SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Burcad Badeedyada Dalka & Khatarta ay ku hayaan Dunida Caalamka.

Dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah waxyaabihii laga dhaxlay Burcad Badeedyadaan aan la garanayn cid ay ka amar qaataan kuwaas oo dhibaato fara badani ku haya Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Maraakiibta dunida Caalamka u kala gooshta iyo kuwa sida dhuumaalaysiga uga kalluumaysta Dalka Soomaaliya ,burcad badeedyadaan ayaa waxay noqdeen kuwa ka qafaasha Maraakiibta badaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yeman waxayna Codsadaan Madax furasho Lacageed oo aad iyo aad u fara badan oo aan xad lahayn sidoo kalena waxay geystaan dhac ,boob iyo afduub aan caadi ahayn oo ay ku sameeyaan raydka.

Haddaba, DFKMG ahi ee taagta yari waxay isku deyday sidii ay wax uga qaban lahayd ,sidoo kale Maamul Goboleedyada Puntland iyo Somaliland ayaa iyaguna isku dayey inay wax ka qabtaan hase ahaatee maxay tahay sababta loo qaban la'yahay Burcadaani , Su'aashani ayaa ah mid jawaabteedu ku xiran tahay marka hore in Xal loo helo Qabiilka iyo ku dhaqankiisa Qaabka Xun buracaadi waxay ka soo jeedaan Qabaa'illo Soomaaliyeed waxayna hormood u yihiin inay Qabiiladooda iyo Odayaashooda u noqdaan kuwa u soo qaada Madax furashada iyo Baadda ay u soo Qafaashaan Maraakiibta Shisheeye ee Dulmaraya Badaha Waaweyn.

Tallaabadii ay qaaday Dowladda Faransiiska ayaa waxay ahayd mid loo baahnaa iyo sidii ay ciribtirtay Burcadii Qafaalatay Markabkii iyo Shaqaalihii Faransiiska ahaa iyo Dalxiiskii saaraa iyadoo burcadaasi qaar ka mid ah ay Maxaabiis ku yihiin Dhul Shisheeye oo aysan weligood filayn in ay Maxbuus ku noqdaan ,haddaba burcadu ujeeddadoodu maxay tahay? ma Dalkay u diidan yihiin in ay Maraakiibtu soo galaan oo ka Kalluumaystaan ama Sunta ku Daadiyaan ? Maya ee Burcaddu waxay doonayaan inay helaan Malaayiin Lacageed oo Madax furasha ah taasina Xal ma ah "Bad Toogte ayaa isu bedelay Burcad Badeed" Laakiin "Cir Toogte wuxuu isu bedelay Isbaarayste" oo labaduba weli Isbaaradii ayaa u taal Badda iyo Berriga

Kaddib markii ay burcadaani ay geystyeen dhac iyo afduub fara badan ayaa Dunida Caalamku waxay isku dayayaan sidii Xal loogu heli lahaa in la sugo Nabadda Badaha Dalka Soomaaliya ,waxaanna ku mashquulsan Hay'adda Qaramada Midoobay iyo Hay'adado kale iyadoo weliba uu socdo Shirkii Dib heshiisiinta ee Dalka oo lagu qabanaayey Jabuuti ayaa waxay burcad badeedani Qafaasheen Markab ay leedahay Dowladda Malaysia iyo Shaqaalihii saarnaa taasina ay abuuri karta Cawaaqib xumi Siyaasadeed ee dhex marta Soomaaliya iyo Malaysia arrintani ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Qaramada Midoobay ay uga go'an tahay in Soomaaliya loo diro Ciidamo Shisheeye oo Xoojiya kuwa AMISOM ee ku sugan Dalka Gudihiisa.

Rajada Shirka Jabuuti ayaa wuxuu yahay mid farxad gelin kara Shacabka Soomaaliyeed ee Nabadda jecel waxaanna laga filayaa natiijo guul leh haddii uu ku socdo sidii loogu talagalay arrimahan Bucad Badeeduna waxay noqon doonaan Tallaabooyinka ugu horeeya ee wax looga qaban doono haddii Alle idmo ,Nabaddu waxay ku baahi doontaa Badda iyo Berrigaba Shacabku waxay u baahan yihiin Nabad waxayna ku imaan kartaa oo keliya in "Qalanka la Qaato oo Qorigana la Dhigo ", Shacaku way dulman yihiin Dhallinyardii oo dhammi way Hubaysan yihiin kuwa Dalka waxaaba ka sii daray kuwii Dibadaha joogay oo Hub sita .

Gabagabashii iyo Maqaalkani ku saabsanaa Burcad Badeeda ayaannu ku soo koobayaa gacamo wadajir bay wax ku gooyaan haddii aannu kawada shaqayn Nabadda Dalku horumar ma gaarayo ,Dunidana waxaannu ka noqonaynaa kuwa aan isku filanayn , Qof waliba oo Soomaali ahi waa inuu ka shaqeeyaa sidii Dalka loo Xasillin lahaa Nabadna loo heli lahaa oo waarta Alle raxmaanna wuu inoo naxariisanayaa inshaa alaah.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 23, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS