1943dii ilaa 2008 WAXQABADKA CIIDANKA BOLISKA
Xubnaha Labada Gole ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka
Xeer ilaaliyaha Guud, ee Qaranka, Talyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyiyaasha
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia, Dulmaasiyiinta wakiilada Beesha caalamka Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Ururada
bulsahda iyo warbahinta guda, Mudanayaal iyo marwooyin, waad salaamantihiin, Waxaa faraxad & raynrayn aan la soo koobi Karin u ah Ciidanka Booliska
Soomaaliyeed ka soo qayb galka aad nagala soo qayb gasheen dabaladega &
damaashaadka aanu maanta u samaynayno xuska munaasabadda 20 december 2008 oo ku
aadan sanadguurada 65 aad ee ka soo wareegtey asaaskii Ciidanka Booliska
Soomaaliyeed,
Waxaana aniga oo ku hadlaya magaca sareeyeyaasha, saraakiisha, kormeerayaasha,
S/Xigeenada, alifleyda, dableyda Ciidanka Boliska Soomaaliyeed & kaygaba aan
idiin soo gudbinayaa hambalyo & bogaadin kal & lab ah, oo la xiriidha xuska
munaasabadan qaaliga ah, aniga oo dhamaanteen inoo rajeynaya inaanu xuskan kiisa
kale ku gaarno midnimo, Nabad, horumar & baraare, iyada oo isla markana
ahaantaas Ciidanka Boliska & qoyasaskoodaba meel kasta oo ay joogaan aan u
dirayo salaam & hambalyo ku began munaasabadan, eebana uga baryayo munaasabadan
teeda kale in ay ku gaaraan Nabad & Horumar. Intaa kadib, Taariikhda qotada dheer ee Ciidanka Boliska Soomaaliyeed & wax
qabadkiisa, waxaan u deynayaa madaxda qaranka, hase ahaatee waxaa lagama
maarmaan ah inaan is xusuusino in Ciidanka Bolisku yahay kan ugu faca weyn
Ciidamada qalabka sida ee Dalka, yahayna xoog wadani ah oo ku dhisan rabitaanka
shacabiga, kaas oo aan iskii siyaasi u ahayn,una adeegin koox, Urur & xisbi u
taagan dano siyaasadeed oo u gaar ah, balse uu u adeego Ummadda Soomaaliyeed
ayna waajib ku tahay:- A. Ilaalinta axdiga qaranka (Charter) & shuruucda Dalka
B. Difaaca Hay’adaha Qaranka,
C. Badbaadinta nafta & hntida muwaadinka & ilaalinta isticmaalka xaqa uu qofka
siinayo sharcigu, iyada oo aan wax loo dhimeyn nabadgeliyada Qaranka.
D. Ka hortaga dembiyada, raacdayntooda, garsoorka.
E. Ilaalinta canshuuraha & dhaqaalaha Dalka &
F. In uu guramad u fidiyo shacbiga Soomaaliyeed hadii ay dhacdo musiibo guud ama
mid gaar. Walaalayaal, Si aad ula socotaan maraaxisha, isbedelka & horumarka laga gaaray dib u dhiska
Ciidanka Boliska mudadii ay jirtay DFKMG ahi marka laga eego dhinacayada tirade
Ciidanka, tababarak, qalabka ama imkaaniyaadka shaqo ee uu Ciidanku haysto &
hawlgelintooda waxaa la meel mariyay:- Ø magacaabista taliyaha & taliye xigeenadiisa,
Ø >dhismaha hogaamada taliska,
Ø Dib u hawlgelinta, qorista & tababarida Ciidan isugu jira kuwii hore & kuwo
cusub oo ka soo kala baxay:- 1. akadeemiyada Boliska carom,
2. dugsiga tababarka Boliska 20 jirow
3. dugsiga tababarka Boliska ee lafoole,
4. dubsiga tababarka Boliska Kenya ee miyaami,
5. dugsiga tababarka Boliska Uganda ee kampala, kuwaas oo si buuxda uga hawlgalay qaybta guud ee Gobalka Banaadir,
qaybaha boliska Bobalada bay, bakool, gedo, galguduud, J/Hoose, J/dhexe,
Sh/Hoose, Hiiraan & K/mudug oo in ka mid ah ay fadhiid ka dhigeen kooxaha nabad
diidku marka laga reebo G/Banaadir G/Bay & degmooyin ka tirsan koonfurta mudug &
galguduud, waxaana mudadii 20 bilood ahayd ee u dambeyay oo run ahaantii ah mudo
kooban marka laga eego xaga wakhtiga, hadana iyada oo la raacayo siyaasada
qaranka ee la xiriidha sugida nabadgeliyada guud & xasiloonida Dalka, dib ugu
soo dabaalida shacbiga soomaaliyeed nidaamka 7kala dambaynta (law and order ),
ka hortaga dembi falista & dardar guuleystey in la dareemo hoos u dhac la
xiriira dembi falista caadiga ah, marka laga reebo kuwa abaabulan ee ay
geysanayaan nabad diidku.
Hadaba walaalayaal, iyada oo la tixgelinayo baahida shacabigu u qabo nabad &
xasilooni waxay madaxda sare ee qaranka & ciidankuba, iyaga oo maskaxda ku haya
siyaasada dib u heshiisiineed ee qaranka ku talaabsadeen in ciidanka booliska
loo abaabulo sidii uu awooda qalabka shaqo ee uu haystaaba aysan u babac dhigi
Karin baaxada shaqo ee laga sugayo xiligan, taas oo keentay in la is barbar wado
hawsha dib u dhiska & hawlgelinta Ciidanka oo ay ugu muhiimsanayd dib u habayn
(reform) lagu sameeyey qaab dhismeedka Ciidanka, (structure) oo aan ulajeedo
dhisida hogaamada, fadhiyada, qaybaha, saldhigyada &hawlgelintooda oo u
qaabaysan dib u heshiisiinta, is dhexgalka & nabad ku wada noolaanshaha bulshada
Soomaaliyeed oo ka soo daashey colaado, barakac, qaxooti & aafooyin dabiici ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan intaas ku soo koobayaa xog wararnka guud ee
dhismaha Ciidanka wixii ka qabsoomay, waxaana xusid mudan in Ciidanka Boliska oo
ka mid ahaa Hay’adihii Dalka ee burburay uu ugu horeeynba isaga oo ku talagelaya
awooda dhaqaale ee qaranka, tixgelinayana baahida loo qabo ciidan boolis ah oo
dabooli kara sugida nabadgeliyada qaranka & shacbigaba, awoodana in uu horeed u
noqdo sidii looga jiba keeni lahaa in shacbigu helo Nidaam & kala dambayn, xasilooni & nabad ku wada noolaasho uu si buuxda u dhaqan
geliyey hawlgalo la xiriira ka hortaga dembiyada, wuxuuna si uu u guto
waajibaadkiisa kordhiyey tababarada Ciidanka &xiriirada uu la leeyahay Booliska
Gobalka & caalamka, waxaana isla mar ahaantaasba ka qayb galay kulamada Boliska
Gobalka & kan caalamkaba ee aan hoos ka soo sheegi doono.
Tababarada gudaha & dibedda:-
Baydhabo
1.diiwaan gelinta Ciidanka ee Electr. Ah
(data base ) 21 xubnood
2. mina saarista 10 xubnood
a. dibedda
{Ciidanka Dowlada Ethiopia} 1.Ciidan cusub oo layli ah 977 Xubnood
2. L/sarkaal (cert. dipl. °ree) 50 Xubnood
3. ka hortaga rabshadaha 15 Xubnood
4. nabadgeliyada wadooyinka 15 Xubnood
5. ilaalinta madaxda &
halbawlayaasha qaranka 15 Xubnood
6. farsamada barista dembiyada 15 Xubnood
{Ciidanka Dowada Uganda}
1. L/Sarkaal 27 Xubnood
2. aqoon kororsiga taliyeyaasha saldhigyada 17 sarkaal
3. ilaalinta hab dhaqanka Ciidanka (Standard Unit) 4 “
4. kormeerka ( Inspectorate ) 4 “
5. Maamulka Lacagta 4 “ Masar
1. kor u qaadista xirfadaha Boliska 64 Sarkaal:- a. bil walba 2 Sarkaal X 12= 24 Sarkaal
b. Saraakiil dufcada 1 20 “
c. Saraakiil “ 2 20 “
Suudaan
Layli saraakiil ( Degree ) 1. layli saraakiil 20 xubnood
2. barashada maamulka 15 Xubnood
3. barista dembiyada 10 Xubnood
4. N. wadooyinka 15 Xubnood
b. Uganda
1. hogaamada & taliyeyaasha qaybaha 32 sarkaal
c.kenya
1. diiwaan gelinta xusuus dhawrka (data base) 10 Xubnood
Kulammada & xiriirka caalamiga ah
1. kulan sanadeedka T/yaasha Bol. Bariga Africa AGM EAPCCO Addis Ababa 2. kulan sanadeedka taliyeyaasha AGM EAPCCO Bujumbura
3. kulanka nabad ilaalinta EAPCCO and SARPCCO D/ saaam
4. EAPCCO Guudi hoosaadka, Qor. & Tab. Bol. Bar. Africa Addis Ababa
5. ka hortaga dembiyada abaabulan Niarobi
6. socdaalka & koontaroolka xuduudaha Niarobi
7. EASTBRICOM ee bariga Africa Niarobi
8. ilaalinta canshuraha ee bariga Africa Niarobi
9. RECSA hub ka dhigista Bar. Afr. & Gob. Harada Victoria Niarobi
10. RECSA MANPADS ee bariga Africa Niarobi
11. RECSA hubka dhigista Bar. Afr. & Gob. Harada Victoria Niarobi
12. Is xambaarka & xuduudaha D/salaam
13. la dagaalanka mukhaaddaraadka Tripoli Mashaariicda Socota:-
a. dayctirka akadeemiyada Boliska S/Guuto kaahiye oo ku kacaya lacag ka badan
$700.000/=, hase ahaatee uu u hakaday lacag la’aan kadib markii ay UNDP fulin
weydey heshiiskii ay la gashay Shirkada ku guulaysatay Qanadaraaska. Masaariicda qorsheysan
a. xarunta taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
b. xarunta hogaanka barista dembiyada C.I.D walaalayaal, maadaama, waajibaadka aasaasiga ah ee Ciidanka Boliiska uu ka mid yahay ka
hortaga dembiyada, baaristooda, qabashada dembiilayaasha & horgeyntooda
garsoorka, waxaa fadhiyada Ciidanka Boliiska ee Dalka oo idil mudadii u
dhexaysey 20/12/07- 20/12/08 soo gaarey dacwado & cabashooyin dhan 8,554, walow
ay dembiyada dhacayaa intaas aad uga fara badan yihiin Boliiskuna uusan ku wada
sugnayn goobaha ay dembiyadu ka dhacayaan, waxayna u kala baxaan:- a) Dembiyada Caadiga ah:- 1. dil 189
2.dhac hubeysan 353
3. kufsi 70
4. guugo 429
5. dhac gaadiid 105
6. mukhaadaraad 996
7. 2 ( laba ) guursi 11
8. dagaal safeyn ah 166
9. khiyaano 330
10. been abuur 96
11. sakhrad 190
12. khamaar 49
13. dhaawac fudu 330d
14. dhaawac culus 113
15. cabashooyin kala duwa 2.815n
16. shil wado 143
17. tirade maxaabiist 840a la xiray
18. tirada la xukumay 139
19. garsuge 69
20. geerida shilalka 291 B9 dembiyada abaabulan 1. miino qaraxday 115
2. bam la tuuray 131
3. miino la soo saaray 51
4. weerarada lagu qaaday Mas’uuliyiinta Dowlada, Ciidamada DFKMG, AMISOM &
Ethiopia 131
5. qaraxyo Ismiidaamin ah 6
6. afduub maraakiib, & doomo 33
7. afduub dad isugu jira badmaaxiin, 363shaqaale samafal,
suxufiyiin & Somalia ah u shaqaysa Hay’adaha samafalka 363
sida muuqata waxaa dembiyada abaabulan ee tiradoodu kor ku xusan tahay Ummadda
Soomaaliyeed ka soo gaaray khasaare naf & maalba leh oo saameeyey rayid &
Ciidanba, sababayna in Ciidanka Boliisku iyaga oo gudanya waajibaadkooda ay kaga
geeriyoodeen 128 xubnood, kagana dhaawacmeen 194 xubnood, islamar ahaantaasna ay
ku naf waayeen dad rayid ah oo aan ku jiran dhinacyada dagaalamaya oo gaaraya
378, ayana ku dhaawacmeen intaa uu ka warhayo Ciidanka Boliisku 522 qof, kuwaas
oo aan Ciidan & rayidba intooda dhimatay eebe ugu baryayo in uu Janadiisa ka
waraabiyo, inta dhaawac ahaan uu Caafiyo.
Dahaqaalaha:- Sida aad ka war qabtaanba, waxaa waajibaadka Ciidanka Boliiska ka mid ah
ilaalinta canshuuraha, dhaqaalaha & sarifka lacagaha adag, waxaana Ciidanka
Boliisku mudadii u dhexeysey 20/12/07-15/12/08 isaga oo waajibaadkiisa gudanaya
uu ku hooyey khasnada dhexe ee Dowlada lacag isugu jirta shilin So. & tan adage
e hoose ku xusan, oo ka soo kala xerootay ilaha dhaqaalaha ee qaranka, kana soo
hoyatay canshuuraha beriga, bada & gegooyinka dayuuradaha aadan Cabdule & NO 50
oo kala ah :- 1. Sh. So. 15, 209,221,000/=
2. Us$ 8,475,979.00/= BAAQ Iyada oo aan xeerinayo marxalada uu Dalka marayo & dedaalada loogu jiro xalinta
khilaafaadyada ka dhex jira Ummadda Soomaaliyeed, fiiro gaar ahana siinayo
nabadgeliyada, waxaan ku baaqayaa:-
1. in Dowlada KMG ahi ay yeelato qarshe nabadgeliyo (National Security Plan ) oo
leh miisaaniyad & istaraatiijiyad fulineed oo isugu jirta mid dhaw & mid Dheer,
kuna salaysan in mudaanta la siiyo nabadgeliyada & amniga, iyada oo lagu
jaangoynayo awooda dhaqaale ee qaranka, taas oo aan hore u jirin, si qaranku u
kafaalo qaado daryeelka Ciidanka nabadgeliyada.
2. in deeq bixiyeyaasha & Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP ( ROLS ) ay
siyaasadaynta ka dayaan taageerada & xuquuqaha ay Ciidanka Boliisku mutaysten oo
aan mu’do sanad ah qaadan wax guno ah, una xaniban afkaar ay leeyihiin ashkhaas
wax burburinaya & kuwa aan Xoogagal ahayn iyaga oo ka faa’ideysanaya qalalaasha
siyaasadeed & kan nabadgeliyo daro ee Dalka ka jira. 3.in shacbiga Soomaaliyeed nabad jecel ay Ciidanka Boliiska oo iyaga u adeega ku
taageeraan waajib gudashadiisa, kaalin wax ku ool ahana ka qaataan geedi socodka
nabadda, si ay Ummadda Soomaaliyeed u soo ceshato Qaranimadeedii &
karaamadeedii, bulshada Soomaaliyeednaay wax kasta oo khilaaf ah ku dhameeyaan
wada hadal & isu tanaasul, iyada oo loo danaynayo dadaka ku tabaaloobay
Colaadaha, abaaraha, fatahaadaha, barakaca & qaxootiga, lana soo celiyo
walaaltinimadii & Nabada ku wada noolaanshahii bulshada, si ay Soomaaliya u soo
ceshato maqaamkii ay ku lahayd bulshada caalamka. 3. waxaa kale oo lagama maarmaan ah in aan is xusuusino in dhibaatooyinka
xanuunka badan ee ay keeneen colaadaha kala qoqobnaanta, isu tanaasulid la’aanta
& fara gelinta shisheeyuhu aysan ku so oaf jarmeyn xal dibeda looga keeno
Soomaaliy, maadaama ay hubaal tahay in aan beesha caalamku u naxariisanayn dad
aan iyaguba isu naxariisanayn, waxana lala qaban Karin dad aan ayaguba wax
qabsanayn, sidaa daraadeed, waxaa haboon in aan dhamaanteed danta guud meel uga
soo wada jeesano, anaga oo ilaahay talaada saaranayna,aqoonsanayna in xalku
gacanteena ku jiro, taas oo ah dariiqa keli ah ee looga bixi karo dhibaatada ku
habsatay Ummadda Soomaaliyeed, laguna gaari karo xal waara.
4. waxaa kale oo aan dhalinyarada dagaalamaysa ugu baaqayaa in ay joojiyaan
colaadaha & dhiiga daadanaya hubkana iska dhigaan, si buuxdana uga qayb qaataan
Nabadda & dib u dhiska Dalka, iyaga oo u danaynaya waalidiintooda ku tabaaloobay
barakaca & qaxa ka dhashay dagaalada dhacaya, maadaama ay yihiin kuwa iska leh
hogaaminta mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed. Mudaneyaal & Marwooyin Ugu dambayntii, iga ogolaada in aan aniga oo tixgelinaya sida naf hurida leh ee
Ciidanka Boliisku u soo gutey waajibaadkiisa,
Isaga oo u dhabar adaygaya dabeecadaha qalaafsan ee shaqo & duruurfaha dhaqaale
xumo ee u ku sugan yahay, welina uu diyaarka ugu soo jeediyo amaan & bogaadin la
xiriirdha sida wadaniyada & Soomaalinimada leh ee ay ugu adeegayaan bulshadooda,
aniga oo isla mar ahaantaasna ku boorinaya in ay dedaalkooda sii labanlaabaan
ilaa ay ka xaqiijinayaan nabadgeliyada dadkooda & dalkooda.
Mahadnaq
Walaalayaal, waxaan u mahad celinayaa madaxda qaranka ee wakhtigooda qaaliga ah
u soo huray in ay nagala soo qayb galaan xuskaan qaaliga ah, xildhibaanada
labada Gole, diblomaasiyiinta,Taliyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxada
Gobalka, Ururada bulshada & dhamaan intii gacan ka geysatey qabsoomida xafladan,
gaar ahaan sareeyayaasha Ciidanka, taliyaha akadeemiyada, kooxda fanka &
suugaanta ee heegan oo halkan inoogu soo bandhigtey murti & wacyi gelin, tulaase
u noqon karta marxalada Dalku marayo, kooxda baando Musico & dhamaan Ciidankii
gaado ka ciyaarka noogu soo bandhigay fagaaraha akadeemiyada Boliiska ee S/Guuto
Kaahiye.
Soomaaliya Hanoolaato.
Ciidanka Boliisku Ha Jiro. AQRISTOW DIB U XASUUSO SANADGUDARADII 64AAD WARBIXINTII LAGA SOO SAARAY GOOBAHA
AY FADHIISIMADA KU LAHAAYEEN GOBOLAD ADALKA QAAR . Sidoo kale waxaa hoos yimaada qeybaha jamhuuriyda somaliya oo idil sida uu
warbixintiisa ku sheegay Taliyaha hogaanka sareeye guuto Yuusuf Xuseen Cusman
(dhuumaal ) guud ahaan ilaa iyo hada meelaha ciidanku joogo waa sidaan Mudug
waxaa joogo tiro ciidan boliis oo dhan 86, Galgaduud waa 60, Hiiraan waa 102
ciidan ah ,Shabeelaha hoose waa 30 ciidan bolis ah gobolka Bay waa 760 askari
Bakool waa 24 ciidan bolis ah gobolka Gedo waa 36 ciidan ah, Jubada hose waxaa
joogo tirop ciidan bolis ah oo dhan 10 askari sidoo kale Jubada dhexe waxaa
inoojoogo 24 askari, G obolka Banadir oo ah mid rabshaduhu ay diloodeen ayuu ku
sheegay talihaya hogaanka sareeye guuto Yuusuf Xuseen Cusman (dhuumaal ) in ay
joogaan 2600 ciidan bolisk ah birmadka boliska waa 186 askari gurmadka deg dega
ah waa 50 wuxuuna ciidan nabad galyada wadooyinka ee taraafiko ayuu ku sheegay
in ay dhanyihiin 89 Ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliyeed ayaa hada waxaa ay joogaan
Magaalooyin xadidan sida baydhabo ,Muqdisho iyo kuwo kale waxaana jirta in ay
kabaxeen inta badan goobihii ay joogeen sanadkii tagay bishaan oo kale Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin: Somalitalk.com | Dec 21, 2008
|