Meles Zenawi oo Dhabarka u Jeedin doona DFKMG...
In DFKMG ay hanato dalka oo awood yeelato "ma aha shardiga ku xiran ka
bixitaanka Itoobiya" sidaas waxaa yiri Zenawi
- Tarjumadii SomaliTalk.com | August 28, 2008
Itoobiya waxay isu diyaarineysaa in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya
xitaa haddii aysan degin ama noqon mid xasilan Dawladda Kumeelgaarka ee ay
ciidamada u direen 20 bilood ka hor, sidaas waxaa yiri ra'iisul wasaaraha
Itoobiya, sida ay qortay jariidadda Financial Times caddadkeedii Khamiis (August
28, 2008).
Meles
Zenawi waxa uu jariidadda u sheegay "in aysan miskaha iskaga xiriirsanayn" iyaga
(Itoobiya) iyo "Dawladda Soomaaliya".
Hadalkaas waxa uu yiri xilli uu siyaadayo walaaca Itoobiya ka qabto dagaalka
dabada dheeraaday iyo hantiga dhaqaale ee kaga baxaysa ku jiritaankooda
Soomaaliya, ayey tiri Financial Times.
Hadalkaasi waxa uu calaamad u yahay isbedelka ku yimid siyaasadda Itoobiya,
hadalkaas oo ka duwan in hore Itoobiya u sheegtay in ay Soomaaliya joogi doonaan
ilaa inta ay DFKMG si sugan u xasileyso oo xukunka hantiyeyso.
Itoobiya waxay ka huleeleysaa xilli ay Soomaaliya ka jiraan sharci darro iyo
rabshado, taas oo wadanka ugu burbursan adduunka ka sii dhigi doonta mid sii
tiimbada dhibaato ay mar hore hay'adaha gargaarku sheegeen in ay malaayiin qof
qarka u saaran yihiin masiibo bini'aadaminimo.
Laakiin, ayey tiri jariidaddu, dadka arrimaha ka faallooda ee ku sugan Addis
Ababa waxay yiraahdeen in maanta ay tahay marka ay ugu dhowdahay in Itoobiya la
baxdo ciidankeeda.
Meles Zenawi waxa uu yiri Itoobiya waxay samayneysaa wax kasta sidii ay u
caawin lahayn Dawladda Kumeel gaarka, taas oo awoodeedu ku kooban tahay qayb
kamid ah Muqdisho, sidii ay u noqon lahayd mid xoog badan oo waxqabad leh.
Laakiin waxa uu intaas raaciyey "Taasi ma aha shardiga ku xiran ka bixitaanka
(Itoobiya)", waxana uu Zenawi hadalka ku xoojiyey in ballan qaadkoodii uusan
ahayn mid iska furan.
"Masuuliyaddanada ku addan nabadda Soomaaliya waa hal arrin oo keliya. Waxaa
kale oo jira baahidayada gaarka ah, oo ay ku jiraan dhaqaalaha," ayuu yiri
Zenawi, oo intaas ku daray "Hawlagalka (Soomaaliya) waxa uu noqday mid aad iyo
aad ugu kacay qiima sare, sidaas daraadeed waa in aan miisaano cadaadiska
dhinaca maxalliga (gudaha Itoobiya) iyo dhimaca kale cadaadiska Soomaaliya, oo
markaas la nimaadno xal miisaaman."
Jariidadu waxay tiri: Baahida daran ee ay Itoobiya u qabta in ay soo afjarto
hawlagalkeeda militari ee Soomaaliya waa arrin ka dhalatay qiimaha kaga baxay.
Markii la weydiiyey qorshihii asalka ahaa ee ahaa in ay Soomaaliya ku jiraan
muddo kooban in wax ka khaldameen, waxa uu Zenawi farta ku fiiqay reer
Galbeedka. Kuwaas oo siyaasad debecsan iyo dhaqaale debecsan siiyey Midowga
Afrika nabad ilaaliyaashooda Soomaaliya, kuwaas oo isku soo dubaridey tiro aan
ka badnayn afar meelood oo meel ciidamadii markii hore lagu tala galay ee ahaa
8,000 ee askari.
"Ma sii mala-awaalin (rajayn) in beesha caalamku ku faraxsanaan doonaan in ay
farqa sii qabsadaan faraska Itoobiya, islamarkaasna ay ka waji detaan muddo aad
u dheer," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray "Waxaan rajaynayney, oo filaynay...
in beesha caalamku ay garwaaqsadaan in ay tani ahayd fursad gaar ah ee
nabadaynta Soomaaliya oo ay markaas ka faa'iidaystaan."
Jariidaddu waxsay qortay in dublomaasiyiin reer galbeed ah oo jooga Addis
Ababa ay sheegeen in Itoobiya aysan marna fileyn in ay Soomaaliya kala kulmeyso
dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, islamarkaasna waxaa dhici karta in aysan ay si
ka duwan u qiyaaseen "qaabka ay u shaqeeyaan qabaa'ilku" iyo sida ay isugu xiran
yihiin qaabka ehelnimada ku salaysan ee qaybiyey bulshada Soomaaliyeed.
Toddobaadkii hore ayey ahayd madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf iyo ra'iisul
wasaarihiisa Nuur Cadde waxa ay tageen Addis Ababa si ay uga wada xaajoodaan
khilaafk aiyaga u dhaxeeyey. Talaadadii August 26, 2008 ayey labadoodu kala
saxiixdeed qoraal muujinaya in aay wad ashaqaynayaan. (Isha warka: Financial Times
Ethiopia signals shift as Somalian war drags on).
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Canaan Dusha uga Tuuray Yuusuf iyo
Nuur Cadde:
Seyoum Mesfin oo waraysi siiyey jariidadda Financial Times (Aug 21, 2008)
ayaa sheegay madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf iyo ra'iisul wasaaraha Nuur Cadde
khilaafka u dhexeeya uu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan nabadda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxa uu intaas ku daray "Caqabadda
hadda ugu weyni ma aha waxa ay ugu yeeraan cadowga. Waa dhibaatada ka
dhex jirta dawladda taas oo ka hor taagan in ay jaaha saaraan hawsha ay u baahan
yihiin in ay qabtaan" waxana uu taas raaciyey "arrimahaasi waa ballan qaad
la'aan." Itoobiyaanku canaantaas waji-gabaxa ku ah DFKMG waxay jeediyeen xilli
ay Yuusuf iyo Nuur Cadde ku sugan yihiin Addis Ababa si Itoobiyaanku u dhex
dhexaadiyaan.
Jariidaddu waxay sheegtay in ay jirto xurguf DFKMG dhexdeeda xilli ay
malaayiin Soomaali ah qarka u saaran yihiin masiibo bini'aadamino, waddan
rabshado ka jiraaan oo aan la xakumin.
Waxaa aad u cajaa'ib badan in wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya uu madaxda
DFKMG u adeegsadey oraahda "Caqabadda hadda ugu weyni ma aha waxa ay ugu
yeeraan cadowga". (Eeg
http://www.ft.com).
Faafin: SomaliTalk.com | August 28, 2008
Hadalkii Xusni Mubaarak ee January 4, 2007: Waan Fahmi karaa sababta ay
Itoobiya uguduushay Soomaaliya
Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya:
Qormadii Wasaaradda Arriamah dibada Itoobiya:
Himilada iyo Siyaasadda Amniga Qaranka iyo
Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ee "Dimuquraadiga" ee Itoobiya
Akhri |
Madaxweynaha dalka Masar, Hosni Mubarak, ayaa yiri "waan fahmi karaa sababta
ay Itoobiya ugu duushey Soomaaliya". Waxa uu hadalkaas yiri maalin Khamiis ah,
Janaayo 4, 2007, mar uu magaalada xeebta ah badda cas ku taal ee Sharm el-Sheikh
ee Masar kula kulmay wasiirka Arrimaha dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin, isla
mar ahaantaasna dhambaal ka helay ra'iisul wasaaraha Itoobiya la sheegay in ay
ku qornayn warbixin uu Zenawi kagahadlay xaladda ku soo siyaadey Soomaaliya.
Jariidada ka soo baxda Shiinaha ee Xinhua oo arrintaas ka hadleysey waxay
qortay cinwaanka: "Mubarak expresses understanding on Ethiopian intervention
in Somalia" oo macneheedu yahay Mubaarak waxa uu muujiyey sida uu u fahamsan
yahay Weerarka Itoobiya ku qaaday gudaha Soomaaliya.
Haddaba xeel dheerayaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen sababta uu
Mubaarak hadalkaas u yiri in ay salka ku hayso biyaha webiga Niilka.
Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii
Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey),
heshiiskaas oo loo yaqaan "1929 Nile Treaty" waxa uu dalka Masar siinayey
xuquuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale
dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax
tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay
ka soo bilowdaan [Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa
biyihiisu ka yimaadaan labada webi ee Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda
Harada Victoria ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka
Buluugga "Blue Nile" oo kasoo bilowda Haarata "Lake Tana" oo ku taal Ethiopia,
waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon".
Labada webi ee
Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada Khartuum ee
dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka Masar oo ay
dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato iyadoo aan Masar
lagala tashan]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay mashaariic horumarin
ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo bilowda, haddii ay sidaas
samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya Ethiopia oo ah dalal aad u
xoog weyn.
Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo ay horumar ku samayso si
ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan cunto ku filan.
Haddaba
meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee Soomaaliya maadaama tirada
Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna haystaan dhul ballaaran oo ay
maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u dheer, sidaasna dadka tirada
badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas barwaaqada ah.
Hadda August 2008 waxaa Zenawi u caddaaday in aysan soconayn qorshihii
Itoobiya ka lahayd dhulka Soomaaliya. (Akhri
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya:
)
Daawo
Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo
Dilal kala duwan oo xalay Loo
gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalka koofur Africa- Aug 28
Cumar
dheere: "TFG danta ayaa khasabtey ee anagu ma khasbin,
waxayna arkeen inayna dowlad noqon Karin, waxayna qaadeen ceeb
Taariikheed..."
wareysi xiiso badan.. Akhri.. Aug 28
|