Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed oo Carwo Buugeed ku
qabtay Dalka Jibouti
Sawirada Halkan ka daawo...
Naadiga PEN ee qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed ayaa maanta wuxuu
Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti uu ku qabtay Carwo Buugeed looga
gol-leeyahay hirgelinta hal-abuurka ku qoran Afka Hooyo.
Munaasabad lagu furayay Carwo Buugeedka uu soo qabanqaabiyay Naadiga PEN ee
Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed oo ka dhacday Guriga Umadda Jibouti ayaa
waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Jibouti, Aqoonyahanno iyo
marti sharaf kale oo lagu casuumay in ay ka qeybgalaan Carwo Buugeedda Jibouti
2008.
Munaasabadda oo Aayado Qur’aan ah lagu furay kadib waxaa gabay ka soo jediyay
C/llaahi Xasan Feero-Geelle oo ka mid ah Suuganyahannada Reer Jibouti, kaasi oo
Gabaygiisa ku iftiiminayay ahmiyadda uu qoraaga iyo gabyaaga u leeyahay Umadda,
wuxuuna ku baaqay in la horumariyo afka Soomaaliyeed.
Waxaa markaas kadib cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Xaashi C/llaahi Orax oo
metelayay Odayaasha Somali PEN. Xaashi waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la
horumariyo Afka Hooyo. Wuxuuna carrabka ku dhuftay fikradda qabanqaabinta
carwo-buugeeddan iyo asaasiddii Naadiga PEN labadaba inuu keenay Dr. Maxamed
Daahir Afrax oo ah Guddoomiyaha Somali PEN, wuxuu kaloo bogaadiyey garabgalka
Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle isku garab taagay arrimahan. oo dhan
. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay horumarinta Afka Soomaaliga.
“Wax la adeegsan karo oo Cilmi kale lagu gudbin karo waa Afka Hooyo. Maanta
Jariidadaha Dalkan ka soo baxa ee Faransiiska ku qoran dad yar ayaa aqrista,
laakin TV-ga waxaa daawada dad badan oo kumanaan ah, wuxuuna gaaraa meelo fog
fog”ayuu yiri Xaashi C/llaahi Orax oo intaas ku sii daray.
“Marka wax laga hadlayo afar dareen ayaa la adeegsadaa waxayna u kala jiraan
labo iyo labo. Labo waa ku hadalka afka iyo dhegeysiga, labo kalena waa aqriska
iyo qorista, marka in la iibsado weeyaan buugaagta oo la aqriyaa, bulshada horay
u martay waxay eegaan qofka inta buug oo uu bishii aqriyay, weliba annaga
dumarka ayaa roon ee raggu waa qayilayaan, inta ay qayilayaanna waxba ma aqrin
karaan”.
Aadan Faarax oo ka socday Abwaannada reer Jabuuti ayaa munaasabadda ka hadlay
wuxuuna Aadan sheegay in Umad kasta ay qalin iyo buug wax ku kala dhaxasho,
“Haddii aanu jirin qalinka adduunyada dhaxal ma hesheen, waxaa la yiraahdaa
hadalka waa baaba’aa laakin qalinka ma baaba’o, tusaale wixii qarniyo ka hor la
qoray ayaan maanta heysannaa, laakin hadal waa hore la yiri waa suurtowdaa in uu
lumay”ayuu yiri Aadan Faarax.
“Ardayda Jibouti waa ku adag yahay aqriska Soomaaliga, taana waxaa ugu wacan
Schoolka laguma barin, markaa waxaa loo baahan yahay in wax laga bedelo”ayuu mar
kael yiri Aadan Faarax oo intaas ku sii daray. “qalinka gacanta qabata ayaa
xumeysa mooyee isaga xumaan ma keeno, qalinka tuug ma noqdo, waana dhaxalka ay
addduunyada heysato, markaa walaalayaal waxaan leeyahay waxaa bilowday fahamka
in loo baahan yahay in la horumariyo Afka Soomaaliga ee aan horay u sii wadno”.
Sahra Jaamac Saalax oo ka mid ah qorayaasha dalka Dibaddiisa ka yimid ee Carwo
Buugeedda Jibouti lagu casuumay ayaa iyaduna munaasabadda ka hadashay, waxayna
sheegtay in qalinka uu yahay hubka ugu weyn ee qofka ku dagaallamo, “waa uu ka
awood weyn yahay seefta” ayay tiri Sahra Saalax oo sheegtay in ay qortay buugaag
ka hadlaya siyasadaha dalalka dhibaatooyinka ka jiraan ee Soomaaliya,
Afghanistan iyo Ciraaq, “Marka aan arrimaha dalalkaas wax ka qorayo waxaan
dareemaa nafis”ayayna hadalkeeda ku sii dartay Sahra.
“Dadka Soomaaliyeed waxaan ku baraarujinayaa in ay ku dadaalaan in uusan lumin
dhaqankooda, qora taariikhda iyo dhaxalkii awoowayaashiin, Jibouti waxay noqon
doontaa halka laga helo dhaqanka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kan
Afrika”ayay mar kale yiri Sahra Saalax.
Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Naadiga PEN ee
Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed qoraa sare. Maxamed Daahir Afrax,
wuxuuna ugu horeyn Guddoomiyuhu salaamay ka soo qeybgalayaashii Munaasabadda,
kadibna waxaa uu uga mahadceliyay waqtiga ay siiyeen.
“Munaasabaddan waa fursad qaali ah, waxaana ku faraxsannahay in aynu u kulannay
ujeeddo qaali ah oo ah horumarinta hal-abuur ku qoran afka Hooyo, waa
halku-dhigga Carwo Buugeedda Jibouti ee 2008”ayuu yiri Maxamed Daahir Afrax oo
intaas ku sii daray.
“Waxaan aad ugu faraxsannahay in uu munaasabaddan weyn nagala soo qeybgalay
Wasiirro ka socday Dowladda Jibouti oo uu horkacayayWasiirka Warfaafinta iyo
Dhaqanka Jibouti Cali Cabdi Faarax, waxaan u qaadaneynaa in ay yihiin saaxibada
qalin-leyda, hal-abuurka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waa fursad qaali ah in aynu
mar kale ku kulannsanahay Jibouti oo noqotay kulmiso, hooyada kulmisay
maskax-maalka degmadeena” ayuu yiri Guddoomiyaha Somali-Speakin PEN.
Guddoomiyaha Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed Dr . Maxamed
Daahir Afrax waxaa uu intaas ku daray in Munaasabadda Carwo Buugeedda Jibouti
2008 ay leedahay seddex ahmiyadood oo kala ah:
Hirgelinta Erayga qoran
Horumarinta hal-abuurka ku qoran Afka Hooyo
Himad-gelinta iyo u hiilinta qorayaasha soo koraya, siiba kuwa wax ku qoraya
Afka Hooyo, Soomaaliga iyo Cafariga
“Seddexdan himilo waa kuwo uu Ururka Somali PEN muddo seddex sano ah ka
shaqeynayay, waxna wey ka hirgaleen, waxaana taasi suurtageliyay Madaxweynha
Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo hiil iyo hoo la garab-taagan Ururka Jibouti”
ayuu yiri Maxamed Daahir Afrax oo sheegay in shirkii ugu dambeeyay ee uu naadiga
PEN London ku qabtay looga hadlay horumarinta Afka Soomaaliga, isagoo xusay in
shirkaas loogu magac-daray isla markaana uu hal-ku-dhig u ahaa hadiyadda Jibouti
iyo horumarinta Afka Hooyo.
Maxamed Daahir Afrax waxaa uu hoosta ka xariiqay in inta uu Bandhig carweedka
socdo ay jiri doonaan iibinta buugaag badan, aqoon is-weydaarsi guriga Umadda ka
socon doona, kaasi oo mowduuciisu yahay qoraalka iyo faafinta afka hooyo,
caqabadaha horyaalla iyo sida looga gudbi karo meerto aqooneed lagu mataaneynayo
Qalinleyuda iyo Hay’adaha Waxbarashada, taasi oo ay wadaagi doonaan Qalinleyda,
Macallimiin iyo Arday laga soo xulay Dugsiyada iyo Jaamacadaha Jibouti.
Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo
Dhaqanka Jibouti Cali Cabdi Faarax oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka
soo qeybgalo munaasabadda Carwo Buugeedda Jibouti 2008, wuxuuna caddeeyay in
munaasabaddaas ay la xiriirsan tahay munaasabado badan oo is-daba joog ah oo
Jibouti ka dhacay, kuwaasi oo uu xusay in ay Caasimadda Jibouti ka dhigeen mid
ifeysa.
“Carwo buugeedda Jabuuti ee aan maanta fureyno waa bandhig dhaqameed heer
Goboleed ah, Geeska Afrika ma jirto magaalo aan Jabuuti ahayn oo ay ka dhacdo
Carwo tan oo kale ah, waxaa la soo uruuriyay bugaag ay qoreen aqoonyahanno
doonaya in ay horay u mariyaan afka hooyo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jibouti
Cali Cabdi Faarax oo intaas ku sii daray.
“Dhiirigelinta ay Jibouti siisay Carwo bugeeddan waxay astaan u tahay
taakuleynta uu madaxweyne Geelle la garab taagan yahay horumarinta Afka
Soomaaliga. Buugaagta halka la isugu keenay shaku kuma jiro in laga faa’iideysan
doono, waxaan ballanqaadeynaa in aan hirgelin doonno go’aannad aad wada
qaadataan ee ka soo baxa shirkan; waxaana idiin rajeynayaa in aad guul iyo
natiijo wanaagsan aad ka gaari doontaan qeybaha kala duwan ee barnaamijkan
hodanka ah”.
Intaas waxaa warbixinno laga dhegeystay C/naasir Yuusuf Macallin oo ka socday
Somali PEN Qeybta Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, wuxuuna ka warbixiyay
waxyaabaha ay qabteen iyo sida ay ku howlan yihiin horumarinta Afka Soomaaliga,
isagoo weliba carrabka ku dhuftay in Magaalada Muqdisho oo uu Xafiiskooda ku
yaallo ay ka soo baxaan in ka badan 100 Wargeys oo arrimo kala duwan ka
faallooda, sidoo kalena ay jiraan Maktabado laga helo buugaag ay dadka
aqristaan.
Waxaa iyana warbixinno laga dhegeystay Carafo Saalax iyo Fowsiyo Muuse oo ka
socday labo Maktabadood oo ku kala yaalla Hargeysa iyo Jibouti, waxayna labaduba
sheegeen in ay Maktabadahooda kula kulmaan dad doonaya in ay iibsadaan Buugaag
ku qoran Afka Hooyo ee Soomaaliga. Waxaa iyana warbixinnadaas kaalin ku lahaa
Prof. Raabi oo ka socday Jaamacadda Hargeysa iyo C/qaadir Maxamed Faarax oo isna
Jaamacadda Jig-jiga.
C/qaadir Maxamed Faarax waxaa uu sheegay in Dhulka Is-maamulka Soomaalida
Itoobiya ee uu ka yimid uu ku yar yahay qoraalka iyo aqriska Soomaaliga, “Dad
badan oo ay ahayd in laga qoro Suugaan ay curiyeen ayaanan laga qorin”ayuu yiri
C/qaadir Maxamed Faarax oo intaas ku daray in deegaankooda uu hal wargeys ka soo
baxo, kaasi oo ay soo saarto Wasaaradda Warfaafinta, inkastoo uu xusay in haatan
la bilaabay in Afka Soomaalida lagu dhigto ilaa fasalka 8aad.
Intaas kadib waxaa Dr. Nimcaan C/llaahi Qawrax oo ah Agaasimaha Machadka
Tiknoolojiyada Jibouti oo xiriirinayay warbixinnada ay jeedinayeen Wakiillada ka
socday Maktabadaha Djibouti iyo Hargeysa ayaa sheegay in la rajeynayo in ay
Carwo Buugeedda Jibouti 2008 ay ka soo baxaan go’aanno ay ka mid yihiin:
In Shabakad loo sameeyo Maktabadaha Buugaagta si ay isu dhaafsadaan Mugaagta
In kor loo qaado Tarjumidda Buugaagta ay qoraan qorayaasha Caalamiga ah si ay
dadka u jeclaadaan aqriska iyo ku hadalka Soomaaliga, walow uu Prof. Raabi
sheegay in loo baahan yahay in laga digtoonaado turjumidda bugaag aan ku
wanaagsaneyn dhaqanka Soomaaliyeed iyo weliba Diinta Islaamka.
Iyo in Dowladda Jibouti loo gudbiyo codsi ku saabsan in ay wax ka bedesho
nidaamka lagu canshuuro buugaagta lagu horumarinayo Afka Soomaaliga ee
Maktabadaha Jibouti yaala.
Ugu dambeyntiina, Carwo Buugeeddan ayaa socon doonta ilaa maalinta Isniinta ah
oo ay Bishan December ku beegan tahay 22, iyadoo mudadaasna uu socon doono aqoon
is-weydaarsi ku saabsan HIRGELINTA HAL-ABUURKA KU QORAN AFKA HOOYO.
Sawirada Halkan ka daawo...
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com