SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlada Gololeedka Puntland ayaa u soo Jeedisay Ganacsatada Puntland inay dib u habeyn ku sameeyan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.

Sawirada Shirka Boosaaso ka daawo halkan

Shirkan oo ka dhacay Boosaso ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland iyo guud ahaan Ganacsatada Degaanada Puntland.

Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, waxana ujeedadiisu ahayd sidii dib u habyb loogu sameyn lahaa Rugta Ganacsiga Puntland iyo in Maamul Cusub loo sameeyo Rugta maadama maamulkii hore iscasilay kal hore.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland C/samed Yuusuf Maxamed (abwaan) oo qaban qaabada shirka lahaa ayaa sheegay in Dowladu dooneyso in Maamulka Rugta Ganacsiga loo madax banaaneyo Ganacsatada sidaas darteedna ay u casumaan Ganacsatadu inay dhistaan Maamulka Rugta.

Xubno ka mid ah Ganacsatada oo shirkaasi ka hadlay ayaa muujiyay inay ka soo horjedaan Qorshe Dowladu wado oo ah in Dhaqaalaha Rugta Ganacsiga u soo xerooda Dowladu wax ku yeelato.

Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay Qorshaha Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee ah in Ganacsatadu la wareegaan Rugta oo ay dhistaan Maamulka Rugta Ganacsiga.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa ahayd intii Puntland dhisneyd hay'ad iska fadhiid ah balse waxa iminka rajo weyn laga muujinayaa dadaalada Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Abwaan Yuusuf Maxamed.

Maamul hada ka hor loo sameeyay Rugta Ganacsiga oo hormuud uu ka ahaa Cali Ceelayo ayaa shaqadaa iska casilay sababo la xiriira waxyaabo ay ka tirsanayeen Dowlada.

Cawaale Jaamac
Boosaso

Shirkada Golis Telecom Somalia ayaa soo Bandhigtay Barnaamij lagu Magacaabo "Farxadgelinta Macaamiisha"

Sawirada Golis Halkan ka daawo...

Barnaamijkan ayaa ah mid shirkadu ugu talo gashay Dadweynaha Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ee ku xiran adeega Shirkada Isgaarsiinta Golis.

Maamulka Shirkada Golis ayaa shir Jaraa'id oo ay ku qabteen Boosaso ku soo bandhigay Barnaamijkan oo ah mid faaiidooyin badan ugu jiraan Dadweynaha ku xiran Golis.

Madaxa Suuqgeynta Golis C/qaadir Jaamac Dayax oo shirkaasi Jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in Golis ugu talo gashay Barnaamijka Macaamisha, waxana uu si gaar ah u tilmaamay in xiliyada qaar gaar ahaan habeenkii oo kale laga dhigay lacag la'aan isticmaalka isgaarsiinta Golis sida Mobilka.

Mr. Dayax waxa kale oo uu sheegay in adeegyo dheerad ah lagu soo kordhiyay isticmaalka Lind line-ka sida in qofka isticmaalaya Lind line uu la hadli karo qof kale oo isticmaalaya Mobil Golis ah.

Shirkaasi Jaraa'id waxa kale oo ka hadlay K/simaha Mareeyaha Shirkada Siciid Aadan axmed oo ugu bishaareyay Dadweynaha Soomaliyeed in shirkadu ay dhowaan hirgelin doonto adeegyo casri ah oo la xiriira dhinaca Internetka.

Siciid Aadan Ku simaha Mareeyaha Golis waxa kale uu sheegay in Golis dhowaan ay ka shaqeyn doonto Gobolo kale oo dalka soomaliya ka mid ah.

Siciid Xuseen Ciid oo ah Madaxa Xiriirka Caalamiga ah ee Golis oo hadalo ka soo jeediyay Shirka Jaraa'id ayaa tilmaamay in Golis Himiladeedu ay tahay in Dalka oo dhan la gaarsiiyo adeega Golis sida Degaanada somaliland gaar ahaan Hargeysa oo uu ka shaqeeyo iminka Sim Cardka Golis.

Adeegyada Dheeradka ah ama Barnaamijka Farxadgelinta Macaamiisha Golis ayaa durba isticmaalkiisa laga dareemayaa Gobolada Puntland, iyada oo dadweynaha ay isugu hambalyeey nayaan adeegyada casriga ah ee shirkada soo kordhisay.

Cawaale Jaamac
Boosaso.

Faafin: SomaliTalk.com |  August 23, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS