QEYLO-DHAAN: Qiso laga naxo iyo farriin..!!
Soomaalidu waa dad xirxiran oo dhowrsan, waana dad isla weyn oo qabkoodu sareeyo
waxay ahaan jirtay sifo dadkeena ay laheeyeen taariikhiyan, laakiin isbedelka
dhacay ee qaranjabka ugu weyn yahay wuxuu na dhaxalsiiyay inaanu weyno wax
waliba oo qiime lahaa Diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dad ahaanba.
Dhaqanka lumaya ee haweenkeena wuxuu ka mid yahay dhibatooyinka waaweyn ee hore
u bilownaa balse xaaladda la galay ay uga sii dartay, duruufta jirtana ay sii
quudisay ilaa heer gebi ahaan laga tegayo dhaqankii suubaa iyo diintiiba.
Ciidamadii shisheeye ee dalka yimid sanadkii 1992-kii ilaa 1995-kii waxay ku
kaceen falal aan yareyn oo lagu waxyeeleeyay Soomaalida ku dhaqan degaanadii ay
ka howl galeen, sidaasoo ay tahayna inta la ogyahay ee la shaaciyay aad ayay u
yar yihiin, taasoo la wada fahmi karo sababta ugu wacan.
Ciidamadii ugu faqsiga badnaa waxaa lagu tilmaamay xilligaasi Talyaaniga iyo
Nayjeeriya, waxaa kaloo iyana jiray ciidamo aan laga maleysan karin oo ku kacay
falal ka baxsan bani’ aadamnimada sida kuwa Belguim oo Kismaayo dab ku gubay
wiil Soomaaliyeed, kuwii Kanada oo Beledweyne wiil kale dilay kadib markii ay
fara xumeeyeen. Ogowna inta aan la ogeyn ee kiisas ah inay kumanaan gaarayeen.
Dhacdo markii ugu horeysay soo shaac baxday 24-kii Bishan Ogost ayaa igu
dhalisay inaan ka hadlo arrintan waxayna ahayd war uu qoray wargeyska The New
Vision ee dalak Uganda kaasoo cinwaan looga dhigay: GABAR SOOMAALIYEED OO
RAADINEYSA ASKARI YUGANDES AH OO AY JECLEYD!.
Walaalka muslimka ahow gabahan da’da yar ee Soomaaliyeed sida warku qorayo waa
23 sano jir aabaheed caafimaad ahaan u geysay isbitaalka ciidamada AMISOM ee
magaalada Muqdisho waxayna natiijadii noqotay in dhaqtarkii Ugandeska ahaa ee ay
la kulantay uu fursadaasi uga faa’iideysto kadibna sidaasi gabadhii kula falgalo
kuna uureeyo.
Magaceeda waxaa lagu sheegay Nino Cumar Ibraahim iyadoo wadata wiil ay sheegtay
inuu dhalay askarigaasi kooxda caafimaadka Uganda ee Muqdisho ka mid ahaa
waxayna tagtay Kampala, iyadoo raadineysaa ninkaasi oo ay sheegtay inay
jeceshahay una baahan tahay, kana soo baqatay in lagu dilo Muqdisho.!!!!
Kiiskan ihaanada ah ee muujinaya heerka xaalkeena akhlaakhda ahi marayo,
wallaalayaal ha u qaadainina wax kale, waa calaamad digniin ah oo hordhac ahaan
Alle u soo shaac bixiyay.
Gabadha hadda waxay ku sugan tahay Kampala waxaana sida ay sheeegtay gacan
siiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kampala Xuseen Xasan, waxaana
dacwadeeda ay gaartay afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Akunda, ninka arrintan
kula kacay Nino waxaa lagu sheegay magaciisa Joshua Aziza oo ah shaqaale
caafimaad, waxaana la filayaa tallaabada laga qaado. Wuxuuse siiday inuu
saxaafadda la hadlo.
Jaridadda The New Vison waxay sheegtay in markii askarta Uganda u
dhoofayeen Soomaaliya in madaxweynaha dalkaasi, Museveni, uu askarta ku
yiri "Waxad baxeysaan idinkoo caafimaad qaba. Ha bilaabina dabeecad
masuuliyad darro ah oo idinku sababeysa in aad qaadaan cudurka
HIV/AIDS." CAJIIB |
Kiiskan marka lagu daro dhibaatada dadkeena heysta ee u nugul wax waliba,
loogana faa’iideysanayo xitaa samafalka la sheego in loo sameynayo, marka aan
ogaano in Uganda ay tahay dal uu si weyn ugu baahay cudurka HIV/AIDS iyo
ciidamada ka jooga Soomaaliya inay ku dhow yihiin 2000 askari, maxaad u
maleyneysaa inay dhici karaan.?
Arrintu waa halis aad u weyn oo u baahan dadaal badan iyo iskaashi dhinacyada
bulshada oo dhan, waxayna ilo xog ogaal ahi ii sheegeen in Isbitaalka AMISOM ee
ciidamada Uganda maamulaan dad badan ku jabeen oo adeeg caafimaad u ooman balse
inta badna kuwa ka shaqeeya ay yihiin shaqaalo ciidamadeed dhinaca caafimaadka
ah oo dhaqankooda jinsiga ahi aad u liito ayna yar tahay haweeney tagta oo ka
badbaada, xitaa kuwa la suuxiyo ee qalliinka lagu sameynayo.
HAL WALIBA SHILISKA AY IS DHIGTO AYAA LAGU GOWRACAA, haddii ciidamada Uganda oo
sharci inay ku joogaan dalka la sheego meel loo dacwoodo iyo cid u hadasha oo
loogu hagaagana la heli karo sidee walaalayaal xaalkoodu noqonayaa ciidamada
30-ka Kun lagu sheego ee Itoobiyaanka iyo waxa ay sameyn karaan?.
Dhacdo kale oo aan goobjoog u ahaa waxay ahayd saddex gabdhood oo Soomaali ah
da’dooduna u dhaxeyso 16 - 18 sano ayaa lacag 300 Birta Itoobiya ah loo sarifay,
goobtii sarifka oo aanu si kama’ ah ugu kullanay ayay dadkii meesha joogay isu
sheegayaan inay yihiin gabdho ay qabaan askar Itoobiyaan ah oomarkaasi deganaa
dhisme Dugsi sare oo Muqdisho ku yaala, waxaana hadaladii laga sheegayay ka mid
ahaa in hal qol lagu wada qabo, diinta lagu qabose ma garan.!!!!.
Xaaladdu ma fududa imitixaankuna waa weyn yahay, waxaase la doonayaa in aan la
yareysan arrimahan oo qeyb weyn ka ah ujeedooyinka lagu doonayo in lagu dooriyo
dhaqanka iyo diinteena, inta xilka saaran yahay ayaase laga doonayaa inay ka
dhiidhiyaan.
Ujeedadu maaha in lagu mashquulo gabadha geftay ee baxsatay sababta kasta ha u
geysee jariimadaasi.. mana aha in kiiskani kaliya laga hadlo, laakiin arrimaha
la doonayo in inta waxgaradka ah ee damqashada leh ay u istaagto waxay kala
yihiin:

Amisom Hospital
SAXAAFADDA SOOMAALIDA siiba tan gudaha waa inay arintan tooshka saarto
baaritaanno badanna sameyso si ay shacabka wax u ogaadaan, kiisaska kale ee
jirana la soo shaac bixiyo.
Mar haddii aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo baaritaan iyo awood koontraool leh
waa in saxaafaddu doorkaasi buuxiso.
INTA WAXGARADKA AH Waa inay isu xil saaraan daba qabashada dadka, dhinacyada
arrintan ku lugta lehna ay kala xiriiraan, waxna ka weydiiyaan ugu yaraan sida
ay wax u wadaan, Tusaale ahaan ciidamada Uganda waa loo dacwoon karaa welibana
wax weyn ayaa laga qaban karaa arrintooda.
KOOXAHA DAGAALKA KU JIRA wax badan ayay ka qabteen haweenka noocan ah ee
nabaadguurka akhlaaqeed ku socda siiba kuwii laga celin waayay xerooyinka
Itoobiyaanka, laakiin waa inaysan arrintu noqon in miisaanka la lumiyo oo dad
aan waxba galabsan la waxyeelo, xaaladda lagu jiro haba dhib badnaato. Waxaana
muhiim ah in la sameeyo kooxo gaar ahaan u qaabilsan la dagaalanka akhlaaq
xumida noocan oo kale ah.
BULSHADA INTEEDA KALE: Waxaa la gudboon inaysan qarin falalka iyo kiisaska
noocaasi ah ee ay gaarsiiyaan cid kasta oo ay is leeyihiin wax bay ka qaban
kartaa ama ugu yaraan ay la haldaan saxaafadda gudaha si ay dibadda ugu soo
baxaan tacadiyadan oo ah dagaal lagu hayo bulshadeena dhinacii u fiyoobaa.
JAALIYADDA SOOMAALIDA KAMPALA: Waxaa laga rabaa inaysan kiiskan ka harin oo ay
daba galaan ilaa heerka ugu danbeeya, gabadhaasi yarna waa inay u caqli
celiyaan, kana wareystaan xaaladeeda si macluumaad dheeraad ah oo xaqiiqo ah
looga helo.
Walaalayaal dagaalku nagu socdaa waa wejiyo badan yahay, midkanse waxba ma
reebayo waa dagaal mujtamac ahaan nagu wajahan oo haweenkeena dhalan rogayo,
sidaasi darteed waa inaynu u wada istaagnaa sidii looga hortegi lahaa, waa sax
Soomaalidu ma jecla in arrimahan la faaqido laakiin suuragal maaha in xasuuqa
qarsoon ee ku socda haweenkeena laga aamuso.
Cid waliba oo wax uun ka tari karta arrintan waa inay haddaba hore u dhaqaaqdaa
oo qeylo dhaantan tixgelisaa.
Waxa Qoray:
Shariif Moalim
shariif55@hotmail.com