SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo
02 August 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga.
Dad ay ciidammada gumaysigu laayeen
Raashiinkii oo Wayaanuhu iibsanayaan

Tuulada Galiil ee gobolka Jarar oo ay ciidamada gumaysigu ku toogteen
hooyo iyo 2 ilmood oo ay dhashay.

Shaahlayda Dhagaxbuur oo lacago baad ah qasab lagaga qaadayo.



======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga.


Dagaallo aad u badan oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah labadii toddobaad ee u denbeeyay, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 234 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 193 askari. Waxaa kaloo ciidammada gumaysiga laga gubay 1 baabuur oo Uuraal ah, sidaasna waxaa noo soo tabiyay wariyaha noga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan,

30/07/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Garbo, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

29/07/08 weerar mir ah oo lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Dannod waxaa lagaga dilay 4 askari, 18 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/07/08 dagaal ka dhacay Balanballe, oo Galaalshe ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 28/07/08 dagaal aad u culus oo ka dhacay Goro-garbo, oo Laga-hidda ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 43 askari, 29 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 28/07/08 dagaal adaga oo isaguna ka dhacay Boholaley waxaa gumaysiga lagaga dilay 25 askari, 29 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/07/08 weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo marayay meesha lagu magacaabo Jinnoole, waxaa lagaga dilay 15 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 27/07/08 waxaa ciidammada gumaysiga baabur Uuraal ah lagaga gubay duleedka Barmiil, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkii iyo in 50 askari ka badan oo saarnaa.

25/07/08 dagaal ka dhacay Sanxaskulle, oo degmada Galaalshe ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

24/07/08 dagaal ka dhacay Caga-jiid, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 24/07/08 dagaal sidoo kale ka dhacay Waab, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 24/07/08 dagaal isaguna ka dhacay Kolole, oo ka tirsan Laga-hidda, waxaa gumaysiga lagaga dilay 11 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

23/07/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Yucub, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Isla 23\07\08 dagaal adag oo laba mar oo kala duwan ka dhacay meesha lagu magacaabo Warta Axmed Guuleed, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 28 askari, 33 kalana waa lagaga dhaawacay.
22/07/08 Bariisad-cadde, oo ka tirsan degmada Dhuxun, dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 22/07/08 dagaal ka dhacay La-helow waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/07/08 dagaal ka dhacay Qabta, oo Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

16 iyo 21 weerarro loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Dayr, oo Awaare ka tirsan, waxaa isu gayn lagaga dilay 7 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 7 askari.

13/07/08 weerar mir ah ayaa lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Fiiq, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

12/07/08 Qabaal-gaddi, oo Fiiq ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 12/07/08 dagaal isaguna ka dhacay Dhagaxle waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 12/07/08 dagaal ka dhacay Qolloji waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhinaca kale ciidammada gumaysiga waxaa ku sii kordhaysa mooraal xumada haysa, waxaana ku badan goosashada iyo amar diidada. Toddobaadyadii u denbeeyay waxaa magaalada Baabili ka goostay 20 askari, Qollajina iyo Salaglana waxaa ka goostay mid walba 5 askari.

Dad ay ciidammada gumaysigu laayeen

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oo qaarkood maydkoodii laga helay Boholo ay ku rideen.

Afar qof oo magaalada Shaygoosh lagu xidhxidhay sannadkii 2007 ayaa toddobaadkan maydkoodii laga helay Bohol ay ciidammada gumaysigu lu rideen. Dadkaasi waxay kala yihiin,
1- Macalin Deeq Sh Xasan, oo ahaa Macalinkii Magaalada Shaygoosh
2- Maxamed Goohe Muxumed
3- Bashiir Yuusuf Ciwal iyo
4- Nin miyirka looga jiray oo magaciisa aanaan haynin.

Afartan nin ayaa maydkooda laga helay Bohol ay ciidammada gumaysigu ku rideen markii ay dileen, waxaana la helay iyagoo Silig lagu mirriyay, isla markaana Indhaha ka duuban.

27/07/08 meesha lagu magaco Dalaatu waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Cabdi Mawliid Shariif C/llaahi, waxay sidoo kale dhaawac gaadhsiiyeen C/llaahi Xuseen Cismaan iyo Diirrane Muxumed Cali oo ay sidoo kale ka dhaceen 4000 oo Bir.

17/07/08 Qoroto, oo Galaalshe ka tirsan, waxay ciidamada gumaysigu ku dileen shan qof oo rayad oo kala ah,
1- Maxamed C/raxmaan Xaaji
2- C/qaadir Muxumed Xuseen
3- Mukhtaar Cabdi Cumar
4- Xuseen Dayr Cali iyo
5- Shariif Axmed Shariif Xuseen

04/07/08 Malqaqa waxay ciidammada gumaysigu ku dileen afar qof oo rayad ah, waxaana agacyadooda haynaa,
1- Cabdi Muxumed Axmed iyo
2- Shugri Xirsi

Raashiinkii oo Wayaanuhu iibsanayaan


Ciidammada gumaysiga ayaa magaalooyinka Dhuxun, Iimey iyo Garbo ka billaabay ka billaabay hawlo ay ugu raad-gadayaan raashiin ay hay’adaha samafalku u keeneen dadka abaaraha ku waxyeelloobay, waxayna boqolkii ruux isku siiyeen 8 Kiish oo kaliya, arrintaasoo ay uga jeedaan inay caddayn uga dhigaan inay qaybiyeen raashiinkii dadka loo keenay.

Raashiinka intiisii kale waxay ku gurteen Bakhaarro, waxayna billaabeen inay dadka ka iibiyaan, iyagoo halkii Kiishba ku iibinaya 300 – 400 oo Bir ama hal Qori amase Qof ka mid noqdo dadka ay dagaalka isaga dhigayaan. Waxayna ilaa iyo hadda magaalada Garbo ka qaadeen 40 dhalinyaro ah oo aan la ogayn mel ay geeyeen.

Waxay hadda Wayaanuhu billaabeen inay aad u xidhxidhaan dadka ay xubno ehelkooda ahi Jabhadda ku jiraan ama n/hurayaasha ka mid yihiin

Tuulada Galiil ee gobolka Jarar oo ay ciidamada gumaysigu ku toogteen
hooyo iyo 2 ilmood oo ay dhashay.


Sida uu noogu soo waramay wariyaheena gobolka Jarar tuulada galiil oo qiyaastii 20 km dhanka galbeed Kaga began magaalada dhagaxbuur ayay cidamada gumaysigu ku toogteen hooyo iyo laba ilmood oo ay dhashay kadib markay rasaas ooda kaga qaadeen aqalkii ay kujireen.

Hooyada iyo labadaas ilmood oo aanaan weli magacyadooda helin ayuu wariyaheenu noo xaqiijiyey in mid kamid ah labadaas caruur uu halkii ku nafbaxay,halka hooyada dhashay iyo ilmaha kalana ay dhaawac halis ah u yaalaan tuuladii lagu tuugtay.

Mar aan wariyaheena weydiinay sababta keentay in rasaas la iskaga furo aqal wax kujira aan la ogayn ayuu noo sheegay in maalintaas maalintii ka horeysay uu dagaal culus ku dhexmaray cwxo iyo kuwa gumaysiga itoobiya deegaan aan sidaa uga fogayn tuulada Galiil oo la yidhaahdo ALAALEEY oo u dhow Naasahablood halkaas si xun loogu jabiyey ciidanka gumaysiga Itoobiya, wuxuuna intaas raaciyey wariyaheenu in dhacdadan ay kamid tahay dhacdooyinka faraha badan ee ay cgi kula kacaan shacabka rayidka ah marka lagu soo jabiyo goobaha dagaalka.

Dhanka kale:Magaalada dhagaxbuur maamulka dabaqoodhiga ah ayaa bilaabay inay shiriyaan shaahleyda magaalada dhagaxbuur kadibna ku qasbaan inay bixiyaan lacago baad ah oo ay ugu magic dareen Amniga,sidoo kale waxay maalintii khamiista ahayd isugu yeedheen tuulooyinka ku xeeran magaalada dhagaxbuur iyagoo dadka u sheegay in loo qaybinayo Qamandi,kadibna markay dadkii soo xaadireen kuwada qasbay inay ka dhaartaan jwxo kuna dhaartaan la dagaalankeeda.

Ugu dambayntiina maxaad ka kala filanayseen gumaysi iyo dabaqoodhiga uu garbaha ka rarto

Wariyaheena magaalada Jigjiga mar uu manta khdka telefonka nagula soo xidhiidhay ayuu noo sheegay in lasoo gaadhay xiligii baarimaha laga rifi lahaa ninka gumaysiga uga wakiilka ah Amniga Ogadenya,Cabdi Ileey oo isku hayay sadex jago oo kala ah Amniga,garsoorka iyo Cadaalada ayuu wariyaheenu noosoo sheegay in laga xanyuubiyey Garsoorka iyo cadaalada loona soo reebay Amniga oo kaliya,warkan oo si aad ah ugu jira Ogadenya lana filayo in maalmahan nagu soo aadan si cad usoo shaac bixi doonto ayaa dadku ku macneeyeen in sababta amniga loogu soo reebay ay tahay in waqti dhow lagusoo eedeeyo inuu amnigii waxba ka qabanin,kadibna garsoorkii iyo cadaaladii isaga laga xanyuubiyey la horkeeno waa gumaysi iyo caadadiis iyo dabaqoodhi iyo abaalkii.




02 August 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  August 3, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS