Cadaawadda Caalamka
Dadka dunida joogow maxaad nagu dileysaan?
Ma diinteenna Islaam baad nagu dileysaan?
Ma dalkeenna barwaaqaad nagu dileysaan?
Ma deegaanka Istaraatiiji baad nagu dileysaan?
Ma dadkeenna firfircoon baad nagu dileysaan?
Waa dood furane dunidu maxay nagu dileysaan?
Dadka ka
sokow, libaax ilaa bisad, gorgor ilaa tuke waxay isku raacsan yihiin in soo
gaarto loo cuno kalluunka oo qolo cafisa ama ka caagan ma jirto. Kalluunku oo ah
noole tabar yar oo aan lahayn xeelad difaac iyo iskaashi toona waa hilib noolaha
kale nafaqo ka helo. Dhibaatada kalluunka haysata waxaa la mid ah tan haysata
Somaalida maanta. Waxaa la fahmi-waayey sababta caalamku uga aamusan yahay guud
ahaanba mushkiladda ka aloosan Somaaliya, gaar ahaan xasuuqa Koofurta ka socda
iyo burcad badeedda ka qowleysata badaha ku meersan Somaaliya. Waxaa muuqata
inuu jiro qorshe qarsoodi ah oo dulucdiisu tahay Somaaliya waa Muslim madow, waa
looma-ooyaan takooran ee halayska cuno oo hilibkeeda hala kala dafo sida
kalluunka.
Xeebaha Somaaliya waxaa si rigli ah u jooga maraakiib ciidan oo ay leeyihiin
waddamada: Mareykan, Ruush, Faransiis, Holland, Kanada, Isbeyn, Hindiya iyo kuwo
kale. Haddana iyadoo baxaarida maraakiibta saaran ay arkayaan ayaa hortooda
waxaa ka dhacaya waxyaabo naxdin leh oo ay ka mid yihiin: tahriibeyaasha
badda-cas lagu daadiyo, sunta lagu aaso badaha Somaaliya, kalluunka sida
sharcidarrada ah loo jillaabto, maraakiibta la afduubo iyo kuwo kaloo kasii
daran ooy ka mid tahay jallaafo iyo shirqool joogto ah oo kooxaha Somaalida
laysaga horkeeno. Sababta caalamku uga aamusan yahay arrimahaas ee wax looga
qaban waayey mushkiladaha murugsan ee Somaaliya ka oogan waxay u muuqataa
caalamku inuu go’aansadey dhibaatada Somaaliya in cirka lagu sii shareero oo
xaaladda la gaarsiiyo in Somaaliya laga ciribtiro: dhirta, xoolaha, kalluunka
iyo dadkaba dabadeedna la go’aamiyo Somaaliya in laga tirtiro maabka adduunka oo
loo aqoonsado dhul aan cidina lahayn “no man’s land” ugu dambeystana layska
qeybsado. Shalay shan waaxood ayaa loo kala qoqobay, maantana waxaa la
qorsheeyey in la tirtiro.
Sirta uurka ku qarsan marmar bey afka kasoo fakataa. Shirqoollada qorsheysan ee
Somaaliya loo maleegay, beryahaan waxbaa kasoo ifbaxaya. Guddi uu madax ka yahay
Dr Tekede Alemu oo Meles Zenawi u xilsaaray arrimaha Somaaliya, waxay ku
taliyeen marka hore Somaaliya in loo qeybiyo Koofur & Woqooyi kadibna Koofur
loo sii qeybiyo shan maxmiyadood oo kala ah: Puntland, Midland, Banadirland,
Bayland & Jubbaland. Madaxweynihii horee Kenya Moi isagoo Washington jooga
19/09/2003 wuxuu yiri “Somaaliya oo qaran awood leh noqota waxay halis ku tahay
waddamada deriska la ah” Qareen Donald Kipkorir oo u dhuun-daloola danaha Kenya
ka leedahay Somaaliya dhowr jeer wargeyska “Daily Nation” ee kasoo baxa Nairobi
wuxuu ku qoray riyada madaxda Kenya, wuxuuna ku taliyey Somaaliya in laba loo
qeybiyo oo la kala raaciyo Kenya & Itoobiya. Sayid Maxamed wuxuu yiri “Yamyam
iyo Qadaad-weyn miyaa maanta i daandansadey oo loo maaro-waayey” Amxaar hamiyey
iyo addoon riyooday oo Ameerikaan garab siiyey ibtilada ay nala maagan yihiin,
Alle ayaa naga kaafin “Xasbunallaah wa-nicma-wakiil” Tu kaloo ka daran baa
jirtee taana bal aan sheego!
Golaha Ammaanka QM wuxuu soo saaray go’aanka tirsigiisu yahay 1725 ee
06/12/2006, qodobka 4aad waxaa lagu qeexay dowladaha xuduudda la leh Somaaliya
ciidamo ka socda inaan la geyn Somaaliya “States that border Somalia would not
deploy troops to Somalia” Si loo fuliyo go’aankaas Kofi Anan Xoghayihii Guud ee
hore wuxuu yiri waa lagama maarmaan dowladaha deriska la ah inay debedda ka
joogaan arrintan “It is essential that neighbouring governments stay out of
this” QM waa laba wejile la mid ah seef laba afle ah, sababtoo ah isla go’aanka
1725 qodobka 3aad waxaa lagu qeexay IGAD inay hubeyso Kooxda Mbagathi oo waxaa
lagu xusay erayadaan “Decides to authorize IGAD and Member States of the African
Union to establish a protection and training mission in Somalia”
Ninkii xoog leh ayaa xaajo u toostaa waa nidaam maanta dunida ka hirgalay.
Kibirku wuxuu keenaa xooggu inuu ka sarreeyo xeerarka lagu dhaqmo. Mr Salim Lone
oo ahaan jirey afhayeenka ergada QM ee Ciraaq wuxuu hoosta ka xariiqay
Maraykanka iyo Xabashidu inay si cad u jebiyeen Axdiga QM “US & Ethiopia
violates clearly the UN Charter” 20/11/1960 ayaa calanka Jamhuuriyadda Somaaliya
laga taagey xarunta QM oo la diiwaangeliyey inay xubin rasmi ah ka tahay QM. 46
sano kadib ayaa QM ogolaatay Xabashidu inay gumeysato Somaaliya oo sharciyan ka
mid ah waddamada loo aqoonsan yahay qaran xor ah.
Markale Golaha Ammaanka QM wuxuu soo saaray go’aanka tirsigiisu yahay 1772
ee 20/08/2007. Maraykanka oo agaasima arrimaha QM ayaa qalqaaliyey go’aankan oo
lagu xalaaleeyey faragelinta iyo xasuuqii Xabashidu ka wadey Somaaliya.
Wargeyska “The Washington Post” 28/08/07 wuxuu qoray QM waxay sharciyeysay
Xabashida oo Mareykan taageerayo inay qabsato Somaalia “UN legitimizes US-backed
Ethiopian occupation of Somalia” Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan
sheego!
Madow iyo Caddaan adduunku Somaaliya waa takooray waxaa muuqata in lagu
heshiiyey shacabka Somaaliyeed in si naxariisdaran loo ciqaabo. Hay’adda HRW
waxay soo bandhigtay: Mareykanka, Kenya & Xabashidu inay Geeska Afrika ka fureen
xabsi si gaar ah loogu ciqaabo Somaalida kasoo la mid ah kan Muslimiinta lagu
ciqaabo ee ku yaal Jasiirada Kuuba. Hay’adda HRW warbixinteeda waxay kusoo
afjartay in ka badan 200 saraakisha sirdoonka FIB & CIA ayaa deggan hoteelka
Sheraton Adis Ababa oo baaris iyo wax weydiin ku haya maxaabiis laga soo
qabqabtay Somaaliya, kuwaasoo aan lahayn qareen difaaca waxay ku jiraan
xabsiyada Xabashida. “Human Rights Watch documented how USA, Kenya and Ethiopia
had turned the region into Africa’s own version of Guantanamo Bay, replete with
kidnappings, extraordinary renditions, secret prisons and large numbers of
disappeared -- More than 200 FBI and CIA agents have set up camp in the Sheraton
Hotel in Addis Ababa and have been interrogating of detainees picked up in
Somalia and held without charge and without attorneys in a secret prisons in
Ethiopia” Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Haddii laysaga dhexbaxo Somaaliya iyo Xabashida, hubaal Somaaliya ayaa adag
balse markasta Xabashida waxaa u soo hiilliya Kirishtaanka oo waxaa u soo
gurmadey: qarnigii 16aad ciidan Bortaqiis ah oo “Christofa da Gama” watey, 1978
ciidankii WARSO, maantana Mareykan. Sida QM u xalaaleysay faragelintii milateri,
Midowga Afrika isna si cad ayuu u taageeray duullaankii Xabashidu ku qabsatay
Somaaliya oo afhayeenka AU wuxuu yiri Xabashidu xaq bey u leedahay inay difaacdo
qarankeeda wuxuuna bogaadiyey oo Xabashida ku gacansiiyey gulufkii milateri. “A
spokesman for the African Union said Ethiopia has every right to defend its
sovereignty and supported Ethiopian military actions in Somalia” Tu kaloo ka
daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo Koofurta Somaaliya la burburiyey, ugu
dambeystii Mareykanku wuxuu qirtay in ciidamadiisu ka qeyb qaateen dagaalka
sharcidarrada ah ee Somaaliya lagu qabsaday iyo weliba xasuuqii Xamar ka dhacay
oo ah dembi dagaal. “Washington admits role in illegal war: US troops took part
in invasion of Somalia. Massacre in Mogadishu—war crime made in the USA”
Wargeyska Ameerikan Madow leeyihiin tirsigii 14/08/07 wuxuu qoray Mareykanku
wuxuu doorbidayaa dhibbaneyasha Somaalidu inay dhintaan iyagoo aamusan “The
Journal of African American, Washington prefers the victim die in silence” Tu
kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Koofur Afrika waayihii midabtakoorka, godadka laga qodo dheemmanka hadduu
shaqaale madow ku dumo, si loo samatabixiyo looma gurman jirin ee godka dushisa
ayaa qabri ahaan loo calaameyn jirey. Sidaas oo kale ayaa Somaaliya ka dhacday.
Xasuuqii Xabashidu geysatey waxaa ugu xanuun badnaa kii dhacay 8-9/11/07 “160
qof dhimasho, 250 qof dhaawac iyo kumanyaal barakacay” Halkii adduunweynaha laga
filayey gurmad aadaminimo, 10/11/07 Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon oo malaha
ku wiirsaday darxumada Somaalida wuxuu yiri “gargaar iyo ciidan nabad ilaalin
iska daaye xataa looma diri karo guddi soo qiimeeya xaaladda bini-aadminimo ee
Somaaliya ka taagan” Hay’adda “Human Right Watch” agaasimaha laanta Afrika Mr
Peter Takirambude ayaa u jawaabay Ban Ki-Moon wuxuuna yiri “masiibada Somaaliya
ku habsatey hadday ka dhici lahayd Lubnaan waa loo gurman lahaa, waxase muuqata
nafta dadka madow in aysan qiime lahayn oo aan loo naxeyn Somaaliya” Mr. Ken
Roth oo ah agaasimaha guud ee hay’adda “Human Rights Watch” warbixin dheer oo
Somaaliya laga diyaariyey 14/08/07 wuxuu ku qeexay, shacabka Xamar oo ku hoos
jira qaraxa madaafiicda “Somalia: civilians under shell-shocked and siege in
Mogadishu” Barlamaanka Yurub EU shirkii Lisbon, 16/11/07 waxay soo jeediyeen
baaritaan gundheer in lagu sameeyo xadgudubyadii Somaaliya ka dhacay. Tu kaloo
ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Ergeyga QM Axmedu Weled Cabdalle “Muritaniya” oo ah Muslim madow wuxuu aad uga
damqaday darxumada Somaaliya ku habsatey, dabadeed dhowr jeer wuxuu ku baaqay
shaqsiyaadka dembiyada halista ah ka galay Somaaliya in la ciqaabo oo maxkamad
lasoo taago. Murti baa leh “dibiga Doollo dhegihiisu waxsan bey maqlaan, laakiin
indhahiisu ma arkaan.” Sida dibiga Doollo waan maqalnay laakiin ficil la taaban
karo weli lama hayo. Aqalka Cad ee maanta adduunka looga taliyo xallinta
mushkiladda Somaaliya wuxuu u xilsaaray Jendayi Frazer oo ah habar
“Rastafarian” isla markaana aaminsan Shaydaan Xayle Sallaase inuu yahay
nabi-madow. Jendayi oo malaha ku jirta riyo maalmeed iyo rejo meehanaw, had iyo
jeer waxay ku andacootaa 2009 Somaaliya in laga qaban doono doorasho xor ah.
Yaabka yaabkiisu waa yaxaas carrab yeeshay, tuulo kasta dagaal baa ka socda oo
dab baa ka holcaya ee xageebaa doorashada laga qabanayaa? Ayaandarro Somaaliya
waxay gacanta u gashay Ameerikaan ku waashay Muslim la dirir iyo Xabashi
injirley aad u neceb sinjiga Somaalida. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal
aan sheego!
Gaalo kibirtey ayaa maanta adduunka ka amar-ku-taagleysa. Caddaalad iyo xaqsoor
qarniyaal ka hor ayaa la tirtiray, xataa damqasho aadaminimo adduunka kama
jirto, gaar ahaan Muslimiintu waa xaq-laaweyaal xoolaha ka qiime liita. 1982
Yuhuud reer Galbeedku garab taagan yahay waxay si naxariisdaran u xasuuqdey
qaxootigii Falastiin ee ku jirey xeryaha Lubnaan “Sabra & Shatila” wax ka
qabasho iska-daaye xataa lama cambaareyn gumaadkii dhacay. Hoggaamiyaasha
adduunku 03/06/1992 waxay ku shireen “Rio de Jinero” oo ah caasimadda Brazil,
ajendaha laga hadlay ee muhiimadda gaarka ah la siiyey wuxuu ahaa badbaadinta
deegaanka iyo duurjoogta. Maalmihii shirku socdey Koofurta Somaaliya, dhulkii ku
caanbaxay xagasha geerida “The triangle of death” Kismaayo-Baardheere-Baydhabo,
maalin walba cudur, gaajo iyo xabbad waxaa ugu dhiman jirey 500 oo qof.
Murugadaas xanuunka leh ee Somaaliya ka taagneyd madashii shirka “Rio de
Jinero” xataa laguma soo hadal qaadin. 1994 xasuuqii ka dhacay Rwanda aad baa
loo buunbuuniyey, shaqsiyaadkii fuliyeyna waxaa la horgeeyey maxkamadda
dembiyada dagaalka oo lagu ciqaabay. Dalka Burma oo haysta quraafaadka Buudha
shaqaaqooyin ka dhacay waxaa ku dhintay 10 qof, dhowr boqolna waa la xiray,
mashaqadii Burma ka aloosantay muhiimad gaar ah ayaa la siiyey oo Golaha
Ammaanka QM waxay ka doodeen in cunaqabateyn lagu soo rogo dowladda Burma,
kadibna xallinta xiisaddaas waxaa loo xilsaaray Ibraahim Gambari oo ka mid ah
ku-xigeennada Xogahayaha Guud. Mareykanka iyo Yurubta Galbeed oo markii horeba
gacantooda ku abuuray dhibaatooyinka caalamka ka aloosan waxay ku dadaaleen ilaa
xad inay xalliyaan qaar ka mid ah. Balse masiibada Falastiin iyo mushkiladda
Somaaliya iyo qeybsanaanta Kaashmeer waa looga sii daray, waxayna eersadeen oo
loo aaneeyey diintooda. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Doorashadii dalka Kenya ee la musuqay qarax weyn baa ka dhashay, malax muddo
huursanayd ayaa mar qura sida Folkaanaha u qaraxday. Dagaalladii daafaha Kenya
ka dhacay hal maalin waxaa ku nafwaayey boqol kun oo rayad ah, tiro lagu
qiyaasay hal malyanna waa barakaceen. Adduunweynuhu si hagar la’aan ah ayuu ugu
soo gurmadey, reer Galbeed & Mareykan waxay ku hanjabeen in laga ciqaabi doono
shaqsiyaadkii ka dambeeyey xasaradda Kenya ka aloosan. Xoghayaha arrimaha
debedda “Condolezza Rice & Kofi Anan” Xoghayihii horee QM ayaa degdeg Nairobi
ku tegey. Dhexdhexaadin dhowr bilood Kofi Anan wadey waxaa la taabbageliyey
dib-u-heshiisiin ku salaysan awood qeybsi. Taas beddelkeeda Xabashida waxaa
loogu hambalyeeyey xasuuqii ay ka geysatey Somaaliya, sababtoo ah Somaalidu waa
Muslim takooran oo haba-yaraatee aan wax qiime ah lahayn, waa looma-ooyaan aan
xaq u lahayn inay nabadgelyo ku noolaato, iyadoo diinteeda haysata. Xarfaha QM
oo u taagan Qaramada Midoobay, nuxur ahaan marka la fasiro waxay u taagan yihiin
Qaa’imada Midoobay waana godka laga qaniino Muslimiinta lagana maleego
shirqoollada lagu burburiyo waddamada dunida 3aad. Maanta adduunyadu waxay halis
ugu jirtaa in QM burburto sidii “League of Nations” oo kale, dunidana dagaal
3aad ka qarxo, taasoo ka iimaaneysa daneysiga reer Galbeedka iyo kibirka
Mareykanka. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Dumintii Gidaarka Baarlin oo astaan u ahayd dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee
lagu burburiyey WARSO isla markaana lagu furfuray Midowgii Sofiyeetika, waxaa
lumay dheellitirkii awoodaha aduunka. Ayaandarro waxaa is beddel ku dhacay
nidaamkii iyo xeerarkii dunidu hore ugu dhaqmi jirtey sida Axdiga QM, awooddii
adduunkuna waxay ku uruurtay Washington oo si kibir ku dheehan yahay ka
amar-ku-taagleysay dacallada dunida. Mareykanka oo bixiya inta badan kharashka
ku baxa QM, qaantaas wuxuu u isticmalay QM inay noqoto waax ka tirsan
hay’adihiisa hawl fulinta. Eraybixinta ‘nidaamka dunida cusub’ “The new world
order” ugu horreyn Somaaliya ayaa lagu tijaabiyey oo dabayaaqadii 1992 loo soo
diray 30,000 oo ah baxaarida Mareykanka, dabadeed waxaa qarxay dagaalkii 1993
dhexmaray UNOSOM & SNA ee laga allifey filimka “Black hawd down”
Jiidistii meydka Rangers kadib UNOSOM waxay u guurtay Baydhabo si loo sii
ambaqaado wixii loogu waqlalay ‘nidaamka dunida Cusub’ halkaasoo markale
MFCaydiid uga daba-tegey oo dalka eryey. Mareykanka oo lebbisan shaarka QM wuxuu
hindisay qaab cusub o xiliyeysan oo si joogto ah Somaaliya loogu dhibaateeyo. QM
xiriirkii tooska ahaa ee ay la lahayd Somaaliya waxaa loo wareejiyey Nairobi.
Hay’adaha samafalka oo dhanna waxaa la hoos geeyey QM oo laga sii dhex-abuuray
waax qaabilsan arrimaha nabadgelyada hay’adaha ka hawlgala Somaaliya, waxaana
madax looga dhigay sarkaal Mareykanka ah oo ka qeybgalay dagaalkii dhexmarey
UNOSOM & SNA. Xafiiska Nabadgelyada ee Mareykanku dejiyey Nairobi wuxuu ku
tallaabsaday Somaalida diidan santaagga Mareykanka in cunaqabateyn lagu soo
rogo, kuwa dhegaha nugulna sandareerto la siiyo. Hay’adaha Samafalka oo ka
shidaal qaadanaya cadowtooyada Mareykanku ku canaqabateeyey Somaaliya, waxay
abuureen NGOs waddani ah oo loo xilsaaray inay sawirro argagax leh kasoo qaadaan
dadka tabaaleysan si deeq-bixiyaasha looga helo dhaqaale. Kaalmada caalamku ugu
deeqo Somaaliya 90% waxaa ku raaxeysta saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ee
deggan hoteellada Nairobi, shacabka Somaaliyana waxaa loo qoondeeyey 10% oo ah
kharash lagu bixiyo seddax magac oo kala ah: joojinta gudniinka Fircooniga iyo
wacyigelinta ka hortagga cudur Shaydaanka Gaaladu abuurtay jeermigiisa HIV/AIDS
iyo tirokoobka barakaceyaasha gudaha “Stop FGM practice & Aids awareness &
Censes of internal displaced persons” Kaalmada kalee Somaalidu hesho waxay tahay
galley-cagaartoy iyo mesego-shamuurey WFP keento xilliga dalagga beeruhu soo
go’aan. Raashinka WFP dalka keento oo la mid ah qashin-qub “dumping” wuxuu
sababay inay dalka ku baahaan cudurro aan hore loo aqoon iyo beeraleydii oo
noqotay hawlgab ka niyad jabtay wax-soo-saarkii tacabka beeraha.
Hay’adahaas oo aan ogoleyn inay marnaba dhaafaan hoteellada Nairobi ayaa Axmedu
Weled Cabdalle oo ah wakiilka QM ku amray inay Xamar u guuraan, dabadeed si ay
uga warwareegaan tegista Xamar, waxay ciyaareen shax cusub. Sida la tuhunsan
yahay waxay maleegeen dilalka qorsheysan ee sida joogtada ah loogu fuliyo
aqoon-yahanda Somaaliyeed ee ka shaqeeya hay’adaha samafalka gudaha.
Saraakishaas ku naaxday lacagta lagu soo yaboohiyo magaca Somaalida
dhibaateysan, si aysan uga go’in barwaaqadaasi waxay si dahsoon u daadihiyaan
dagaallada sokeeye oo waxay si qarsoodi ah dagaal-oogeyaasha u siiyaan lacag
lagu socodsiiyo dagaallada dalka ragaadiyey. Hay’adaha samafalka ee Nairobi
deggan sida ay u musuqaan kaalmada caalamku Somaaliya siiyo iyo sida ay u
farageliyaan siyaasadda murugsan ee Somaaliya waxaa lagu naaneysay: dowladda
dhabta ah ee dahsoon iyo samafaleyaal hubeysan “de facto shadow government & Aid
workers with guns” Col ku dhac oo tuugo ku ciidamisay! Waddamada deriska la ah
Somaaliya sida: Xabashida, Kenya iyo Yugaandha waxay isu bahaysteen inay si toos
ah uga faa’iideystaan shirqoollada cuuryaaminta Somaaliya ee hay’adaha samafalku
dhaqan geliyeen, kol haddiiba ay ka helayaan hanti isla markaana qaranka
Somaaliya la burburinayo. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Waxa loogu yeero beesha caalamka, runtii waa bushiga caalamka, waana barta laga
falkiyo mushkiladaha caalamka hareeyey. Kooxaha ku loollamaya siyaasadda
Somaaliya waxay la mid yihiin dibi laysku diray oo la hardansiiyey, maxaa yeelay
waxaa laga hagaa oo majaraha looga hayo “Remote control” meel fog oo mugdi ah.
Xallinta mushkiladda Somaaliya waxay gacanta ugu jirtaa shisheeye arxamdaran oo
aan marnaba ka naxayn darxumada la deristey Somaalida la dulmay. Arrimaha
Somaaliya waxaa laga walaaqaa oo siyaasaddu ka saldhigi la’dahay: “Washington,
Newyork, London, Rooma, Qaahira, Dooxa, Sanca, Jeddah, Kuweyt, Tehran, Adis
Ababa, Nairobi, Kambala, Bujunbura, Casmara, Jabuuti, Buuraha Afqanistaan &
Buuraha Lubnaan” Qolo kasta waxay Somaaliya ku leedahay kaadir fuliya danaha
shisheeyaha. Dhowaan waxaan arkay koox shuuciyiin ah oo qorsheyneysa inay hub
iyo hantiba ka doontaan madaxweynaha dalka Feniswela “Hugo Shaferis” Damaca
kooxdan waxaa ragaadiyey oo dib u dhigay safarka Laatiin Ameerika oo aad u
dheer. Reer ba’aw yaa ku leh? Dhunoo dhaygag wareernaye xagee dhaanka loo raray?
Oraahdii ahayd Somaaliya Somaali baa leh waxaa lagu beddelay Somaaliya
shisheeyaa leh. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Baqal baa caano yeeshay oo wan baraara dhalay! Weer baa ari raacay oon midna ka
warjeefin! Waxaa la mid ah jahowareerka Somaaliya ka taagan. Mareykan iyo Yuhuud
saaxiib ugu daacadsan ee ay ku leeyihiin waddamada Muslimka waa Amiirka Qatar Sh
Hamad bin Khalifa Al-Thani. Saldhigga milateri ee ugu weyn dunida 3aad
Mareykanku wuxuu ku leeyahay dalka Qatar, waxaana la rumeysan yahay maamulka
dalka Qatar inuu gacanta ugu jiro sirdoonka Yuhuudda ee loo yaqaan “Mossad” oo
taageero ka heshay CIA. Iyadoo xaaladda Qatar ay sidaas tahay, haddana
Maxaakiimtu “qunyar-socod & seef-la-boodba” waxay kaalmo dhaqaale ka helaan
Amiirka Qatar oo ay hareer fadhiyaan la-taliyena u yihiin “CIA & Mossad”
Jeneraal John Abizaid oo dhowr sano ahaa taliyaha ciidanka Mareykanka ee
fadhigiisu yahay Bariga-dhexe iyo Afqanistaan oo kasoo kicitimay Dooxa, ayaa
04/12/06 Meles Zenawi kula kulamay Adis Ababa si loo dardargeliyo duullaankii
huwantu kusoo qaaday Somaaliya.
Soo saaristii shidaalka oo keentay dhaqaalaha Carabtu inuu gaamuro, waxay
horseeday maalqabeen Carbeed inay abuuraan hay’ado samafal sida: Al-Xarameyn,
Muslim Aid, Ibraahim Al-Ibraahim iwm. Hay’adahaasi waxay qaabilsanaayeen
taakuleynta danyarta Muslimiinta ee daafaha dunida ku baahsan. Shilkii
11/09/2001 kadib Mareykanku wuxuu xayiraadku kusoo rogay samafalkii hay’adahaasi
qaban jireen waxaana lagu suntay inay argagexisada kaalmeeyaan. Hay’adda
Al-Xarameyn oo Somaaliya ku quudin jirtey agoon darxumeysan ayaa albaabada
laysugu dhuftay. Tujaarta Muslimiimtu inay sadaqo siin kari-waayaan walaalahooda
gaajeysan ayaa la gaarsiiyey. Gunnimada heerkaas gaartey ayaa Amiirka Qatar
mujaahidiinta Muslimiinta taageeraa waa mucjiso maanka fayow diidan yahay oo la
mid ah: adduun majahii loo rogee madaxu hooseeyo! Geel caloosha laga raray oo
tuurta laga caynshay!
1995tii Koofurta Muqdisho waxaa ku diriray MFCaydiid iyo Cismaan Caato, nin
kasta jufadiisa iyo saaxiibadi ayuu taageero ka helay. Jeneraal Caydiid wuxuu
ciidankiisa taliye uga dhigay sarkaal la oran jirey Shariif Geesaweyne oo ay
xigto ahaayeen Cismaan Caato. Alle ha u naxariistee Shariif Geesaweyne oo ahaa
sarkaal nadiif ah wuxuu ka cagajiidey inuu ka qeybgalo dagaal mindhicireedkii
beesha ka dhex aloosnaa, waxase loo qaatay inuu hagranaayo MFCaydiid. Maadaama
ay Cismaan Caato isku jufo ahaayeen, MFCaydiidna ay saaxiib ahaayeen waxaa lagu
naaneysay taliyaha labada ciidan. Sidoo kale kooxaha Somaaliya waxay leeyihiin
hal taliye ciidan. Maleeshiyada Kooxda Mbagathi ee ka garab dirirta ciidanka
Xabashida iyo Mucaaradka kasoo horjeeda waxaa muuqata in hal meel “Washington”
laga wada hago oo ay leeyihiin hal taliye guud, dabcan Kooxda Mbagathi waxaa
amarka loo soo mariyaa Adis Ababa, Kooxdana Mucaaradkana waxaa amarka loo soo
mariyaa Dooxa. Jeneraal John Abizaid oo asal ahaan kasoo jeeda Masiixiyiinta
Lubnaan si fiican buu u yaqaan afka-Carabiga, sida la sheegay markuu Dooxa joogo
isagoo qamiis iyo cimaamad lebbisan Kooxda Mucaaradka wuxuu ku guubaabiyaa
Aayadaha iyo Axadiista ku saabsan jihaadka, markuu Adis Ababa joogana isagoo
dharka milateriga lebbisan Kooxda Mbagathi wuxuu ku booriyaa inay ciribtiraan
argagexisada. Marka si dhugmo leh loogu fiirsado ruwaayadda Somaaliya ka socota,
waxay u eg-tahay Jeneraal John Abizaid inuu yahay taliyaha labada ciidan. Tu
kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Mareykanku markuu Ciraaq weeraray wuxuu yiri, hub casri ah ayaa lagu gumaadayaa
mujaahidiinta, biiriqaateyaashana dollar ayaa afka uga buuxinayaa. Qorshahaasi
waa meelmaray oo shacabka Ciraaq iyaga ayaa hubka laysugu dhiibay oo waxaa
laysaga horkeenay Kurdi, Sunni iyo Shiico. Askartii Mareykankuna waxay noqdeen
dhex-ku-bari si raaxo leh u tamashleeya. Shirqoolkii shacabka Ciraaq lagu kala
furfuray mid ka sii qotadheer ayaa Somaaliya laga hirgeliyey. Gulufkii hore
mujaahidiinta Somaaliya weerar aan kala joogsi ahayn ayey ku qaadeen Tigreega
iyo Tuunjigooda, markii jab iyo hoog la gaarsiiyey waxaa lagu kallifey inay
dhufeysyada ku uruuraan, kuna calaacalaan waan baxaynaa ee xabbadda hanalaka
joojiyo.
Guushaas taariikhiga ah ee mujaahidiintu gaareen kadib, gumeysteyaashu waxay ku
guuleysteen inay kala furfuraan xoogaga wax iska-caabinta oo ay noqdaan dhowr
iyo toban firqo. Ugu horreyn Maxaakiimta waxaa loo kala saaray qunyar-socod iyo
seef-la-bood, dabadeed kooxda Ashabaab ayaa gees loo faquuqay oo “Washington” ku
dartay liiska waxa loogu yeero argagexisada. Kooxda Ashabaab oo weligeed safka
hore uga jirtey halganka dib-u-xoreynta Somaaliya waxaa dhiigga looga tallaalay
jeermi halis ah oo la mid ah “virus” dhaliya “AIDS-ka” Shabaabul Mujaahid si
sumcadda looga dilo oo shacabka looga horkeeno waxaa lagu barxay oo ku dhex
milmay Shabaabul Mushabah. Maleeshiyada lagu soo tababaray Godey ee loo yaqaan
“Copy Amxaaro” waxaa laga dhex abuuray qowleysato loogu waqlalay Shabaabul
Mushabah, kuwaasoo gees-ka-gees daafaha dalka lagu firdhiyey. Waa wiilal madaxu
u duuban yahay oo dadka masaajidda ku dhex dila, haweenka kufsada, baabuurta
dhaca, mobeylada dafa. Wiilashaan oo si toos ah ula shaqeeya Nabadsugidda
Xabashida, falka waxashnimo markey fuliyaan waxay ku andacoodaan Allaahu Akbar,
waxayna sheegtaan inay ka tirsan yihiin mujaahidiinta Ashabaab, taasoo looga
golleeyahay bulshadu inay Ashabaab u aqoonsato Mooryaan ka arxamdaran cadowga
Xabashida. Mashruucaasi waa meelmaray oo wuxuu noqday mirodhal najaxay. Tu kaloo
ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!
Dherigii fara badiyaa waa fuud qaraar yahay. Sidaan kusoo qoray sadarada lasoo
dhaafay, ugu yaraan 20 waddan ayaa Somaaliya ku leh kaadir fuliya awaamiirta loo
soo tebiyo kooxaha ku dagaallamaya Somaaliya oo ah wakiillo dano shisheeye.
Xataa Yuhuudda waxay Somaaliya ku leedahay kaadir fuliya danaheeda. Ayaandaran
Somaali oo kal iyo mooye dhex gashay waxay la mid noqotay hashii ninka gurani
dheelmay ee labada dhinacba laga uleeyey. Madaafiicda Xabashida oo har iyo
habeenba joogto ah iyo meyd-garaaca Maleeshiyada Mbagathi waxaa usii dheer
gaboodfalka ay geystaan Shabaabul mushabaha loo yaqaan “sharwadeenka sheegta
shabaabka” Waxay marinhabaabiyeen hadafkii halganka isla markaana waxay
magac-dileen haybaddii Shabaabul mujaahid. Shabaabul mushabah cimaamad leh oo
halkudhegoodu yahay Allahu Akbar ayaa qof kastoo ay qoonsadaan ama Xabashida iyo
xulufadeedu farta ugu fiiqaan si fudud u dila. Waxay hoobiye ka dhex tuuraan
xaafadaha dadweynuhu ku badan yahay, dabadeed Xabashida iyo Yugaandheyska iyo
Maleeshiyada Dhafoorqiiq ee saldhigeedu yahay madaxtooyada ayaa madaafiic kusoo
hoggaamiya meeshii hoobiyaha laga soo riday. Guuxa dadweynuhu Shabaab laba
kooxood ayuu u kala saaray, waxaana la yiri:
Alshabaabka runtah,
Raacay shiinka Qur’aanka,
Oon shakiba lagu beerin,
Oo shurufleyda Amxaariyo
Shisheeyaha la jihaada,
Shar Allow ka xijaab,
Raabiyow sharaf sii,
Oo jannadii shug ku sii.
*****
Koox kalaa shubahaa,
Iska sheegta shabaabka,
Sharwadeen ibliiska,
Cadaawaha la shaqeeya,
Hunguri sheedda ka tuuray,
Oo shacabkeenna gumaada,
Allow naar shug ku sii,
Shishiyo meel fogna gee.
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! Shabaabul mushabah hoobiyaha
ay xaafadaha ku dhex ridaan wuxuu usoo jiidey in si weyn loo necbeysto oo ay soo
uraan laguna naaneyso “sahan madfac iyo dhafoor jebiye” Sh Cali Maxamed Dhiblawe
iyo Sh Yusuf Negeeye Sabriye iyo Axmed Cardoofe Ugaas Maxamed oo salaad casri
kasoo baxay ayaa agagaarka daarta seddax dabaq “tre piano” lagu toogtay. Nin u
dhuun-daloola kooxaha wax dila oo aan macariif ahayn ayaan weydiiyey sababtii
loo diley Sh Yusuf Negeeye oo 91 jir ah. Wuxuu yiri, xaq bey ahayd in la dilo
maxaa yeelay wuxuu la socdey Sh Cali-dheere oo ah garsoore u shaqeeya Kooxda
Mbagathi, maadaama Sh Cali-dheere oo ridoobay uu la socdey gar bey ahayd in isna
la dilo oo labada munaafaq lays raaciyo. Markale waxaan weydiiyey oo nimankii
diley maxay helayaan? Wuxuu yiri waa mujaahidiin ahlu janno ah. Cajiib! Amxaar
iyo adeege la shaqeeya mooyee, addoon rumeysan Alle iyo maalinta aakhiro hubaal
ma dilin Sh Yusuf Negeeye oo 91 jir ah, haddiise dilkiisa janno lagu helayo qof
naar gelayaba ma jiro xataa George Bush. Carroole Maxamed Kali oo ka gabyey
kadeedkii ay shacabka u geysteen askartii Yusuf Keenadiid, wuxuu yiri:
“Raqda kii dhigay iyo kii la yiri reerka orod caymi,
Iyo dhagar-qabaha haatan soo rucleyn iima kala roona”
Xusuusin: Qoraalkani waa qeyb ka mid ah buugga TAANIGA TIGREEGA oo dhowaan soo
bixi doona, insha-Allaah…
C/qaadir Aroma
Shirwac55@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoralkan waxaaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: Somalitalk.com | Dec 22, 2008
|