faraha badan
leh, jooji xisbiyadan qawmiyadaha kale ah ee aad la wadaagayso magaca
Itobiya, oo bal is waydii Itobiyaan iyo Soomali midka aad tahay.
Waxaad kaloo ka digtoonaata, sheegashada dhul aanad lahayn ee lagula
wadaago, midda kale, waxaad tahay qabiil ka mid ah qabiilada is-maamulka
Soomaali Galbeed, qabiiladii kula degenaa meesha ma cabanayaan oo
jabhado hubaysan malaha, bal adigan kadeedan maad is daba qabatid oo
naftaadan aad kadeeday maad jihayaysid. Markaan ku leeyahay naftaada
jihee waxaan ula jeeda gacani wada jir ayeey wax ku goysaa ee bal
midooba, ileen waxaynu ognahay in maanta aad tahay laba jabhadood oo
lakala yidhaah ONLF & JWXO, anugu waxaan kugula talinaya meel isku raac
oo meel uga soo wada jeetsa cadawgiina.
8. Taarikhdu markay ahayd 22/5/2006, wadanka Holland waxaa lagaga
dhawaaqay Isbahaysi la magac baxay Alliance for Freedom and Democracy.
Isbahaysigaas waxaa ka mid ahaa Jabhada ONLF, isbahaysigaasi wuxuu ka
koobna qabiilo iyo quruumo kala gadisan oo mid kastaaba wuxuu
horumarinayay deegaankooda iyo dhulkooda, aduguna heshiiski aad la
gashay waxaad mooday inay dan kuu tahay, laakin runtu waxay tahay
heshiiskaasi wuxuu ahaa in midnimada Itobiya la ilaaliyo, laakin adugu
bilaash ayaad u daba nuhnuh lahayd dadkaas qalaad, waxaan kugula
talinaya ka feejignaw dabinada noocaas ah ee laguu dhigayo ee lagugu
sirayo, ka feejignaw
9. Waxaad barataa dadaalka iyo shaqadu iney yihiin waxa aad wax walba ku
heli kartid oo aad heer kasta ku gaari karto. Dhaqamadii hore ee
ninkii Xayle iyo Maxamed Siyaad waxay ahaayeen kuwo ku haleynayay oo waa
dhaqamadaasi siloon oo aad moodi jirtay inay dan kuu yihiin. Midda
kale, waxaa jirta in dad Soomaaliyeed oo Ogedeen ahi ay xabsiyada
Itobiya ku jiraan oo lacag madax furasho ah lagu soo dayn karo oo
kaliyah, oo badankoodu ay xabsiyada ku dhex geeriyoodaan, iyo boqolaalka
reer miiga ah ee xoolahooda lagu dhaco Dhagaxbuur iyo Qabri-Dahare,
maanta dadkaas ayaa kaaga baahan gargaar, dhalinyaradan jabhadaynaya ee
cumaamada iyo khamiiska ku ganbanaya waa inaad iska qabato iyagana.
10. Dhamaan qawmiyadaha Itobiyanka ahi waxay isku raacsanyihiin in
Ogaadeenku yahay cadawgooda koowaad, isla markaana waxay kaloo diidan
yihiin inaad ka mid noqoto qawmiyad ka tirsan Itobiya, marka is waydii
haddi aad Itobiyaan ka mid noqoto faa,idada aad ka helayso, mitaal hadii
aad yeelanayso xuquuda uu leeyahay shakhsiga Itobiyanka ahi way wacan
tahay, laakin haddi aanad gobolkaaga soo dhaafayn oo halkaa lagugu
ilaaliyo sidii daanyeer lasoo qabtay, anugu ma garanayo ilaa iyo maanta
meesha lagaa haysto ee aad ka nuuxsan la,dahay.
Intaad noqon lahayd Amxaar uray oo aad xuquuda uu helayo qofka Amxaarka
ahi aad hesho, waxaa kaaga wanaagsan adoo midooba oo iskadaaya takoorka
aad takoorayso dadka kula deegaanka ah ee aan Ogaadeenka ahayn, waxaa
kuu dhibyar inaad iska xorayso cadawga ku gumaysanaya ee Amxaarka afka
qadhmuun ah.
Anigu magaranayo wax kale oo aan ku oran lahaa. Laakin adiga ayey ku
jirtaa hadaad dhaliishaada iyo wixii waano ah aad qaadanayso. Anigu
waxan qabaa inaan kuu hiiliyay, hadaan kuu tilmaamay dhibaatadaada waxa
ay tahay, wanaagaagu meesha uu ku jiro iyo waxa kula gudboon. Xigmad
afka Ingiriisiga ah ayaa tiraah: Faras waad geyn kartaa webi, laakin
isaga ayey jirta inuu biyaha cabo iyo inkale (You may take a horse to
the river, but it is up to the horse to drink the water). Adlee
waaye!! Marka adiga ayey ku jirtaa hadaad qaadanayso waanadan iyo
haddi kale. Anigu waajibkaygi Soomaalinimo iyo wada dhalashadeeni waan
gutay oo waxa aan doonayo waa inaad kasoo fogaato qarkan aad mudaba ka
laalaaday ee aad isku ilowday.
Waana inaad jaheyso naftaadan aad kadeeday. Calaacalka faraha badana
daa! Midda kale wax ala wax aad raadinayso Soomaalinimada ayaad ku
helaysaa oo taas ayaad ku liibaanaysa ee iyada dabada qabso wixii maanta
laga bilaabo. Hadi laa doonayo in aasaas fiican oo adag loo sameeyo
Soomaalinimada iyo dawladnimada Soomaaliyeed ee mustaqbalka waxaa mar
walba haboon maanta wixii ka danbeeya inaan qof Soomaaliyeed il qaloocan
cidina ku fiirin adiga walaa cid kaler toona. Waxaa marka adiga kuu
haboon inad ka tanaasusho dhaqamadan qaloocan ee ay cid walba kugu
nacayso.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com