SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cumar Sheekh Cali (Cumar dheere) “TFG danta ayaa khasabtey ee anagu ma khasbin, waxayna arkeen inayna dowlad noqon Karin, waxayna qaadeen ceeb Taariikheed...” wareysi xiiso badan

Cumar Sh. Cali Idiris (Cumar Dheere) oo ah Ku xigeenka Arimaha Dibada Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, islamarkaana ah xubin ka tirsan Gudiga wadajirka Arimaha Siyaasada ARS iyo TFG oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana aan wax ka weydiiyey Wariyeyaashii lagu af-duubey inta u dhexeysa Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha, halka uu ku dambeeyo khilaafkii Is-bahaysiga ee dibu-heshiisiinta laga dhex wadey, Rajada uu ka qabo heshiiska Jabuuti in uu hirgelo iyo fadhigii ay la qaateen qaybaha kala duwan ee Qaramada midoobey waxyaabihii ay kala soo kulmeen safarkii ay ku tageen Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada Newyork ayaa isagoo arimahaas ka hadlaya waxaa uu yiri

“marka hore waxaan halkaan ka salaamayaa Akh-ristayeesha Somalitalk iyo Mas’uuliyiinteeda, marka xiga 20/7/2008, waxaan tegney Magaalada New york, waxaana ka qaybgaleney kulan khaas ah oo Golaha Amaanka uu qabtey 23/07/2008-da oo looga hadlayey arimaha Soomaaliya, waxaa uuna daba joogey heshiiskii lagu sixiixey 09/07/2008-da Jabuuti, si tilaabo hour kac leh loogu qaado, arinta Soomaaliya, waxaana si gooni gooni ah ula kulanay xubnaha ay matalaan dalallka Ingiriiska, Faransiiska, South Afrika, Talyaaniga, Mareykanka iyo Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Baki Moun iyo tiimka isaga la shaqeeya ee ka hooseeya, waxaana inooga muuqatey dareenka guud in ay jirto fursad arimaha Soomaaliyaa wax looga qabanayo oo Qaramada Midoobey iyo Beesha caalamka ay doonayaan in ciidamada Ethobia looga saaro dalka oo bedelkoodana la keeno ciidamo UN-ka ka socda” ayuu yiri Cumar dheere mar uu ka warbixinayey safarkii ay ku tageen isaga iyo Prof; Gaandi

Cumar dheere mar uu ka hadlaayey in ay wax ka ogaayeen qaraarka mudada lixda bilood ay ugu kordhsiey qaramada midoobey ciidamada AMISOM Qaramada midoobey ay ugu kordhsiey mudada ciidamada Afrikaanka ah ee jooga Soomaaliya, waxaa uu yiri “ciidamada AMISOM hore ayey u joogeen dalka, mar kasta oo mudadu ka dhamaato waa loo kordhinayey, maadaama mudadii hore ay ka dhamaatey, bedelkoodana aan la keenin, waa wax iska caadi ah in waqti loogu daro, bixitaankooda wax uu soo kordhinayo ma leh, maadaama ciidamdii Ethobiya ay wali joogaan”.

Mar aan weydiiyey Cumar dheere ma jiraa fikir gaar ah oo aad u gudbiseen Qaramada Midoobey oo ku aadan Ciidamada UN-ka ee Soomaaliya imaanaya iyo dalallka ay ka socdaan ayaa wuxuu ku jawaabey “ waxaa jirey Aragti guud, oo ah in ciidamada Soomaaliya la keeneyo ay ahaadaan kuwo saaxiib la ah, islamarkaana aan ku jirin dowladaha deriska ah, waxaa kale oo meesha yaaley, inta la soo aruurinayo ciidamada UN-ka, in dalka la geeyo ciidamo horudhac ah, si Xabashidu dalka ay deg deg uga baxdo, waayo imaanshiyaha ciidamada UN-ka inuu waqti qaato ayaa laga yaa baa, maadaama aysan jirin Ciidamo hore ugu diyaarsan UN-ka.



Md. Cumar dheere waxaa jira hadal hayn fara badan oo shekigelinaya bixitaanka Ciidamada Ethobia, in si sahal ah aysan uga bixin dalka ee bal ka waran arintaas?, Cumar dheere waxaa uu ku jawaabey “ waxaa jiray fakir ah inta ciidamada UN-ka laga keeneyo, waxaa keloo jirey in ciidamo horu dhac ah oo ka socda dalallka Islaamka la keeno dalka, si Ethobia ay dalka dhakhso ay ugu baxdo, waxaanaa jirey dalall bixiyey Signal sida Sucuudiga, Cumaan, Urdun, Jazaa’ir, Maleesiya, Bangladesh, Bakistaan iyo Turkiya, inta badan UN-ku waxay aaminsanaayeen, in khiyaarkaas uu fiican yahay, ayna sii hormaraan, inkastoo aan si toos ah loo sheegin, waxaana la filaayey in Turkigu uu Hogaamiyo Ciidamadaas, Ethobia joogitaan dalka ay joogta iska dhaafe inta aan la soo Aruurin Ciidamada UN-ka, inay baxdo ayuu ahaa heshiiskii Jabuuti, mana jiro wax sheik gelinaya bixida Ciidamada Ethobia.

Cumar dheere dadka qaar waxay sheegaan in heshiiska aaad la gasheen TFG-da, uusan ahayn wax micno ku fadhiya, islamarkaan ay tahay, Dowlad aan awood lahayn, aadna ku khasabteen inaad hor istaag taan ujeedooyin badan oo ay lahayd, marka sow lama dhihi karo heshiiska aad la gasheen, ma ahan mid wax soo kordhinaya?,

waxaa uu ku jawaabey Cumar dheere “ in dalka ay ka baxdo Xabashi waxay dan u tahay Ummada Soomaaliyeed, TFG-duna wey aragtay, joogitaanka Xabashi inaan dowlad lagu noqoneyn oo laba sano ayey la joogtaa TFG, waxa keliya oo ka dheshey waa bur bur, barakac iyo dhaawac soo gaarey Shacabka Soomaaliyeed, waxaana sii fogaadey rajadii Dowlad-nimo, TFG danta ayaa khasabtey ee anagu ma khasbin, waxayna arkeen inayna dowlad noqon Karin, waxayna qaadeen ceeb Taariikheed iyo waxa keliya oo isku hayana uu yahay Xabashi, iyadaana hada u yeertey, waana dhicikartaa in aduunku uu nalasoo xiriirey, war tani wey socon weysaye, inta aysan kala tegin, bal hala badbaadiyo, oo iyada dhexdeeda wax halag soo saaro, kuwana wax haalag soo saaro ooh al meeel halaysugu keeno, bal si aysan u bur burin magacaa dowladn-nimo, waxaa keloo la arkey in Xabashi ay tilaab rogi weysey mudadii labada sano oo ay dalka joogtey, waxaana meel kasta kaga hor yimid Muqaawamada geesiyaalka ah, nabaduna meel cidla ah kuma timaado, maaanta hadii ay guuleysan lahayd Xabashi, iyada halala heshiiyo ayaa la dhihi lahaa, tan kale karti la’aantaa TFG iyo khilaafkooda ayaa keentey in lala heshiiyo ARS, hada wad aragtaa khilaafka C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cade, Qaramada midoobey waxay go’aansatey, qolyahaan inteysan kala dhaqaaqin in wax kale lagu barxo, waxaana rajeynayaa in Xabashi dalka ay ka baxdo, shacabka Soomaaliyeedna waxaa guul u ah, in ay xaqiiqowdo arintaas, waxaan aaminsanahay hadii ay baxdo Ethobia in dagaal dambe Soomaaliya uusan ka sii socon, Ummadda Soomaaliyeedna waa inay u soo jesataa oo la eegaa danta Qaranka oo aan la fiirin aar goosi dambi.

Hore waxaa loo sheegi jirey in Soomaaliya ay argagixiso joogto, ayna ka tirsan yihiin Maxkamadaha Islaamka iyo Is-bahaysiga bal kawaran arintaas, xagey ku dambeysey, Cumar dheere ?.

Akhri Qaybta Labaad...


Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 28, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS