SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Taxanaha Barnaamijka Waxqabadka: QUWADDA QORAXDA IYO BARNAAMIJKA DANAB KA DHALINTA QORRAXDA PUNTLAND—W.Q. Musharax Prof. Cumar Farjac

Maanta woqooyiga qaaradda Mareykanka iyo woqooyiga Europe iyo Asia waxaa ku habsaday qabow, halka Somaliya ay ku istareexayso qorraxda joogtada ah. Qaadirkaa nooga maciinay dhibaatada, nooguna deeqay qorrax joogta ah, hase yeeshee kama faaiidaysan nimcada Eebe nagu manaystay. Maqaalkaan waxaanu si kooban ugu falanqaynaynaa qorshaha dhaqaale iyo siyaabaha looga faaiidaysan karo qorraxda aynu hodanka ku nahay.

Iftiinka marka loo rogo danab ama koronto waxaa loogu magac daray quwadda qoraxda.

Ascaarta shidaalka batrolka oo waayadaan dambe circa isku shareertay darteed ayaa hormuud u noqotay horuumarinta waxyaabaha lagu bedeli karo shidaalka batroolka. Wadamada horuumaray badankooda ayna ku jiraan kuwa aan wadamadooda qorraxdu ku badayn ayaa gaarey horuumarinta. isticmaalidda quwadda laga soo saaro qorraxda iyagoo ku bedelaya isticmaalidda quwadda laga soo saaro shidaalka batroolka. Waayadaan dambe aqonta iyo isticmaalidda quwadda qorraxda iyo farsanadeedu waxay u soo gooshtay wadamada saboolka ah iyo kuwa soo koraya oo hodanka ku ah cadceeda. Isticmaalka quwadda qorraxdu waxay haatan soo cagadhigatay Somaliya iyo Puntland.

Puntland waxay hodan ku tahay cadceda, hase yeeshee weli kama faaidaysan kheyraadka dabiiciga ah sida qorrada iyo dabaysha oo Eebe hodanka kaga dhigay.

Qorshaha maamulkayagu u dejiyey ka faaidaysashada qowadda qorraxda waxay isugu biya shuraneysaa sidii muddada qorshaha dheer wadanka dhami u isticmaali lahaa korontada laga dhaliyo cadceeda.

Marka hore waxaan u qorshaynay in dugsiyada, istbataalada iyo bukaan socod egtooyinka korontada ay isticmaalaan ay u noqon lahayd mid laga dhaliyo cadceeda.

Dadka aan aqooni waxay u haystaan in qalabka lagu dhaliyo quwadda korontada laga helo cadceeda ay tahay mid qaali ah, hase yeeshee waxaa hubaal noqotay in qalabka badidiisa lagu heli karo kharaj la'aan hadii dadku doonayaan http://ezinearticles.com/?Free-Solar-Panels&id=231229

Badanaaba waxaa kharajka ku baxaya qalabka dhaliya quwadda qoraxda bixiya shirkado la dirira dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka shidaalka batroolka iyo dhuxusha adag (coal).

Puntland waxay hodan ku tahay laba shey oo saldhig u ah soo saaridda korontada laga dhaliyo quwadda qorraxda. Mid waa ciida (bacaadka) laga samayo muraayadda soo jiita qorraxda, midda kalena waa qorrax joogta ah. Saddex iyo tobanka bilood ee sannadku ka koobmo waxaa Puntland ka jirta qorrax joogta ah.

Maamulkayagu wuxuu xal u hayaa sidii lagu hormarin lahaa, sidii loo maali lahaa danab ka dhalinta quwadda qoraxda. Puntland waxay leedahay xeeb dheer ee ciida (bacaadka) badda ka soo fatahmaya uu halis gelin karo dhulka dhirtu ka baxdo. Burucyada ku durkaya dhulka dhirtu ka baxdo waxaa looga faaiidaysan karaa in la warshadayo oo laga samayo quraaradda, muraayadaha laga dhaliyo danabka iyo quwadda qorraxda.

Siyaabaha badan oo looga faaiidaysan karo waxaa ka mid ah:

· Iyadoo miyi iyo magaalo oo dhan la glin karo korontada laga maalo cadceeda.

· Iyadoo loo isticmaalo sidii loogu soo saari lahaa biyaha ceelasha beeraha, ceelasha xoolaha miyiga iyo ceelasha magaalada.

· Jikooyinka iyo tinaarada ku shaqaya quwadda qorraxda. Taasi waxay yarayneysaa isticmaalka dhuxusha iyo jaridda dhirta loo isticmaalo dhuxusha dibadda loo dhoofiyo. Jaridda dhirta loo isticmaalo dhoofinta dhirta waxay keentay xaalufinta dhulka iyo nabaad guurka Puntland. Si aan dhulku u xaalufin, waxaa maamulkayagu mamnuucayaa dhoofinta dhuxusha iyo jaridda dhirta.

· Quwadda qorraxda laga dhaliyo, hadii Eebe idmo waxaan isticmaalkeeda ku bilaabeynaa dugsiyada, bukaan socodyada ku yaal tuulooyinka iyo miyiga.

· Nalalka iyo ilayska garoomada diyaaradaha iyo kuwa lagu taxo laguna iftiimiyo dhabada diyaaraduhu soo caga dhigtaan ama ka duulaan.

· Guryaha iyo ilayska jidadka ifiya.

· Munaaradaha ama ilayska haga maraakiibta iyo doonyaha oo badbaadiya gaadiidka badaha ee xeebeheena u soo dhowaada.

· Nalalka ifiya isgoysyada iyo meelaha halista ah.

· Nalalka ifiya buundooyinka jidadka isku xira magaalooyinka.

Quwadda laga dhaliyo qorraxda way ka faaiida badan tahay midda laga dhaliyo shidaalka batroolka iyo dhuxusha adag (coal), waayo:

· Uma baahna dayac tir joogta ah

· Ma laha kharaj joogta ah sida batroolka

· Har iyo habeenba wuu kuu shidnaankaraa markii muraayaduhu kala jiraan. Sida ilayska dhabooyinka.

· Wuxuu u fiican yahay dabiicadda iyo dadka. Maadaama aanu lahayn dhibaatooyinka batroolka iyo dhuxusha adagi u geystaan dadka iyo dabiiadda (pollution)

· IWM

La soco tamarka quwadda korontada laga dhaliyo dabaysha iyo qorshaha musharaxu u wado Puntland.

Farjac@gmail.com

www.Puntlandforchange.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 21, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS