SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Intii ka hartay Haweenkii nadaafada gobolka Banaadir oo sheegayin ay sii wadanayaan howlahooda ku aadan xaga nadaafadeed
 

Sawirada bannaanbaxa ka dawo halkan...

Haweenkii Nadaafadda 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir ayaa maanta (Aug 24, 2008) bannaanbax cabasho ah ka sameeyay degmooyinka Wadajir, fagaaraha Iskoola Bolisiya iyo wadada Maka Al-Mukarama, waxaana haweenkaasi oo gaarayay 7,100 Haween ayaa iyagu cabasho ka muujiyay Hay’adaha IIDA iyo WFP oo hakad geliyay howlihii nadaafadda 7-dii bishan.
“Hay’adaha IIDA iyo WFP waxaan ka codsaneynaa inay naga qaadaan xayiraadda shaqo joojin, waxaana caddeyneynaa in haweenka nadaafadda G/Banaadir ay diyaar u yihiin sidii ay howshooda ugu laaban lahaayeen” ayay tiri hooyo lagu magacaabo Makaay Muufo oo ka mid ah haweenka nadaafadda G/Banaadir isla markaana degan Degmada Wadajir.

Qaarka tirsan Haweenka howlaha nadaafada 16 dagmo ee Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay sii wadanayaan howlahodii nadaafada waxayna sheegeen arintaan markii ugu horeysay tana iyo markii qaraxa lala beegsaday haween nadaafad ka waday wadada makka Al Mukarama agagaarka gurigii sahqaalaha ee Magaalada Muqdisho .
Haweenkaan ayaa isu soo bax maanta ay sameeyeen ka sheegay in si wadayaan iyaga oo ka codsadayururada bulshada iyo hay’adaha ay u shaqeeynayeen in ay dib u bilaabaan howlahooda oo aysan u joojin dhibaatadi ka soo gaartay howlihii ay bulshada u wadeen .


Banaanbax balaaran oo aan rabshado wadan ayey maanta sameeyeen qaar ka mid ah hawenka nadaafada gobolka Banaadir waxaa ayna isku soo baxooda kaga hadleen xaalada nololeed ee ay ku nool yihiin haatan waxayna daaha ka qaadeen in ay sii wadayaan howlaha nadaafadeed ee ay ka hayeen 16 ka dagmo ee gobolka Banaadir ayna diyaar u yihiin in ay naftooda u huraan dalka ,diinta ,iyo dadka Soomaaliyeed.

Gabadhaan oo gaarayay boqolaal haween ah oo da.kasta leh ayaa waxaa ka mid ahaa qaar ka soo bogsoday dhaawacyadii ka garay qaraxii dhawaan ka dhacay xaafada waaberi ee Magaalada Muqdisho isu soo baxa maanta ayaa si isku mid ah uga dhacay xaafadaha Wadajir.wadada Makka Al Mukarama iyo Xamar Jab-Jab waxana ay dhamaantooda wada sheegeen in ay si weyn uga murugeysan yihiin xaalada nololeed ee qooysaskii ay haweenka nadafada ka geeriyoodeen iyo kuwii ku dhaawacmay

Gabdhahaan ayaa maanta waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin hay’adihii ay u shaqeeynayeen ee ka jaray cunooyinkii ay siin jireen iyo howlihii ay qaban jireen iyaga oo shaagay in ay qaadan jireen bishiiba loor masago ah iyo cag saliid caday ah iyaga oo u kaalmeysan jiray nolol maalmeedkooda xaga guriga ah .

Gabdhahaan Qaar ka mid ah haweenkii maanta iskugu soo baxay qeeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sxaafada u sheegeen in haweenka nadaafada ka wada gobolka Banaadir ay gaarayaan 7100 todobo kun iyo boqol kuwaasi oo aan wax siyasada ah shaqo ku leheeyn isla markaana ay yihiin haween u istaagay bilic ku soo celinta caasimada Soomaaliya oo noqotay mid uu qashin buux dhaafiyay,waxaana ay dhinacayada isku haya dalka ay ka codsadeen in ay ka illaaliyaan dhibaatada oo ay u turaan isla markaana ay ku tex galiyaan howlaha ay ummada Soomaaliyeed u hayaan.

Dhanka kale gabdhahaan ayaa waxay ka codsadeen hay’adaha WFP iyo Iida in ay gargaar u fidiyaan isla markaana aan laga joojin howlaha nadaafadeed ee ay wadeen oo ay sii wataan .

Arintaa ayaa waxaa soo dedejiyey u diyaar garowga bisha barakeysan ee ramadaan mana heystaan qaarkood wax ay ka dhigtaan afur iyo saxuur wuxuuna ku saabsanaa in ay helaan shaqo cunto ku bedelasho si ay noloshoda u maareeyaan bishaan fooda nagu soo heyso

Haweenka maanta ka qeyb galay banana baxaan aan rabshada wadan ayaa 3dii bishaan qaarkood ku waxyeeloobay waxaana jirtay in 13 ka mid ahaa ay ku geeriyoodeen iyada oo tiro ka badan 45 kalena uu ka soo garay dhaawacyo kala duwan qaarkoodna ay ku waayeen xubno muhiim u ahaa


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 23, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS