Baaq ay Nairobi ka soo saartay hayada udoodo xaquqda aadamaha
Baaq ay kasoo saaray caawa magaalada Nairobi Hayada ama Ururka dhaqdhaqaaqa
nabada Bulshada soomaaliya ayaa waxaa lagu canbaareeyay dadka kawado dagaalada
gudaha soomaaliya ayadoona Ururkaani uu ugu baaqday dhamaan shacabka
soomaaliyeed in ay taageeran shirkii dhawan Jabuuti ay ku kala saxiixdeen
madaxda ka kala socotay Dowlada kmg soomaaliyo iyo Xubnihii kasocday isbaheysiga
dib uxoreynta garabkiisi jabuuti.
Hayadaan oo uu fadhigeedu yahay magaaladaan Nairobi ayaa waxa ay shir
jaraa’ido oo ay caawa ku qabteen Hotelka Karmal ee ku yaalo isgooyska 11 ee
xaafada isli kasoo saareen baaqaan hoos ku yaalo ayadoo ayna halkaas ka hadleen
qaar katirsan masuuliyiinta ugu sareeyso hayada oo uu kamid ahaa Gudoomiyaha
guud ee Hayada Maxamed Jimcaale Cali.
Baaqa ay Caawa soo saartay Hayadaan ayaa waxa uu intiisa badan ku wajihan
yahay sidii loo sii amba qaadi lahaa arimaha nabada ee ay hada wadaan qaar
katirsan madaxda siyaada Somaaliya hormuudka ka ah, Qaramada midoobay iyo qaar
kamid ah wadamada soomaaliya ladiriska ah ee ay Jabuuti ugu horeyso.
Hadaba ayadoo uu kusoo begmay baaqaani saacado un kadib markii ay gacanta
ugashay Magaala xeebeedka u ah caasimada gobalka Jubada hoose ee Kismaayo
xoogaga ku kacsan dowlada soomaaliya ee hada ay awoodoodu isisoo tareyso kuna
abtirsado Midowgii maxaakimta Islaamka ayaa waxa uu uqoran yahay baaqu sidatan.
![](23aug21.jpg)
peace action society organization for somalia (PASOS)
Baaq
1:-Hay'adu waxay baaq u
diraysaa Kooxaha Siyaasada Somalia inay joojiyaan Dagaalada ka soconaya
Somalia,isla markaana arrinta Collaada loo baddalo Wadda haddal,iyadoo lagu
salaynayo dhaqan galinta heshiiska jabuuti.
2:- Hay'adu waxay si buuxda u taageeraysaa Heshiiska ay Dawlada Somalia iyo
Isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliya ay kuwada Gaareen Magaalada Jabuuti ee
Dalaka Jabuuti.
3:-Sidoo kale waxay hay'adu Taageero iyo Mahadcelin u jeedinaysaa dhammaan inta
gacanta ka gaysatay heshiiskaasi,oo ay ugu horrayso Qaramada Midoobay,Dawlada
aanu walaalaha nahay ee jabuuti iyo Beesha caalamka sida hagar la'aanta ah ee ay
u garab istaageen Qabsoomida heshiiskaasi.
4:- Hay'adu waxaay baaq ku aadan joojinta dagaalada Magaalada Kismaayo u
jeedinaysaa Kooxaha halkaasi ku dagaalamaya,iyadoo ugu baaqaysa in arrinta
dagaaladaasi loo baddalo wadda haddal ayna ka qayb qaataan waxgaradka iyo
Qaybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi ku dhaqan si loo badbaadiyo noloshha
shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Deegaanadaasi.
5:- Hay'adu waxay cambaaraynaysaa falalka xad gudubka ah ee ay ciidamada Ethiopa
ka wadaan gudaha dalka soomaaliya,taasoo wiiqaysa Hirgalinta qoddobada heshiiska
Jabuuti.
6:- Hay'adu waxay ugu baaqaysaa Hay'adaha deeq bixiya,Maalqabeenada
Soomaaliyeed,iyo dhammaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku kala nool Waddamada
Caalamka inay kaalmo u fidiyaan Shacabka soomaaliyeed ee ku barakacay Dagaalada
ka soconaya Soomaaliya.
7:- Ugu danbayntii waxay hay'adu ugu baaqaysaa Dhamman kooxaha isku haya
siyaasada soomaaliya iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed inay u guntadaan
Hirgalinat Heshiiska Lagu gaaray Dalka jabuuti,kaasoo waddada u xaaraya Nabad
iyo Is afgarad ka dhaca Waddanka soomaaliya oo dhan.
C/salaan Maxamed Cali (najax)
Emails: najax@journalist.com
najax.usa@hotmail.com
Tells: +254-722-844-449:
Nairobi, Kenya.
Faafin: SomaliTalk.com | August 23, 2008
|