SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gabar Soomaaliyeed oo Baadi Goobeysa  Askari u dhashey Wadanka Uganada

Ciidamada Howlgalada u taga dalal kale waxay markiiba bilaabaan sidii ay ula macaamili lahaayeen shacabka markaas ay u tageen gaar  ahaan dhinaca Guurka iyadoo taasi ay jirto ayaa ciidamada Uganda ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya waa kuwa ku eg xeryahooda mana soo baxaan hase yeeshee sarkaal ka tirsan Ciidamadaas oo lagu magacaabo Joshou Aziza ayaa muddo waxaa uu jacayl la jilayey Gabar Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Niino  Cumar Ibraahiim waxayna gabadhaas ay isku barteen Isbitaal yar oo Ciidamada Uganda u ku leeyeuhiin Xerradii Hore ee Xalane

Gabdhaan oo da’deeda tahay 23 jir  ayaa waxay raashin u geyn jirtey Aabaheed Sheekh Sheikh Ibraahim oo ku jirey isbitaalkaasa waxaana dhacdey in sarkaalkan uu wax walba u fududeyn jirey gabadhaas taasi waxay keentey in gabadhii ay ka soo bixiweydo Isbitaalka markii uu mudo uu la socdey ayaa waxaa dhacdey Sarkaalkii dib loogu celiyo Wadanka Uganda markii uu u dhamaadey Howlihii uu u joogey Somaaliya.

Markii ay maqashey Niino in la badeley sarkaalkii ayaa waaga ku baryey waxayna ay goosatey in ay tahriib ku tagto dalka Uganda si ay u baadi goobto Sarkaalkaas waxayna dhowr jeer ku wareegtey Xeryaha ay ku jiraan ciidamada Uganada waxaana la sheegey in ay wadatey sawirka sarkaalkaas , markii dhowr jeer ay isaga daba laabatey wax gacansiiyana weydey ayay u bandhigtey Saxaafada waxayna wareysi siisey Jariidada loo yaqaan  The New Vision, waxayna ka warantey qaabkii ay isku barteen sarkaalkaas waxayna sheegtey in ay isku barteen Isbitaal ay ku leeyhiin Magaalada Muqdisho Ciidamada Uganda waxay sheegtey in ay ku balameen in  marka uu u dhamaado howlgalka soomaaliya  ay isku raaci doonaan wadanka Uganda  “Markaan waayey Dhowr subax ayaa weydiiyey saaxiibkii wuxuuna igu yiri”Joshou waa la bedeley” waxaan ku celiyey” Xagee loo bedeley? Markaasuu Yiri”waxaa loo bedelay dalkiisii” subaxaas aan maqlay in la bedeley  waxaan lahaa Uur Todoba Bilood ah.


Nino Omar Ibrahim iyo canugeeda, Eeg The New Vison

Niino oo sii hadleyso ayaa tiri” waxaan goostey in marka aan dhalo aan  u tahriibo wadanka Uganada si aan u raadiyo canugga Aabihii  waxaan muddo todobaad ah ku gaarey wadanka Uganda waxayna sheegtey in ay gacan qabteen dad soomaali ah oo degan wadanka Uganda kuwaas oo ay sheegtey in ay u sahleen  in aan la kulmo afhayeenkii Ciidamada Uganada Paddy Akunda ugana waranto qaabkii ay isku barteen Askarigaas wuxuuna sheegay in sarkaalkaas uu hadda ku sugan yahay wadanka Uganada isagoo ka mid ahaa Saraakiishii qaabilsaneyd dhinaca Caafimaadka Ciidamada Uganda wuxuuna u balanqaadey in uu ka caawin doono waxa ay u baahan tahay

Niino waxay kaloo ay  Gacan ka heshey Gudoomiyaha Jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka Uganada Xuseen Xasan oo u sheegay Haweeyneydaa in uu gacan ka sii ddono baadi goobka Sarkaalkaas ka dhaley Canuga

Ma ahaa markii ugu horeysey gabar soomaaliyeed ay xiriir la yeelato  askarta Nabad Ilaalinta loo keeno somaaliya waqtigii soomaaliya ay ku sugnaayeen Ciidamadii Mareykanka waxaa dhacdey Gabdho soomaaliyeed ay guursadaan ciidamadaa kuwaas oo qaarkood ay hadda ku noolyihiin wadamadii ka qayb qaatey howlgalkaas.

Jaridadda The New Vison waxay sheegtay in markii askarta Uganda u dhoofayeen Soomaaliya in madaxweynaha dalkaasi, Museveni, uu askarta ku yiri "Waxad baxeysaan idinkoo caafimaad qaba. Ha bilaabina dabeecad masuuliyad darro ah oo idinku sababeysa in aad qaadaan cudurka HIV/AIDS."

Warkii Jariidada The New Vision..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com  

QEYLO-DHAAN: Qiso laga naxo iyo farriin..!!

Faafin: SomaliTalk.com |  August 26, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS