SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shir dhexmaray Beesha Dhulbahante iyo Geri oo lagu qabtay Magaalada Minneapolis.

Shir si wacan loo soo agaasimay ayaa ku dhaxmaray labada beelood ee Dhulbahante iyo Geri Koombe bishii la soo dhaafay July 6 dii magaalada Minneapolis ee gobolka Minasota.

Shirkaasi oo lagaga wada hadlay wax wada qabsiga iyo iskaashiga ku aadan hurumarinta danaha deegaanada labada beelood ee walaalaha ah, ayaa waxaa ka hadlay oadayo dhaqameedyo, waxgaradka iyo xubno ka socday labada beelood.

Shirkaasi oo lagu qabtay Hoteelka … ee magaalada Minneapolis, waxaa markii u horeysay hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay Md. Maxamed Xasan oo ah Afhayeenka beesha Dhulbahante ee waqooyiga Ameerika isaga oo uu Md, Maxamed Xasan u mahad naqay dhamaan dadka ka soo qayb galay shirkaasi iyo intii soo qaban qabisayba. Waxa uu Maxamed tilmaamay muhiimada uu leeyahay in shir noocan oo kale ah la qabto, oo laga wada hadlo isu soo dhaweynta iyo wax wada qabsiga labada beelood ee walaalaha ah. Kadib Maxamed wax uu hadalkii ku wareejiya Md. ….. oo ka mid Odayo dhaqameedyada beesha Dhulbahante ee degaanka Minasote ee dalkan Maraykanka. Waxaana Md. uu ka hadlay sida loogu baahan yahay wax wada qabsiga iyo danaha labada beelood ee walaalaha ah.

Kadib hadladaasi soo dhawenta ah waxaa ka hadlay oo lagu soo dhaweeyay madasha shirka Amb. C/Laahi Siciid, Sheekh Maxamuud Garaad Cusmaan, Xasan C/Laahi iyo Nuur Ibraahim oo ka socday dhinca beesha Geri.

Waxay dhamaan ku nuuxnuuxsadeen taariikhda dahabiga ee labada beelood ay wadaagaan, gaar ahaan dhinaca wadaniyaad iyo halganadii dheeraa ee ay u soo galen xornimo u dirirka Soomaaliyeed haday noqota halgankii Daraawiishta iyo Axmad Guray.

Waxa kale oo dhamaan ay ka hadleen sida loogu baahan ayahay iskaashiga labada beelood ee dhinaca nabada, hurumrinta degaanda ay ka soo jeedaan.

Xafaldasi waxaa xiriiriye ka ahaa Md.

Sawirada (Mr. Khaliil)

Faafin: SomaliTalk.com |  August 1, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS