SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qaar kamid ah salaadiinta soomaaliyeed oo maantay baaq kasoosaaray magalada nairobi ee dalka kenya baaqsi oo loogu qeyladhaaminayo dhamaan daadka kasobara kacay magalada caasimada ee muqdisho...........


Suldaan cali suldaan axmed nuur ayaa qaylo dhaan ka soo saaray Xasuuqa Dadka Masaakiinta Ah ay Milatarka Itobiya ugu gaysanayaan Magaalada Muqdisho iyo Daafahaheeda ayada oo loo Diyaargaroobayo Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Maalmo uun Naga Xigaan waxa uuna ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed Ganacsatada Shaqsiyaadka wax haysta in ay u Tabarucaan dadka Masaakiinta ah.

Suldaanka oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aan la fiisan Karin Dhibaatada haysata dadka tabaalaysan loona baahanyahay in Gurmad lala soo gaaro si loo siiyo Wixii ay uga Bixi lahaayeen bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa uuna ugu Baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay arintaasi u Guntadaan.
“waxaa loo baahanyahay in Umada islaamka ah iskaga gar gaaraan Dhibaatooyinka gar ahaan Bishatan Barakeysan ee fadli Gooniya leh ..

“Waxaan Ugu Baaqayaa Salaadiinta Soomaaliyeed in ay u Guntadsaan Nadab ku soo dabaalida Soomaaliya ayada oo aan ognahay Dhibaatada Jirta Dalka Soomaaliya mudo ka badan 18-sano.
Waxaa dadka iskugu Darsoomay Abaaro gaajo Biyo la’aan Xasuuq iyo Shaqo la’aan waxaana waajib ah in la taakuleeyo dadka Masaakiinta ah ee ah Walaalaheena oo aan waxba haysan...

Dadka ka Barakacay Muqdisho ee dagan sida Duleedka Muqdisho Qabuuraha Barakaat, Galgalato Ceelasha Biiyaha Xaawo Cabdi iyo kaamamka Muqdisho ku yaala Waxaas oo Dhan Waxay u baahanyihiin in la Caawiyo Hal Qof oo aad afurisana Waxay ku ajartahay Soonkaagii oo kuu laba Jibaarmay.
Waxaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ka Codsanayaa in ay si Naxariisleh dadka Masaakiinta ah ugu Fidiyaan wax ay uga Gudbaan Bisha Ramadaanka oo ay Sidii ay u Caawinjireen u Caawiyaan.

Q/w
Cabdiraxmaan Diiriye Nuur
Nuure1000@hotmail.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com |  August 23, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS