SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha DFKMG Oo Safar Aan Hore Loo ShaacinUgu Kicitimay Nairobi Kenya

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Sabtidii ka duulay garoonka macamalka ah ee magaalada baydhabo isagoo kusii jeeda dalka Kenya oo dhowaan la sheegay in Cuna qabatayn dhinaca dhaqaalaha iyo socdaalkaba laga saaray qoyskiisa iyo isagaba taasoo aan la ogayn sababta xiligan kusoo beegtay .

Duulitaanka Madaxweynaha DFKMG yuusuf oo aan hore loo shaacin ayaa ka dambaysay warar laysla dhex marayo oo sheegaya inuu magaalada Nairobi kula balansan yahay xubno ka socda urur goboleedka IGAD ,kuwo caalamka ka socda iyo weliba kooxda soomaaliya u qaabilsan xiriirka caalamiga ah ee Contact Group taasoo loo malaynayo inay kala xaajoon doonaan khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Hogaanka sare ee dowlada KMG ah .

Sidoo kale khilaafkan u dhexeeya madaxda sare sare ee dowlada ayaa beesha caalamku waxay ka muujisay walaac islamrkaana ay arkaan inay maja xaabisanyso shirkii dib u heshiisiinta ee ay kala saxiixdeen isbaahaysiga dib u xoraynta iyo TFJ-da xarunta jabuuti ee wadanka jabuuti .

Socdaalka Madaxweynaha DFKMG yuusuf ayaa kusoo beegmaya xili ay murano siyaasadeed oo xoogani u dhexeeyaan isaga iyo raysal wasaarihii dhowaan uu xilka uu ka qaaday taasoo ay beesha caalamku gaashaanka ku dhufatay xilka qaadistaas nuur cadde uu ku sameeyey madaxweynuhu .

Iskusoo wada duuboo murankan soo kala dhex galay hogaanka sare ee dowlada ayaa u muuqda mid midi midi ku taag ah islamrkaana kusoo biyo shubanaya inay hanaanka dib u heshiisiintu gasho fowdo iyo jaantaa Rogan

Dagaalo Waxyeelo Kasoo Gaartay Dad Rayid ah Oo Habeenkii Sabtida Ka Dhacay Degmada Wardhiigley

Dagaalo laysu adeegsaday madaafiicda wax gumaadda ayaa habeenkii xalay ahaa ku dhex maray ciidamada dowlada KMG ah gaar ahaan ilaalada madaxtooyada iyo xoogaga islaamiyiinta degmada wardhiigley gaar ahaan isgoyska folorensa iyo agagaarka xarunta madaxtooyada halkaasoo ay waxyeelo ba,an u gaysteen dad rayid ah madaafiic habow ah

Dhimashada 2-qof iyo tiro ka badan 10-qof oo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalkan oo ahaa mid ay isu adeegsanayeen kooxaha iska soo horjeeday hubka noocyadiisa kala duwan taasoo madaafiicdu ay u talowday xaafado ay deganaayeen dad rayid ah oo xiligaas ku sugnaa guryahooda islamarkaana waxyeeladan dhimashada iyo dhaawaca leh kasoo gaartay .

Sidoo kale afhayeenka ciidamada milatariga dowlada KMG ah daahir maxamed xirsi ayaa warbaahinta u sheegay inay madafiicda Lidka diyaaradaha ku ridayeen kooxahii kasoo horjeeday islamrkaana aysan gaarin xaafadaha howl-wadaag ee dhinaca bakaaraha waa siduu hadalka u dhigaye oo ay dadka rayidka ah ee waxyeeladu kasoo gaartay.

Dhinaca kale xoogaga islaamiyiinta ee dagaalka xalay la galay ciidamada dolwda KMG ah ayaa afhayeen u hadlay oo magaciisa ku sheegay Barre Cali Barre ayaa saxaafada u sheegay inay dagaalkaasi qaadeen kooxaha lagu magacaabo Mucaskar Raas Kan Booni islamarkaana ay weerarkaasi la beegsadeen xarunta madaxtooyada iyo fariisinka ciidamada ilaalada u ah Madaxweynaha DFKMG yuusuf .

Ma jiraan khasaare ay kala sheegteen afhayeenada u hadlayey kooxahii xalay ku dagaalamay degmada wardhiigley marka laga reebo dhaawacyada iyo dhimashada kasoo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan agagaarka goobaha dagaalku ka dhacay .

Baarlamaanka FKMG ah Oo Wada Mooshinkoodii Ay Ku Doonayeen Inay Xilka Kaga Qaadaan Madaxweynaha DFKMG Yuusuf

Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo dhowaanahanba waday mooshin ka dhan ah madaxweynaha soomaaliya c/laahi yuusuf axmed ayaa Saacadaha soo socda lagu wadaa inay halkii kasii amba qaadaan mooshinkaasi oo maanta lagu wado inuu noqdo mid ka kulul mooshinadii hore ay wadeen .

Kulamo dhowr ah oo ay yeesheen badanaaba baarlamaanka FKMG ah ee soomaaliya ayaa ku balamay inay maanta sii amba qaadaan mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha dowlada KMG ah taasoo ay ku doonayaan inay manta kasii kululeeyaan mooshinkooda islamrkaana saldhig u dhigaan dacwada nabadaynta soomaaliya

Sidoo kale xarunta Baarlamaanka ee magaalada baydhabo ayaa amaankeeda si weyn loo adkeeyey taasoo sida wararka saxaafadu ka helayso ay sheegayaan in lagu arkayo in laysla dhex marayo waraaqo dacwad ah oo looqaybiyey mudanayaasha baarlamaanka qaarkood islamrkaana ku salaysan dacwada madaxweynaha KMG ah c/laahi yuusuf axmed

Dhinaca kale magaalada baydhabo ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo xoogan taasoo laysla dhex marayo kala qaybsanka siyaasadeed ee mudada soo jiitamayey ee u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG yuusuf iyo nuur xasan xuseen (nuur cadde ) oo u muuqda mid kusii biyo shubanaya bur bur iyo xarig jiidad siyaasadeed oo sii xoogaysanaya kaasoo laga yaabo inuu keeno bur bur ku yimaada dowlada KMG ah .

yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com 

Faafin: Somalitalk.com | Dec 21, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS