SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixintii iyo Sawiradii Doodii Dhexmartay Musharixiinta Puntland

Sawirada Halkan ka daawo....

Casumaad ay soo qaban qaabisay Wasiir Caasho Geele Diiriye oo loogu talo galay dood u dhexaysa Musharixiinta ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaarada haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Magaalada Garowe.

Doodaan ayey dhexmartay ilaa 10 musharax oo ahaa musharixiinta ka soo qayb galay Cusumaada Dooda Musharixiinta Doorashada Hogaanka Puntland ee 2009.

Warbixin kooban oo iftiiminaysa casumaada dooda musharixiinta ayaa waxaa ka hor akhriyey u jeedadaa Dooda Wasiir Caasho Geele Diiriye oo soo qaban qaabisay iskuna soo dubariday inay dhigto casumaadaan Dooda Musharaxiinta Madaxtinimada Puntland.

Caasho Geele Diiriye:-

Marka hore waxaan idinka mahad celinayaa ajiibida aad naga ajiibteen casumaadii aan Idiin fidinay iyo aqbaladii aad naga aqbasheen ayadoo waliba xilliga wargalintu koobnaa.
Waxaa hubaal ah iinan maanta nooga baahnayn in aan idin siino xog badan oo iinan ka hayn Puntland iyo Soomaliya guud ahaan, maadama aad tihiin musharixiin u soo diyaargaroobay in ay u tartamaan hogaanka Puntland ee 2009.

Inta aanan nuxurka dooda gudagalin, waxaan idiin iftiiminayaa sababaha aan idiin kugu casumay dooda maanta in aanay ka mid ahayn qodobada hoose oo ay ka mid yihiin:-

  • In aan muxaadaro idinka siiyo xaalada guud ee Siyaaso, Dhaqaalo, Bulsho iyo Nabadgalyo ee ka jirta Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland iyo sida ay saamaynta ugu yeesheen nolosha dadka.
  • In aan madashan idinku uur baarno, si aan u ogaano barnaamijkiina Siyaaso ee aad damacsan tihiin in aad madasha doorashada la tagtaan iyo qaabka aad u qorsheynaysaan in aad wax uga qabtaan xaaladaha qalafsan ee Soomaaliya idin kaga aadan iyo tan gaarka u ah Puntland.
  • In aan faahfaahin dheeri ah idinka siiyo saamaynta iyo culayska nolosha dadka iyo horumarka guud ee ay sababeen siyaasadaha sii kharibmaya ee ka jirta Soomaaliya iyo fafalka aan hore looga baran Puntland ee ay ka mid yihiin dilalka Qorsheysan, Qaraxyada, Burcadbadeedka iyo saamaynt siyaasada ololeysa ee TFG, maadaama Puntland tahay dawlad goboleedka ka mid ah Soomaaliya.
  • In aan maanta si gaar ah idiinkaga gado qadiyadda haweenka muwaadiniinta ah ee Puntland oo aan mar walba iyo goob walba afhayeen ugu ahay, si aan ugu ololeeyo ka qaybgalkooda heerarka kala duwan ee talada Puntland oo haweenka kaligood ka yihiin in ka badan konton boqolkiiba, inta la isla fahmayo ( Lab iyo Dhadig) waxqaybsi loo siman yahay, raalina lagu wada yahay oo ku dhisan cadaalada 50/50 hadii alla idmo.

Qodobadaan kadib waxay wasiiradu sheegtay in gaar ahaan doodaa musharixiinta ay tahay gogol xaar Doorashada Puntland waxayna soo bandhigtay in ay jirto labo qodob oo ay muhiim u ah badbaadinta doorashada oo ku dhacda si nabad ah.

  1. Jiritaanka iyo sii Xoojinta Maamulka Puntland oo xoog iyo maskax badani ku baxday, Intiina badan oo fadhidaana aad qayb ka ahaydeen hirgalinteeda.
  2. Samatabixinta in ka badan 70% oo ka mid ah muwaadiniinta Puntland oo isugu jira Haween, Carruur, Waayeel, Dhalinyaro, iyo Garaad Dhiman oo dhamaantood aan musharaxnimo iyo madaxnimo midna u taagnayn, dhaqaale ku filan oo ay ku noolaadaana aan haysan, mansab siyaasadeed iyo shaqooyin miiska u saarana aysan u muuqan kuwaas oo u baahan kaliya Nabad Nabad Nabad ay ku nagaadaan oo ubadkooda ku korsadaan.

Warbixintaa kadib ayaa Wasiir Caasho Geele Diiriye soo bandhigtay qodobada ee looga hadlayo Dooda..

Haddii aynu Isku waafaqnay in wali loosii baahan yahay culays dejin dheeraad ah oo ku aadan arimaha nabadgalyada mudada doorashada iyo wacyo galin bulsho oo ku saabsan danta bulshada iyo maslaxada guud (the common good)

1. Waa maxay talaabooyinka aynu u baahanahayn inaan ku dhaqaaqno si looga fogaado wax alaalle iyo wixii fawdo keeni kara?

2. Ma haboontahay in madaxda iyo aqoonyahanadeenu ay isla meel dhigaan qodobo asaasiya oo ay tahay in puntlandta cusub hirgaliso ama ay wax ka bedesho mudo kooban?

Nuuradiin Aadan Diiriye

 .Waxaan jeclahay inaan mahad gaara u so ojeediyo wasiirka wasaarada marwo caasho geele diiriye oo maanta u ah puntland dhalo ay dadkoo dhan daawanayaan waxaan ka xumahay caasho geelo inay ka harto siyaasada somaliya iyo puntland kamana aynu yeelayno arintaas.

Intaas waxaan uga gudbayaa doodaan oo ah mid muhiima in ayna noo badiyaan noona suurto galinayaan hadaananu nahay musharixiin in aaan doodaan gacan ka geesano hadii ay tahay dhaqaale ama dad idinla shaqeeya waxaan haysanaa siyaasiin nala shaqeeysa oo wax ka wada compainkayaga labadaba waan idin siinaynaaa

Waxaan ku farax sanahay saaxiibaday inta ay ka hadleen in maanta ay dhacdo doorasho xor ah oo amni ku dhacdo haba ahaatee arimaha Amniga, Cadaalada iyo Kalsoonida..

Waxaan ka rajeynayaa in dowlada fuliso go'aankii isimada ay soo saareen oo aan ku raacnay si aysan maanta u dhicin wax dhibaato u keeni kara Doorashada Puntland.

Hadii aynu isu wafaqnay arintaas Aniga waxay ila muuqataa labo tilaabo
Shacabka inay ogaadaan waxyaalaha ku saabsan doorashada aniga waxaan aaminsanahay inay puntland kadhici doonto doorosho xor ah.

Waxaa jira isimo isxil qaamay oo maanta ku jira in puntland ay si dhib la'aana ay u dhacdo doorashada waxaa jira nabadoono isku xilqaamay sidoo kale waxaa jira arimihii bulshada dhalin yarada, ururada haweenka oo kala hadlay cida ay quseeso waana ku farax sanahay maanta oo aan halkaan joogno in dowladu iyaana ay soo bandhigto arimaheeda.

Waxaa jiray qodobo dhoor ah oo ka kooban 13 qodob aan saxiixnay anaga musharixiintaa oo ka koobnaa 19 musharax oo si tafaftiran looga hadlay sidee gacan uga geesanaa nabad gelyada magalada magalada Garowe waana ku guuleysanay mana hayno wax musharaxa oo amni xumo ka geystay magalada garowe.

Arinta kaliya oo ka dhiman waa in dowlada laga helaa isxilqaan oo ay u hogaan sataa talooyinka iyo arimaha ay u soo gudbiyaan Isimadda waa inay dowladu u hogaan sataa shacabka rabitaankiisa hadii aan ka hadalno anaga musharixiintaa waxaan u samirnay in badan.

Waxaa jirta hadal ahaa dunida caalamak maxay doorashada puntland gacan uga geesan wayday aniga waxaan ogahay in sadex sano ka hor ay caalamku ugu deeqday lacag uk saabsan doorasha balse la waayey oo waliba dowladu ka gaabsatay inay caalamka la xariirto.

Waxaan ka xumahay in dowlada oo dhoor iyo tobon bari ay ka hartay doorashadii aysan hayn lacagtii iyo madashii lagu qaban lahaa doorashada waana dhibaato xuma nahaysata Puntland inaan manta badbaadino way noo baahan tahay somaliyana inaan maanta badbaadino waa noo baahan tahay Waxaan umada reer Puntland u soo gudbinayaa in hadii la Idoorto aan sameyn doono in qofkasta oo reer Puntland uu codkiisa dhiibto lagana baxo tuhunka iyo dhibaatada keeni karta in ay doorashadu istaagto.

Musharax Xasan Abshir Faarax

Waxaan shacabka u sheegayaa hadaan nahay musharixiinta isku taagtay xilka madaxtinimada inaan mudo badan shiraynay oo aan ka shaqeenaynay sidii ay doorashadu ku dhici lahayd

  • · Waxaan ku heshinay oo meel dhignay wax alaale wixii dhib u keeni kara khal khal iyo dhibaato inaan ka dheeraano waxaan isku waafaqnay inaan gacan buuxda ku siino bulshada inteeda kale issimo,odayaal, nabadoono dadka ku hawlan doorashada
  • · Waxaan ognahay in dad badan wal wal qabo oo qaarkood ay aamin san yihiin in aysanba dhaceen marka anaga waxaan idin cadeynaynaa go'aan kayaga waana dhacaysaa Doorashada
  • · Soomalida waxay tiraahdaa Cadkaygow hadaanan ku helin Ciidbaan kugu rogin qofkii aamin san eraygaan oo ah hadaan xil waayo ciidbaan ku rogin waxay ila tahay waa qof aaamisan Cawaanimo Mana nihin anagu dadka saas u fakaraayo

Waxaan ogaanay aqoonta u leenahay taliyaha ay soo magacaabeen oo loo magacaabay 300 boqol ee ah ciidanka sugaya amaanka madasha doorashada waana aqbalnay waana u jeedaan inaan anagu mar walba diyaar u nahay sida ugu fudud ee doorashadu u dhici lahayd inaan ka shaqeeno.

Musharax: Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale)

Ugu horeen waxaan leeyahay arintaas si loo helo nabad gelyo ayuu ku aadan yahay oo shacab weynaha daganaasho u helaan oo mushariixintu si degan u helaan madaxtinimadooda oo xildhibaanada si wanaagsan u gutaan shaqadooda waxaa muftaax u ah inay ka shaqeeyaan arintaan oo ah Cadaalada oo u ah Dawo Doorashada Puntland.

Dadka doorashada loo magacaabayo ee ah Gudiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka waa inuu noqdaa gudi u dhaxeeya gudi laga soo xulo Aqoon yahanada,Nabadoonada Iyo Masuuliyiinta si uu u noqdo gudi xaq ah oo siman ee aan ahayn mid la soo xusho oo shaqsi lagu tuhmo.

Hadaba Qodobka Ansixinta iyo Xalinta khilfaadka xagee buu marayaa?

Qodobkaan markii ay noo soo bandhigeen isimadu oo ay soo saareen In sadex qof ay soo xushaan musharixiinta madaxtinimada Puntland oo soo bandhignay islana afgaranay inaan labo qof soo magacaawno qofkii sadexaadna aan u dayno kii hore oo ay magacaabeen Musharixiinta Maamulka. dowladii markii ay maqashay way diiday oo isimadii ay ku diiday arintaas waxaa la ii sheegay sadex jeer aan maqlay Way yeeshay dowladii, Waydiiday , Wayeeshay, Waydiiday Dowladii taas oo aad u arki kartid in ay tahay

Dowlada hada joogta iyo dowlada kastaba waa in xoolaha shacabka aan loo adeegsan doorashada xoolaha dowlada waa inoo ka wada dhaxeeyaa shacabka waa in la wada ilaaliyaa.

Calibaashi Xaaji Maxamed Shire

Doorashada waa inay Nabadoonadu saxiixaan isinka u soo shaabadeeyo inay dowladu ay gaarsiin wayday qofkasta in uu codkiisa dhibto marka waa inay dowladu ogaato in ay tahay hab beeleed oo ay u hogaan sato.

In ay isimadu isxilqaamaan oo ay wali kaalintoodu ay banaan tahay meeshaan waa in beel baa lagu shaqeestaa taasi waxay saaraysaa shakiga
Waraaqaha beentaa ee la soo qoray si taas loo joojiyo Anaga musharixiintaa oo xoogoodii iyo caqligoodii raba inay dadka ka samatibixiyaan waxay ila tahay hada aniga inaysan ii inaan wadno wax dhibaataa.

Wacyi galin iyo Warbaahinta koley somaliya waxay u caan baxday wax xun inay baahiso oo dhibka ay ka raadiso dowlada ee anaga aysan wax xun naga baahin

Calafkoodii waa soo qaateen oo waa ay duntay puntland marka si aan loo bur burin reer puntlanow hala aado cida dhibka wada anaga musharixiintaa ma aha waxa dhibka wada.

Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi

Anaga musharixiintaa walaaca waa idinla qabnaa oo anaga iyo dadweynaha waan simanahay dhanka walaaca waxaana ka baqaynaa borosayskaan socda maanta inuu naga halaawo oo meel kale nala aado

Jawaabtu waa masuuliyad wadareed oo dhamaanteen hadaan reer puntland nahay nawada saaran oo waa lo okala badan yahay masuuliyada kowaad waxaa leh dowlada maamulka ayaa leh hadii damco inuu sameeyo doorashao cadaalad ku dhisan oo cidna la khiyimin waxaan qabaa boqolkiib boqol inaysan waxba dhicin

Isimada masuulayada labaad oo ah dadka marjac loo noqdo oo kala haga wixi ikhlaafa oo yimaada marka ay dowlada ka soo harto waxaa iska leh isimada oo ay ku dadaalaan in aysan puntland galin dhibaato

Ta sadexaad waa musharixiinta oo leh masuuuliyadda waxaan ka baqaynaa inaan wax xag xagano hadii meel nala galiyo oo nalagu khasbo cadaalad daro waxaana ku heshinay inaan wax dhib ah aanan geesan oo ay dowladu cadaalada ilaaliso oo isamadu marjac bay ahaayeene ay masuuliyadooda qaataan waxaan qabaa si nadiifa inaan uga gudbi doono doorashada hadii alle idmo.

Musharax C/raxman Maxamed Faroole

Cidkastaa xasiloonida u baahan xayawaanka baa u baahan
cid kabaqaysa in ay ku guul dareesato baa dhib keenta
dowlada ayey jirtaa ee dowlada ha laga doono furana waxaa u ah cadalaada
markaas baa hormar lagu heli karaa iyo amni in ay doorashadu dhacdo.

Waxaan sameenay arimo badan oo aan ka soo gudubnay oo kamida Gudigii Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka oo wax badan oo musuq maasuqa nalagu sameeyey

Anagu diyaar baan u nahay inaan ka shaqeeno amniga

Waxanaa la dhex galay isimadii waxaana ku adkeysanay in labadii musharax ee ka dhimanaa inaan geeno goobtaas oo ahayd inay ka hawl galaan Gudiga Ansixinta hadii aysan ka hawl galin waxaan qabanaynaa shir waxaana ku soo bandhigaynaa ajandahayaga ku aadan hadaan la badbaadin arintaasna waa arin keeni karta amni xumo in doorashadu dhiciwaydo.

Musharax: Cali Cabdi Awaare

Waan soo dhaweenayaa doodaan
Waxay ila fiicneyd inay dowladu joogto oo la iswaydaarsado
20kaan musharax qofbaa ku soo baxaya ilaahay qofkuu la maago baa ku soo baxaya

1. In labada dhinacba ay abuuraan jawi nabadeed ay wax ku hergali karaan
2. Dhex dhexaadyaasha in lagu kalsoonaado oo go'aamadooda laguna qanco waxa ay soo gudbiyaan dowladu inaysan oron isamadu dhinacbay wax u wadaan anaguna aanan oran

Waxaan wadnaa isbadal ee waxaan wax kuwadnay waan ognahay waana naqanaa waxna ku dooran jirnay

Wixii maslaxad loo arko in la qaato waana aragtidayda ku aadan habka ugu sahlan oo lagu gali karo hoolka doorashada aniga musharaxbaan ahay inaan la shaqeeyo cidii ku guuleysta oo aanan dooneyn xil siyaasadeed inaan ka raadsho puntland waxaana diyaar u ahay inaan odaytinimo ula shaqeeyo in kastoo hankaygu uu yahay madaxweyne.

Gabagabo:

Isku soo duuboo waxay doodaa gogol dhig u ahayd xalinta khilaafaadka musharixiinta iyo dowlada iyo sidii doorashada ay ugu dhici lahayd si nabada iyadoo wax rabshaa dhicin

Musharixiinta ka soo qayb galay

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye
Musharax C/raxman Maxamed Faroole
Musharax Cali Cabdi Awaare
Musharax Aadan Maxamed Ciise Gaadaale
Musharax Cabdiraxman Xirsi Faarax
Musharax Xasan Abshir Faarax
Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi
Musharax Calibaashi Xaaji Maxamed Shire
Musharax Saleban Ciise Axmed
Musharax Copra keyse jaamac

Musharixiintaan Ayaa ahayd ka soo qayb galayaasha Cusumaada Dooda Musharixiinta Doorashada Hogaanka Puntland ee 2009.

Farhan Yasin Mire (Isqootax)

isqootax@hotmail.com
isqootax@gmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 21, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS