C/risaaq Maxamed Sh. Aadan” Arintaa ma rabo inaan ka hor dhaco, waxaana ka
socota dood adag oo Is-bahaysiga dhexdiisa ah, dadka Soomaaliyeedna 4.5-ka…” C/risaaq Maxamed Sh. Aadan oo ka mid ah Qurbo joogta Soomaaliyeed eeka qayb
gashey shirkii Magaalada Nayroobi lagu qabtey 27/11/2008-da-30/11/2008-da ee
looga hadleyey faderaaliisamka iyo 4-5-ka, islamarkaana ay soo qaban qaabisey
Hay’ada UNDP oo aan wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya kula yeeshey Hoteel
Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti ayaa isagoo arimhaasi faah faahinaya wuxuu
yiri Shirku wuxuu socdey seddax maalmood, waxaana ka soo qaybgaley aqoonyahano
Soomaaliyeed oo ka kala socdey dalka gudihiisa iyo dibadiisa, xubno ka socdey
UNOPS, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurub, ujeedadiisuna waxay
ahayd, Afkaarta dadka Soomaaliyeed ay ka qabaan Xukunka Federaalka ama xukunka
baahsan, Hay’ada UNDP mudo aad u dheer ayey ka shaqeyneysey Qaanuunka
Soomaaliya, waxayna u xilsaartey dadd madax banaan, si ay talo uga soo bixiyaan
Qaanuunka Soomaaliya, shirkuna wuxuu ahaa mid lagu soo gebagebeynayo arintaas,
tirada dadka ka soo qayb galeyna waxay ahaayeen 70 xubnood, labadii maalmood ee
hore waxaa Afkaarta Federaaliisamka inoo soo gudbiyey, Aqoon yahano reer Yurub
wadamada looga dhaqmo federaalka, maalintii ugu dambeysey, dadkii Soomaalida
ayaa ka soo talo bixiya waxa lagu dhaqo, dadka Soomaaliyeed, waxayna isla
tibaaxeen, Afkaaro badan, waxaana laysku raacey, in wax walba nabada shardi ay u
tahay.
Waxaa kaloo dad madasha ka soo qayb galay sheegeen in mudadii federaalka uu
jirey ee 4-ta Sano, in ay jiraan, dhib fara badan uu keeney hada waxaa la
sheegey, in sistamku dhibku ahayn, balse mas’uuliyiinta talada haysa uu dhibku
ka yimid xagooda, dadd badana waxay sheegeen Sistamka waxa dhibka u keeney
shaarka Soomaalida u gelisey ee 4.5-ka, waxaana laga maarmaan noqotey in laga
tilaabsado 4.5-ka si Qaranimadii loo soo celiyo, Federaalka dhibaatooyinka uu
keeni karo waxaa ka mid ah, in Reer waliba Gobol uu goosto, yiraahdana anaga
hawshaas nama khuseyso, wadaadadu xiligaan waxay diyaar u yihiin, inaan dowlad
Islaami ah la dhisi karin, Sheekh Shariif ayaa ugu horeeya, diyaar wuxuu u
yahay, dowlad dadku uu wada qaybsado in la dhiso, suurta gal ma tahay, nidaamkii
dagaal oogayaasha ee 4.5-ka inay ka tanaasulaan oo Cabdi iyo Xasan oo ka kala
yimid doorasho ka sameeyaan Gobolo aysan u dhalan, Nabadii Soomaaliya wey
dhowdahay, laakiin waqti bay qaadaneysaa, dadd badan baa nidaamka 4.5-ka u
haysta Bir weyn oo xayndaab ah oo looga hortaagan yahay dadka inay wax ku
yeeshaan Xukunka. Somalitalk:- waxaad ka hadashey dhibaatooyin badan, dhowaana waxaad la midowdeen
DFKMG, in Baarlamaanka hada jira jira lagu kordhiyo 275 kale, kii hore wuxuu ku
dhisnaa Nidaamka 4.5-ka, hada adinka 275.tiina xubnood ee Is-bahaysiga maxaa la
waafajindoonaa?. Cabdirisaaq:- Arintaa ma rabo inaan ka hor dhaco, waxaana ka socota dood adag oo
Is-bahaysiga dhexdiisa ah, dadka Soomaaliyeedna 4.5-ka halgu dayo ayey ka ahayd,
waana garaneynaa Asbaabta keentey,, markii Embagaati ay ku kulmayeen Hogaamiye
Kooxeedyada, waxay go’aan ku gaareen, sida ugu sahlan ee ay dadka ku haysan
karaan inuu yahay nidaamka 4.5-ka, dadka Soomaaliyeed waxaa kala gashey kalsooni
daro, waxayna ka raadinayeen cadaalad, waxayna u baahan tahay inaan isu samirno,
xubnaha ARS waxaan ku saleyn doonaa cadaalada & sinaan buuxda oo raali galiya
bulsho waynta Soomaaliyeed. Somalitalk:- gunaanadka shirkiina ma in federaaliisam la qaataa, mise in Xukunka
baahsan la qaato?. Cabdirisaaq:-waxaa naloo sheegey in labada sano ee soo socota wadanka lagu
dhaqayo Federaalka. Somalitalk:- adigu ma qabtaa 275-ta xubnood ee Is-bahaysiga, in la waafajiyo
4.5-ka, islamarkaana aad adigu xubin nimadaada aad ku weydo?. Cabdirisaaq:- Aniga diyaar waxaan u ahay hadii Ummada Soomaaliyeed ay nabad ku
heleyso, inaan xilkeyga ka tanaasulo, waxaan keloo diyaar u ahay in wax kasta oo
muhiim ah si KMG laysula radiyo, iyadoo gool ugu weyn ee la tiigsanayo ay tahay
Doorasho iyo Qaranimo, sababtoo ah doorashadii Soomaaliyeed iyo aragtidii
Soomaaliyeed waa laalan tahay,taasina waxaa keeney oo gacanteena ka bixiyey
arinta 4.5-ka. heshiiska aad la gaarteen TFG, waxaa ka soo baxay caro fara badan oo
kala duwan, dadka qaar waxay leeyihiin Baarlamaankii Ansixiyey in ciidamada
Ethopia dalka ay soo galaan iyo caro kale oo dhinaca 4.5-ka, ka Is-bahaysi ahaan
sidee baad u fulineysaan?. Cabdirisaaq:-waxaan xasuusanahay in caro badan iyo dhib ay keentey,waa inaan
xasuusanaa South Afrika, markii ay nabad gaareysey sida Nelson Mandela oo kale
lagu daydaa, waxaa la yiri laba dooro mid, dadkii ku gumaadey ee dhibka badan
kuu geystey ee xabsiga ku geeyey ee kumanaanka kun diley, inaad ka aarsato iyo
inaad madaxweyne noqoto, wuxuu yiri anigu aarsan maayo, waxayna keentey in
Janankii ciidamada hogaaminaayey uu salaan u saaro, hadaba Soomaalidu waxay u
baahan tahay inay isu tanaasulaan, waxa maanta jira haba fool xumaadeene inaan
la dhaqano, TFG waxaa loo abuurey Soomaaliya, anaguna waxaan dooneynaa inay
noqoto mid loogu adeegayo dadka Soomaaliyeed, dhibaatada labada sano ee
Ciidamada Ethopia waxaa keeney Baarlamaanka dhibka ku dhisan, anaguna waxaan
door bidney inaan dabka galno, dadka Soomaaliyeed aan u horseedno sharaf iyo
karaamo. Somalitalk:-Maxaa diidey inaad markii hore aad ku biirtaan?. Cabdirisaaq:-Ma jirin wax heshiis ah o oka dhexeeeyey dadka Soomaaliyeed ee isku
haya xukunka sidey u wadaagi lahaayeen, heshiisyadii ay galeena waxaa hor
istaagey dowlado aan jeclayn inay soomaalidu heshiiso. Somalitalk:- sideed ugu guuleysanaysaan dad mudo 4 sano gawda isku hayey,
dibu-heshiisiin fara badana loo sameeyey dhexdooda, mab da’ii ay wada dhisteena
aysan aaminsaneyn?. Cabdirisaaq:-waxaan uga guuleysaneynaa, anagu markaan eegney warqadihii ama
Qaanuunka u dagsan wadanka waxa ku qoran, waa wax Soomaalida u keeni kara
maslaxad, wanaag iyo horumar, laakiin nimankii hogaamiye Kooxeedyada ahaa ayaa
ka tegey qaanuunka & warqadihii waxa ku qornaa, dadkiina dhibaato ayey u
geysteen, diyaarna waxaan u nahay inaan warqadihii nus ka qaadno, una sharaxno
warqadaha waxa ku qoran, hadaan Baarlamaanka la gelin Ethopia meesha ayey
joogeysaa, 4.5-ka wuu sii jirayaa, Is-bahaysiga waxaa looga bartey cadaalad iyo
wanaag, golaha dhexe ayaa kulamaya go’aan buu ka gaarayaa arintaas, waxaana naga
go’an in loo gudbo Dolwad midnimo Qaran. Somalitalk:-Qurba joogta Soomaaliyeed mala dhihi karaa, mush-kilada dalka ka
jirta qayb ayey ku leeyihiin?. Cabdirisaaq:- lama dhihi karo, ruux kasta oo jooga dibada wuxuu biilaa 15 ruux
oo joogta gudaha, waxaan dhisnaa Warshado, maalintaan dhisno maalinta xigta waa
la dumiyaa, sidoo kale Iskuulo iyo machaddyo nabadeedd dhamaantood waa la
duminayaa, horumar lama gaari karo, hadaan siyaasada lagu heshiinin. Somalitalk:- nimankiina qurbo joogta Soomaaliyeed sow lama dhihi karo waxaad
wadaan maskax cusub oo Gumeysi ah, dib ayaana laydiin soo carbiyey, sababtoo ah
1960-kii, markii xornimada la qaatey, Gumeystihii wuxuu xilka u dhiibey kuwii uu
isaga soo tababarey oo Soomaalida u diidey inay horumarto xiligaan?. Cabdirisaaq:-dadka Soomaaliyeed dhaqankooda, diintooda iyo aragtidooda in lagu
saleeyo Gumaysi ma ahan, wax Gumeysi ka daran waxaa sameeyey nidaamka 4.5-ka iyo
hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya, waxaasina waxay ku dhaceen, war nimankaan
miyaan wax la qaybsankaraa, aan ka cararno, marka waa in wadanka lala yeeshaa
loona sheegaa waqti ku filan in ay haysteen wadanka, kuwa dembiyada dagaalka
galey maxkamad la soo taago, dadka Soomaaliyeed waxa ka keeney nidaamka 4.5-ka
waxa ka keeney waa cadaalad jaceyl bala hadii hogaamiye kooxeedyada aya sidaa ku
harayaan laakiin waxaa muuqata in shacabkii dhib & jab loogu gaystay arintaas. Dhamaad Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
December 6, 2008
|