SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faallo:- Rajo-xumada shirka jabuuti!.

     By: Daahir Faarax Afdheere.
 

Inkasta oo wax walba oo mira dhala ay markoodi hore ku yimaadeen ISKU-DAY, Ayaa hadana waxaa jira dad fara badan oo aaminsan in shirka jabuuti uu halis u yahay halganka mideysan ee xoogagga muqaawimadu kula jiraan cadawga ku soo duulay.

Guud ahaan markaad fiiriso, Fikradaha la qabo shirka jabuuti waa mid ay dadweynuhu ku kala qeybsan yihiin. Dad fara badan ayaa qaba in haatan ay beesha caalamku ay usoo jeesatay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada durugtay ee soomaaliya, Sidaas awgeed uu shirka jabuuti yahay fursad dahabi oo kama dambays ah oo lagu dhid-bi karo dawlad midnimo qaran.

Halka ay dad kale oo fara badana ay shirka jabuuti  u arkaan inuu horseedi karo dhibaato hor leh oo aan horey u jirin. Maxaa wacay isla markiiba waxaa ku kala qaybsamay isbahaysigii dibu-xoreynta, waxaana ay taasi keentay in shirka ay dad badan u arkaan in lagu fulinayo danaha cadawga, isla markaana lagu kala furfurayo muqaawimada gudaha. Waxaana dakaasi  aaminsan yahiin in shirka uu yahay mid ay dawlada cadawga ah ee maraykanku ku fushanayso danaheeda guracan.

Dhinaca kale ayaa la oran karaa shirka jabuuti  waa mid ku ku yimid qasab iyo cadaadis ay dawlada maraykanku ku saartay, kadib markii labada sheekh ee ugu wayn isbahaysiga dibu-xoreynta ay midna ku tilmaameen xag-jir, midna qunyar-socod, taasoo  ah khiyaanada iyo munaafaqada ay dawladda mareykanku ku kale qaybinayso  dadyoowga muslimka ah, waxaana tallaabadaan kala sooca ah ay tahay mid ay ku quusan karaan dad badan oo rajo ka lahaa shirka jabuuti.

Waxaa iyana rajo-xumada ugu weyn ay tahay:- Qodabada lagu hishiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo ciidamo isku-dhaf ah oo ka kala amar qaato Sheekh shariif iyo dawlad ku sheegta, Hadaba ururka Al-shabaab iyo iyo muqaawimada kale ee gudaha haddii  ay guud ahaan qaadaceen,

Waa yaabe! Ciidamada isku-dhafka ah xageey ka dagaalamayaan? Yaase ay la dagaalamayaan? Soow in dib loogu noqdo ma,aha dagaal hor leh.

In-kastoo ay cadahay in shirka jabuuti aanu wax mira ah dhalin ayaa hadana waxaa jira caqabaddo fara badan oo hortaagan oo ay adagtahay sidii looga gudbi lahaa, kuwaasoo aan ka xusi karo qodobo mihiim ah:-

1): Isbahaysiga dibu-xoreynta garabka Sheekh Xasan Daahir oo iyagu diiday, kana soo qaaday wax aan jirin.

2): Ururka Al-shabaab oo ah ururka ugu weyn dalka isla markaana gacanta ku hayo guud ahaan dalka, marka laga reebo gobo yar oo fara kutiris ah oo iyaguna qaadacay , kuna tilmaamay hishiis xaaraan ah oo lala galay Gaallo, iyo Dabadhilifyadeed.

 

3): waxaa sidoo kale shirka ka soo horjeeda oo diidan culimo fara badan oo xeeldheerayaal ku ah diinta , kuwaasoo ka digay kuna tilmaamay xaaraan.

4): Dawlad ku sheegtii ay heshiiska la galeen oo iyadana is diidan oo laba garab u kala jabtay iyadana waa caqabad jirta.

Dhamaan arimahaas aan kor ku xusay iyo kuwo kale oo badan waa caqabaddo jiro oo keeni kara rajo xumo.

Si kastaba ha ahaatee shirka jabuuti ayaa la oran karaa waxuu sii lumiyay kalsooni iyo taageero badan oo dadweynaha ah, Kadib markii 19 desember ee la soo gudbay  ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay in ciidamada xabashidu ku baxaan, kaasoo ahaa qodobka ugu mihiimsan ee lagu hishiiyay.

Dad fara badan oo anigu mid ahay oo  dhex-dhexaad ahaa ayaa fekerka ay shirka jabuuti ka qabaan markii hore ku soo koobay hal-heyska ah:- “ROONAA RABAA OG”  hase yeeshee dadkaasi waxay haatan noqdeen kuwo quus ah oo rajadoodu ku soo uruurtey “Riyo maalmeed dhalanteed ah”.

Isku soo wada duuboo marka aad fiiriso qaabka ay wax u socdaan iyo caqabadaha hor yaalo iyo waliba qodabaddii hordhaca ahaa oo aanay wali waxba ka  hir gelin ayaa waxaa la oran karaa shirka jabuuti waxba kama duwana shirarkii isdaba joogga ahaa ee ay soomaalidu horey ugu bixiyeen magaca ah “SHIMBIRAYAHOOW HEESA”.

Hase yeeshee rajada kaliya ee dad badan u han-qaltaagayaan oo niyadda ku dhistaan ayaa ah beesha caalamka oo la sheegay inay u heelan tahay shirka jabuuti ee bal aynu dhawrno sida ay oga mira dhaliso iyo dib waxay ka noqoto.
 

Daahir Faarax Afdheere.

Email: gulan1969@yahoo.co.uk

 

Faafin: Somalitalk.com | Dec 22, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS