SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Caafimaadka Isahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya Asmara

Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska caafimaadka ee ARS ayaa lagu sheegay in gudaha dalka Soomaaliya ay ka jirto xaalad beni'aadanimo tii ugu adkeyd, taasoo haddii aan wax laga qabanin keeni karta masiibo aadan'nimo.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu xusay in lixdankii sano ee laga soo gudbay aysan ka dihicin tan xilligan Soomaaliya ka jirta, taasoo addunkana uu dhegaha ka fureystay ayaa lagu yiri qoraalkaas oo intaa raaciyay in la moodo meel loogu tala galay inaan qofba ku noolaan.

Waxa yaab ah shacabka Soomaaliyeed miyuusan xaq u laheyn in la taageero iyadoo aanu ognahay in daafaha magaalada Muqdisho iyo gudaheedaba ay maalin walba gaajo iyo cuduro ugu le'anayaan carruur iyo dad da'ah ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo ay intaasi dheer tahay in ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo maleeshiyaadka TFG-da ay si joogta ahi u duqeynayaan magaalada iyagoo baabi'inaya shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa, taasoo ay ugu dambeysay ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka duqeyntii Masjidka Abaa Hureyra oo lagu xasuuqay Culumaa'udiin iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan,

Waxa kale oo aad ogtihiin ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska caafimaadka ee Isbahaysiga in niman qanadaraas ku soo qaatay ay argagixiso la dirir ay shacabkii ku noolaa Kismaayo weerar hubeysan ku soo qaadeen sababtayna dhimasho iyo dhaawac fara badan kordhisayna dhibaatadii hore uga jirtay halkaas.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxa amaan iyo bogaadin loogu soo jeediyay dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo iyagu xilligan u istaagay inay wax u qabtaan bulshadooda dhibaateysan, waxaana si gaar ahi loogu xusay labadii dhakhtar ee dhowaan ka tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee gaaray magaalada Kismaayo, kuwaasoo howl tabarucaad ah oo caafimaad ka wada Isbitaalka magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska caafimaadka ee ARS wuxuu ka codsaday dhamman Bulshada Soomaaliyeed ee Alle wax u dhiibay kuna sugay dalka gudihiisa iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha iyo waliba hay'adaha Islaamka kuwa shaqeeya bini'aadamnimada in ay la soo gaaraan gar-gaar aadanimo oo deg deg ah oo isugu jira Dhakhaatiir, Dawo, Cuno iyo dhammaan wixii nolosha aadamiga kaabayo ayaa lagu soo koobay warsaxaafadeedkaasi ka soo baxay xafiiska Caafimaadka ee Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Xogahayaha Caafimaadka Xafiiska Isbahaysiga Dr Maxamed Axmed Maxamed

Xafiiska Caafimaadka ARS
Asmara 24/08/2008

Faafin: SomaliTalk.com |  August 23, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS