QAABKA FEDERAALIGA IYO MID AWOODUHU BAAHSAN - U-KALA-DOORIDDODA SOOMAALIYA
27-29 Nofeembar 2008, Nayroobi, Keenya.
Diyaariye Cumar Salaad Cilmi –Bsc (Hons.)
Mudane Nuur Xasan Xuseen, Rasíisul Wasaaraha DFKMG,
Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Guddomiyaha Golaha Dhexe ee Is-bahaysiga
Dib-u-Xorraynta Soomaaliya, Sarakiisha UQ Midoobay, Qubarada iyo
ergooyinkaa Soomaaliyeed ee Shirkan ka qaybgalaya, nabad iyo naxariistii
Rabi korkiina ahaato!
Ma doonayo inaan ka hadlo soo-jeedintan dhinaceeda
sharciga, waxaanse jeclahay inaan guud ahaan dul maro dhinacyadeeda
taariikheed, dhaqan-bulshadeed, juqoraafiyadeed iyo siyaasadeed ee la
xiiira soo-if-bixii afarta qaab-dawladeed ee ugu muhiimsan sida
konfeedaraaliga, feederaaliga, qoqob-beeleedka iyo dawlad mideysan
kuwaan oo ay ku dhaqmaan dalalka kala duwan ee dunidu. Waxaan kalo si
kooban u
xusi doonaa waayo-aragnimadii Soomaaliya ee qaabka
dawladda mideysan ee awooduhu ku urursanaayeen gacanta dawladda ee
xilliyo kala gedisan soo jirtey, anigoo ugu dambaynta is-barardhigi
doona qaab dawlad midysan ee awooduhu baahsan yihiin iyo midka
feederaaliga ah iyo arrimaha labadan qaab dawladeed kasta kaabi kara
ama ka hor-imaan kara.
- Qaababka Dawladeed ee Muhiimka ah
Marka la eego aragtiyaha iyo dhaqanka siyaasadeed iyo
sharciyadeed ee caalamiga ah, sida kor ku xusan waxaa waxaa jira afar
qaab dawladeed ee muhiim ah sida Konfedereyshan, feedereyshan,
qoqob-beeleed iyo qaabka dawlad mideysan ee dalalka dunidu ku soo
dhaqmeen ama ku dhaqmaan maantaba. Sida aan ku arki doono bogagga soo
socda qaababkan dawladeed waa natiijo ka dhalatay xaalado iyo duruufo
taariikeed, jiqoraafiyadeed, dhaqan-bulshadeed, jinsiyadeed, afeeed, iyo
diineed ee umadaha kala duwan. Ma jiro dal si sahlan oo xisaab la’aan ah
u doortay ama iska caashaqay qaab dawladeed. Laakiin qaadashada afartan
waxay ka dhasheen oo lama huraan ka dhigay xalaadaha iyo duruufaha kor
ku xusan ee dalalkaa kala gedisani soo mareen ama mantaba ku sugan
yihiin. Bal aan eego millicsangan taariikheed ee muujinaya sidii, markii
iyo meelihii ugu horreeyey qababkani ka soo if-baxeen, looga dhaqmay,
iyo horumarkii ay sameeyeen ayagoo la jaanqaadaya xilliyada iyo
horumarka umadaha.
1.1. Qaabka Konfeedereyshanka
Konfeederashanku waa qaab dawladeed oo labo dawladood
ama kuwa badan oo xor ah ay wada galaan heshiis sababo la xiriira baahi
wax-wada-qabsi ganacsi, difaac, isu-soo-dhawaansho siyaasadeed iyo
jiqorafiyadeed awgood. Waxay dhistaan guddiyo ama xoghayn guud oo ka
shaqeeya danahooa is-weydaarka ah ayadoo dawlad walba ee
konfeedereyshanka ka mid ahi haysato madaxbannaanideeda iyo
qaranimadeeda – hoggaamiye qaran, gole sharci-dejin, ciidan, lacag,
calan iyo dhal-ku-gal.
Haddii aan taarikhda dibu-jaleecno konfeedreyshanada
badankoodu waxay ka soo if-baxeenYurub iyo Ameerika sida Goboladii
Mideysnaa ee Nederlaand (konfeedereyshanka ahaa) ee jirey 1579 -1795;
Konfedereyshankii Switzerland ee jirey 1789 1848; Bund
(konfeedereyshan) Jarmalka ee jirey 18815 – 1866 iyo Konfeedereyshankii
Ameerika ee jirey 1781 – 1789 (1). Ugu dambayntii is-bedello waqtiga
iyo tadawirku keenay dartood, konfeedereyshanadani waxay isu bedeleen
feedereysahan (matalan Maraykanka, Jarmalka) iyo Swizterland oo dooratay
qoqob-beeleed – qaab konfedereyshan dabacsan oo dawladda dhexe awoodeedu
yar tahay iyo gobollo lagu magacaabo qoqobyo (cantons) ku kala duwan
jinsiyad, dhaqan, af iyo diin oo hayta madaxbannaanidooda iyo awoodaha
inta badan; iyo Nederland (Holland) oo isu bedeshay dawlad mideysan
awooddu baahsan tahay. Afrika marka aan eego hal konfeedereyshan oo
dhicisowday ayaa ka dhex dhalatay Senegaal iyo Gaambiya 1980maadkii.
Aasiya, Bariga Dhexe iyo Laakiin Ameerika ma jirin wax Konfeedereyshan
ah ee ka soo if-baxay.
Konfeedereyshanadaas kor ku xusan xilliyadaas waxay
ahaayeen kuwo dal gudihiisa ka jirey laakiin maanta kuwa casriga ah ee
jiraa waa heer caalamiyeed, qaaradeed, iyo gobolleed sida Ururka
Qaramada Midoobay, Ururka Islaamka, Ururka Dawladaha Ameerika, Midowga
Afrirka, Midowga Yuurub, Ururka Assiyada Koonfur-bari, Jaamacadda
Dawladaha Carabeed, ama IGAD ee Geeska Afrika kuwaas oo ujeedada loo
aasaasay tahay wax-wada-qabsiga iyo isu-duwidda arrimaha dhaqaalaha,
bulshada, nabadgelyada iyo farsamada.
1.2. Qaabka feedereyshanka
Qaabka feedereyshanku waa mid awooddu aad u baahsan
tahay ee dawlado ama gobollo madaxbannaan ay ku heshiiyeen inay
dhistaan dawlad iyo hayado feederaaliga ee ay wadaaagaan ayagoo awoodaha
qaar ama intooda badan la haraya. Dawladda Feederaaligu waxay inta sida
badan ku dhisan tahay ‘qaab jiqoraafiyadeed oo leh awoodo la qaybiyey
iyo damaanado la siiyey qaybaha ka tirsan.’ (2) Dawladda feederaaliga
iyo qaybaha ka mid ah sida ay awodadaha iyo masulliyadaha u
kala-qaybsadaan iyo damaanadaha la xiriira waxaa lagu qeexaa dastuurka.
Sida badan, awoodaha iyo masuuliyadaha dawladda dhexe ee federaaliga ah
waxaa ka mid difaaca iyo nabadgelyada qaranka, siyasadda dhaqalaha iyo
lacagta, dejinta manhajka wax-barashada sare, arrimaha muwaadinnimada
iyo socdaalka, calaamadaha qaranka (sida calanka, gaashaanka qaranka,
dal-ku-galka), iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Dawladaha ama gobollada
ka tirsan feedereyshanka ayaguna waxay yeelanayaan awooddo ay ku
maamulaan ganacsiga iyo dhaqaalaha, wax-barashada, caafimaadka iyo
nabadgelyada ee gudahooda. Qaybahani waxay leeyihiin awooddo ay ku
dejiyaan sharci, doorashada hoggaamiyayaashooda, uruurin canshuur iyo
maamulidda misaaniyadooda ayagoo isla markaa awood u leh inay dib uga
noqdaan heshiiskii lagu dhisay feedereyshanka haddii loo baahdo.
Haddii aan soo qaadano inta muhiimka ah, maanta
dunida waxaa ka jira 15 dawladood ee federal ah oo keliya. Qaaradda
Ameerika waxa ka jira saddex kuwaas ah Brazil, Canada, Mexico iyo USA;
Yurub waa 5 – Belgium, Gemany, Russia, Bosnia-Herzegovina iyo
Switzerland - labada dambe waxay ku dhisan yihiin qaab qoqobada-beeleed
(consociation) oo qawmiyado kala duwan ay kala ku dhisan kuwaas oo
awoodda iyo jagooyinka sare ee feederaliga beel ahaan ku kala qaybsada
ama ku meertaysta; hal feedereyshan ee ka jirta Austraaliya. Afrika
waxaa 1960maadkii qaatay qaabka feedereyshanka dalalka Cameroun,
Nigeria, iyo Uganda waxaase ka noolaaday midda Nigeria. 1994kii Ethiopia
waxay qaadatay qaabka feederaaliga oo ku sallaysn qawmiyado kala
gedisan. Labadan feedereyshan ee maanta ka jira Afrika waa kuwo jilicsan
ee aan weli xididaysan. Aasiya labo dalal – India jirey iyo Malayasia
ayaa qaatay feedereyshan kuwaaso weli xisado qowmiyadeed iyo diimeed
gilgilayaan. Bariga Dhexe Masar iyo Suuriya waxay 1958dii ku heshiiyeen
feedereyshan lagu magacaabi jirey Feedereyshanka Jamhuuriyada Carbeed
kaasoo burburay 1961kii. Mar kale 1971kii Masar, Libiya iyo Suuriya
waxay qaateen feedereyshan kaasoo kala daatay 1973dii. Maanta Bariga
dhexe waxaa ka jira hal feedereyshan ee boqortooyo ku dhisan taasoo ah
Federeyshanka Imaaraadka Carbeed. Laakiin waxaa jira dalal ka kooban
qowmiyado leh jinsiyado, dhaqamo, afaf iyo diimo kala duwan oo doortay
qaabka dawladda mideysan halkii ay ka qaadan lahaayeen feedereyshan sida
Ingiriiska, Keenya, iyo badan oo kale..
Marka la soo koobo waxaa jira 15 dal ee federal ah
(qaaradda Ameerika 4 ), (Yurub 5), (Aasiya 2), (Afrika 2), (Austraaliya
1) iyo (Bariga Dhexe 1) kuwaasoo 29% ka noqonaya 195 dal ee dunida ka
jira.
- Qaabka Qoqob-beeledka
Qaabka qoqob-beeleedku waa nooc feederaaliga ee
dabacsan oo ay ku heshiiyeen qowmiyado ku kala duwan jinsiyado, afaf,
diimo iyo dhaqamo. Ujeedada qaadashada noocan feederaaliga waxaa loogu
talo galay in khilaafka iyo tartanka xooggan ee ka dhexeeya jinsiyadan
lagu hayo heerkooda ee laga illaaliyo inay saamayn ku yeeshan heerka
dawladda dhexe ee feederaaliga taasoo ay hoggaamiyaan siyaasiyiin bisil
oo horseed ah oo laga soo doortay heerka qoqobada beeleed ee kala
gedisan sida Switzerland. Dalkan, matalan, wuxuu ka koobmaa jinsiyado
badan ee leh afaf, diimo iyo dhaqamo kala (Jarmal, Fransiis, Talyaani,
i.k.k.) waxaan hoggaaminaya feedereyshankan gole sharci-dejineed iyo
gole fulineed ee wadareed ee laga soo wakiishay qoqobadaas beeleed ee
loo yaqaan kantoons (cantons) ayadoo wakiilada gole fulineed wadareed ee
matalaya qoqobada ay meertaystaan jagada madaxweynaha sannad walba.
1.4 Qaabka dawladda Mideysan
Qaabka dawladda mideysan waa midka aasaasiga ee
muhiimsan uguna horreeyey taariikhda dawladnimo waana midka tiradada ugu
bandan dawladaha dunidu maanta ku dhaqmaan. Waxaa jira ugu yaraan afar
nooc oo dawlad mideysan ah: b) nooc awoodaha oo idil gacanta ugu jiraan
dawladda dhexe kaasoo noqon kara boqortooyo keli-talis ah, ama dawlad
ciidameed keli-talis ah, ama mid rayad ee xisbi keliyaha ee keli-talis
ah (sida Soomaaliya 1969-1991); t) nooc ku dhaqma dimoqoraadiyada
liberaaliga ee awoodaha badankoodu gacanta ugu jiraan dawladda dhexe
laakin awoodo yaryar u oggolaada dawladaha hoose (sida Soomaaliya
1960-1969); j) nooc ku dhaqma siyaasadda dimoqoraadiyada liberaaliga ee
go’aan-qaadasho iyo awoodo doora u ogolaada gobollada iyo degmooyinka si
ay u maamushaan arrimaha dhaqaalaha iyo bulshada ee heerkooda sida
Holland, Ingiiriiska, iyo kuwo badan oo kale; iyo x) iyo nooc afraad oo
ku dhaqma dimoqoraadiyad liberaali ah oo dhiman ama buuxda isla markaana
ku dhisan qoqobyo diineed (religious confessionalism) sida Lubnaan oo
bulshooyin haysta diimo kala duwan ay leeyihiin awoodo ay isu-maamulaan
laakiin jagayooinka sare ee dawladda dhexe lagu kala qaybsado hab la
xiriira diimaha kala gedisan – matalan madaxweynaha waxaa qaata
Kirishtaanka, Ra’isul wasaarahana Muslimka Sunniga ah, halka Muslimka
Shiicadu qaataan guddoomiyaha golaha sharci-dejinta.
- Waayo-aragnimadii Soomaaliya ee Qaabka
Dawladda Mideysan iyo Eelka Dagaalka Sokeeye
1960kii kadib qaadashadii gobanimada, qarankii
cusubaa ee Soomaaliya wuxuu qaadatay qaab dawlad mideysan ee awooddu ku
uruursan tahay gacanta dawladda dhexe kuna sallaysan siyaasada
dimoqoraadiyada liberaaliga ee reer galbeedka. Laga bilaabo waqtigaas,
qaranka Soomaaliyeed wuxuu soo maray saadex xilli ee kala duwan marka la
eego qaabka iyo nuuruka dawladda mideysani ama dawladda la’aanta.
Xilligii 1960 -1969kii mid qaab dawladd mideysan ee dimoqraadi
liberaaliya ee awoodda badankeedu ku jirtey gacanta dawladda dhexe.
Xilligii 1969-1991kii wuxuu mid qaab dawlad ciidameed ee mideysan ee
keli-talis ee ku dhisanayd siyaasad hanta-wadaag ah ee awoodda oo idil
gacanta ugu jirtey dawladda dhexe. Labadaas nooc qaabka dawladda
mideysani waa fashaleen, sababaha ugu waayenina waxay ahaayeen awoodda
oo gacanta dawladda ku urursan, xorriyaada shaqsiga ama kuwa siyaasadda
ee yaraa ama aan jirinba, caddaalad-darro, iyo musuq- maasauq.
Qaababkaas dawladda mideysan ee fashalay waxaa ka dhashay xilli Ummadda
Soomaaliyed ku sugnayd (welina ku sugan tahay) dagaal sokeeye ee naf iyo
maalba lagu hoobtay, fawdo, iyo qaranjab, isla markaana ay soo if-baxeen
xoogag u taagan dumin iyo kala-qaybin ummadda (1991- ilaa maanta).
Boggagga soo socda waxaan si kooban ugu eegayaa xiliyadaas iyo
natiijadoodii.
2.1: 1960-1969kii Xilli Dawlad Mideysan ee Liberaali
Dimoqoraadiya ee Awooddu Uruursan Tahay
Laga bilaabo 19960kii ilaa 1969kii Soomaaliya waxay
ku dhaqmeysay qaab dawladda mideysan ee awooddu ku uruursan tahay
dawladda dhexe siyaasadeeduna ku sallaysnayd dimoqoraadiyada liberaaliga
lagu qeexay dastuur lagu ansixiyey afti dadweyne ee qarameed 19961kii
kaasoo rukumada mabaadiisu ay ka mid ahaayeen:- b) qaab dawlad mideysan
ee awooddu urursan tahay oo leh saddexda qaybood ee dawladdeed (
Sharci-dejin, fulin, iyo garsoor); t) xorriyaadka iyo waajibadka
muwaadinka; j) hayadaha tiirarka qaranka sida shaqaalaha adeeegga
rayadka ah, booliska, ciidanka xoogga dalka iyo maxkamadaha garsoorka
kuwaas oo, ugu yaraan mabda’ ahaan, ku dhisnaa hannaanka mudnaanta ee
tixgeliya aqoonta, kartida iyo dhexdhexaadnimada; x) doorshayooyin guud
ee xor iyo caadil ah mabda’ ahaan kuwaas oo la qaban jirey afartii
sanoba mar ayadoo muwaadiniintu soo dooranayaan hoggaamiyeyaasha
siyaasadeed ee ay u wakiishaan maaraynta siyaasadda iyo maamulka qaranka
; kh) gobollo iyo degmooyin maamuleed ee ku sallaysan qaab-dhuleed
(territorial form) ee ay madax ahaayeen guddoomiyeyaal gobol iyo degmo
dawladda dhexe u magacaabi jirtey ayadana hoos imaan jirey,
muwaadaniintuna ayna la xisaabtami karim, iyo d) dawlado hoose ee
magaalo ee ay madax ka yihiin duq iyo gole magaalo oo maamula arrimaha
magaalada kuwaa oo saddexdii sanoba mar la soo doorto lahaana awoodo aad
u kooban sida uruurinta canshuuro yaryar ee suuqyada furan iyo
waraatada, kawaanada (xero-dhiigyada), ruqsadda (laysanka) dukaamada iyo
makhaayadaha, diwaangalinta qoyska iyo deggenayaasha magaalada,
lambarrka guryaha, i.w.m. si ay ugu bixiyaan mushaarka shaqaalaha
dawladda hoose iyo adeegayada guud ee magaalada sida nafaadda,
fayo-dhawrka, i.k.k. Xilligaas siyaasadda dimoqoraadiyada liberaaliga
lagu dhaqmaayay waxaa jirey dhaqaalaha suuqa xorta ah ilaa heer. Qaabkan
dawladda mideysan ee liberaaliga ahi ilaa xad si wanaagsan buu shaqeeyey
lixdii ilaa todobadii sano ee ugu horrey (1960 -1967). wqtigaa kadiba
waxaa hannaankii dawladeed soo dhex galay qabyaalad, qaraabo-kiil, iyo
musuq-maasuq cuduradaas oo ugu dambayntii keeneen hoos-u-dhac
bulsho-siyaasadeed iyo dhaqaaleed oo abuuray niyad-jab dadweyne iyo
doonis is-bedel siyaasadeed.
2.2: 1969 – 1991kii Xilli Dawlad Mideysan
ee Kacaan iyo Kali-talis ah
Ayadoo ay ka faa-iideysanayaan xaaladdii
bulsho-dhaaqaleed, walaacii siyaasadeed niyad-jabkii dadweynaha ee dalka
ka taagnaa, iyo dilkii Madaweyne Cabdirashid Cali Sharmaarke 15kki
Oktobar 1969kii kaasoo sii kordhiyey walalkii iyo jahawareerkii, ayaa
Xooggii Dalka Soomaaliyeed (XDS) afgambi kula wareegay awooddii
siyaasadeed ee dalka 21kki Okoobar 1969kii waxaana ayadoo xilkii garabka
saartay Gole Sare Kacaneed (GSK) ee ka koobanaa 25 sargaal ee uu
hoggaaminayey taliyihii XDS Sarre Gaas Moxamed Siyaad Barre, golahaas oo
qaaday tallaabooyinkan soo socda:-
Tallaabadii kowaad: laalid dastuurkii dimoqoraadiga
ahaa ee dawladdii rayadka ahayd iyo hayadeedii sare ee siyaasadda iyo
garsoorka (sharci-dejin, fulin iyo garsoor), xisbiyadii siyasaadeed yo
ururadii shaqaalaha, xirfadaha iyo kuwii bulshada ee madaxa bannaanaa
iyo xorriyaadkii shaqsiyeed iyo siyaasadeed. Talaabadii labaad:
ku-dhaqaaqid iyo ku dhaqan habka siyaasadeed ee loo yaqaan hantigga
cilimga ah ama shuuciyadda. Tallaabadii saddexaad: hirgalin siyassad
qaramayn ballaaran ee qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha, maaliyadda iyo
adeegyada (sida ganacsiga dhoofinta iyo soo-dejinta, warshadaha,
bankiyada, caymisyada, dhulka, i.w.m.) iyo olole baaxad leh ee kicin iyo
abaabul imkaaaniyaadka ama awoodaha maadiga iyo kuwa aadaminga ah ee
dalka ayadoo la adeegsanayo mabaadiida isku-kalsoonida, iska-wax-qabso
iyo isku-filnaanshaha si loo abuuro loona hirgaliyo barnaamijyo iyo
mashaariic horumarineed ee dhinacyada dhaqalaha, bulshada iyo
kaabayaasha. Ujedeeduna waxay ahayd kocbinta iyo kor-u-qaadista
wax-soo-saarka beeraha, kordhinta iyo ballaarinta adeegyada guud sida
caafimaadka, nabadgalyada iyo cadaaladda, shaqo-siin tobanaal kun ee
qof, wax-barashada iyo ciribtirka jahliga ayado markii ugu horreeyey la
qoray far-Soomaaliga, lana qaaday ololeyaal ballaaran ee is-daba-joog
miyi iyo maagalaba. Xilligaan lixdii ama ilaa todobadii sano ee ugu
horreysay (1969-1976) waxaa dalka laga hirgaliyey is-bedello cusub ee
kacaaneed ee keenay horumar ballaaran ee bulsho-dhaqaaleeed,
isku-dheeli-tir miisaaniyaddii qarameed ee hungada ahayd, bixin
deymankii caalamiga iyo kor-soorkoodii joogtada ahaa, buuxin sharuuddii
saamiga dahabka ee dalka u yaal Sanduuqa Lacagta ee Caalamiga ah ‘IMF’,
iyo dalka oo loo yaqiinnay ‘Qabriga Mucaawinada’ ee magaciisii iyo
sharaftiisii soo noqdeen.
Hayeeshee, taliskii ciidameed wuxuu marba marka ka
dambeeya sii luminayey awoodiisii kacaaneed, dareeneedkii waddaniyadeed,
iyo kalsoonidii dadweynaha, asagoo adeegsanaya siyaasadaha iyo falalka
soo socda ee burburinayey horumarkii la gaaray: b) faragelin iyo cirriin
kor-dhaysa ee nolosha guud iyo tan gaar ee bulshada iyo daba-gal iyo
cadaadin xad-dhaaf ah muwaadaniyiinta la dul saaray; t) burburin
hannaanka mudnaanta ee aqoonta, kartida iyo dhexdhaadnimada ku dhsinaa
ee hayadaha tiirka qaranka sida shaqaalaha adeega rayadka, booliska,
xoogga dalka, iyo garsoorka ayadoo shaqalahiii iyo saraakiiisha sare ee
hayadahaas badankoodii laga sifeeyey shaqadii dawladda laguna eedeeyey
kacaan-diidnimo iyo daacad-xumo laguna bedelayo kuwo aan aqoon iyo karti
ee qabyaaladeed iyo dabadhilifnimolagu aaminay; iyo j) musuq-maasuuqii,
qaraaba-kiilkii iyo qabyaaladii oo ka darnaaday heerkii dawladdii hore
ee rayadka ahayd. Cuduradaan natiijadoodii waxay wiiqay oo dumisay
dhaqaalahii iyo adeegyadii guud ee dalka, waxaana bilawday shaqo la’aan
ballaaran, qiimo-dhac heerkii ugu xumaa oo qiimihii shillinka Soomaaliga
dhulka dhigay iyo sicir-baraar faraha ka baxay kuwaasoo tirtiray ama
eber ka dhigay mushaarooyinkii shaqaalaha iyo dhaqliyadii kale
dadweynaha iyo xaaladdii nololeed gaar ahaan kadib dagaalka 1977-1978dii
ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya. Xaaladdan ba’an waxay abuurtay
caro iyo mucaaradnimo dadweyne ee qoto-dheer oo baahsan taasoo kalliftay
in dadwenuhu dawladda ku kaco oo hubka qaado dabadeedna sababay
riditaankii dawladdii dhexe 1991kii iyo qaran-jab ku dhaca ummadda
Soomaaliyeed. Mucaraadka hubeysani wuxuu ahaa mid u kala qaybsan koooxo
qabiil, waxayna awoodi kari waayeen inay ku heshiiyaan dhisme dawlad
qarameed. Fashalkaana waxaa ka dhashay dagaal sokeeye ee ba’an oo naf
iyo maalba lagu hoobtay, burbbur, dawlad la’aan , iyo qaran-jab, iyo
ummaddi oo bulsho iyo dhul ahaan kala qaybsantay xaaladdaas oo weli
maanta taagaan.
2.3: 1991kii Ilaa Maanta Waa Xilli Dagaal Sokeeye
iyo Xooggag u Taagan burburin iyo
kala-qaybin
Nasiib-darro 1991kii ilaa maanta waa xilli taariikhda
Soomaaliya ay gashay mugdi kuna astaamaysan dagaal sokeeye iyo xoogag u
taagan burburin iyo kala-qaybin ee gudaha ka soo if-baxay kuwaas oo
keenay burburin, xasuuq, masiibo bini-aadameed, qaaran-jab iyo ummaddii
dullinimo una nuglaatay Ummadda Soomaaliyeed duuulamo gumeysiyeed iyo
faragalin ee xooggag shisheeye u tartamaya danahooda. Eelkaa kaarka
badan ee Ummadda soomaaiyeed soo martay xilligan ama weli ku jirto waxaa
lagu soo koobi karaa sidatan:
b) goosiga iyo ku-dhawaaqa gobolada Waqoyin dawlad
gaar ee lagu magacaabo Somaliland 1991kii;
t) Gobolada Waqooyi-bari oo dhistay dawlad gobolad
lagu magacaabo Puntland 1998dii taasoo doonaysa in Soomaaliya qaadato
qaab federaali ah;
j)Beelaha Digile iyo Mirifle ee dhistay labo gole
madaxbannaan 1995kii maamulkaa oo burburay1996kii iyo RRA (ciidanka
Iska-Caabinta ee Rahaweyn) dhistay maamul lagu magacaabay Dawladda
Goboleed ee Koonfur-Bari 2000 kaasoo dhicisoobay, goboladaas uu doonaya
qaabka federaaliga;
x) Dadweynha degga Koonfur Mudug iyo qayb ka tirsan
Gobolka Galgudug oo dhisaty maamul lagu magacaabo Dawlad Goboleedka
Galmudug 2005 ee aan caddayn qaabka dawladeed ee uu doonaya in
Soomaaliya qaadato;
kh) gobollada koonfurta iyo bartamaha ee weli ku
sugan qaabka gobolada maamuleed ee dawladdii hore laakiin ku abaaday
qalalaaso iyo fawdo joogto ah oo hoggamiye kooxeedyo hurinayeen marka
laga reebo mudadii lixda bilood ahayd ee 2006dii ee Golaha Midowga
Maxkamadaha Islaaamiga (GMXI) nabadgalyada iyo nidaamka lagu naalooday
ka hirgaliyeeen Caasimadda Muqdisho iyo gobolada koonfurta iyo bartamaha
kadib markay ka adkaadeen hoggamiye kooxeedyadaas ummadda kadeedka ku
hayey mudada 16ka sano ah, xukunkaas GMXI oo ay afgambiyeen ciidamadii
Itoobiya dalka ku soo duulay Diseembar 2006dii ayagoo sida sheegeen
taageeraya Dawladda Feederaaliga Ku-Meel-Gaarka (DFKMG) kaana difaacya
ciidamadii GMXI;
d)DFKMG ee Keenya lagu dhisay 2004tii oo qaadatay
‘Axdiga federaliga ee KMG’ ayadoo xoogag shisheeye ku sanduleeyeen iyo
awood-darrada DFKG ee xukunkeeda gaarsiisiin weyday qaybaha dalka ee
kor ku xusan iska dhaaf hannaan federaali ah inay hirgaliso; iyo r)
ayadoo Moqdisho iyo qaybo kale ee dalka ay ka jiraan faragalin iyo
haysasho ciidamado shisheeye oo taageeraya DKMG lana dagaalamaya
xooggaga gumeysi-diidka iyo dib-u-xorraynta dalka iska-horimaadyadaas oo
dhaaliyey ‘xaaladdi bini-aadameed ee ugu xumayd adduunka’ sida UQM
caddeeyey sannad iyo bar ka hor iyo aydoo xaaladdaasi dhalisay burbur,
barakac, kacdoon iyo caro dadweyne ee aan hore loo arag..
- Is-barbardhig Qaabka dawladda Mideysan iyo Kan
Fedeeraaliga ayadoo lagu eegayo Xaaladda
Soomaaliya
Laga bilaabo 1991dii markii ay dawlad la’aanta iyo
qaran-jabku ku dhacay, Soomaaliya ma lahayn dawlad dhexe iyo qaab
dawladeed ee la garan karo magac mooyee. Ilaa waqtigaas waxaa hawada ku
jirtey ee meeraysanaysay su’aashan ‘haddii Soomaaliya ku fashashay
qaabka dawladda mideysan ee awooddu uruursanayd, muxuu noqon kara qaab
dawladeedka ku habboon ee ay ku dhaqmi kartaa?, Hase ahaatee, marka meel
la iska dhigo ‘Axdiga federaaliga ee KMG’ ee ay qaadatay dawlad aan
dadweyuhu soo dooran, mushkilada jirety waxay ahayd in aynan marnaba
dhici kullamo rasmi ah ama aan rasmi ee aqoonyahanada, siyaasiyiinta,
garyaqaanada, i.w.m. inay si madaxbannaani iyo xornimo leh kaga doodaan
qaabka siyaasaded ee qaran oo bedeel u noqon karaa qaabkii dawladda
mideysan ee awooddu uruursanayd dawladda dhexe ee guul-darraystay.
Laakin waxaa jirtey in shaqsiyaad Soomaaliyeed oo dagaalka sokeeye
xunuunkiisu saamayn ku yeeshay ay arrinta la bodeen ayagoon ummadda ka
haysan wakiilnimo, dabadeedna ay kula taliyeen beesha caalaamka in
Soomaaliya lagu taageero sidii ay u qaadan lahayd qaabka dawladeed ee
federaaliga ah. Sidaas darted, Uururka Qaramada Midowbay (UQM) iyo
Uururka Midowga Yurub, ayagoo ka wakiil ah Soomaalida, waxay isku
xilqaameen inay magacaabaan isla markaana maalgaliyaan qubara’a
(aqoonyahanno) u dhashay Yurub inay dersaan soona jeediyaan qaab
dawladeed Soomaaliya ku habboon kuwaasoo taladoodii ku soo jeediyey
1995tii bug-yaraha la yiraahdo ‘Deraasadda Qaabka Siyaasadeed Baahsan ee
Soomaaliya – Liis Kala doorasho’ (3) Buuggaas qaabab badan oo uu
tilmaamayo waxa ugu muhiimsan afarta qaab dawladdeed oo kala ah;
konfeedereyshan, feedereyshan, qoqob-beeleed (consociation) iyo qaab
dawlad mideysan ee awooddu baahsan tahay (decentralised unitary
government).
Aniga waxay ila tahay, qaababka konfeedereyshanka,
feedereyshanka iyo qoqob-beeleedku waa fikrado iyo waay-aragnimo qolaad
aan Soomaalidu baahi u qaban kana hirgali karin duruufta ummaddooda
taasoo ah mid dhinac kasta ka mideysan aynan ka jiirin duruafaha kala
duwanaansho jisadeed, dhaqameed, diineed iyo afeed oo ay dhashaan
qaababkan kor ku xusan. Laakiin, anigoo maanka ku haya arrinta
gooni-isu-taagga ama goosiga Somaliland iyo dareenka mamul-gobolledyada
kale ee doonaya qaab-dawladeed feederaaliga, waxaan jeclahay inaan doodo
iyo is-barbardhiig ku sameeyo qaab-dawladeed mideysan ee awooddu baahsan
iyo qaab federaaliga anigoo samaynaya liis is-barbardhigya faa’iidada
iyo faa’do la’aanta labadan qaab marka laga eego dhinacyada dhaqangalka
iyo ku-habboonaanta mid waliba u yeelan karo Soomaaliya iyo duruufaha
bulsho-dhaqaaleed iyo siyaasadeed ee u gaarka ah anigoo maanka ku haya
xaqiiqooyinka iyo is-bedeladda siyaasadeed ka dhashay Sooomaaliya 19kii
sano ee ugu dambeeyey.
3.1.: Faai’iidooyinka iyo Arrimaha ka hor-imaan kara
qaab
Dawlad Mideysan ee Awooddu baahsan Tahay
Qaab-dawladeedka mideysan ee awooddu baahsan tahay
wuxuu yeelan kara faa’iidoyin iyo arrimo ka hor-imaan kara sida kuwa
hoos ku xusan. Faa’iidooyinka qaab-dawladeedka mideysan ee awooddu
baahansan tahay: b) midnimada bulshadeed, diimeed, afeed iyo dhaqameed
ee ummadda Soomaaliyeed; t) boqolkiiba 60-70% daweynaha miyiga ee an
weli degin oo noloshoodu ku xiran tahay dhul ay wadaagaan oon xududuud
lahayn; j) hirgalinta dib-u-dhiska iyo xididaysiga dawlad dhexe ee xoog
leh iyo ha’adaheeda; x) suuragalinta gaashaandhig iyo difaac qarameed ee
xoog leh; kh) siyasaad mideysan ee arrimaha muwaadinnimada iyo
socdaalka; d) siyaasad qarameed ee dhaqaalaha iyo lacagta; iyo r)
siyaasad dibadeed qarameed ee mideysan.
Arrimaha ka horr-imaan kara qaab-dawladeedka Mideysan
ee awooddu baahan tahay: b) Gooni-isu-tagga ama goosiga Somaliland iyo
dareenka feederaaliga ee ay qabaan gobollo kale; t) qalalaasaha,
murugsanaanta iyo walaaaca ka oogan gobollada koonfurta iyo bartamaha
kuwaas oo rasmi ahaan ku sugan qaab-maamuleedkii dawladdii hore; x)
la’aanta horseed siyaasadeeed ee abaabulan ee heer qaran waqtigan la
joogo; iyo kh) faragalin iyo saamayn shisheeye oo xad-dhaaf ah ee dano
leh.
3.2.: Faa-iidooyinka iyo Arrrimaha ka hor-imaan ka
Qaabka feederaaliga
Qaabka Feederaaliga ahi wuxuu yeelan karaa
faa-iidooyinka iyo arrimo ka hor-imaan kara sida kuwa soo socda.
Faa’iidada qaabka feederaaliga: b) tixgelin iyo daweyn goosiga
Somaliland iyo dareenka feederaaliga ee ay qabaan gobollo kale. Arrimaha
ka hor-imaan kara qaabka feederaaliga: b) midnimada bulshadeed, diimeed,
afeed iyo dhaqan ee ummadda Soomaaliyeed; t) khatar ku timaadda difaaca
iyo gobanimada Ummadda Soomaaliyeed; j) boqolkiiba 60-70% daweynaha
miyiga ee an weli degin oo noloshoodu ku xiran tahay dhul ay wadaagaan
oon xududuud lahayn; x) qalalaasaha, murugsanaanta iyo walaaaca ka oogan
gobollada koonfurta iyo bartamaha kuwaas oo rasmi ahaan ku sugan
qaab-maamuleedkii dawladdii hore; kh) jiritaan la’aanta duruufaha
saldhigga u ah qaabka feederaaliga sida jinsiyado, diimmo, dhaqamo iyo
afaf kala gedisan; d) la’aanta horseed siyaasadeeed ee abaabulan ee heer
qaran waqtigan la joogo; iyo r) faragalin iyo saamayn shisheeye oo
xad-dhaaf ah ee dano leh.
Anigoo ku xisaabta ku daraya in xanuunka, lab-la-kaca
iyo kalsooni-darrada ka dhalatay dagaalka sokeeye ay meesha ka bixi
doonaan mustaqbalka iyo jiritaan la’aanta duruufaha saldhigga u ah
qaabka feederaaliga dhisan jinsiyado, diimo, dhaqamo iyo afaf kala
gedisan; waxay ila tahay in qaab-dawleedka mideysan ee awooddu baahsan
kaasoo leh maamul-goboleedyo leh awooddo dastuurka qaranku damaanad
qaaday ee goboladaasi doortaan goleyaashoda sharci-dejinta, iyo
hogaamiyeyashooda siyasadeed. Qaabkan dawladeed waa midka ku habboon
kana dhaqangali kara Soomaaliya ee suuragalin kara sidii dib loogu dhisi
lahaa qaran Soomaaliyeed ee awood xooggan iyo haybad leh. Hayesheee,
anigoo maaanka ku haya xalaadda goosiga Somaliland iyo dareenka
feederaaliga ee gobollada kale, qaabka feederaaligu wuxuu noqon kara mid
Soomaalidu ka doodo tixgelinna siin karto dabadeedna ku heshiiyaan
doorashada iyo hindisaadda qaab dawladeed iyo dastuurkiisa ay
wadaagaan.
Qaabku midkuu ahaadaba, waa in tiro ballaaran ee
horseedka bulsho-siyasadeed ee Soomaalidu sida siyaasiyiinta,
aqoon-yahannada, hoggaamiyayaasha diinta iyo dhaqanka, kuwa bulshada ee
gudaha iyo dibadda ay ka yeeshaan doodo dhab ah ee qoto-dheer kuna
sallaysan aqoon, waayo-aragnimo iyo xog-ogaalnimo ayadoo mulkiyadda
dooddaas, meelaha iyo habka ay dhacayaan ayagu iska leeyihiin. Qaabka
dawladeed iyo dastuurku waa ayan noqon kuwo ay ummadda dusha ka saaraan
dawlado shisheeye gaar ahaan kuwa deriska ee danaha ka leh Soomaaliya
laakiin waa in qaab-dawleed iyo nuxurka dastuurkuba noqdaan kuwo
Soomalidu hindistay kuna heshiiyeen oo tarjumaya danaha iyo ayaatiinka
ummaddooda iyo duruufeeda gaar sida diinta, dhaqanka iyo heerkeeda
bulsho-dhaqaale.
Beesha caalamka sida dalalka carabta gaar ahaan kuwa
Khaliijka, Midowga Yurub, Maraykanka, waxaa looga baahan yahay inay
siiyaan taageero fududeyn maaliyadeed, farsamo, aqoon, iyo ta’kuleyn
geedi socodka nabadeed, dib-u-heshiisiinta iyo dastuur dejinta ayadoo
isu-duwidda ay hoos imaanayso Ururka Qaramada Midoobay keliya iyo
maamulada Soomaaliyeed oo is-kaashanaya ayadoo isla markaa laga
ilaainayo faragelinta xooggaga shisheeye ee dano leh ee ku tartamaya
Soomaliya. Ugu dambaynta, qaab-dawleedka iyo dastuurka lagu heshiiyo waa
inay noqdaan kuwo loo bandhigo afti dadweyne ee heer qarameed si ay
yeeshaan sharciyad qaanuuneed iyo nuxur dimoqoraadiya.
Ugu dambaynta, waxaan jeclahay inaan fursaddan ugu
hambalyeeyo Wakiilka Gaar ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan Soomaalya Mudane Axmedow Wold-Cabdalla, qabanqaabinta shirkan
iyo dadaalkiisa aan kala-go’a lahayn ee la xiriira dib-u-heshiisiinta
dhinacyada iska-horjeedaya ee Soomaalida gaar ahaan heshiiskii ay
Jabuuti ku gaareen Dawladda feederaaliga ee Ku-Meel-Gaarka iyo
Is-bahaysiga Dib-u-Xorraynta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale mahadcelin
iyo abaal kal iyo lab aan u jeedianaya Mudane Cismaaciil Cumar Gheelle,
Madaxweynaha, Xukuumadda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti taageerada
joogtada ee walaalnimo ee aan hagarta lahayn ee ay u fidiyaan dadka
Soomaaliyeed sannadihii ay ku jireen qalalaasaha siyaasadeed iyo
martigalintii geedi-socodka nabadeeed ee Qaramada Midoobay
hoggaaminayaan iyo kuwa kale ee xiliyadii la soo dhaafay. Waxaan kaloo u
mahadnaqayaa Dawlada Keenya ee dalkeeda ku martigalisay shirkan.
Contact: oselmi@hotmail.com
_____________________________________________________________________________________
Murray Forsyth, Union of States, 1981, p2.
Idem in p.2 quotes G.f. Sawyer
Dr. I. M. Lewis et al, A Study of decentralised
political structures for Somalia – A Menu of Options -1995.
English Version: Read Here